MW-XASAN SHEEKH OO FURAY XARUNTA 21-AAD EE CIIDAMADDA XOOGA DALKA.

(SAWIRKA)-XARUNKA 21-AAD EE CXDS EE DH/MAREEB.

(DH/MAREEB)-Wararka laga helaayo caasimadda Dawlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta 21-aad, Ciidanka Xoogga dalka ee magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Warbixin ku saabsan dib u habaynta ciidanka, qaab dhismeedka, hannaanka shaqo iyo Qorsheyaasha hortabinta leh ka dhageystay Taliska Qaybta iyo Saraakiisha Hoggaamisa Ciidamada, isaga oo kula dardaarmay iney labanlaabaan dadaalkooda dib u xoreynta dalka. Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa booqday Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb oo qaab casri ah loo dhisayo, isaga oo ku bogaadiyey mas’uuliyiinta iyo howlwadeenada Shirkadda gacanta ku haysa dib u dhiska Garoonka. Madaxwyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa booqasho rasmi ah waxa uu maalmahaan ku joogay Caasimadda Dawlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb,wax uuna MW-Xasan halkaasi ka furay Mashaariic Horumarineed sida Xarunta Golaha Wakiiladda Galmudug,waxaa kale uu halkaasi ku booqday Sheybaarka lagu baaro waxyaabaha loo sticmaalo dhismaha.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

CIIDAMADDA PUNTLAND OO LOOGA DILAY 20-ASKERI DAGAAL KA DHACAY TOGA BAALLADE.

Next
Next

SOOMAALIYA IYO JABAAN OO WADA GALAY HESHIISYO HORUMARINEED.