MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO GAARAY DH/MAREEB MAANTA.

(MUUQAALKA)-MASUULIYIIN QARAN.

(DH/MAREEB/GM)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dawlad Goboleedka Galmudug, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Dhuusamareeb. Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku qotoma xoojinta dadaallada dowladda ee dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, iyada oo Madaxweynuhu uu ka qayb-gali doono munaasabad tababar lagu soo xirayo cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay Galmudug daah-furi doona Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaannada Dowlad-goboleedka, kuwaasi oo qeyb ka ah qorsheyaasha lagu dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaale iyo bulsho ee dalka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, oo uu dhageysan doona aragtidooda, baahiyahooda dowladnimo iyo talooyinkooda ku aaddan horumarka, amniga, dowlad-dhiska iyo mustaqbalka dalka. Dhinaca kale, booqshada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ee Galmudug ayaa waxa War Saxaafadeed culus ka soo saaray Dawlad Goboleedka Puntland, waxa eyna ku sheegeen in Madaxweyne Xasan Mudug u imaanayo sidii abaabul ciidan uga sameyn lahaay DG G/mudug dibne dagaal fool ka fool ah uu dhexmari lahaa Ciidmadda Puntland ee ku sugan Gaalkacyo iyo kuwii PSF ee hadda ku sugan gudaha Galmudug.

XIGASHO-VILLA SOMALIA.

Previous
Previous

DANJIRE CAWIL MUXUU KU KALA XUSHAY HAWIYE IYO DAAROOD?

Next
Next

CIIDAMADDA NISA OO HAWLGAL LAGU DILAY XUBNO ALSHABAB AH KA FULISAY JAWHAR.