DALADDA BULSHADA RAYIDKA AH OO WALAAC KA MUUJISAY…

(MUUQAALKA)-GUDOOMIYE SHAATAX.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Daladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee SONSA ayaa walaac xooggan ka muujisay khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, iyadoo ka digtay in haddii aan xal wada-hadal lagu dhammeeyn ay isu beddeli karaan gacan-ka-hadal sababa dhimasho, dhaawac iyo barakac. SONSA ayaa sheegtay in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ay ku guuldarreysteen inay mudnaanta siiyaan wada-hadal ku dhisan tanaasul iyo mas’uuliyad, iyadoo xustay in wada-hadalku yahay waddada keliya ee xal waara looga gaari karo khilaafaadka jira, laguna badbaadin karo dalka. Daladdu waxay ugu baaqday madaxda Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka inay si degdeg ah isugu yimaadaan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro arrimaha la isku hayo ee doorashooyinka iyo amniga. Waxay sidoo kale ugu baaqday culimada, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhallinyarada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan dejinta xiisadda iyo isu soo dhoweynta dhinacyada siyaasadda. SONSA ayaa ka digtay in sii socoshada khilaafaadka siyaasadeed ay saameyn culus ku yeelan karto shacabka, iyadoo suuragal ay tahay inay sababaan dhimasho, dhaawac, barakac iyo in dad badan ay waayaan nolol-maalmeedkooda. Dhanka kale, daladdu waxay farriin u dirtay warbaahinta iyo dadka isticmaala baraha bulshada, iyadoo ku boorrisay inay hubiyaan xogta ka hor inta aysan faafin, kana fogaadaan hadallada hurin kara qabyaalad iyo aargoosi, kuwaas oo ay sheegtay inay colaadda ku fidin karaan bulshooyin aan markii hore qayb ka ahayn khilaafka. Ugu dambeyn, SONSA waxay madaxda dalka ka codsatay inay qaataan go’aanno fursad siinaya gogosha wada-hadalka, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu joojinayo dagaallada socda, lagagana hortegayo kuwo cusub, si loo ilaaliyo shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

ISHA-GJ.

Next
Next

GOLAHA MUSTAQBALKA SOOMAALIYA OO EEDEYN U SOO JEEDIYEY MW-XASAN SHEEKH.