CIIDAMADDA PUNTLAND OO LOOGA DILAY 20-ASKERI DAGAAL KA DHACAY TOGA BAALLADE.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA PUNTLAND.

(BOSASO)-Ku dhawaad 20 askari oo katirsan Ciidanka Puntland ayaa ku geeriyooday, in ka badan 30 kalena way ku dhaawacmeen, ka dib dagaal culus oo muddo saacado ah socday uu ka dhacay Ceelka Maraagade oo ka tirsan togga Baallade, halkaasoo ah mid ka mid ah fariisimaha ugu weyn ee kooxda Daacish. Dagaalkan ayaa ahaa dagaalkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca buuraha Calmiskaad tan iyo bilooyinkii u dambeeyay, sida ey sheegeen saraakiil amni oo la hadlay HOL. Khasaaraha ciidamada Puntland soo gaaray ayaa yimid ka dib markii ey weerar ku qaadeen saldhig weyn oo la aaminsan yahay inuu yahay mid ka mid ah Xarumaha Hubka iyo Saadka ee Kooxda Daacish ku leedahay Gobolka Bari. Dagaalka ayaa istaagay gabbal dhicii caawa. Ciidamada Puntland ayaa ku hareeraysan Ceelka Maraagade, iyadoo wararku sheegayaan in halkaasi ey ku go’doonsan yihiin Dumar iyo Caruur badan oo ah Qoysaska Xubnaha Daacish. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland oo la hadlay HOL ayaa sheegay in goobaha la gaaray ey yihiin kuwii ugu dambeeyay oo ey Kooxda Daacish ku sugnaayeen, ayna ku rajo weyn yihiin in si buuxda loo soo afjaro maalinta berri ah.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

SOOMAALIDA MINIYAABULIS MIYEY DOORAN DOONAAN MUSHARAX CUMAR FAATAX?

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO FURAY XARUNTA 21-AAD EE CIIDAMADDA XOOGA DALKA.