DUQEYN LAGU LAAYEY ALSHABAAB OO KA DHACDAY XADKA G/MUDUG IYO H/SHABEELE.
(SAWIRKA)-DIYAARADAH DAGAALKA.
(GALMUDUG)-Wararka laga helaayo Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaayo in xadka u dhexeeyo Gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe ey Xalay ka dhacday duqeyn culus taaso lala eegtay xubno ka tirsan kooxda AL-shabaab. Duqeynta oo ey fuliyeen diyaaradaha dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay aagga deegaanka Hareera Culusow oo ah deegaan ey gacanta ku hayso maleeshiyada AL-shabaab. Ilo wareedyo ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyntan lagu garaacay saldhigyo AL-Shabaab ey ku leeyihiin halkaas oo ey ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo Horjoogayaal sar sare oo ka tirsan kooxda AL-shabaab. Wararku waxay intaasi ku darayaan in weerarka lagu dilay xubno badan oo ka tirsanaa AL-Shabaab oo isku uruursanayeen halkaasi, hase ahaatee ma jirto war rasmi ah oo xaqiijinaya inta uu dhan yahay khasaarajlha rasmiga ah ee kooxda kasoo gaaray duqeynta. Jugta duqeynta ka dhacday xadka Gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe ayaa si weyn loog maqlaayay xalay deegaano ka fog fog aaga duqeymaha lagula eegtay Maleeshiyaadka AL-shabaab. Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ee ka taageerada dowladda oo ku aadan khasaaraha ka dhashay duqeymaha xalay lala beegsaday goobta ey isku aruursanayeen kooxda AL-shabaab.
ISHA-HOL.