HAWGAL LAGA FULIYEY HIIRAAN IYO SH/DHEXE AYAA LAGU DILAY HOGAAMIYE SARE OO ALSHABAAB AH.

(SAWIRKA)-ASTAANTA NISA.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay labo dhagar-qabe oo ka tirsanaa qeybta marin-habaabinta Khawaarijta iyo 14 maleeshiyaad ah, ka fuliyay deegaannada Miirtaqwo iyo Tardo ee Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Howlgalladan waxaa sidoo kale lagu burburiyay agab iyo gaadiid. Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka Miirtaqwo waxaa lagu bartilmaameedsaday oo guud ahaan la burburiyay xarun ay Khawaarijtu ugu yeeri jireen “Guriga Amniga”, oo ay ku keydsanaayeen qalabka Idaacadda AL-Andalus. Waxaa halkaas lagu dilay Horjooge Cabdisamad Maxamed, oo ahaa madaxa guud ee qeybta marin-habaabinta AL-Andalus, iyo dhagar-qabe Cali Salaad oo ka tirsanaa qeybta marin-habaabinta, halka xubin kale uu dhaawac culus soo gaaray, waxaana halkaas lagu burburiyay qalabkii ay u adeegsan jireen marin-habaabinta dadweynaha. Dhanka kale, howlgallo is xigay oo laga fuliyay aagga deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo loo diyaarinayay in loo qaado deegaannada Goobo iyo Waabweyn si ay u abaabulaan falal lagu carqaladeynayo amniga dalka. Howlgalladaas waxaa lagu dilay 14 dhagar-qabe, waxaana lagu burburiyay gaari nooca Noah ah oo ay kooxdu adeegsanaysay. Howlgalladan waxay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda iyo abaabulka Khawaarijta, laguna burburinayo xarumaha iyo agabka ay u adeegsadaan falalka argagixisada.

XIGASHO-NISA.

Previous
Previous

WASIIR FIQI OO LA KULMAY MADAX HAWLGALKA AFRIKA.

Next
Next

MW-CIRRO OO CAAWA ISUGU YEERAY MASUULIYIIN KA KALA TIRA XISBIGIISA IYO DAWLADDA.