WASIIR FIQI OO KA QEYBGALAY SHIRKA ISTARATIIJIYADDA CIIDAMADDA XDS.

(SAWIRKA)-GOOBTA SHIRKA.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Wasiirka Wasaradda Gaashaandhigga Axmed macalin faqi iyo Taliyaha Ciidanka XDS, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda Ciidanka XDS, kaas oo lagu falanqeeyay warbixino iyo aragtiyo la xiriira horumarinta, dib u dhiska iyo tayeynta Ciidanka XDS. Shrikaan ayaaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah Taliyaashii hore Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed sida Sareeya Gaas Daahir Aden Cilmi “Indha-qarshe”” iyo Sareeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxyiiin Cadoow. Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee Ciidanka XDS, iyadoo xubnaha guddigu ay Wasiirka u soo bandhigeen warbixino iyo talooyin ku saabsan xoojinta awoodda Ciidanka iyo dardargelinta geeddi socodka dib u dhiska Ciidanka XDS. Guddigan, oo ay ka tirsan yihiin saraakiil sare oo door muhiim ah ka soo qaatay dib u aasaaskii iyo hoggaamintii Ciidanka XDS kaddib burburkii dowladdii dhexe, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee lagu tayeynayo Ciidanka, si loo helo ciidan awood u leh gudashada waajibaadkiisa qaran ee difaaca dalka, ilaalinta madax-bannaanida iyo sugidda amniga guud ee dalka. Ugu dambeyntii, Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa ku booriyey guddiga inay sii xoojiyaan shaqooyinka, daraasadaha iyo talooyinka istiraatiijiyadeed ee ay wadaan, si loo xaqiijiyo yoolalka mudnaanta u leh dhismaha, casriyeynta iyo tayeynta Ciidanka XDS.

ISHA-SNA.


Previous
Previous

URURKA ISKASHIGA ISLAMKA OO CAMBAREYEY SHARCI ISRAEL KU RABTO IN LAGU JOOJIYO AADAANKA SALAADA.

Next
Next

DUQEYN KA DHACDAY SH/HOOSE OO LAGU DILAY ALSHABAAB FARA BADAN.