GOLAHA MUSTAQBALKA SOOMAALIYA OO EEDEYN U SOO JEEDIYEY MW-XASAN SHEEKH.

(MUUQAALKA)-GMS.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay tallaabooyin uu ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu ku doonayo la wareegidda Maxkamadda Sare ee dalka, isagoo sidoo kale sheegay in hay’adaha amniga ay baacsanayaan guddoomiyaha maxkamadda iyo garsoorayaashii soo saaray go’aan la xiriira muranka dastuuriga ah. Warsaxaafadeed uu goluhu soo saaray maanta ayuu ku sheegay in tallaabooyinkaasi ay halis ku yihiin madax-bannaanida garsoorka, sarreynta sharciga iyo nidaamka dastuuriga ah ee dalka. Golaha ayaa soo dhoweeyay go’aanka Maxkamadda Sare ee summaddiisu tahay MS/DST/1/2026, kaas oo, sida uu sheegay, faraya Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirrada inay muddo 90 maalmood gudahood ah ku saxaan khaladaadka dastuuriga ah, isla markaana dalka dib ugu soo celiyaan nidaamka dastuuriga ah. Golaha Mustaqbalka ayaa xusay in go’aanka maxkamaddu uu muhiim u yahay xaqiijinta madax-bannaanida garsoorka, ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadaha muwaadiniinta, iyo ka hortagga faragelinta siyaasadeed ee hay’adaha garsoorka. Sidoo kale, goluhu wuxuu sheegay in tallaabooyinka uu ku eedeeyay dowladda ay wiiqayaan kalsoonida shacabka iyo dowladnimada, isla markaana ay dalka gelin karaan xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo aan la saadaalin karin. Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in Golaha Mustaqbalka uu aaminsan yahay in muddo-xileedka Madaxweynaha Soomaaliya uu dhammaaday 15-kii May 2026, halka muddada Baarlamaanka Federaalka ay ku ekayd 14-kii Abriil 2026, isagoo arrintaas ku saleeyay go’aanka Maxkamadda Sare. Goluhu wuxuu ku dooday in sharciyada, magacaabista xilalka iyo siyaasadaha la meel mariyay muddadaas kaddib ay u baahan yihiin dib-u-eegis sharci, taas oo la sameyn doono marka dib loo soo celiyo sarreynta sharciga. Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa mar kale ku celiyay taageerada uu u hayo madax-bannaanida hay’adaha garsoorka, isaga oo ku baaqay in la ilaaliyo dastuurka iyo nidaamka dowladnimo ee dalka.

ISHA-HOL.


Previous
Previous

DALADDA BULSHADA RAYIDKA AH OO WALAAC KA MUUJISAY…

Next
Next

MIDAWGA YURUB IYO MIDAWGA AFRIKA OO SOOMAALIYA UGU BAAQAY INEY….