BOOLISKA GURICEEL OO SOO QABTAY GACAN KU DHIIGLE NIN DILAY.

(SAWIRKA)-EEDEYSANE LA SO QABTAY.

(GURICEEL/GALMUDUG)-Wararka laga helaayo magaaladda Guriceel ee G/galgaduud Maamulka G/mudug ayaa sheegaayo in Ciidamada Booliska Degmada Guriceel oo kaashanaya qeybaha kale ee Ciidamada Qalabka Sida sida Nabadsugida ,Iyo Milatariga ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Cali Cabdi Jaamac 25 jir ah kaas oo lagu eedeynayo inuu xalay deegaanka Madaraso Shiikh Maxamed ee hoostaga IliX ku dilay marxuum Cabdishakuur Xasan Geledi. Eedeysanaha ayaa haatan ku xiran Saldhigga Booliska Guriceel, halkaas oo ay ka socoto baaritaan rasmi ah oo la xiriira dhacdadaasi, si loo dhameystiro caddeymaha loona mariyo habraacyada sharciga. Taliska Booliska Guriceel ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya ehelka, qaraabada iyo dhammaan shacabka uu ka baxay marxuum Cabdishakuur Xasan Geledi isagoo Alle uga baryaya inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa iyo asxaabtiisa. Sidoo kale, talisku wuxuu u mahadcelinayaa shacabka degmada iyo dhammaan laamaha amniga ee ka qeyb qaatay howlgalka lagu soo qabtay eedeysanaha, taas oo muujineysa muhiimadda wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga ‎”Ciidanka Booliska Guriceel waxay heegan buuxa ugu jiraan gudashada waajibaadkooda qaran; waqti kasta, saacad kasta iyo meel kasta oo looga baahdo ilaalinta amniga, badbaadinta shacabka iyo dhaqan-gelinta sharciga.”

ISHA-DAYNIILE.

Previous
Previous

FARANSIISKA OO KU BAAQAY KULAN DEG DEG AH EE GOLAHA AMAANKA QM.

Next
Next

DFS OO U YEERTAY DAJIRAHEEDA KENYA JIBRIIL.