MIDAWGA YURUB IYO MIDAWGA AFRIKA OO SOOMAALIYA UGU BAAQAY INEY….

(MUUQAALKA)-CALAMADA EU IYO AU.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay sameyso qiimeyn ku saabsan saameynta ay dhimista taageerada howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ku yeelan karto amniga dalka iyo qorshaha ay ciidamada Soomaaliyeed kula wareegayaan mas'uuliyadda amniga. Baaqan ayaa ku soo baxay war-murtiyeed ay labada dhinac soo saareen kaddib kulankoodii 17-aad ee wadatashiga amniga, kaas oo 6-dii November 2026 ka dhacay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya. Labada dhinac ayaa sheegay in loo baahan yahay qiimeyn uu hoggaaminayo maamulka Soomaaliya, si loo ogaado saameynta isbeddellada ku imaanaya taageerada Qaramada Midoobay iyo tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah mustaqbalka amniga dalka. UNSOS ayaa ciidamada AUSSOM siisa taageero muhiim ah oo ay ka mid yihiin shidaalka, cuntada, biyaha, gaadiidka, adeegyada caafimaadka iyo saadka kale ee lagama maarmaanka u ah hawlgallada. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Mareykanka uu shaaciyay qorshe 12 bilood ah oo lagu dhimayo taageerada saadka ee UNSOS, kaas oo la filayo inuu bilaabmo January 2027, taasoo dhalisay walaac ku saabsan sida loo sii wadi karo taageerada ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya. Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa ku adkeystay in isbeddel kasta oo ku yimaada taageerada caalamiga ah loo qorsheeyo si taxaddar leh, si aanay u saameyn guulihii laga gaaray dagaalka Al-Shabaab iyo dadaallada lagu dhisayo awoodda ciidamada Soomaaliyeed.

ISHA-HOL.


Next
Next

SOOMAALIYA IYO MASAR OO KA WADA HADLAY AMNIGA BADDA CAS.