YAA FASHILIYEY SHIRKII ISTANBUL EE U DHEXEEYEY SIYAASIIN MIISAAN LEH?
(SAWIRKA)-SIYAASIYIIN SOOMAALIYEED.
(ISTANBUL)-Wararka aan ka heleyno magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegaayo in halkaasi ey ku kulmeen Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka Soomaaliya, Siyaasiyiintaas ayaa ujeedka kulankooda lagu sheegay inuu ahaa taageeridda Musharax Madaxweyne Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). Xogta ey heshay Warbaahinta Suuqbacaad Media ayaa sheegeysa in kulankaasi ey goobjoog ka ahaayeen Siyaasiyiinta kala ah(1)-Ex.Reysal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, (2)-Ex.Madaxweyne hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, (3)-Ex.Wasiirka Amniga Gudaha hadana ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee BJFS Maxamed Abukar Islaw, (4)-Ex.Gudoomiyihii hore ee G/Banaadir ahne Duqa Caasimadda Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed iyo (5)-Ex.Agaasimihii hore ee Hayadda Nabad Sugidda iyo Siroonka Qaranka-NISA Fahad Yaasiin X.Daahir, ujeedka kulanka Siyaasiyiinta ayaa ahaa sidii taageero loogu muujin lahaa Musharax Madaxweyne Saacid marka la gaaro doorashada lagu wado iney dhacdo sannadka soo socdo 2026-ka. In la taageero Musharax Saacid waa la isla meel dhigay balse waxa uu muran xoogan oo sababay in dib la isugu soo laabto uu ka yimid cidda noqoneysa Reysal Wasaaraha dalka haddii Saacid uu guuleysto xilka Madaxweynaha dalka Soomaaliya sannadka 2026-ka? Awood qeybsiga dalka Soomaaliya ka jira weli ma uusan gaarin heer uu ka madax banaan yahay Qabiilka oo weli waxa uu salka ku hayaa Qabyaalad xitaa haddii Ururo Siyaasadeed lagu tartamo waayo beelaha Soomaaliya ugu tunka weyn weli iyaga ayaa ah kuwa hogaaminaayo hagaayana Siyaasadda dalka Soomaaliya. Murti Soomaaliyeed ayaa dheheyso”Quud aanad haysan looma Qoryo Gurto”,waa sida hadda ka muuqata Siyaasiyiintii Istanbul ku kulantay iskuna qabsatay xilka Reysal Wasaare aan la heyn Madaxweynihiisa, damaca Siyaasiga Soomaaliyeed ayaana ah mid ka gudbay xadkiisii gaarayne heer qof kasta iska sheego waxa uu isaga rabo. Dhinaca kale,warar aan la xaqiijin kuna dhaw Saacid ayaa sheegaayo in Saacid uu isaga baxay Garabka Madasha Samatabixinta ee uu Hogaamiyo Ex.Mw.Sheekh Shariif Sheekh Axmed,xubnana ey ka yihiin Xil.C/raxmaan C/shakuu Warsame iyo Ex.Rw-Xasan Cali Kheyre, iyo Agaasimihii hore ee Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Koofi, waane jab hor leh haddii Saacid macsalaameeyey kooxda Shariif hogaamiyo kuwaaso hadda u muuqda kuwa taagan meel cidla ah.
SB-MEDIA.