MAAMULKA G/MUDUG OO KA JAWAABAY QORAALKII PUNTLAND.

(MUUQAALKA)-WASIIR DALAHA MADAXTOYADA G/MUDUG.

(DH/MAREEB/GM)-Galmudug ayaa ka jawaabtay war-saxaafadeedka Puntland ee looga digay safarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo sheegtay in eedeymaha Puntland aysan lahayn sal iyo raad. Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Galmudug, Maxamed Faarax Talyaani, ayaa sheegay in Galmudug ay qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana Madaxweynaha Soomaaliya uu madax ka yahay dalka oo dhan, sidaas darteedna booqashadiisa gobollada dalka aysan ahayn arrin gaar u ah maamul ka mid ah Soomaaliya. “Galmudug ma aha jasiirad ku taalla meel dalka ka baxsan, Jamhuuriyadda Federaalka ayay ka mid tahay,” ayuu yiri Maxamed Faarax Talyaani, isagoo sheegay in eedeymaha ku saabsan booqashada Madaxweynaha aysan wax sal ah ku fadhiyin. Talyaani ayaa sheegay in xilligan magaalada Gaalkacyo aysan ka jirin wax dhiillo ah ama dareen culus oo ay shacabka qabaan. Wuxuu xusay in magaalada ay si wadajir ah uga taliyaan Puntland iyo Galmudug, isla markaana labada dhinac ay iska kaashadaan arrimaha amniga. “Mana jirto wax dareen culus oo sidaas ka jira, mana dooneyno in la siyaasadeeyo oo siyaasad la geliyo arrimaha amniga ee magaalada,” ayuu yiri. Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in labada maamul ay muddo ka shaqeynayeen iskaashi dhinaca amniga ah, gaar ahaan Gaalkacyo, isagoo ugu baaqay madaxda labada dhinac inay fursad siiyaan nabadda, ayna ka fogaadaan hadallo keeni kara xiisad. Galmudug ayaa sidoo kale sheegtay in khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda Federaalka lagu xallin karo miiska wada-hadalka, iyadoo aan la gelin amniga iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed. Maxamed Faarax Talyaani ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu xaq u leeyahay inuu booqdo Galmudug iyo magaalooyinkeeda, isla markaana uu la kulmo shacabka iyo madaxda maamulka. “Xaq ayay u leeyihiin inay Galmudug soo booqdaan, magaalooyinkeeda yimaadaan, la kulmaan shacabka iyo madaxda heer Galmudug, lagana wada tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka u yaalla,” ayuu yiri. Hadallada Galmudug ayaa imaanaya kaddib markii Puntland ay sheegtay inay ka digayso abaabul iyo dhaqdhaqaaqyo ay ku tilmaantay kuwo la xiriira safarka Xasan Sheekh ee Gaalkacyo, iyadoo walaac ka muujisay saameynta ay arrintaasi ku yeelan karto amniga iyo xasilloonida magaalada.

HALKAN KA AKHRISO QORAALKA UNTLAND:

ISHA-HOL.

Previous
Previous

CIIDAMADDA NISA OO HAWLGAL LAGU DILAY XUBNO ALSHABAB AH KA FULISAY JAWHAR.

Next
Next

e-VISA OO RAAD XOOGAN KU YEESHAY DHAQAALAHA SOOMALILAND.