DUQEYN KA DHACDAY SH/HOOSE OO LAGU DILAY ALSHABAAB FARA BADAN.
(SAWIRKA)-TALIYAHA GUUTADA 20-AAD EE GOR GOR.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ey 1-dii iyo 2-dii bishaan Luulyo 2026 fuliyeen duqeymo is xigxigay oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta AL-Shabaab ee deegaannada Tawakal, Nuun Garre iyo Ugunji ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Duqeymahaas ayaa lagu dilay 27 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, halka labaatameeyo lagu dhaawacay. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay gaadiid, hub, saanad ciidan iyo fariisimo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay abaabulka iyo fulinta falalka argagixisanimo. Wasaaradda Gaashaandhigga waxay u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada. Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta AL-Shabaab, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
ISHA-RADIO SNA.