YAA U SABAB AHAA MOOSHINKA WASIIRKA CAAFIMAADKA MAANTA KA BADBAADAY?

(MUUQAALKA)-KUWA ISKU HAAYEY DHACA SHACABKA GB.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Maanta oo sabti ah kuna beegan 24/10/2026-ka ayaa waxaa fariistay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS. Kalfadhiga maanta ayaa ahaa midkii 8-aad, kulankiisii 28-aad, waxaane kulanka maanta soo xaadiray Xildhibaano dhan ilaa 144-xildhibaan. Ajandaa kulanka maanta ayaa waxaa ka mid ahaa Mooshin laga keenay Wasiirka Caafimaad iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr.Cali Xaaji Aden,waxaane Mooshinka Golaha hortiisa ka akhriyey Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed oo ka mid ah Xildhibaanadda keenay Mooshinka lidka ku ah Wasiir Dr.Cali Xaaji Aden. Waxaa iyagana goobta ka hadlay xunbo ka tirsan Gudiga arrimaha Bulshada ee BJFS, waxaane ka mid ahayd Gudoomiyaha Gudiga Nadar oo sheegtay in cod loo qaado kalsoonidda Wasiirka, in kastoo xubno ka tirsan Gudiga oo goobta ka hadlay ey sheegeen inaan Mooshinka iyaga la soo marsiinin sidaas darteedna uusan ahayn mid ey iyagu wax ka ogyihiin. Dood culus ka dib ayuu Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Jaamac waxa codkii kalsoonidda u qaaday Wasiir Dr.Cali Xaaji Aden, waxaane Mooshinka iska diiday oo ka horyimid 89-Xildhibaan kuwaaso diiday Dooda xilka looga qaadao Wasiir Dr.Cali Xaaji Aden, waxaane Mooshinka ogolaaday ilaa 50-Xildhibaan,waxaane ka aamusay 5-xildhibaan kaliyah. Gudoomiiye Jamac ayaa Wasiir Dr.Cali faray inuu hawshiisa sida ey tahay u wato. Intaas ka dib, Wasiir Dr.Cali Xaaji Aden ayaa u Mahadceliyey Xildhibaanadii taageeray waxa uuna yiri”Waxaan Xildhibaanadda sharafta leh ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS uga mahadcelinaya dadaalkooda joogtada ah iyo garab istaaga ey ku bixiyeen horumarinta adeegyada caafimaadak.Waxaan mar walba diyaar u nahay inaan sii xoojino wada shaqeynta iyo iskaashiga inaga dhexeeyo BJFS si aan u sii amba qaadno dadaaladda iyo hawlaha muhiimka ah ee lagu horumarinaayo adeega caafimaadka,laguna xaqiijinaayo in shacabka Soomaaliyeed ey helaan adeega caafimaad oo tayo sare leh,la iskuna haleyn karo,isla markaasne loo siman yahay”. Doodaan ku saabsan waxqabadka Wasaaradda caafimaadka ee XFS ayaa ah mid soo jiitamaysay tan iyo in mudda ah, waxa eyna salka ku heysaa khilaaf xoogan oo sababay in masuuliyiin ka tirsan qeybaha Wasaaradda Caafimaadka ey xilalkoodii ku waayaan, hadaba xogta arrintaan ayaa waxaa si qoto dheer uga hadlay kuna soo bandhigay boggiisa Facebook-ga KAMAL HUSSEIN,waxa uuna Kamal ka yri: “isbaaro la kala dhacay oo shacabku daawanayaan, Khilaafka u dhexeeya Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji iyo Universal TV, gaar ahaan Agaasimaheeda Cabdullaahi Xirsi, wuxuu salka ku hayaa muran la xiriira lacagahii baada ahaa ee Laga qaaday Hooyada foolanaysa iyo xarumaha caafimaadka, kaasoo xilka looga qaaday Xoghayihii hore Maxamed Caddow oo la gooyay qaybtii Wasiirka caafimadka, Cabdullaahi Xirsi, Agaasimaha Universal TV, oo xiriir dhow la leh xogaye Caddow, kaasoo siiyay qandaraas warbaahinta lacag ururintaan sharci darrada ah. ayaa ka carooday tallabada cunaqabaten isha-dhaqaale ( xil ka qaadista Xoghaya) oo gaari uga gaday lacagtaas, wuxuuna kusoo qaaday dagaal warbaahin Iyo siyaasad ( xildhibaanada), Lacagaha la isku haayo ayaa ah Kuwa hore looga qaaday xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay Iyo bukaanada shacabka masaakiinta gaar ahaan hooyooyinka isbitaalada dhalaanka dowlada soo booqda, sida isbitaal Banadir oo bilaash ah oo ay lacag ka dhigeen taasoo sababtay hooyo masaakin ah jidka ku foolato dabadeedna ka saqiiro canug yar, Sidoo kale, lacagaha la isku haayo waxa ka mida isbitaalada gaarka loo leeyahay si qasab ah shahaado aqoonsi ah ( sharci darro ah) sanadle lagu qasbay inay iibsadaan, lacagaas ayaana ah isbaarada Xogahaya Iyo Wasiirka isku dagaaleen, tasoo Tv-ga Universal kasii heli jiray birqaad yar, Waxyaabaha layaabka leh waxa ka mida, cadowga la eryay Iyo Cabdulaahi xirsi-ga hada difaacaya cadow inay weerar hore ku qaadeen guryaha umulisooyinka xaafadaha G/Banadir ku yaala, iyagoo qoryo wata soo xirxireen hooyooyin masaakiin ah oo awoodi waayay inay iska bixiyaan lacagaha lagu soo rogay isbitaalka Banadir oo bilaash ahaaa,( tariikh duuban). Macnaha, isbitaalka dowliga ayay lacag ka dhigeen shacabka masaakiinta ka cararay waxay aadeen umulisooyinka xafadaha tiina waa kasoo xireen si Banadir ugu soo laabtaan oo ay kaga iibiyaan galoofiska Iyo qalajiyahii hay’adaha caalamiga ugu deeqeen isbitaalka hooyada Iyo dhalaanka, Wasiir Cali Xaaji oo lacagtii loo sheegay lagu booday ayaa eryay Cadow, Cabdulahi Xirsi oo ishaas kasoo xirantay ayaa xildhibanaada ku qanciyay inay Wasiirka baadaan lacagne ka qaataan maadaama isbaaradii uu kaligiis kusoo haray, Xildhinabada Gudiga Arimaha bulshada ayuuna sidaas kusoo abaabulay Xirsi oo live dooda galiyay, Wasiirka oo la cabsigaliyay ayaana saakay cabaaday oo diiday Tv-ga Universal. Waxa cajiib ah, Xildhibanada shalay isbaarada ka dulqadi waayay shacabka , la falcelin waayay dhimashada caruurta Soomaaliyeed Iyo baada Laga qaadayo xarumaha caafimaadka gobolka ayaa dhagaysana Cadow Iyo Xirsi oo isbaaradii Laga eryay waxayna cadaadis saarayan Wasiirka oo isbaarada kusoo haray, Shacabka Soomaaliyeed Iyo xarumaha caafimaadka oo iyagana wali isbaarada ay dul taalo wax aragti ah Kama lahan arinkaan, waxay daawanayan Wasiirka oo difaacanaya isbaaradiisa”.Soomaaliya ma dhowa.

QORE/ABKEY-XAMAR.


Previous
Previous

CALI GUUDLAAWE OO MAR KALE NOQDAY MADAXWEYNAHA H/SHABEELE.

Next
Next

SHIRKA BAHIR DAR EE ITOOBIYA MAXAA KA SOO BIXI KARA?