MW-XASAN SHEEKH OO BOOQASHO SHAQO KU TEGAY DALKA JABUTI.

(MUUQAALKA)-MW-XASAN IYO MW-ISMAACIIL.

(DJBOUTI)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta safar shaqo ku tagay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kulan miro-dhal ah kula yeeshay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti. Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyo arrimaha la xiriira nabadda iyo xasilloonida gobolka.Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa si gaar ah uga wada hadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, iyagoo isla eegay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dal ee ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka. Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Jabuuti ayaa qeyb ka ah xiriirka iyo wadashaqeynta joogtada ah ee labada dowladood, iyadoo Soomaaliya iyo Jabuuti ay leeyihiin xiriir dhow oo ku dhisan derisnimo, walaaltinimo iyo dano wadaag.

ISHA-GJ.

Previous
Previous

DOORASHADA QOF IYO CODKA AH OO KA BILAABATAY G/MUDUG IYO H/SHSBEELE.

Next
Next

HAYADAHA AMAANKA SURIYA OO QABATYA MALEESHIYO KA TIRSAN XIZBULLAHI.