CIIDAMADDA NISA OO HAWLGAL LAGU DILAY XUBNO ALSHABAB AH KA FULISAY JAWHAR.
(MUUQAALKA)-ASTAANTA NISA.
(JAWHAR/H/SHABELLE)-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Warciise, oo 25 KM u jira magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ku dilay sagaal xubnood oo ka tirsanaa AL-Shabaab, oo ay ku jireen laba horjooge.Horjoogeyaasha howlgalka lagu dilay ayaa kala ahaa Axmed Cali Jimcaale, oo ahaa horjoogihii Shabaab ugu magaca weynaa degmada Jowhar, iyo Geedi Maxamed Nuur Cadde, oo ahaa horjoogihii kooxda ee deegaanada Dumaaye iyo Dabagaalo. Labadan horjooge ayaa muddo lagu daba jiray xogtooda iyo dhaq-dhaqaaqyadooda. Howlgalka ayaa sidoo kale lagu dilay toddobo dhagarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyooyinka, waxaana laga helay hub iyo agab ciidan. Howlgalka ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana Shabaablagu gaarsiiyay jab culus. Howlgalkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Shabaab laguna burburinayo horjoogeyaasooda iyo shabakadaha ay u adeegsadaan abaabulka falalka argagixisada. NISA waxay shacabka ugu baaqday inay sii xoojiyaan wada shaqeynta hay’adda, si loo ciribtiro kooxaha argagixisada ah ee AL-shabaab.
ISHA-GJ.