GEN.ZAKIYA OO LA SHAQEYN DOONTA HAWLGALKA MIDAWGA AFRIKA EE AUSSOM.

(SAWIRKA)-GEN.ZAKIYA.

(MUQDISHO)-Taaliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Zakia Hussen Axmed, ayaa loo magacaabay La-taliyaha sare ee dhinaca Booliska ee howlgallada Nabad Ilaalinta Afrika ee Midowga Afrika (AU) iyo saaxiibada kale ee Amniga gobolka. Sarkaaladda sare ayaa sheegtay iney rajaynayso iney la wadaagto Waaya-aragnimadeeda “dhinaca kale”, iyada oo tixraacaysa Soomaaliya, oo muddo dheer qaadanaysay hawlgalka nabad ilaalinta ee ugu weyn Midowga Afrika. Waxay xustay in magacaabisteeda ey ka dhigan tahay bog muhiim ah oo ka mid ah socdaalka Amniga Soomaaliya, iyadoo ey tahay markii ugu horeysay oo taliye ku xigeenkii hore ee Booliska Soomaaliya ey ku soo biirto masraxa Nabad Ilaalinta Midawga Afrika. Waxa ey sheegtay in doorkan uu ka tarjumayo sida ey u horumareen Hay’adaha Amniga Soomaaliya oo isugu jira karti iyo xirfad labadaba. "Waan ku faraxsanahay in aan ka shaqeeyo door cusub oo ah Lat-aliyaha Sare ee Booliska ee hawlgallada Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika iyo la-hawlgalayaasha kale ee Ammaanka Gobolka. Ka faa'iidaysiga kartida maxaliga ah ayaa muhiim u ah horumar waara, waxaana ku faraxsanahay inaan qayb ka noqdo kooxdaas Madaxda Amniga Afrika kuwaasoo gacan ka geysan doona Horumarinta Siyaasadaha iyo hababka ugu wanaagsan ee Nabad ilaalinta Afrika," ayey tiri.Mas'uuliyadeeda muhiimka ah waxaa ka mid ah bixinta talooyinka khabiirada AU iyo adeegyada Booliiska Qaranka ee horumarinta iyo hirgelinta hawlgallada taageerada nabadda (PSO) caqiidooyinka, siyaasadaha, iyo heerarka. Waxay sidoo kale taageeri doontaa xoojinta hawlgallada ey hormuudka ka tahay AU, waxay gacan ka geysan doontaa dhisidda ciidamo booliis ah oo iskood isku taxalujiya iyadoo loo marayo tababaro, waxayna gacan ka geysan doontaa qaabeynta khariidadyada qorista, sii-haynta, iyo hawlgelinta. Jeneral Zakiya waxa ey dhalatay February 6, 1984, waxa eyna ku dhalatay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, iyada oo lix jir ah ayey qoyskeeda uga soo qaxday dagaalladii sokeeye, waxaanay u guurtay dalka Sweden, halkaasoo ey ku qaadatay waxbarashadeedii hore. Iyadoo 22 jir ah, waxay u guurtay London, iyada oo dhammaysay Waxbarashadeeda sare waxayna ka qalin jabisay laba shahaado oo Master ah oo ku takhasusay Xiriirka Caalamiga ah iyo Diblomaasiyadda. Taariikh-nololeedkeeda, waxay kaga sheekaynaysaa sidii waqtigeedii Jaamacadda uu u sii qoto dheereeyay ka qayb galka bulshada Soomaaliyeed ee dibadda, halkaasoo ey ka mid noqotay dhaqdhaqaaqyada dhaqan-siyaasadeed ee caalamiga ah oo ey hormuud ka yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed oo leh ajande qaran. Iyadoo ey ka dhalatay rabitaan ah iney gacan ka geysato dib u soo celinta sharciga iyo dowladnimada dalkeeda hooyo, waxa ey door biday iney ka tagto UK oo ey dib ugu soo laabato Soomaaliya, inkastoo eysan jirin qoys u kaalmeeya dib u dejinteeda. Sida ku cad xog-ururinteeda, waxa saamayn iyo dhiirigelin ka helay halgankii gobonimo doonka ee awoowgeed, waxaanay ka carootay kor u kaca fikradaha Xagjirka ah ee ku dhex jira Qurba-joogta Soomaalida ee UK iyo dalka dibadiisa. Taasi waxay ka dhigtay iney noqoto qof firfircoon oo caan ka ah bulshada Soomaaliyeed, waxaana lagu casuumay iney ka hadasho shirar caalami ah oo dhowr ah oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya. Dhammaadkii 2012, General Zakiya waxay u guurtay Soomaaliya waxayna bilawday iney u shaqeyso Maareeyaha Barnaamijka Machad Maxalli ah. Iyada oo ku dhiiratay iney si toos ah ugu adeegto, waxa ey markii dambe ku biirtay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyadoo ka gaartay darajada Taliye Ku-xigeenka Booliska iyo ugu dambeyntii Taliyaha Booliska.

XIGASHO-EV.


Previous
Previous

DUQEYN LAGU LAAYEY ALSHABAAB OO KA DHACDAY XADKA G/MUDUG IYO H/SHABEELE.

Next
Next

DAWLAD GOBOLEEDKA WAQOOYI-BARI OO DOORTAY MADAXWEYNE IYO KU XIGEEN.