DFS OO U YEERTAY DAJIRAHEEDA KENYA JIBRIIL.

(SAWIRKA)-DANJIRE JIBRIIL.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib ugu yeeratay Safiirkeedii dalka Kenya, Amb.Jibriil Ibraahim Cabdulle, ka dib markii uu ka qaybgalay shir ku saabsan geed mireedka Avocado-ga oo lagu qabtay magaalada Nairobi, kaas oo ay martigelisay Israa’iil. Go’aankan ayaa yimid kadib markii sawirro laga qaaday safiirka isaga oo la jooga ergeyga Israa’iil ee Kenya, taas oo ilo xog-ogaal ah ku tilmaameen inay jebinayso habraacyada iyo siyaasadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa bilowday baaritaan gudaha ah, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, lagu wargeliyay dhacdadan oo lagu tilmaamay mid aan fasax rasmi ah haysan. Dhacdadan ayaa dhacday laba maalmood ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu khudbad ku sheegay in Israa’iil ay tahay dal cadow ku ah shacabka Falastiin, isla markaana uu ku eedeeyay inay raadineyso saameyn militari oo ka dhex dhalata Soomaaliya iyo gobolka. Ka qaybgalka safiirka ayaa la sheegay inuu ka hor imaanayo siyaasadda Soomaaliya ee ku aaddan inaysan xiriir diblomaasiyadeed la lahayn Israa’iil. Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in arrintan ay dhalisay dood gudaha ah, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda uu dib ugu soo laabanayo Muqdisho si uu wadatashi uga yeesho xaaladda. Ilo wareedyo ayaa sheegay in mustaqbalka safiirka uu weli mugdi ku jiro, islamarkaana laga yaabo in tallaabooyin edbin ah laga qaado haddii lagu helo inuu jebiyay siyaasadaha arrimaha dibadda ee dowladda. Amb.Jibriil ayaa horay u galay dembi ah inuu ka qeybgalay shir ka dhacay Rwanda loogana hadlaayey arrimo ganacsi,waxa eyna taasi sababtay in loo wada yeero isaga iyo Danjire Ilyas oo jooga Tanzaniya si loo xalliyo dhibaatadda taagan.

ISHA-GJ.

Previous
Previous

BOOLISKA GURICEEL OO SOO QABTAY GACAN KU DHIIGLE NIN DILAY.

Next
Next

GUD.ADEN MADOOBE OO BAYDHABO KULA SHIRAY SARAA…