BAABUUR DAAD QAADAY IYO ARDAY KU DHAAWACANTAY GOOB IMTIXAAN.

(SAWIRKA)-BAABUURTA EY DAADKU QAADEEN.

(GARAWE/PUNTLAND)-Ilaa saddex arday ayaa ku dhaawacmay isku dhac dhexmaray ciidamada booliska ee sugayay amniga imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland iyo qaar ka mid ah ardayda degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal. Dhaawacyada ardayda oo rasaas sababtay ayaa la geeyay isbitaalka degmada Buurtinle, waxaana la soo sheegayaa in mid ka mid ah xaaladiisu culus tahay. Dhacdadan dhaawaca sababtay waxay ka dhacday xarunta dugsiga sare ee Buurtinle, iyada oo aysan jirin ilaa iyo hadda cid ka hadashay. Deegaannada Puntland waxaa maalintii saddexaad ka socda imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2025-2026, kaas oo ay u fariisteen 25,221 arday. Dhinaca kale, Saddex gaari ayaa xalay biyo kula tageen togga Durdur ee mara deegaanka Ceeldaahir degmada Carmo ee gobolka Bari, kaas oo daadad ku soo rogmadeen. Dadkii gaadiidkaas watay ayaa laga soo badbaadiyay biyaha, kaddib markii ay gurmad u sameeyeen dadka deegaanka iyo dad ku safrayay wadada oo ay ku jireen saraakiil ka tirsan Puntland. Baabuurta biyuhu la tageen waxay labo ka mid ah ahaayeen kuwa xamuulka qaada, halka midka kalana uu ahaa gaari yar oo watay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntand Col. Siciid Nuur Shire, sida uu sheegay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Karkaar, Bashiir Nayn oo ka mid ahaa gurmadka. Isu socodka deegaannada Puntland ayaa xalay ilaa saaka weli u xiran togga Durdur oo ay ku soo rogmadeen daadad badan. Togga Durdur oo ka yimaada gobolka Sanaag ayaa xilli roobaadka waxaa ku soo rogmada daadad badan, kuwaas oo mararka qaar xaniba isu socodka deegaannada Puntland. Xilligii la dhisayay laamiga xiriiriya Garoowe iyo Boosaaso ayaa togga Durdur laga dhigay buundo-jiif, taas oo sababtay dhibka, iyada oo baahi wayn loo qabo buundo la saaro toggaas.

ISHA-PP.

Previous
Previous

DOORASHADA ITOOBIYA OO LAGA DIIDAY GOBOLADA OROMADA IYO AMXAARADDA.

Next
Next

ALSHABAAB OO WEERTAY CIIDAMO KU SUGAN JAWHAR.