GUDOOMIYE JAAMAC OO SOO SAARAY DIGNIIN AAD U CULUS.
(MUUQAALKA)-GUD.JAMAC.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa digniin adag u diray xildhibaanada si joogto ah uga maqnaada kulamada Golaha, isagoo sheegay in lala tiigsan doono xeer-hoosaadka Baarlamaanka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in aan la aqbali doonin xildhibaan kulanka yimaada, is xaadiriya, kadibna isaga baxa, isagoo xusay in xildhibaan kasta laga doonayo inuu si buuxda u guto waajibaadka loo igmaday. “Xildhibaanada sabab la’aanta uga maqan kulamada Golaha xeer-hoosaadka ayaa lala tiigsan doonaa. Mana la aqbali doono xildhibaan inta uu yimaado is xaadiriya, ka dibna iska baxa,” ayuu yiri Guddoomiye Cabduqaadir Maxamed Nuur. Wuxuu sheegay in maalmahan ay kulamada Golaha mararka qaar ku furmayeen marka la helo tirada kooramka oo gaareysa ku dhowaad 140 xildhibaan, iyadoo Baarlamaanka Federaalka uu ka kooban yahay 275 xildhibaan iyo xubno kale oo dastuurku qeexayo. Guddoomiyaha ayaa sheegay in la doonayo in Golaha Shacabka uu si buuxda u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah, isagoo xusay in la diyaariyey xeer-hoosaadyo lagu nidaaminayo xaadiritaanka iyo maqnaanshaha xildhibaanada. Wuxuu tilmaamay in qodobbada cusub ee xeer-hoosaadka si rasmi ah loo dhaqan gelin doono, ayna digniin heli doonaan xildhibaanada aan gudan waajibaadkooda ama aan imaan kulamada waqtiga loogu talagalay. “Waxaa saacaddaan laga bilaabo farayaa xoghayaha inuu digniinta u gudbiyo qof walba oo aan imaan waqtiga xeer-hoosaadku oggol yahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha. Guddoomiyaha ayaa xusay in duruufaha bani’aadamku ay jiraan, isla markaana xildhibaan uu fasax ku maqnaan karo marka ay jirto sabab la aqbali karo. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in xildhibaan aan fasax haysan oo ka maqnaada Golaha ama soo xaadira kadib waqtiga loo cayimay uu mutaysan doono digniin iyo tallaabooyinka uu xeer-hoosaadku oggol yahay. Arrintaan ayaa imaaneyso ka dib markii Xildhibaanadda Mucaarad sheegto kana tirsan Golaha shacabka ee BJFS kuna sugan caasimadda Muqdisho ey go’aansadeen ineysan imaan Kafadhiyadda Golaha iyo kulanada looga doodaayo arrimaha masiiriga ah ee dalka.
ISHA-HOL.