KORNEYL ASHKATO OO BAXSADAY DHINACA MAAMULKA WAQOOYI BARI.
(MUQAALKA)-SARKAAL KA BAXSADAY SL.
(HARGEISA/SOMALIA)-Dhacdo murugo leh ayaa xalay ka dhacday magaalada Hargeysa, kaddib markii nin loo sheegay in uu qabay xanuunada maskaxda uu wiil yar oo uu dhalay oo 10 jir ahaa uu ku dilay xaafada Maxamed Mooge, ee magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland. Dhacdadan ayaa la sheegay inay dhacday abaaro 9:30-kii habeenimo, waxaana goob joogayaal ay sheegeen in aabaha iyo wiilkiisa uu muran dhex maray, kaddibna aabuhu uu wiilka daba galay isaga oo markii dambe nafta dhaafiyay. Farax, oo ka mid ah dadka goobta ku sugnaa, ayaa MMTV u sheegtay inay aragtay aabaha oo wiilka u yeedhaya, balse wiilku uu cararay. Waxay sheegtay in markii dambe aabuhu uu wiilka qabtay, korkana uga fadhiistay, kaddibna dhagax wajiga kaga dhuftay dhowr jeer. Goobjooguhu waxay intaas ku dartay in markii ay dhacdada aragtay ay qaylisay oo ay isku dayday inay gargaar hesho, balse aabuhu uu wiilka guriga kasoo saaray isagoo jiidaya, kaddibna uu dhagax weyn madaxa kaga dhuftay, taasoo sababtay inuu geeriyoodo. Dadka xaafada ayaa markii dambe maydka wiilka maro ku daboolay, waxaana lala xidhiidhay ciidamada ammaanka, oo markiiba la wareegay kiiska. Goobjoogayaal kale ayaa sheegay in loo sheegay in aabaha uu la noolaa xanuun dhanka maskaxda ah, inkastoo ayna si madax-bannaan u xaqiijin karin xaaladdiisa caafimaad. Farax ayaa sheegtay in iyada iyo qoysku ay deris ahaayeen muddo ku dhow 11 bilood, ayna hore u arki jirtay aabaha oo si wanaagsan u daryeelaya carruurtiisa, iyadoo tilmaantay in dhacdadan ay naxdin ku noqotay dadka xaafada. Ciidamada ammaanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, mana cadda xaaladda aabaha iyo tallaabada sharci ee laga qaaday. Arrimahaan dilka ah ayaa maalmahaan waxa ey ku soo badanayaan degaanadda Somaliland, waxaane maamlmo ka hor isbitaalka Hargeysa isku dishay haweeyn Umul ahayd taaso arrinkeedu uu dhaliyey muran xoogan oo u dexeeya Xisbiyadda Somaliland. Dhinaca kale, Korneel Cali Axmed Ismaaciil (Ashkato), oo hore uga tirsanaa ciidamada Somaliland, ayaa sheegay inuu ka goostay ciidamada Somaliland, kuna biiray ciidamada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Sanaag. Ashkato oo ahaa taliyihii ciidamada Somaliland ee Yubbe iyo ciidamo uu hoggaaminayo ayaa ku biiray ciidamada Daraawiishta Waqooyi Bari, gaar ahaan Taliska Qaybta 12-aad ee Fiqi-Fuliye. Qoraal kasoo baxay ciidamada Daraawiishta Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in Korneel Ashkato, oo ay la socdaan ciidamo kale, uu soo gaadhay taliska qaybta 12-aad ee ciidamada Daraawiishta ee gobolka Sanaag, halkaas oo uu kusoo dhaeeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Waqooyi Bari iyo saraakiil kale. Sarkaalka ayaa sheegay in go'aankiisa uu ku saleeyay dareenka iyo rabitaanka dadkiisa, isagoo xusay in suldaankiisu uu dhawaan taageeray maamulka Waqooyi Bari. Ashkato ayaa sidoo kale sheegay in ka hor inta uuna ku biirin ciidamada Waqooyi Bari la xidhiidhay saraakiil iyo wasiirro ka tirsan maamulkaasi, kaddibna uu go'aansaday inuu ka soo goosto dhinaca Somaliland. Inkasta oo aan si madaxbanaan loo xaqiijin karin qaar kamid ah warbaahinta muxaliga ah ayaa warinaya in Ashkato uu la goostay baabuur qori ku rakiban yahay iyo ku dhawaad 10 askari oo ku hubaysan qoryaha fudud. Ku biirista Ashkato iyo ciidamadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay weli xiisad siyaasadeed iyo mid amni ka jirto qaybo ka mid ah gobolada Sanaag iyo Sool, iyadoo Somaliland iyo Waqooyi Bari ay labaduba sheeganayaan saameyn iyo maamul ku aaddan deegaano ka tirsan goboladan.
ISHA-HOL.