MARAYKANKA OO DIGNIIN KA SOO SAARAY MUQDISHO.
(SAWIRKA)-WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA.
(MUQDISHO)-Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa soo saartay digniin Amni oo deg deg ah, oo ku saleysan Xog Sirdoon oo la isku halleyn karo oo muujinaysa weeraro dhawaan dhici kara oo lala beegsanayo goobo kala duwan oo ku yaalla Soomaaliya, oo uu ku jiro Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aaden Cadde ee Muqdisho. Sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Safaaradda, digniintan ayaa keentay in dhammaan dhaq-dhaqaaqyada Shaqaalaha Safaaradda Mareykanka la hakiyo ilaa amar dambe. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa weli ku adkeysanaysa talo-bixinteeda safarka ee heerka Afraad oo ah "Ha u safrin" sababtoo ah khataraha joogtada ah ee ey ka mid yihiin dambiyada, Argagixisada, Kacdoonada Gudaha, Khataraha Caafimaad, Afduubka, iyo Burcad-badeednimada. Digniintani waxay si adag uga digaysaa Muwaadiniinta Mareykanka iney safar ku tagaan Soomaaliya. Sida ey sheegtay Safaaradda, kooxaha Argagixisada waxay sii wadaan Qorsheynta Afduubyo, Qaraxyo, iyo Weerarro kale, kuwaas oo badanaa dhacaya iyada oo aan la sii sheegin. Meelaha la beegsan karo waxaa ka mid ah, sida ey Safaaraddu sheegtay,Garoomada Diyaaradaha iyo Dekedaha, Xarumaha Dowladda iyo kuwa Milatariga, Hoteellada, Maqaayadaha, iyo Xarumaha Ganacsiga, goobaha ey ku badan yihiin dadka Reer Galbeedka, kolonyo ey leeyihiin dowladda, Milatariga, iyo Safaaradaha shisheeye. Noocyada weerarrada la filan karo waxaa ka mid ah Qaraxyada baabuurta lagu xiro, weerarrada Is-miidaaminta, Toogasho lala beegsado Shaqsiyaad gaar ah, iyo Hoobiyeyaasha. Iyadoo khatarta sii kordheyso, Safaaradda ayaa xusuusisay Muwaadiniinteeda ineysan bixin karin adeegyo deg deg ah, maadaama eysan Soomaaliya ku lahayn Xafiis Qunsuliyadeed oo rasmi ah. Safaaradda Mareykanka ayaa ku boorisay Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya iney muujiyaan feejignaan sare iyo taxaddar. Digniinta Mareykanka ayaa timid ayada oo toddobaadyadii dhowaa ey dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab ey ka socdeen Gobolka Shabeellaha Dhexe ee deriska la ah Muqdisho.
ISHA-VOA/SOMALI.