SOOMAALIYA IYO MASAR OO KA WADA HADLAY AMNIGA BADDA CAS.

(MUUQAALKA)-CALAMADA SOOMAALIYA IYO MASAR.

(TRIPOLI/LIBYA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya kulan kula yeeshay dhiggiisa dalka Masar, Dr. Badr Cabdu-caadhi, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada dal, iskaashiga dhinacyada kala duwan iyo xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa ka qabsoomay magaalada Tripoli, xilli labada wasiir ay ka qeybgalayeen kalfadhiga 22-aad ee Golaha Fulinta Isbaheysiga Dalalka Xeebaha iyo Saxaraha. Labada wasiir ayaa ka wada hadlay sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta, maalgashiga iyo iskaashiga labada dowladood. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa kulanka ku caddeeyay in dowladdiisu ay ka go’an tahay sii wadista taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu dhisayo hay’adaha dowladda iyo xoojinta awoodda hey’adaha qaranka. Sidoo kale, wasiirka Masar ayaa mar kale xaqiijiyay mowqifka dalkiisa ee ku aaddan ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay diidmada tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa midnimada dhulka Soomaaliyeed ama madaxbannaanida dalka. Dhanka kale, labada wasiir ayaa is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha ka taagan gobolka Geeska Afrika, iyagoo isku raacay muhiimadda ay leedahay taageeridda hay’adaha dowliga ah iyo ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalalka gobolka. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa sidoo kale adkeeyay in amniga iyo maamulka Badda Cas ay tahay mas’uuliyad gaar u ah dalalka ku teedsan xeebaha Badda Cas, taas oo uu ku tilmaamay arrin ay tahay in dalalka gobolka ay door hoggaamineed ku yeeshaan. Ugu dambeyn, labada wasiir ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wadatashiga iyo isku-duwidda mowqifyada labada dowladood, iyagoo sidoo kale ka hadlay sidii loo sii ambaqaadi lahaa natiijooyinkii shir madaxeedkii ay Masar qabatay bishii October ee sanadkii hore, kaas oo la xiriiray taageeridda nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka.

ISHA-GJ.

Previous
Previous

MIDAWGA YURUB IYO MIDAWGA AFRIKA OO SOOMAALIYA UGU BAAQAY INEY….

Next
Next

TABABARIHII XULKA QARAN MASAR OO SHAQADII LAGA ERYEY.