MW-CIRRO OO CAAWA ISUGU YEERAY MASUULIYIIN KA KALA TIRA XISBIGIISA IYO DAWLADDA.

(SAWIRKA)-MW-CIRRO.

(HARGEISA/SOMALILAND)-BREAKING NEWS: Dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xooggan ayaa caawa ka socda Qasriga Madaxtooyada Somaliland . Macluumaadka uu helay Tv-ga SAAB ee ka hawlgala Somaliland ayaa tilmaamaya in tiro badan oo saraakiil sare ah, kwaasoo xilal muhiim ah ka haya Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Cirro iyo Xisbiga talada haya ee Waddani, ayaa si deg deg ah loogu yeeray Madaxtooyada. Warbaahinta madaxa-bannaan ee Somaliland oo dhan ayaa weli heegan ku jirta, iyagoo filaya in lagu dhawaaqo War-saxaafadeedyo rasmi ah oo waa weyn oo la filayo in la sii daayo berri oo Axadda. Warbaahinta Madaxa Banaan sheegtay iney si dhow ula socon doonaan waxyaabha ka soo kordha hawsha caawa ka jirta Madaxtooyadda Somaliland. Wararka qaarkooda ayaa sheegaayo in waxa laga hadlaayo ey yihiin Aqoonsi cusub, Maxaabiistii dhulbahante ee la sii daayey iyo waxyaabo la xiriiro dhibaatooyinka dhaqaale ee hadda ka taagan Somaliland.

XIGASHO-SAAB TV.

Previous
Previous

HAWGAL LAGA FULIYEY HIIRAAN IYO SH/DHEXE AYAA LAGU DILAY HOGAAMIYE SARE OO ALSHABAAB AH.

Next
Next

DIYAARADA QADAR OO SI DEG DEG AH UGU DEGTAY GAROONKA MANCHESTER EE UK.