WASIIR c/SALAAM DHAAY OO KHUDBAD KA JEEDIYEY SHIRKA DOOXA.

(SAWIRKA)-SHIRKA DOOXA.

(DOHA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Isniin ah hadal ka jeediyay shirka heer Wasiir ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, kaasoo lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qadar inta u dhexeysay 27–28 Luulyo. Shirka oo ey martigelisay Dowladda Qatar, waxaa si rasmi ah u furay Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar, Mudane Sultan bin Sacad bin Sultan AL-Muraykhi. Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa la aas-aasay sanadkii 2007, si ey u noqoto madal lagu abaabulo taageerada isku dubbaridan ee Nabadda, Horumarka, iyo wax ka qabashada xaaladaha Bini’aadantinimo ee Soomaaliya. Kulanka sanadkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, wada-shaqeynta, iyo dib-u-eegista horumarka laga gaaray arrimaha muhiimka ah, sida amniga, dib-u-habaynta dhaqaalaha, iyo maamulka loo dhan yahay. Wasiirka ayaa hadal-jeedintiisa ku soo bandhigay guulaha ugu dambeeyay ee laga gaaray qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya, oo ey ka mid yihiin wareejinta 23 saldhig ciidan oo caalami ah oo lagu wareejiyay ciidamada qaranka, iyo dhismaha 20,000 oo askari oo cusub. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in si xooggan loo taageero Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada saadka, agabka daba-galka iyo raad-raaca, iyo nidaamka ka hortagga walxaha qarxa. Sidoo kale, Wasiirka ayaa iftiimiyay isbeddelka dhaqaale ee dalka ka dib markii laga cafiyay deymaha, isagoo ku baaqay in la helo maalgashi la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025–2035) iyo Hiigsiga 2060. Waxa uu xusay kororka maalgashiga tooska ah ee shisheeye, isla markaana uu muujiyay fursadaha ballaaran ee ka jira kaabayaasha dhaqaalaha iyo qaybaha tamarta. Markii uu ka hadlayay Arrimaha Siyaasadda, Wasiirku wuxuu tilmaamay horumarka laga sameeyay geedi-socodka Federaaleynta, qabyo-tirka Dastuurka, iyo diyaar-garowga doorashada guud ee la filayo iney qabsoonto sanadka 2026. Waxa uu sidoo kale soo dhoweeyay taageerada loo fidinayo Waxbarashada iyo Caafimaadka, isaga oo caddeeyay in dowladda ey ka go’an tahay horumarinta guud, gaar ahaan xoojinta kaalinta dhalinyarada iyo haweenka. Wasiirku waxa uu khudbaddiisa ku xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ey soo dhaweysay hirgelinta nidaamka sanduuqyada bini’aadantinimo ee Ururka Iskaashiga Islaamka, oo uu ka mid yahay Sanduuqa Gaarka ah ee Horumarinta Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la dedejiyo hirgelintiisa. Sidoo kale, waxa uu soo jeediyay in la sameeyo guddi daba-gal ah oo ka tirsan Kooxda Xiriirka, si ey ula socdaan geeddi-socodka isla markaana kor loogu qaado wadashaqeynta. Gabagabadii, Wasiirka ayaa u mahadceliyay Dowladda Qatar iyo dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, taageerada joogtada ah oo ey u hayaan Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ey ka go’an tahay iney noqoto dal nabad ah, isku filan, una jihaysan xasillooni waarta.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO KHUDBAD QIIMO BADAN KA JEEDIYEY SHIRKA ADDIS.

Next
Next

CIIDAMADDA XABASHIDDA OO XALAY WEERARAY XARUNTA NISA EE DOOLOW.