WASIIR FIQI OO LA KULMAY MADAX HAWLGALKA AFRIKA.
(SAWIRKA)-WASIIR FIQI MADAX AU EE SOMALIA.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi, si ay uga wada hadlaan adkeynta iskaashigooda xooggan ee lagu taageero nabadda iyo amniga ay Soomaaliya hoggaamiso. Kulanka ayaa diiradda saaray horumarradii dhawaa ee la xiriira amniga ay Soomaaliya majaraha u hayso, qorshayaasha mustaqbalka iyo hawlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubaysan ee sharci darrada ah. Labada masuul ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay inay sare u qaadaan isku duwista, qorshaynta wadajirka ah iyo hawllada wadajirka ah. Kulanka waxaa ka qaybgalay Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, Danjire Mouktar Osman Kaire, Taliyaha Qaybta 1-aad, S/Guuto Jackson Kayanja iyo Ku Simaha Madaxa Unugta Ilaalinta Rayidka, Xuquuqda Aadanaha iyo Jinsiga, Dr Cumar Cabdulle Calasow.
XIGASHO-SNTV.