CIIDAMADDA XABASHIDDA OO XALAY WEERARAY XARUNTA NISA EE DOOLOW.
(SAWIRKA)-CIIDAMADA XABASHIDA.
(DOOLOW)-Wararka ka imaanaayo Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegaayo in ciidamadda Itoobiya ee ku sugan degmada Doolow ey xalay weerar hubeysan ku qaadeen Xarunta Hayadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ee isla degmada Doolow. Waa markii labaad oo weerar nucaan ah ey Itoobiyaanku ku qaadeen Xarunta NISA ee Doolow intuu jiray xukunka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud,ilaa 30-askeri oo ka tirsan ciidanka NISA oo ku sugnaay Xerada xilliga uu dhacaayey weerarkaan uuna horkacaayey Taliye Shiikhaalaw ayaa la soo sheegay iney si aad ah isaga caabiyeen weerarka kaga yimid ciidanka Itoobiyaanka,laakinse markii la isla gaaray 3-dii aroornimo ayaa waxaa laga itaal roonaaday ciidanka NISA ee DFS, kuna sugnaay taliskooda Doolow. Xarunta NISA ee la soo weeraray waxaa yiilay oo la xaqiijiyey ilaa 7-gaari oo nuuca dagaalka ah,waxa eyna ciidanka Itoobiyaanka gubeen shan ka mid ah todobada gaari. Sidoo kale,ciidanka Itoobiya waxa ey gacanta ku dhigeen Taliyihii NISA ee degmada Doolow kaaso lagu magacaabo SHEEKHAALAW, wararka qaarkood ayaa sheegaaayo in Taliye Sheekhaalaw la qabtay isaga oo dhaawac ah,waxaane lala qabtay ilaa lix askeri oo kale kana tirsan isla Hayadda NISA,waxaane loo soo gudbiyey dhinaca ey Itoobiyaanku ka joogaan degmada Doolow ee loo yaqaano Doolow Itoobiya. Sannadkii hore 2024-kii,sidaan oo kale ayey ciidamada Itoobiya u weerareen xarunta NISA kuna laayeen askar fara badan,isla xisaabtab la’aanta dhacdadii hore ayaa sababtay iney mar kale sameeyaan iska ficilkii,labada jeerba Itoobiyaanka jooga degmada Doolow waxa ey rabaan iney Taliska ciidanka NISA ee joogo Doolow inuu qaato amaradda ey ka mid yihiin iney hoostagaan una shaqeeyaan sida uu isaga rabo Gudoomiyaha degmada Doolow Soomaaliya kaaso ah nin la shaqeysta Itoobiyaank.laakinse labada jeerba Taliye Sheekhaalaw waa uu iska diiday amaradaas ka dibne ciidamada Itoobiyaanka ayaa weeraray Taliska NISA ee degmada Doolow. Madaxda Soomaaliya qaar ka mid ah ayaa xalay inta uu socday dagaalka waxa ey la hadleen Madaxda Amaanka ee dalka Itoobiya waxa eyna ugu baaqeen iney joojiyaan duulaanka laakinse Itoobiyaanka Haye aan la fulin ayey isticmaaleen oo dagaalka waa ey sii wadeen ilaa ey soo afjaraan ciidankii ku jiray xarunta NISA ee degamada Doolow. Dhacdadii xalay ayaa ku soo aadeysa iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu ku sugan yahay magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya,sidoo kalen waxaa isna halkaas ku sugan Agaasimaha Hayadda NISA Md.Mahad Maxamed Salaad. Sida ey xaqiijiyeen ilo wargal ah,Madaxda heer Siyaasadeed iyo heer Amni ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa u ballansan maanta oo Isniina ah ka hadalka dhacadii xalay,mana cadda waxa uu noqon doono go’aanka DFS haddii Itoobiya ey si sax ah uga garaabi weyso falkii xalay ka dhacay degmada Doolow ee G/Gedo eyna qaadi wayaan tillabooyin lagu qanci karo.
ISHA-SB-MEDIA.