GUDOOMIYE C/KARIIM OO KA HADLAY DOORASHOOYINKA MAANTA.

(MUUQAALKA)-GUD.C/KARIIM.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in doorashadu si habsami leh uga bilaabatay 10 degmo oo ka tirsan Hirshabeelle iyo 11 degmo oo ka tirsan Galmudug. Shacabka ku nool 11-ka degmo ee Galmudug ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta, halkaas oo ay ku dhiibanayaan codkooda, iyagoo dooranaya xubnaha matalaya deegaannadooda. Doorashadan qof iyo codka ah ayaa ah mid muhiim u ah hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo markii ugu horreysay muddo dheer kadib shacabka deegaannada qaarkood ay si toos ah uga qayb qaadanayaan doorashada wakiilladooda. Goobaha codbixinta ayaa waxaa ka muuqda isu-socodka iyo safafka shacabka, iyadoo hay’adaha ammaanka iyo guddiyada doorashooyinkuna ay qaadeen tallaabooyin lagu xaqiijinayo in howlaha codbixintu ay u dhacaan si nabad ah oo habsami leh. Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in doorashada ay ka socoto degmooyinka loo asteeyey, iyadoo shacabka loogu baaqay inay si nabad ah uga qayb qaataan hannaanka doorashada. Doorashada qof iyo codka ah ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya iyo in shacabka ay door muuqda ku yeeshaan soo xulista xubnaha matalaya.

ISHA-GJ.

Previous
Previous

BADMAAXIINTII REER MASAR EE AFDUUBKA LOOGU HEYSTAY PUNTLAND OO LA SII DAAYEY.

Next
Next

DOORASHADA QOF IYO CODKA AH OO KA BILAABATAY G/MUDUG IYO H/SHSBEELE.