WASIIR FIQI OO SHEEGAY IN ILHAN CUMAR LOO WEERARAYO SOMALINIMO.
(MUUQAALKA)-WASIIR FIQI.
(MUQDISHU/SOMALIA)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xildhibaanadda Aqalka Wakiillada Mareykanka Ilhan Omar loo bartilmaameedsanayo asalkeeda Soomaalinimo iyo diinteeda Islaamka, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Axmed Macallin Fiqi. Wasiir Fiqi ayaa sheegay inay ka xun yihiin sida uu tilmaamay in dowladaha waaweyn iyo madaxda caalamku ay isha ugu hayaan Ilhan Omar, isaga oo sheegay in arrintaasi ay la xiriirto asalkeeda iyo diinteeda Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in Soomaalida ku nool Somalia, Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ay yihiin hal bulsho oo isku isir ah, inkasta oo ay ku kala nool yihiin dalal kala duwan. Xildhibaan Ilhan Omar ayaa dhawaan sheegtay in ay la kulanto hanjabaado dil ah oo ku qasbay iyada iyo qoyskeeda in ay ka fikiraan ka guurista gurigooda ku yaalla agagaarka Washington, maadaama cinwaanka guriga uu noqday mid si guud loo heli karo. Ilhan Omar ayaa madaxweyne Donald Trump ku eedeysay inuu olole siyaasadeed oo cabsi-gelin ah kula kacayo, isla markaana uu adeegsanayo awoodda dowladda federaalka si uu u beegsado dadka siyaasiyan ka soo horjeeda. Waxay eedeymahan jeedisay kaddib markii saraakiisha federaalka Mareykanka ay 12-kii Oktoobar baaritaan ku sameeyeen gurigeeda ku yaalla agagaarka Washington, DC, taas oo ay ku tilmaantay tallaabo sii xoojinaysa cadaadiska ay muddooyinkan kala kulmaysay Trump.
ISHA-HOL.