DOORASHADA QOF IYO CODKA AH OO KA BILAABATAY G/MUDUG IYO H/SHSBEELE.

(MUUQAALKA)-DADKII U DAREERAY SAKAY DOORASHADA.

(H/SHABEELE/G/MUDUG)-Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay maamul-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle doorashada qof iyo cod, iyadoo cod-bixiyayaashu u dareereen goobaha codbixinta si ay uga qayb qaataan doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada. Magaalada Jowhar, caasimadda Hirshabeelle, waxaa codkooda dhiibtay musharraxa hoggaamiyaha Hirshabeelle ee ururka JSP, Cali Guudlaawe Xuseen, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo sidoo kale la arkayay dadweyne safaf ugu jira goobaha codbixinta. Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin muhiim u ah dadka Hirshabeelle, isagoo xusay in shacabka gobolku ay u dareereen goobaha codbixinta si ay u doortaan cidda ay doonayaan. Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ayaa maanta sidoo kale lagu soo rogay bandow soconaya ilaa fiidkii, iyadoo tallaabadan lagu sheegay inay qayb ka tahay qorshaha lagu xaqiijinayo amniga goobaha codbixinta iyo habsami-u-socodka doorashada. Dhanka Galmudug, cod-bixintu waxay ka bilaabatay magaalooyin ay ka mid yihiin Dhuusamareeb, Guriceel, Cadaado iyo Gaalkacyo, iyadoo wararka goobaha qaar ay sheegayaan in dadku safaf dhaadheer u galeen cod-bixinta. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan, oo gaaray magaalada Jowhar, ayaa sheegay in doorashadu si habsami leh uga bilaabatay labada maamul-goboleed. Waxa uu sheegay in 10 degmo oo Hirshabeelle ah iyo 10 degmo oo Galmudug ah ay saaka ka furmeen goobihii loo qorsheeyay cod-bixinta, isagoo xusay in kumannaan shaqaale Soomaaliyeed iyo ciidamada ammaanka ay door ku leeyihiin qabsoomidda doorashada. Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shacabka labada maamul ugu baaqay inay ka qayb qaataan cod-bixinta, ayna doortaan musharraxa iyo ururka ay iyagu rabaan. Doorashada Galmudug ayaa ah cod-bixin dib loogu celinayo doorashadii 30-kii July, kaddib markii maxkamadda sare ay burisay natiijadii hore, iyadoo lagu sababeeyay khaladaad maamul iyo habraac. Bilowga cod-bixinta Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ah tallaabo ka mid ah hannaanka Soomaaliya ugu gudbeyso nidaam doorasho oo shacabka ay si toos ah codkooda ugu dhiibanayaan, halkii ay ka ahaan lahayd nidaamkii doorashada dadban.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

GUDOOMIYE C/KARIIM OO KA HADLAY DOORASHOOYINKA MAANTA.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO BOOQASHO SHAQO KU TEGAY DALKA JABUTI.