AHLU SUNNA OO KU SOO BIIREYSA DAGAALKA AL-SHABAAB.
(SAWIRKA)-SHEEKH MAXAMUD IYO WASIIR FIQI.
(MUQDISHO)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu-sunna Waljamaaca oo haatan yimid magaalada Muqdisho, isaga oo ka dib kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi. Wasiirka ayaa Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan ku qaabilay xafiiskiisa, isaga oo si maqaam sare leh u soo dhaweeyay, ka dibna kala hadlay arrimo xasaasi ah. “Sharaf iyo farxad weyn ayay ii ahayd maantay in aan Xafiiskayga Wasaaradda Arimaha Dibadda ku qaabilo Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee ASWJ Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi, ka dib qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga. Fiqi oo faah-faahin ka bixiyay kulanka dhex-maray isaga iyo Hoggaamiyaha Ahlu-sunna Waljamaaca ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay inuu kala hadlay Qorshaha dagaalka ee dowladda, si looga adkaado kooxda AL-Shabaab oo haatan dib isku soo abaabushay. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in kulankooda ey diirada ku saareen suulinta fikirka xagjirka ah iyo sidii meel looga soo wada jeesan lahaa kooxaha Argagixisada ah. “Waxaan ka wada hadalnay in fikirka xagjirka ee Argagixisadu uu khatar ku yahay diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed, in meel looga soo wada jeestana ey waajib tahay, dawladdana lagu garab istaago la dagaalanka Argagixisada.” ayuu mar kale yiri Wasiirku. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Sheekh Maxamuud wuxuu leeyahay taariikh dheer oo ku suntan la dagaallanka Argagixisada iyo fikirka xagjirka ah”. Kulankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dib loo soo nooleeyay cududii Ahlu-sunna ka dib qorshe maalmo kooban ka socday Guriceel iyo Dhuusamareeb, ayada oo ka dib lasoo bandhigay cudud ciidan oo xoog leh. Qorshaha dib loogu aas-aasay Ahlu-sunna waxaa gadaal ka riixeysa Dowladda Federaalka, waxaana la sheegay iney xoreynayaan degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale ee AL-Shabaab ey ka joogaan deegaannada kale ee maamulka Galmudug. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo aad u adag, ka dib markii ey AL-Shabaab culeys soo saartay labada Shabelle iyo deegaanno aad ugu dhow Muqdisho.
ISHA-C/O.