GUD.ADEN MADOOBE OO BAYDHABO KULA SHIRAY SARAA…

(SAWIRKA)-ADEN MADOOBE IYO SARKIISHA CXDS.

(SH/HOOSE/KGS)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba xubnood oo ka tirsanaa AL-Shabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday horjooge lagu magacaabi jiray Abuu Cabdalla, kaas oo muddo dheer ku lug lahaa abaabulka iyo fulinta falal amni-darro oo lagu dhibaateynayay dadka deegaanka. Sidoo kale, ciidamada ayaa sheegay in horjoogahan uu door muuqda ku lahaa qorsheynta iyo hagidda dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose, Intii uu socday howlgalka ayaa sidoo kale la dilay waardiyihiisii gaarka ahaa. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu bartilmaameedsanayo horjoogeyaasha iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab, si loo wiiqo awooddooda loona fashiliyo weerarrada ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed. Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ahne Musharax Madaxweyne ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo kulan amni kula yeeshay saraakiisha ugu sarreysa ciidamada Koonfur Galbeed iyo hay’adaha sirdoonka, isagoo ka dhegaystay warbixin  ku saabsnayd xaaladda amni ee magaalada kadib dagaal halkaas ka dhacay shalay. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galayTaliye Ku-xigeenka Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), Taliyaha Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gashaanle Isaaq Berdaale, iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Macallin Saalax Cabdinuur Cali. Saraakiisha ayaa Guddoomiyaha la wadaagay warbixin ku saabsan howlgal amni oo lagu soo afjaray rabshad hubeysan oo ay geysteen sida ay sheegeen maleeshiyaad aan ka tirsanayn ciidamada Koonfur Galbeed. Ciidamada ammaanka ayaa qaaday tallaabooyin degdeg ah oo lagu xakameeyay xaaladda, laguna soo celiyay amniga iyo kala dambeynta magaalada Baydhabo.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

DFS OO U YEERTAY DAJIRAHEEDA KENYA JIBRIIL.

Next
Next

EEDEYSANAYAAL ITOOBIYAAN ALSHABAAB AH OO LA HOR KEENAY…