ALSHABAAB OO WEERTAY CIIDAMO KU SUGAN JAWHAR.

(SAWIRKA)-CIIDAMDDA.

(JAWHAR/H/SHABELLE)-Wararka laga helaayo caasimadda Dawlad Goboleedka Hirshabeele ee Jawhar ayaa sheegaayo in halkaasi ey ka dheceen weeraro loo maleynaayo iney fuliyeen xubno ka tirsan kooxda khawaarijta ee AL-Shabaab, weerarada ayaa kala ahaa mid loo adeegsaday Bam Gacmeed lala beegsaday xero ey degan yihiin Guutada 3-aad ee Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed kuwaaso uu hogaamiyo Gen.Saneey Cabdulle, waxa eyna xeradaani ku taalaa agagaarka Saldhiga weyn ee Jawhar, weerarkaan ayey kooxda AL-Shabaab sheegatay iney ku dileen hal askeri oo ka tirsan ciidamadda. Dhinaca kale, waxaa isna jira weerar loo adeegsaday Qarax kaaso ka dhacay Laanta Siinaay ee Xaafadda Horseed ee degmada Jawhar, Qaraxa ayaa ahaa mid lala beegsaday sarkaal ka tirsanaay Ciidamadda Dawladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Jawhar lana yiraahdo Haaroole, balse kooxda AL-shabaab ayaa iyadana dhinaceeda ka sheegtay in Qaraxa lala eegtay goob ey ku sugnaayeen Saraakiil iyo askar ka wada tirsan Ilaaladda Madaxweyne Cali Guudlaawe, Kooxda AL-shabaab ayaa bogeed Internet-ka ku faafisay in weerarka loo adeegsaday Qaraxa ey ku dhaawacmeen ilaa seddex qofood kana wada tirsan ciidamadda uuna ka mid yahay halka sarkaal, kooxda Khawaarijta ayaa magacyada dadka dhaawacmay ku sheegtay iney kala yihiin”Cabdi Xaamud(Sarkaal), Yuusuf Badhar, Idris Cali Geedi”,dhammaantood ayey kooxdu ku wada sheegtay iney yihiin ilaaladda gaarka ah ee Mw-Cali Guudlaawe, mana jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay maamulka H/Shabeele kuna saabsan wixi ka maanta ka dhacay gudaha Jawhar.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

BAABUUR DAAD QAADAY IYO ARDAY KU DHAAWACANTAY GOOB IMTIXAAN.

Next
Next

BEESHA CAALAMKA OO WAR KA SOO SAARTAY SOOMAALIYA.