SHIR MADAXEEDKA CARABTA OO KA FURMAY QAAHIRA.
(SAWIRKA)-URURKA JAAMICADDA CARABTA.
(CAIRO)-Shir Madaxeedka Carabta oo qabyo qoraal ah ayaa maanta oo Talaadada ah lagu Ansixiyay Qorshaha Masar ee Mustaqbalka Marinka Gaza wuxuuna ugu baaqay Beesha Caalamka iyo Hay'adaha Maaliyadeed iney si deg deg ah u bixiyaan taageerada Qorshaha. Shirkan oo ey soo qaban qaabisay Masar, ayaa ujeedadiisu tahay sidii looga jawaabi lahaa soo jeedinta Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ku aadan in la qabto Maamulka Marinka Gaza iyo in dib u dajin loo sameeyo dadka reer Falastiin, iyo sidoo kale in laga hadlo Mowqifka Ra’iisul Wasaaraha Israel ee ku aadan joojinta Xabad Joojinta iyo dib u soo celinta Colaada Marinka Gaza. Shir Madaxeedka lagu wado inuu qabsoomo fiidnimadan ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo abuuri lahaa Jawaab Midaysan oo Carbeed oo ilaalinaysa Xuquuqda Falastiiniyiinta, isla markaana ka dhigi doonta Marinka Gaza mid mar kale degto. Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan Bin Cabdalla ayaa Hoggaamin doona wafdiga Boqortooyada Sacuudiga ee ka qeyb galaya Shir Madaxeedka Carabta. Masar wali ma eysan soo bandhigin soo jeedinta oo dhan laakiin tafaasiisha qaar ayaa soo baxay Talaadada maanta ah ka hor Shirwaynaha. Soo jeedinta Carabtu waxay ka kooban tahay Saddex Weji oo la fulinayo muddo Shan Sano ah si dib loogu dhiso Marinka Gaza. Wajiga koowaad oo qaadan doona labo sano ayaa waxaa ku baxaya lacag dhan 20 Bilyan oo doolar. Wajigan waxa qeyb ka ah kuna jira dhismaha 200,000 guri. Qorshaha ayaa sidoo kale sheegaya in soo kabashada hore ey qaadan doonto lix bilood, waxayna ka koobnaan doontaa in meesha laga saaro Burburka iyo in la Rakibo Guryo ku meel Gaar ah. Wajiga labaad, oo qaadan doona laba sano iyo bar, waxaa ku jiri doona qeybna ka ah dhismaha 200,000 oo kale oo Guryo ah iyo Garoon diyaaradeed oo Marinka Gaza yeelanaayo. Habka guud ee dhismuhu wuxuu qaadanayaa shan sano, wadarta kharashka dib u dhiskana waxaa lagu qiyaasaa $53 Bilyan oo doolar. Sida uu dhigayo Qorshaha dalka Masar, Hawlgalka Caawinta Maamulka Marinka Gaza waxa uu bedeli doonaa Xukuumadda Xamaas ee hadda maamusho Marinka Gaza muddo ku meel gaar ah oo aan la cayimin, waxana ey mas'uul ka noqon doontaa Gargaarka Bini'aadantinimo iyo bilaabista dib u dhiska deegaanka, kaaso ku burburiyay dagaalka socday 15-bil. Masar iyo Urdun ayaa tababari doona Booliska Falastiiniyiinta si ey isugu diyaariyaan in la geeyo goobta. Qorshahan ayaa sidoo kale dalban doona in Israa’iil ey Joojiso dhammaan dhaqdhaqaaqyada Deegaamaynta, Qabsashada dhulalka iyo Burburinta guryaha Falastiiniyiinta. Waxa kale oo ey wax ka qaban doontaa arrinta hubka kooxeed iyada oo loo marayo qaab cad iyo hannaan Siyaasadeed oo lagu kalsoonaan karo. Khubarada ayaa walaac ka muujiyay Maalgelinta Qorshahan, iyadoo Qaramada Midoobay ey ku qiyaastay Qarashka ku baxaya dib u dhiska Gaza in ka badan 50 Bilyan oo dollar. Balse War-Murtiyeed qabyo ah oo laga akhriyay telefiishanka ayaa lagu sheegay in Ka-Qaybgalayaashu ey ku baaqayaan in la qabto shir caalami ah oo dib-u-dhiska Gaza, kaas oo lagu qabanayo Qaahira dhammaadka bishan. Shir Madaxeedkan ayaa soo jeedin doona Qorshe ujeedadiisu tahay sidii looga hortegi lahaa hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Maraykanka Trump bishii hore, kaas oo uu ku soo jeediyay in la qabto Maamulka Gaza iyo dib u dajin loogu sameeyo Falastiiniyiinta Masar iyo Urdun. Shirk Madaxeedkan deg dega ah ee Ururka Jaamicadda Carabta ayaa waxaa dalka Soomaaliya ku metelaayo Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre iyo wafdi ballaaran uu hogaamonaayo, wafdiga ayaa Qaahira gaaray habeenkii xalay,waxaane horay magaaladda Qaahira ugu sugnaay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFS Md.Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hogaaminaayey.
ISHA-AN.