SOOMAALIDA MINIYAABULIS MIYEY DOORAN DOONAAN MUSHARAX CUMAR FAATAX?
(SAWIRKA)-MUSHARAX CUMAR FAATAX.
(MINNEAPOLIS)-Omar Faatex, oo ah musharaxa Xisbiga Dimoqraadi ah oo leh aragtiyo bulsho-dimoqraadi ah, ayaa dhawaan guul muhiim ah ka gaaray tartanka Duqa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, Waxa uu noqday musharaxii ugu horeeyay tan iyo 2009-ka ee helo taageerada rasmiga ah ee Xisbiga Dimoqraadiga ee magaalada. Taageeradan ayaa timid ka dib shirweyne Xisbiga uu yeeshay bishii la soo dhaafay, inkasta oo uu shirku ahaa mid lagu tilmaamay inuu ahaa mid fawdo ah, oo ey ka jireen qaladaad dhinaca nidaamka iyo farsamada ah. Si lama filaan ah, mas’uuliyiinta Xisbiga Dimoqraadiga ee Gobolka Minnesota ayaa Khamiistii qaaday tallaabo aan horey loo arag waxay kala noqdeen taageeradii ey laanta Minneapolis ee Xisbiga siisay Sen. Cumar Faatex, Waxayna ku sababeeyeen go'aankooda "khaladaad culus" oo ka dhacay shirweynihii lagu doortay Faatex. Arrintan ayaa muran badan dhalisay waxayna saameyn ku yeelan kartaa Ololaha Doorashada Duqa magaalada, maadaama musharaxa uu luminayo taageero Xisbiga Gudihiisa ah xilli Ololuhu galay meerto xasaasi ah. Khilaafka ka dhashay taageerada Xisbiga Dimoqraadiga ee musharax Cumar Faatex wuxuu muujinayaa sida ey u adkaan karto isbeddel raadinta Siyaasadeed xitaa marka taageero muuqata laga helo Xisbiga. Waxaana la sugayaa tallaabooyinka xiga oo ey qaadi doonaan musharaxiinta iyo Xisbiga si loo dejiyo xaaladda.
XIGASHO-HOL.