BEESHA CAALAMKA OO WAR KA SOO SAARTAY SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-QORAALKA BC.

(MUQDISHO/SOMALIA)-DEG-DEG:-Sida aan la wada socono waxaa diyaargaraw adag magaaladda Muqdisho ka waday maalmihii la soo dhaafay kooxda Mucaaradka reer Muqdisho ee lidka ku ah nidaamka Doorasho ey Dawladda Federaalka Soomaaliya hadda ka wado dalka Soomaaliya, Mucaaradka ayaa horay waxa uu isugu dayey inuu sameeyo Banaanbaxyo looga soo horjeedo qaabka Doorashada ee ah Qof iyo Cod taaso ka dhacday Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir,balse uma eysan suurtagelin Mucaaradka reer Muqdisho oo waxa uu ku soo dhammaaday fahil iyo kala tag. Mucaaradka ayaa taageerayaashii ugu baaqay mar kale iney isugu soo baxaan banaanbax si ey muujiyaan diidmadooda ku aadan Doorashada ey garwadeenka ka tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya,waxa eyna balamiyeen shacabka reer Muqdisho bisha June afarteeda(4/6/26) taaso ku beegan maalinta khamiista ah ee inagu soo beegan. Hadaba maxaa soo kordhay maanta oo Isniin ah kuna beegan 1/6/2026-ka?. Qoraal dheer kuna taariikheysan maanta oo Isniin ah bisha Juune ey tahay kow (1/6/26)-ka ayaa ka soo baxay beesha Caalamka ee taageerta dalka Soomaaliya, Qoraalkan ayaa ah mid ey si wadajir ah u soo saareen dhammaan dawladaha xubnaha ka ah Beesha Caalamka ee taageerta Soomaaliya walaw hadda eysan sidii hore ahayn oo ey miciyo beeleen. Hadaba Qoraalka Beesha Caalamka ey soo saartaya maanta ayaa u qornaay sidan: “Bayaan Wadajir ah oo ka soo baxay Beesha Caalamka oo ku saabsan Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, 1-June-2026. Saxiixiayaasha bayaankan wadajirka ah waxa ey ka soo horjeedaan/Walaacsan yihiin xaaladda hadda ka jirta Soomaaliya. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyadda iney dib u bilaabaan wada hadaladda sida ugu dhaqsiyaha badan iyo iney si deg deg ah u gaaraan is-afgarad ku saabsan khariidada Doorashada ee ah danta dadka Soomaaliyeed. Beesha Caalamku waxay diyaar u tahay iney gacan ka geysato wada hadaladda ey Soomaalidu hogaamineyso, haddii la codsado. Waqtigaan Xasaasiga ah, waxaan ku boorineynaa dhammaan hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed iney mudnaanta siiyaan danaha Qaranka, oo ey ka fogaadaan wax kasta oo horseedi kara xiisadda sii kordheysa”. Dhinaca kale, Safaaradda Maraykanka ee fadhigeedu yahay Muqdisho/Somalia ayaa iyadana soo saartay qoraal la xiriira xaaladda Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, Qoraalka Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa qornaay Sidan: “Maraykanku waxa uu ku boorinayaa dhammaan daneyeyaasha iney is xakameeyaan oo ey ka ogaadaan falalka huriya rabshadaha ama xasilooni daradda. Waxaan ku dhiirigelineynaa dhammaan dhinacyada iney ka go’an tahay wadahadal iyo iskaashi si loo taageero Nabadda iyo Xasiloonidda guud ahaan Soomaaliya”. Dhammaan qoraaladda soo wada baxay maanta ayaa u muuqdo kuwa lagu diidan yahay fawdada iyo iska horimaadyo ka dhaca caasimadda Muqdisho taaso hadda heysata Nabad iyo xasilooni ey ku faraxsan yihiin dhammaan dadka ku nool caasimadda Muqdisho,balse jab xanuun badan ku ah Mucaaradka reer Muqdisho ee doonaayey iney qabsadaan Banaanbax rabshado wata si ey caalamka u tusaan in DFS ku guul dareysatay iney sugto Amniga Caasimadda Muqdisho.

DIYAARIYE/ABKEY-MUQDISHO/SOMALIA.

Previous
Previous

ALSHABAAB OO WEERTAY CIIDAMO KU SUGAN JAWHAR.

Next
Next

SACDIYA BAJAJ OO BERRI KA SOO MUUQAN DOONTA MAXKAMADDA G/BANAADIR.