MARAYKANKA MA XIRI DOONAA 12-QUNSULIYADOOD?
(SAWIRKA)-XOGHAYAH ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA.
(USA)-Wararka laga helaayo dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Marco Rubio uu maanta oo Talaada ah sheegay in maamulka Madaxweyne Trump uu dib u habeyn ku sameynaayo Waaxyaha Wasaaradda si meesha looga saaro meelaha uu u arko iney ka maqan yihiin,iyo sidoo kale barnaamijyada ey sheegtay ineysan waafaqsaneyn danaha dalka Maraykanka. “Habkani waxa uu xoojin doonaa Waaxeedada dhinac walba ah,laga bilaabo xarunta ilaa Safaaradaha”,isagoo ku tilmaamay talaabadaan qeyb ka mid ah ajandaha “America First” ee Madaxweyne Trump. Shaqooyinka Gobol kasta waa la mideyn doonaa si loo kordhiyo waxtarka,xarumaha joogtada ah waa la baabi’in doonaa iyo barnaamijka sharci daradda ah ee aan waafaqsaneyn danaha Qaranka Maraykanka waane la joojin doonaa”ayuu hadlkiisa raaciyey Wasiir Rubio. Wasiirku waxa uu sheegay in shaqada Xoghayaha ku Xigeenka Amniga Rayidka,Xuquuqul Insaanka iyo Dimuqaraadiayadda loo wareejin doono isku duwaha cusub ee gargaarka dibadda iyo Arrimaha Bani’adanimada. Marco Rubio oo hadda sidoo kale u shaqeeyo Maamulka Wakaaladda Houmarinta Caalamiga ah ee Maraykanka ayaa dhaleeceyey kobaca Waaxda ee sannadihii la soo dhaafay isagoo ku sifeeyey”Xafiis Bararsan oo aan awoodin inuu fuliyo waajibaadkiisa diblomaasiyadeed ee asaasiga ah ee xilligan cusub ee tartanka awoodaha waa weyn”. Dib habeyntan dhammaystiran ayaa timid ka dib markii Madaxweyne Trump uu amar ku bixiyey in dib u habeyn lagu sameeyo Xubnaha Diblomaasiyiinta Maraykanka ah bishii Feberaay-2025-ka,si loo xaqiijiyo sida ey uga go’an tahay ajandihiisa siyaasadeed ee Arrimaha Dibadda,saraakiisha Maraykanka ayaa bishii hore ee Maarso sheegay in Waaxdu ey sidoo kale isu diyaarineyso iney xirto ilaa 12-Qunsuliyadood,laakinse Wasiir Rubio kuma uusan xusin Xiritaanka wax Qunsuliyad ah bayaankan.
ISHA-AA.