SOOMALIYA OO KA QEYBGELEYSO SHIRKA WASHINGTON DC.

(SAWIRKA)-HAYADDA LACAGTA ADDUUNKA.

(MUQDISHO)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus u dirtay dalka Mareykanka, waxaana hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda, Mudane Biixi Imaan Cige, kaas oo gaaray magaalada Washington DC ee dalkaasi. Ujeedka wafdiga Soomaaliya u tageen Mareykanka ayaa ah ka qayb-galka shirka xilliga gu’ga SpringMeetings2025 oo ey soo qaban qaabiyeen Hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka. Wasiir Biixi waxaa safarkan ku wehlinayo xubno metalaya Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Bangiga dhexe iyo Hey’adda Warbixinnada Maaliyadda, kuwaas oo inta ey joogaan Mareykanka sameyn doono dadaallo dheeraad ah. Sidoo kale waxa ay kulamo hordhaca ah la qaateen madax sare oo ka tirsan labada Hay’adood ee shirka qabanaya ka hor inta eysan dhicin kulamada guud ee loo dhan yahay. Kulamada gaar gaarka ah ee dhacay ayaa ujeedkeedu ahaa sidii dowladda Soomaaliya ey miiska wada-hadalada ula tagi laheyd qorsheyaal cad-cad oo ku saleysan hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo helidda fursada maalgalineed oo ey Hey’adaha caalamku bixiyaan si loo maalgaliyo ilaha dhaqaalaha dalka si loo kobciyo wax soo saarka gudaha. Wasiir Biixi oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa dhankiisa sheegay in kulamada hordhaca ah ee uu la qaatay wakiilada IMF iyo Bangiga Adduunka ey si guul ah ku soo dhamaadeen, haatanna ey isku diyaarinayaan ka qeyb galka fadhiyada guud oo lagu filayo inuu khudbado ka jeediyo Wasiirka. Soomaaliya ayaa fursad muhiim ey u tahay ka qayb-galka shirka xilliga gu’ga SpringMeetings2025 ee ka dhacaya Mareykanka, maadaama ey kasoo qayb-galayaan madax kala duwan iyo hay’ado waa wayn oo ey bandhigeyso qorshayaasheeda muhiimka ah. Dowladda Federaalka oo muddooyinkan horumar wayn ka sameyneysay la macaamilka saaxibada caalamka ayaa haatan dooneyso iney dhaqaalaha iyo maalgasha ay sii hormariso, si loo helo kobac dhaqaale oo wayn iyo fursado kale oo muhiim ah. Marar badan ayey Soomaaliya xaadirtay shirar noocaa oo kale oo isla qabteen Hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka oo si weyn taageero u siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Kulamadda Guga ee Kooxda Bangiga Adduunka(WBG) iyo Hayadda Lacagta Adduunka(IMF) ayaa bilawday shaay 21-ka bishaan Abriil-2025-ka waxa uuna soo dhammaan doonaa Abriil-26-2025-ka.Dhacdooyina Muhiimka ah ayaa waxaa ka mid ah Kulanka Gudiga Horumarinta Guiga Caalamiga ah ee lacagta iyo Maaliyadda iyo dhacdooyinka iyo fagaarayaasha diiradda lagu saaraayo Horumarinta Caalamiga ah,Dhaqaalaha Adduunka iyo Suuqyadda Maaliyadda.

ISHA-C/O.

Previous
Previous

AHLU SUNNA OO KU SOO BIIREYSA DAGAALKA AL-SHABAAB.

Next
Next

MARAYKANKA OO DUQEYN KA FULIYEY BIYAHA SOMALIYA.