CALI GUUDLAAWE OO MAR KALE NOQDAY MADAXWEYNAHA H/SHABEELE.
(MUUQAALKA0-HOGAANKA CISIB EE H/SHABEELE.
(JAWHAR/H/SHABELLE)-Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa mar kale Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe u doortay hoggaamiyaha maamulka, halka Cabdifataax Xasan Afrax loo doortay hoggaamiye ku-xigeenka, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar.Cali Guudlaawe ayaa ku guuleystay doorashada hoggaamiyaha Hirshabeelle, isaga oo helay codadka 81 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada. Dib-u-doorashadiisa ayaa u oggolaanaysa inuu hoggaamiyo maamulka shanta sano ee soo socota. Dhanka kale, Cabdifataax Xasan Afrax ayaa ku guuleystay xilka hoggaamiye ku-xigeenka, isaga oo helay 79 cod, halka musharrax Cabdifataax Baashi Maxamed uu helay 16 cod. Doorashada hoggaamiye ku-xigeenka waxaa codeeyay 97 xubnood, waxaana xumaaday laba cod. Munaasabadda doorashada ayaa waxaa ka qaybgalay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, xubno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo marti-sharaf kale. Dib-u-doorashada Cali Guudlaawe ayaa dhalisay hambalyooyin uga yimid qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xubnaha mucaaradka ee ka soo jeeda deegaannada Hirshabeelle, kuwaas oo u rajeeyay hoggaanka cusub inuu ku guuleysto gudashada waajibaadkiisa. Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Soomaaliya, Abuukar Islow Ducaale, ayaa hambalyo u diray Guudlaawe, isaga oo Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyadda mar labaad loo igmaday. Islow Ducaale ayaa sidoo kale hoggaanka cusub ugu baaqay inuu mudnaanta siiyo midnimada bulshada iyo dib-u-heshiisiin dhab ah, gaar ahaan dadka qaba tabashooyinka siyaasadeed iyo kuwa kale ee bulshada. “Waxaan hoggaanka cusub kula dardaarmayaa inay ku shaqeeyaan midnimo, una howlgalaan sidii dib-u-heshiisiin dhab ah loo dhex dhigi lahaa shacabka Hirshabeelle, gaar ahaan inta tabashada qabta,” ayuu yiri Islow Ducaale. Sidoo kale, Xildhibaan Cabdulqaadir Osoble Cali ayaa hambalyo u diray Guudlaawe, isaga oo u rajeeyay inuu ka shaqeeyo horumarka, nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo midnimada bulshada H/shabeele. Arrintaan maanta ka dhacday Jawhar ee lagu doortay Cali Guudlaawe ayaa ah mid aan sinaba looga soo dhaweyn xarunta G/Hiiraan ee B/weyne kana tirsan D G H/shabeele, waayo Madaxweyne ku Xigeenka H/shabeele ee hadda ah xil gaarsiinta Md.Dabageed ayaa war qoraal ah uu soo saaray shalay oo Jimca ahayd kaga hadlay Doorashada maanta ka dhacday Jawhar, waxa uuna sheegay in Madaxweyne ku xigeenka cusub Md.C/fataax uusan B/weyne imaan karin kana hawlgeli karin,isaguna uu xilka wareejin doonin. Masuuliyiinta ilaa u Hambalyey Hogaamiyaha cusub ee H/shabeele Md.Guudlaawe kana mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa kala ah Xildhibaan Ducaale iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo labaduba ku heyb ah Cali Guudlaawe kana soo wada jeeda Jawhar.
ISHA-HOL.