CUNAQABATEYN CUSUB OO LA SAARAY ALSHABAAB.
(SAWIRKA)-ALSHABAAB IYO DHUXUSHA EY DHOOFSADAAN.
(UN-KA)-Golaha Ammaanka ayaa soo saaray Qaraar u Oggolaanaya Dowladaha Xubnaha ka ah inay ka Hortagaan Maraakiibta u soo daabula Waxyaabaha laga Mamnuucay Soomaaliya, sida hubka sharci darrada ah ee la soo galiyo dalka iyo dhoofinta dhuxusha. Cunaqabateyntaan ayaa socon doonta illaa 13-ka December sanadka 2025-ka, iyadoo sidoo kale dib u cusboonaysiin lagu sameeyay guddi khubaro ah oo kor kala socon doona cunaqabateynta AL-Shabaab ilaa 13-ka Janaayo ee 2026-ka. War-saxaafadeedka ey soo saareen shan iyo tobanka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa ku adkeynaya dhamaan Dowladaha iney qaadaan tallaabooyin looga hortagayo AL-Shabaab iyo kooxaha kale ee doonaya iney carqaladeeyaan nabadda isla markaana Wiiqaan Amniga Soomaaliya iyo guudahaan kan Gobolka. War-Murtiyeedka ayaa lagu sheegay in lagama maarmaan ey tahay in Joojiyo dhammaan Gaadiidka Hubka, Rasaasta iyo Qalabka Milatari ee la geeyo Soomaaliya. Waxaa kaloo la go'aamiyay in Xayiraadahaan aan lagu dari karin Saanad Gaarsiinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Hay'adda Sirdoonka, ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Dhowr Xubnood oo Golaha ka tirsan ayaa hadlay codaynta ka dib. Wakiilka Guyana, oo sidoo kale ku hadlaysay afka dalalka Algeria, Sierra Leone iyo Soomaaliya, ayaa sheegtay iney taageersan yihiin Go'aanka Golaha "Sababtoo ah waxaan sii wadeynaa inaan muhiimad gaar ah siinno dagaalka lagula jiro AL-Shabaab". Si kastaba ha ahaatee, nidaamka noocan oo kale ah waa in la qiimeeyaa si loo go'aamiyo ahaanshiyahiisa loona tagaeero dadaalka dowladda ee ku saabsan la dagaallanka AL-Shabaab," ayay tiri. Inta badan Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa soo dhaweeyay isla markaana taageeray go'aankan cunaqabateynta ah ee ka dhanka ah kooxda Argagixisada. Qaraarkan cunaqabataynta ah ayaa ah tallaabo kale oo looga gol leeyahay in lagu sii Wiiqo Awoodda AL-Shabaab, lagu carqaladeeyo dhaqaalaheeda, dhanka kalana lagu xoojiyo iskaashiga caalamiga ah, iyo in Soomaaliya laga taageero sidii ay u dhisi lahayd awooddeeda," ayay tiri ergayga joogtada ah ee dowladda Ingiriiska Barbara Woodward. Qaraarka la Ansixiyay ayaa sidoo kale muujiyay walaaca gaarka ah ee ka dhashay hubka Yemen uga soo Qulqulaya Soomaaliya. Xiriirka AL-Shabaab iyo Xuutiyiinta ayaa ah qayb ka mid ah hannaanka ballaaran ee Xuutiyiinta ey ku carqaladeynayaan dhaq-dhaqaaqyada ka baxsan xudduudaha Yemen, iyadoo intaa la raaciyay in guddiyada tirsigoodu yahay 2713 iyo 2140 ee cunaqabateynta " ay si dhow isugu xirmayaan si ay ula socdaan ugana hortagaan falalkaan". Xubnihii kale ee hadlay ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay hubka ka imaanaya Yemen ee gaaraya Soomaaliya, iyadoo Faransiisku uu sheegay in dhaqdhaqaaqaasi uu jabinayo cunaqabateynta hubka. "Waa muhiim in laga hortago in AL-Shabaab ay abuurto oo ay ka faa'ideysato xiriirka kooxaha cunaqabateyntu saarantahay ee gobolka - oo ay ku jiraan Xuutiyiinta," ayuu carrabka ku adkeeyay Wakiilka Dowladda Faransiiska. Mareykanka ayaa isna walaac ka muujiyay xiriirka sii kordhaya ee AL-Shabaab iyo Xuutiyiinta, waxaana uu xoojiyay in wax laga qabto kooxaha wax tahriibiya iyo marinada ay adeegsadaan kuwaas oo u fududeeya wax is waydaarsiga AL-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen. Xubnaha hadlay ayaa dhamaantood muujiyay in muhiim ay tahay in la xoojiyo ka hortagidda siyaabaha AL-Shabaab ay ku helaan hubka iyo agabka kale, iyadoo sidoo kale la ballaarinayo ka tagaeeridda Dowladda Soomaaliya Arrimaha bini'aadatinimada, dhaqaalaha iyo kobcinta awoodeeda.
Waxaa sidoo kale la xusay in la dagaallanka AL-Shabaab iyo kooxaha kale ay tahay in lagu wajaho dadaal mideysan oo heer Gobol iyo mid Caalami ah. Golaha Ammaanka ayaa kowdii bishii December ee sanadkii 2023-kii saaray AL-Shabaab cunaqabateyn tan la mid ah. In AL-shabaab la saaro cunaqabateyn dhinac kasta ah waxa ey soo dedejineysaa in kooxda gebi ahaanba laga saaro Gobolka Bariga Afrika oo ey hadda ku heyso dhibaatooyin fara badan ey ka mid yihiin afduub iyo dilal qorsheysan oo ka dhaca dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
ISHA-BBC/SOMALI