SACDIYA BAJAJ OO BERRI KA SOO MUUQAN DOONTA MAXKAMADDA G/BANAADIR.

(SAWIRKA)-SACDIYA BAJAAJ IYO BOOLISKA GB.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Wararka laga helaayo caasimmadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Siyaasiga Maxamed Adan Jimcaale (Koofi) oo ka mid ah Mucaaradka Dowlada Federaalka Soomaaliya qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu kaga hadlay qorshe Dowladu beri ey Maxkamad ku geyneyso Sacdiya Macallin Cali (Bajaaj) oo u xiran arrimo Sumcad dil Madaxweyne iyo Qoyskiisa ah. Sacdiya ayaa la xiray bishii Abriil ee sannadkan,waxaane laga qabtay xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee G/banaadir, ka dib ayaa waxaa loo wareejiyey Xabsiga dhexe ee Xamar halkaaso ey ku jirtay tan iyo maanta. Sacdiya ayey Mucaaradku u arkaan in arrinkeeda dhibco looga qaadan karo DFS waayo iyaga ayey gacan saar la leedahay inta badane tagtaa xafladahooda. Koofi oo ah shaqsi aan weli Siyaasadda Soomaaliya meelna ka soo gelin ayaa waxa uu bartiisa FCB soo dhigay qoraal uu kaga hadlaayo Maxkamadeynta Sacdiya ee berri, qoraalka Koofi ayaana u qornaay sidan: “Sacdiyo Macallin (Bajaaj) waxay u xiran tahay oo berri maxkamad lagu saarayaa kaliya in ay tiri “Madaxweyne waxaan u baahanahay inta gabadhaadu u baahantahay!” Waxaan garab taaganahay dhibbane Sacdiyo Bajaaj, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada in la garab istaago oo la tago maxkamadda.Garsoorka dalka waxaan ka rajaynayaa in ay caddaaladda u adeegi doonaan, xorriyaddeedana ay u celin doonaan Sacdiya Bajaaj”. Waxaa si aad ah u kala gedisan hadalka Koofi ku sheegay iney Sacdiya u xiran tahay iyo kan ey sheegtay Xeer Ilaalinta Qaranka, taasi waxa ey muujineysaa in Koofi iska indha tiraayo xaqiiqadda sacdiya loo xiray isaga oo og wax kasta oo la xiriira arrinteeda.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

BEESHA CAALAMKA OO WAR KA SOO SAARTAY SOOMAALIYA.

Next
Next

CAQABAD FIISO OO SOO WAJAHDAY XULKA K/CAGTA K/AFRIKA.