Ahmed Hussein Ahmed Hussein

URURKA XAMAAS OO WAFDI U DIRAY QAAHIRA.

(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.

(CAIRO)-Ururka Xamaas ayaa sabtidii shalay ku dhawaaaqay in wafdi uu hogaaminaayo sarkaal sare oo lagu magacaabo Khaliil AL-Xaya’a uu u ambabaxay magaaladda Qaahira ee dalka Masar si ey halkaasi ugula kulmaan dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qadar taaso qeyb ka ah dadaaladda lagu doonaayo in lagu heshiisiiyo laguna soo afjaro duulaank ey Isra’iil ku hayso Marinka Gaza. “Waxaa jiri doono kulamo iyo daba-gal aan la yeelan doono walaalaheen dhexdhexaadiyeyaasha ah ee Masar iyo Qadar taaso qeyb ka ah dadaaladda socdo ee lagu doonaayo in lagu heshiisiiyo laguna joojiyo gardarada Isra’ill ee Marinka Gaza”ayey kooxda Xamaas ku tiri barteeda Telegaraamka. Ururka Xamaas ayaa ku nuuxnuuxsaday iney “si wanaagsan u soo dhaweyneyso soo jeedinta kasta haddii ey damaanad qadaan xabad joojin joogta ah,ka bixitaanka ciidamadda Isra’iil ee Marinka Gaza,soo afjaridda dhibaatada dhulka reer Falastiin iyo heshiiska isdhaafsiga Maxaabiista ee hakadka galay”. Isra’iil ayaa dib u bilawday weerarka ey ku hayso Marinka Gaza 18-kii bishii Maarso ee sannadkan 2025-ka,waxa eyna jebisay heshiiskii xabad joojinta iyo isdhaafsiga maxaabiista kaaso soo bilawday bishii Janaayo-2025-ka. Laga soo bilaabo Oktoobar 2023-kii,dhulka reer Falastiin waxaa ku dhintay in ka bad ilaa 50,900-Qof oo Falastiiniyiin ah kuwaaso u badan Haween iyo Caruur,waa sida ey sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA IYO IRAAN OO KU MULMAY CUMAAN.

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA CUMAAN ALBUSAYDI.

(MASCAT)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan,Sayid Badar Xamad AL-Busaydi ayaa sheegay in wada hadaladda u dhexeeyo Maraykanka iyo Iraan ey jawi saaxibtinimo ugu yeesheen Caasimadda Maqsaqat. Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Wasiirka Arrimaha Dibeda ku yiri “Waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo in aan martigelinay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Dr. Seyed Abbas Caqraji iyo ergeyga Madaxweynaha Mareykanka Steve Witkoff oo aan dhexdhexaadinay si aan u bilowno hannaan wada-hadal iyo wada-xaajood oo ujeeddadu tahay in lagu soo gabagabeeyo heshiis cadaalad ah oo lagu fulinayo magaalada Masqat. Gaarista Nabadda, Amniga iyo Xasilloonida Gobolka iyo Caalamka, waxaan sii wadi doonnaa inaan si wadajir ah u wada shaqeyno, waxaanan gelin doonnaa dadaallo dheeraad ah si aan gacan uga geysanno sidii loo gaari lahaa yoolkan. Sida laga soo xigtay Wakaaladda wararka Iran, wada-hadalladan oo ah kii ugu horreeyay muddo sannado ah, ayaa si dadban loo soo mariyay dhexdhexaadintii Cumaan. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Iran, Esmaeil Baqaei, ayaa qoraal uu Sabtida X ku sheegay in Wada-xaajoodyada Iran iyo Maraykanka la dhigay qolal kala duwan, isla markaana ey fariimo isku dhaafsadeen Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Cumaan Sayid Badar Hamad AL Busaidi. Wafdiga Iran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa gelinkii hore ee maanta gaaray magaalada Masqad. Markii uu yimid Masqat, Caqraji wuxuu la kulmay Sayid Badar wuxuuna u gudbiyay mowqifka Iran isaga oo markii dambe la kulmay Witkoff. Iran waxay sheegtay inay diblumaasiyadda siinayso "fursad dhab ah" haddii dhinaca Maraykanku ay muujiyaan go'aan iyo niyad wanaag. Iran ayaa wadahadalka horudhaca ah ee Cumaan u aragtay fursad ay ku xaqiijinayso in Maraykanku uu dhab ka yahay diblomaasiyadda. Goor sii horeysay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay xiriirka adag ee adag ee ka dhaxeeya labada dal ee dhinacyada kala duwan, isagoo ammaanay mowqifka mas’uuliyadda leh ee Saldanada Cumaan ee Arrimaha Gobolka iyo horumarka, sida lagu sheegay barta Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran. Waxa kale oo uu mas’uulkan u arkayay martigelinta wada-xaajoodka dadban ee Iran iyo Maraykanka inay daliil u tahay habkan wanaagsan, wuxuuna u mahad-celiyay Wasiirka Arrimaha dibadda, Sayid Badar AL Busaydi, oo uu aad u danaynayo arrintan.

ISHA-OMAN TIMES.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

URURKA XIZBULLAH OO FAARUQUYEY K/LUBNAAN.

(SAWIRKA)-URURKA XIZBULLAH.

(BEIRUT)-Inta badan goobaha militariga ee Xisbullah ee koonfurta Lubnaan ayaa hadda waxaa gacanta ku haya ciidamada Lubnaan, ilo ku dhow dhaqdhaqaaqa Lubnaan ayaa sidaas sheegay Sabtida. Ka bixitaanka ciidamada kooxda ayaa lagu heshiiyey iney qeyb ka tahay heshiis xabad joojin ah oo ey la galeen Israa’iil bishii November,ka dib rabshado bilo ah oo ey ku dhinteen kumanaan qof. "265 ka mid ah fariisimaha milatari ee Hezbollah ee laga aqoonsaday koonfurta Litani [Wabiga], xarakadu waxay ku wareejisay ciidamada ilaa 190," isha ayaa u sheegay AFP, oo diiday in magaceeda la shaaciyo. Israa'iil iyo Hezbollah waxay ku lug lahaayeen iskahorimaadyo xuduudeed muddo sannad ka badan tan iyo 8 Oktoobar 2023, ka dib markii uu bilaabmay dagaalka Gaza. Iska horimaadku wuxuu isku bedelay dagaal culus bishii Sebtembar ee la soo dhaafay markii Israa'iil ey billowday olole duqeymo baahsan iyo duullaan dhulka ah oo ey ku qaadday Lubnaan. Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 4,000 oo qof, waxaana dhammaan xaafadaha ey noqdeen burbur. Sida ku cad heshiiskii xabbad joojinta ee November, Israa'iil waxay ahayd iney ciidamadeeda kala baxdo koonfurta Lubnaan 18-ka Febraayo ka dib markii ey lumisay waqti hore oo kama dambays ah bishii Janaayo. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Israa'iil ayaa weli ku sugan shan goobood oo u dhow xudduudda, taas oo ey u arkeen "istaraatijiyad". Dhanka kale, Xisbullah ayaa ciidamadeeda u soo jiiday dhanka waqooyi ee wabiga Litani si loogu badalo ciidamada Lubnaan. Sarkaal Lubnaani ka tirsan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan bariga dhexe, Morgan Ortagus, uu kala hadlay hub ka dhigista Ururka Xisbullah iyo Madaxda sare ee Lubnaan, mar ey booqasho ku tagtay dalkaasi todobaadkii hore. Ortagus ayaa u sheegay talefishinka Lubnaan ee LBCI: "Waxaan sii wadeynaa inaan ku cadaadineyno dowladdan iney si buuxda u fuliso joojinta colaadda, taas oo ey ku jirto hub ka dhigista Xisbullah iyo dhammaan maleeshiyaadka". Waxay sheegtay iney tahay inay dhacdo "sida ugu dhakhsaha badan".

ISHA-MEE.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADA AMAANKA SURIYA IYO KUWA KURDIYIINTA OO..

(SAWIRKA)-CIIDAMADA AMAANKA SURIYA.

(DIMISHIQ)-Ciidamada ammaanka ee xukuumadda cusub ee Dimishiq ayaa la geeyay Sabtidii agagaarka biyo-xireenka istiraatiijiga ah ee Waqooyiga Suuriya, iyadoo heshiis lala galay ismaamulka Kurdiyiinta, sida ey sheegtay warbaahinta dowladda.
Sida uu dhigayo heshiiska, dagaalyahanada Kurdiyiinta oo ey Hogaaminayaan Ciidamada Dimuqraadiga ee Suuriya ayaa dib uga guran doona biyo xireenka ey ka qabsadeen Daacish dhamaadkii 2015. Biyo xireenka Tishrin ee u dhow Manbij ee Gobolka Xalab ayaa ah mid ka mid ah dhowr jeer oo ku yaal Webiga Furaat iyo marinnada uu ka helo Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya.
Waxa ey door muhiim ah ka ciyaartaa dhaqaalaha Qaranka iyada oo bixisa Biyaha Waraabka iyo Tamarta Korontada. Maalintii Khamiista, ilo Kurdiyiin ah ayaa sheegay in maamulka Kurdiyiinta ee Waqooyi bari Suuriya ey heshiis la gaareen dowladda dhexe ee maamulidda biyo xireenka. Ilo kale oo Kurdiyiin ah ayaa Sabtidii sheegay in heshiiska, oo ey kormeerayaan isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ee uu Maraykanku hogaamiyo, uu dhigayo in biyo xireenku uu sii ahaado maamulka rayidka ee Kurdiyiinta. Wakaaladda wararka ee Suuriya ee SANA ayaa ku warantay " Gelitaanka ciidamada Carabta ee Suuriya iyo ciidamada ammaanka ee Biyo xireenka Tishrin. Heshiisku waxa kale oo uu ku baaqayaa in la helo ciidan isku dhaf ah oo ilaaliya biyo-xireenka iyo in laga saaro kooxaha doonaya iney carqaladeeyaan heshiiskan,” ayey tiri SANA. Waa qeyb ka mid ah heshiis ballaaran oo bartamihii bishii Maarso ey wada gaareen Madaxweynaha Suuriya Axmed AL-Sharac iyo taliyaha SDF Mazloum Cabdi, kaas oo ujeedkiisu ahaa in Hay’adaha maamulka ismaamulka Kurdiyiinta lagu daro dowladda Qaranka.Biyo-xireenka ayaa ahaa goob muhiim u ah dagaalka sokeeye ee Suuriya ka qarxay 2011-kii, isagoo gacanta u galay Daacish ka hor inta aysan qabsan SDF. Maalmo ka dib markii isbahaysiga AL-Sharac ey afgambiyeen hoggaamiyaha Suuriya Bashaar AL-asad bishii Diseembar, duqeymo ey fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ayaa lala beegsaday biyo-xireenka, halkaas oo ey ku dileen daraasiin rayid ah iyo saraakiil Kurdiyiin ah, sida uu sheegay kormeeraha dagaalka ee fadhigiisu yahay Britain ee la socda kooxda Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya.

ISHA-AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

URURKA XIZBULLAH OO WADA HADAL LA FURAAYO XUKUMADA LUBN..

(SAWIRKA)-XARUNTA URURKA XIZBULLAH.

(BEIRUT)-Ka dib markii ilo wareedyo rasmi ah ey xaqiijiyeen in Madaxweynha dalka Lubnaan Joseph Cawn uu dhawaan bilaabi doono wada hadallo toos ah uu la yeelanaayo Ururka Xizbullahi si uu ugala hadlo arrinta hubkooda,wakiilka Ururka Xizbullah ayaa ku dhawaaqay in ugu dambeyntii uu Ururka Xizbullah uu diyaar u yahay inuu Xukuumadda kala hadlo Istaraatiijiyadda Difaac dalka Lubnaan. Xildhibaan Xasan fadlalah ayaa shir jaraa’iid uu ku qabtay Baarlamaanka maanta oo khamiis ah ka sheegay in Ururka Xizbullah diyaar u yahay inuu Xukuumadda kala shaqeeyo Istaraatiijiyadda Difaaca Qaranka. si kastaba ha ahatee,waxa uu tixgeliyey in wada hadalada muhiimka ah ey tahay in diiradda lagu saaro xaqiiqooyinka la xiriira weeraradda Isra’iil iyo sidii looga hortegi lahaay Istaraatiijiyadda Qaranka iyo wada hadaladda dhexmara kuwa daneeya Qaranimada dalka Lubnaan. Xildhibaan Xasan Fadlalah ayaa intaas raaciyey “Dawladda waxa ey masuul ka tahay iney qaado dadaal kasta oo rasmi ah oo lagu joojinaayo weerarada Isra’iil,waane iney u hogaansantaa waxa lagu sheegay bayaankeeda Wasiir”. HUBKA LAGA SOO TAHRIIBINAAYO DEKEDA: Waxa uu sidoo kale beeniyey “Dhammaan eedeymaha ku saabsan in hub si qarsoodi ah loogu geeyey Ururka Xizbullah iyadoo la sii mariyey Dekeda Beyruut”. Waxa uu Hayadaha Garsoorka ugu baaqay iney tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan dadka faafiyey eedeymahaas”. Dhinaca kale,Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Lubnaan Yuusuf Raaji ayaa ku celceliyey in dawaladda guud haaan ey ka go’an tahay iney xadido haysahada hubka ee gobolka si dalka Lubnaan loo saaro wadadii soo kabashada.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA URDUN NIN AYAA XAASKIISA KU DILAY…

(SAWIRKA)-GARGAARKA DEG DEGA AH.

(AMMAN)-Wararka laga helaayo Caasimadda dalka Urdun ee Camaan ayaa sheegayo in halkaasi uu ka dhacay Dembi aad u fool xun oo gilgilay Gobolka Zarqa’a,dembigan xanuunka badan ayaa ah in nin uu xaaskiisa ku dhex dilay gurigooda subaxnimadii hore ee maanta oo sabti ah. Ninkaan ayaa si arxan darri ah u garaacay Xaaskiisa isaga oo isticmaalay qalab wax u geystay Xaaskiisa, intaas ka dib waa uu ceejiyey ilaa ey ka dhimato ka hor inta uusan ka baxsan goobta. Sida laga soo xigtay ilo Caafimaad oo ku sugan Isbitaalka dawladda Zaqra’a, warbixin cilmi baariseed ayaa shaaca ka qaaday in dhibanaha loo geystay dhibaato jireed oo daran iyo ninkeeda oo ka xiiray dhammaan timihii ka hor inta uusan gelin dembiga. Dabagal dheer ka dib ciidamada Amaanka ee Urdun waxaa u suurtagshay iney soo helaan gacantana ku soo dhigaan gacan ku dhiiglihii soo dilay Xaaskiisa, waxaane loo gudbiyey Xeer Ilaalinta qaada dembiyada waa weyn si ey ugu soo oogto dembigaan dilka ah,waxa eyna Xeer Ilaalintu amartay in Xabsiga lagu sii haayo muddo dhan 15-maalmood lana cusbooneysii karo,waxaane lagu xiray xarunta dhaqan celinta. Hayadaha ey khuseyso waxa ey sii wadaan iney baaraan xaaladda kiisaka,iyadoo ey jiraan codsiyo ka imaanaayo shacabka kuna saabsan sidii dilaagan loo marsii lahaa ciqaab adag una dhiganta dembiga uu ka galay Xaaskiisa.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAWLADDA MASAR OO KA HADASHAY ARRIMAHA B/DHEXE

(SIRKA)WASIIR CABDULCAADHI

(CAIRO)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Cabdulcadhi, ayaa Sabtidii ka digay khatarta ka dhalan karta xiisadaha ka taagan Gobolka, intii lagu guda jiray laba taleefoon oo kala duwan oo uu la yeeshay dhiggiisa Lubnaan Youssef Rajji iyo dhiggiisa Iran Abbas Araghchi, sida ey sheegtay Wakaaladda wWararka Anadolu. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, Wada-hadallada Abdulcaadhi ee uu la yeeshay Raji ayaa ka hadlay “Kororka Naxdinta leh ee koonfurta Lubnaan, taas oo horseedi karta xiisad dheeraad ah iyo xasillooni darro Gobolka oo sii xumaysa xaalad horeba u jilicsan.”Wasiirka Masar ayaa ka digay "in lagu dhex simbiyo xaalad kacsanaan ah oo keeni karta xasillooni darro weyn" wuxuuna xaqiijiyay taageerada Masar ee "Dawladda Lubnaan, Hay'addeeda Qaranka, iyo Xasilloonideeda iyada oo ey wajahayaan caqabadaha Amniga." Waxa uu ku celceliyay diidmada Masar ee ficil kasta oo wax u dhimaya "Amniga, badbaadada, iyo xasilloonida dadka walaalaha ah ee Lubnaan." Isagoo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la ilaaliyo heshiiska xabbad joojinta ee Koonfurta Lubnaan, wuxuu ku baaqay "In si buuxda oo shuruud la'aan ah looga saaro ciidamada Israel iyo awood siinta ciidamada Lubnaan iney fuliyaan Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiiu yahay 1701." Waxa uu carabka ku adkeeyay in Qaraarka Wwaa in si buuxda oo isku mar ah dhammaan dhinacyada ey u adeegsadaan iyada oo aan la dooran." Wicitaankiisii ​​​​uu la yeeshay Iran Araghchi Cabdulcadhi wuxuu kala hadlay "Xaaladaha Gobolka ee sida deg dega ah u soo koraya" iyo baahida loo qabo in la xakameeyo xiisadda Gaza, Lubnaan, iyo Yemen. Wuxuu carabka ku adkeeyay "Muhiimada ey leedahay Is-Xakamaynta inta lagu jiro xilligan xasaasiga ah wuxuuna ka digay falalka ka sii dari kara xaaladda kacsan ee Gobolka." Cabdulcaadhi ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameeyay xaaladda Badda Cas, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ey leedahay ilaalinta Xorriyadda Socdaalka, wuxuuna xusay khasaaraha xooggan ee dhaqaalaha Masar kasoo gaaray hoos u dhaca dakhliga Kanaalka Suweys iyo Xasilloonida Gobolka. Wuxuu carabka ku adkeeyay "Baahida deg dega ah ee loo qabo in dib loo soo celiyo Xasiloonida, laga fogaado rabshado kale, lana xoojiyo Xabad Joojinta Gaza."

ISHA-MEMO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADA XUKUMADA SUDAN OO DIB U QABSADAY…

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DAWALADDA SUDAN AYAA QABSAAY MADAXTOOYADA.

(KHARTOUM)-Taliyaha Ciidanka Sudan General Abdel Fataax AL-BurhaanI ayaa Jimciha maanta ah xaqiijiyay in "Wax wada xaajood ah eysan la geli doonin Ciidamada Taageerada Deg degga ah ka dib markii ey diideen iney hubka dhigaan," ka dib markii ciidanku la wareegeen Qasriga Madaxtooyada ee Khartoum. AL-Burhaani wuxuu yiri: “Dhammaanteen waxaa naga go’an inaan soo afjarno jabhadda oo aan meesha ka saarno Ciidamada taageerada deg degga ah. Waxa uu tilmaamay in “Ciidanka ey la mideysan yihiin shacabka dagaalka ey kula jiraan Maleeshiyaadka”. Taliyaha ciidanka ayaa ku eedeeyay Ciidamada Taageerada Deg degga ah iney "si ula kac ah u beegsadeen dadka Suudaaniyiinta ah," isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo "in la xoreeyo dhammaan Suudaan." Horay ayuu Burhaani ugu dhawaaqay in dagaalka ey kula jiraan Ciidamada Gargaarka Deg degga ah uu sii socdo. Mar uu maanta booqasho ku tagay Gobolka Jaziira, ayuu yiri “Ciidanku waxa uu shacabka Suudaan u ballan qaadayaa in aanu dagaalku joogsan doonin oo uu sii wadayo ilaa dhamaadka,” ayuu yiri “Si tartiib ah ayaan u soconaa, dagaalkuna waa uu sii socdaa”. Ciidamada Sudan ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku haynta Aqalka Jamhuuriya ee magaalada Khartoum, hase yeeshee saacado yar ka dib markii ey ciidamadu la wareegeen gacan ku haynta, ayaa waxaa weerar diyaaradeed ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Sudan, waxaana halkaasi ku dhintay saraakiil iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Warbaahinta. Ciidamada Tageerada Deg degga ah ayaa xaqiijiyay in dagaalku uusan dhamaan, halka ciidanku ey sheegeen iney ku raad joogaan ciidamo gurmad ah oo ku sugan agagaarka Xarunta Jamhuuriya, iyaga oo ugu baaqay iney isa soo dhiibaan. Warbaahinta AL-Carabiya ayaa la hadlay Major General Mohamed Abdel Rahman AL-Bilawi, oo ah taliyaha howlgalada ee Khartoum, oo xaqiijiyay in si buuxda loo maamulay xarunta Jamhuuriya iyo Wasaaradaha kale, waxa uu sidoo kale tilmaamay in Garoonka Diyaaradaha ee Khartoum uu dib u shaqeyn doono dhawaan. Major General Mohamed Abdel Rahman AL-Bilawi, Taliyaha Howlgalada Khartoum, ayaa ku micneeyay iney la wareegeen gacan ku haynta Xarunta Madaxtooyada sidii loogu talo galay, isagoo ugu baaqay Xoogaga Taageerada deg dega ah iney ka baxaan oo ey isa soo dhiibaan. Geesta kale, Ciidamada Taageerada Deg degga ah ayaa ku dhawaaqay hawlgal millatari oo danab ah oo lala beegsaday isku imaatin ka dhacay gudaha Qasriga Jamhuuriya, kaasoo sababay dhimashada tobaneeyo ka tirsan ciidanka Suudaan. Sida lagu sheegay War-Saxaafadeed ey soo saareen ciidamada taageerada deg dega ah, ayaa lagu sheegay in aan weli la soo afjarin dagaalka ka socda xarunta Jamhuuriya, taas oo muujinaysa in ciidamadoodu ey weli ku sugan yihiin agagaarka Madaxtooyada. Ciidamada Taageerada Deg degga ah waxay kaloo xaqiijiyeen iney ka go’an tahay iney “joojiyaan dagaalkan danta dadka Suudaan... iyo in Suudaan lagu dhiso aasaas cusub,” waa sida ey hadalka u dhigeene.

ISHA WARKA-AL-CARABIYA.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KUWEYT OO DHAQAALE UGU DEEQDAY FALASTIIN.

(SAWIRKA)-QAXOTIGA FALASTIIN.

(ANKARA)-Sanduuqa Kuwait ee Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ayaa khamiista maanta ah la saxiixday laba heshiis oo deeq ah Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) si loo bixiyo $ 1.5 Milyan si loogu taageero qaybta biyaha ee Gaza iyo $ 2 Milyan si kor loogu qaado Waxbarashada Lubnaan. War qoraal ah oo uu soo saaray Sanduuqa ey dowladdu maamusho ayaa lagu sheegay in Mashruuca Gaza looga golleeyahay in lagu soo celiyo nidaamka Biyaha iyo Fayadhowrka, bixinta Biyo Nadiif ah oo la Cabbo, iyo Horumarinta Caafimaadka bulshada iyadoo ey sii xumaanayso xaaladaha Bini'aadantinimo ee deegaanka. Isniintii, Warshaddii labaad ee ugu weyneyd ee Qaza ayaa shaqada joojisay, maalmo ka dib markii xarunta ugu weyn ee dhulkaas la xiray sababo la xiriira xiritaanka joogtada ah ee Israel ee xuduudaha, kuwaas oo xannibay shidaal iyo sahaydii muhiimka ahayd. Sanduuqa ayaa sheegay in Mashruuca Lubnaan maalgelin doonaa kaabayaasha si kor loogu qaado jawi Waxbarasho ee Caruurta Maxalliga ah iyo Qaxootiga ey dayactirka saddex dugsiyada dadweynaha si waafaqsan heerarka Wasaaradda Waxbarashada dalka. Xabbad-joojin jilicsan ayaa ka jirtay Lubnaan tan iyo bishii November, taas oo soo afjartay bilo dagaal xuduudeed oo u dhexeeyay Israa'iil iyo kooxda Hezbollah oo isu beddelay dagaal ballaadhan bishii Sebtembar. Sida ku cad heshiiska xabbad joojinta, Israa'iil waxay ahayd iney si buuxda uga baxdo Koonfurta Lubnaan Janaayo 26, laakiin kama dambaysta ah ayaa la kordhiyey Febraayo 18 ka dib markii Israa'iil ey diiday iney u hoggaansanto. Waxay wali ku sii haysaa joogitaanka ciidan ee shanta saldhig ee xadka. Deeqaha Khamiista ayaa calaamad u ah heshiiskii 10aad ee Gargaarka Bini'aadantinimo ee u dhexeeya Sanduuqa Kuwayt iyo UNICEF. Tan iyo 2017, Sanduuqa ayaa bixiyay ilaa 24 Milyan oo doolar oo loogu talagalay sagaal Mashruuc oo ey la leedahay Hay'adda Qaramada Midoobay, sida lagu sheegay bayaanka. Sanduuqa Kuwayt, oo u shaqeeya si Madax banaan isaga oo isticmaalaya kheyraadkiisa, wuxuu bixiyaa deymo tanaasul ah iyo Gargaar Horumarineed si looga caawiyo wadamada soo koraya Mashaariicda kaabayaasha.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO DUQEEYEY YEMAN MAR KALE.

(SAWIRKA)-DUQEYNTA DIYARADAH MARAYKANKA EE YEMAN.

(YEMAN)-Fiidnimadii Khamiista, diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa afar weerar ku qaaday fariisimaha Xuutiyiinta ee deegaanka AL-Kathib ee degmada AL-MiIna’a ee Gobolka AL Xudeydah ee Yemen. Duqeynta Mareykanka ayaa sidoo kale lala beegsaday fariisimo ey Xuutiyiinta ku leeyihiin degmada AL-Safra’a ee Sacda. Arintaan ayaa kusoo aadeysa xili ciidamada Israel ey shaaciyeen in ey qabteen gantaal laga soo riday dalka Yemen kahor inta uusan galin hawada Israel. Milatariga Israa’iil ayaa sidoo kale saaka ku dhawaaqay iney qabteen gantaal laga soo tuuray Yemen subaxnimadii Khamiista, xilli ey sii kordhayaan colaadda Xuutiyiinta iyo hanjabaad uga timid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo uu ku ciqaabayo Iran taageerada ey siiso kooxda hubeysan ee Yemen. Xuutiyiinta ayaa dhawaan wacad ku maray iney kordhin doonaan weeraradooda iyaga oo ka jawaabaya ololaha Mareykanka. Duqeymaha Mareykanka oo bilowday Sabtidii ayaa jawaab u ah weerarada Xuutiyiinta ey ku qaadeen Maraakiibta ku sugan Badda Cas, waxayna ka dhigan yihiin howlgalkii ugu ballaarnaa ee Ciidamada Mareykanka ka fuliyaan Bariga Dhexe tan iyo markii uu Trump xilka qabtay Bishii Janaayo. Weerarada Mareykanka waxaa ku dhintay ugu yaraan 31 qof, sida ey sheegeen Xuutiyiinta. Trump ayaa sidoo kale Isniintii wacad ku maray in uu Iran ku qaban doono mas’uuliyadda weerar kasta oo mustaqbalka Xuutiyiinta, isagoo ka digay cawaaqib xumo. Xuuthiyiinta ayaa in ka badan 100 weerar ku qaaday Maraakiibta xamuulka qaada tan iyo markii uu Qarxay dagaalka Gaza dabayaaqadii 2023. Weeraradan ayaa khalkhal galiyay Ganacsiga Caalamiga ah, waxayna taasi keentay in Ciidamada Mareykanka ey qaadaan olole qaali ah oo ey kaga hortagayaan gantaalada.

ISHA-ALCARABIYA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO DUQEEYEY SANCA IYO SACDA.

(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA YEMAN.

(YEMAN)-Ilo wareedyo Tv-ga AL-Carabiya ah ayaa sheegay in duqeymo dhanka cirka ah oo Mareykanka uu ka fuliyay agagaarka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Boostada ee caasimadda Sanca, iyagoo xusay in sidoo kale duqeymahaasi lala beegsaday fariisimaha Xuutiyiinta ee caasimada Sanca iyo Gobolka Sacdah. Waxa ey intaasi ku dartay in duqeynta Maraykanka lala beegsaday Degmadda AL-Suwadiyah ee Gobalka AL-Bayda. Dhanka kale, warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sheegtay in duqeynta Mareykanka ey la beegsatay degmada AL-Hazm ee Gobolka AL-Jawf. Dhinaca kale, saddex ka mid ah dadka deegaanka ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in duqeymo dhinaca cirka ah lala beegsaday xarun ey Xuutiyiinta ku leeyihiin Sanca Arbacada maanta ah.

BEEGSIGA XAAFAD U DHAW GAROONKA DIYAARADAHA:

Dadka deegaanka ayaa intaa ku daray in duqeynta lala beegsaday Xaafad ku dhow Garoonka diyaaradaha ee caasimadda Yeman ee sanca. Wariyaha Tv-ga AL-Carabiya ayaa ku soo waramay in duqeymahan lala beegsaday Xaafadda AL-Jaraaf ee Waqooyiga caasimadda Sanca. Tani waxay ka dambeysay ka dib markii diyaaradaha Mareykanka ey xalay duqeymo ka fuliyeen goobo badan oo ku yaallo dalka Yeman, gaar ahaan Gobolka Sacda.

BEEGSIGA GOBOLKA SACDA:

Dhanka kale, ilo maxalli ah oo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Gobolka Sacda uu muddo dheer gabaad u ahaa Hoggaamiyeyaasha Xuuthiyiinta, oo ey weheliso magaalo Xeebeedka Badda Cas ee Xudeyda, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Waxaa xusid mudan in ka dib toddobaadyo xasillooni ey ka jirtay marinnada Maraakiibta ee Badda Cas ka dib heshiiskii xabbad joojinta ee Marinka Gaza bishii Janaayo ee la soo dhaafay, Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ayaa ka digay 12-kii Maarso iney dib u billaabayaan weerarada ey ku hayaan Maraakiibta Israa’iil iyagoo ka jawaabaya xiritaanka Israel ee Marinnada Qaza. Labo maalmood ka hor, Mareykanka ayaa duqeymo isdaba joog ah ka fuliyay goobaha ey kooxdaasi ku leedahay dalka Yemen.

TRUMP AYAA U HANJABAY:

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu Iran mas’uul ka noqon doonto weerar kasta oo mustaqbalka ey Xuutiyiinta billaabaan, isagoo ka digay cawaaqib-xumo ka dhalan karta. Si kastaba ha ahaatee, kooxda Xuutiyiinta ayaa mar kale ku dhawaaqday Talaadadii iney balaarin doonaan bartilmaameedyada Israel saacadaha iyo maalmaha soo socda haddii eysan joojin "Gardarada" ka dhanka ah Gaza. Waxa ey ku dhawaaqday iney gantaal ballistic ah la beegsatay saldhiga Ciidamada Cirka ee Israa’iil, iyada oo aan wax caddayn ah laga helin. Afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta Yahya Sareex ayaa sidoo kale ka warbixiyay dhowr gantaal oo nooca loo yaqaan cruise missiles iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones-ka oo ku wajahan Markabka xambaara diyaaradaha ee Mareykanka Harry S.Truman iyo tiro Maraakiibta dagaalka ah ee Mareykanka. Tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil ee Gaza 7-dii Oktoobar, 2023, kooxda Xuutiyiinta ayaa boqolaal weerar ku qaaday Maraakiib ey sheegtay iney xiriir la leeyihiin Israa’iil oo ku sugan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Si kastaba ha ahaatee, waxay hakisay weeraradan in muddo ah ka dib markii xabbad joojintu ka bilaabatay Gaza 19-kii Janaayo. Dhanka kale, afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka Sean Parnell ayaa shaaca ka qaaday in Xuutiyiinta ey weerareen “174 jeer Maraakiibta dagaalka Mareykanka iyo Maraakiib Ganacsi 145 jeer tan iyo 2023”.

ISHA-AL-CARABIYA.


Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SURIYA OO QABATAY SARKAAL SARE OO XIZBULLAH KA TIRSAN.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA CUSUB EE SYRIA.

(SYRIA)-Tan iyo markii xukunka laga tuura Madaxweynihii hore ee dalka Suriya Bashaar AL-Asad, dalka Suriya waxa uu wajahaayey dhibaatooyin culus oo ey ugu horeyso Tahriibinta Hubka sharci darada ah iyo Maandooriyaha Kabtago. Cadnaan AL-Sayid waa Sarkaal waane Ganacsade gacan saar la leh dalka Iraan kana Ganacsada Maadooriyaha Kabtago waxaane hadda lagu xiray Gobolka Xalab ee dalka Suriya. Hayadaha Amaank Guud ee Xalab ayaa Arbacada maanta ah sheegay in la xiray Cadnaan AL-Sayid oo ah taliye ku xigeenka Ciidamadda Quds ee taabacsan dalka Iraan ee Gobolka Xalab,bayaan ey soo saareen Hayadaha Amniga ee Xalab ayey ku sheegeen in Cadnaan AL-sayid uu yahay isku xire u dhexeeyo Ururka ey Iraan taageerto ee Xisbullah iyo xukuumadda Iraan isla markaasne uu yahay shaqsi ka Ganacsada Maandooriyaha Kabtago. Gobolka Xalab ee dalka Suriya ayaa horay waxaa uga dhacay olole lagu baadi goobaayo Dembiileyaal Dagaal,kuwa dembiyo galay iyo kuwa lagu tilmaamay Haraadigii taliskii hore ee diiday iney hubkooda dhiibaan. Markii Bashaar AL-asad la riday 8/12/24-kii waxaa la ogaaday tobanaan goobood oo lagu farsameyn jiray Maandooriyaha Kabtago,dhacdadaan oo si weyn looga dareemay dalka Suriya sanadihii qaraaray oo ey socdeen dagaaladda xumaay eyna masuulka ka ahayd xukuumaddii hore. Waxaa xusid mudan in Machadka Newlines uu daabacay baaritaan ku saabsan soo saarista Maandooriyaha Kabtago ee Suriya sannadkii 2022-kii, isagoo Machadku uu xaqiijiyey in kooxda afaraad ey door wanaagsan ka ciyaartay magangelinta, u fudueynta iyo Tahriibinta Kabtago ee Gobolada Xums iyo Laadiqiyah iyo kuwa kale, iyadoo shixnadaha Kabtago laga daabuli jiray dekedaha kala ah Tartus iyo Laadiiqiyah. Sidoo kale,Bangiga Adduunka warbixin uu horay u soo saaray ayuu ku sharaxay in dalka Suriya uu noqday Xudunta Gobolka iyo Adduunka ee Warshadahan soo saara Kabtago,waxa uuna qiimaha Kabtago suuqyada ka gaaray lacag dhan $5.6-Bilyan oo doolar ah,halka kuwa ka ganacsada Kabtago ey ka faa’iideen lacag dhan $1.8-Milyan doolar sannadkii.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DIYAARADAHA MARAYKANKA OO MAR KALE WEERARAY XUUT..

(SAWIRKA)-MARKABKA QAADA DIYAARADAHA EE MARAYKANKA.

(YEMAN)-Ka dib markii maalmihii la soo dhaafay ay duqeymo ka fuliyeen magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yemen iyo deegaanada kale ee ay Xuuthiyiinta maamulaan ayaa Mareykanka waxa uu dib u soo cusboonaysiiyay duqeymaha uu la beegsanayo fariisimaha Xuutiyiinta. Warbaahinta Xuuthiyiinta ayaa sheegtay in habeenkii Talaadada in dhowr deegaan oo Yemen ah oo ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta ay Iran taageerto ay ka dhaceen duqeymo hor leh oo Mareykanka uu ka geystay. Waxa ay sheegtay in duqeyn Mareykanka uu ka fuliyay deegaanka Takhiya oo ka tirsan degmada Majaz ee Gobolka Sacda ee Waqooyiga dalkaasi. Dhanka kale, goob joogayaal ayaa sheegay in Sacda lagu qaaday "Saddex Weerar," sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee France-Presse.

XAJAH IYO XUDEYDA:

Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa intaa ku dartay in 4 duqeymo oo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay la beegsadeen deegaanka AL-Casaayidyid oo ka tirsan degmada AL-Safra’a ee Sacda, iyo deegaanka Buxays oo ka tirsan degmada Miidi ee Gobolka Xajah ee Waqooyi galbeed dalka Yemen. Waxa ay intaa ku dartay in duqeymaha Mareykanka ay ka fuliyeen bariga magaalada Xudeydah ee Galbeedka dalkaasi, oo ay ku jiraan “Laba weerar oo xagga cirka ah oo lala beegsaday dhismaha Naadiga AL-Ahly ee degmada Miina’a”. Dhanka kale Taliska dhexe ee Mareykanka ee CENTCOM ayaa soo bandhigay muuqaalo cusub oo ku saabsan duulaanka lagu qaaday Goobaha Xuuthiyiinta.

WEERARKII AFARAAD OO LAGU QAADAY MARKAB LAGA LEEYAHAY MARAYKANKA:

Iyaga oo ka jawaabaya, Xuuthiyiinta ayaa ku dhawaaqay horaantii Arbacada in ay Gantaallo nooca cruise-ka ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay ku qaadeen Markabka qaada diyaaradaha ee uu Maraykanku iska leeyahay oo marayey Badda Cas, waana Weerarkii Afraad ee ay sheegtaan muddo 72 saacadood gudahood ah. Afhayeenkooda, Yahya Sareex, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Xuutiyiintu ay ogaadeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda Badda Cas, iyaga oo u diyaar garoobaya weeraro baaxad leh, iyaga oo ka jawaabaya weeraro badan oo gantaallo ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan oo ay la beegsadeen Markabka USS Harry Truman iyo Maraakiib kale oo dagaal. Arrintan ayaa timid iyadoo Gobollada Yemen oo ay ku jiraan Sanca iyo Xudeydah ay habeenkii Isniinta duqeymo ka fuliyeen Mareykanka.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeynta la beegsaday degmada Bajiil ee Xudeyda, iyadoo ay sii dheer tahay Warshad birta sameysa oo ku taalla deegaanka AL-Salif ee isla gobolkaasi. Weeraradan ayaa sidoo kale lala beegsaday deegaanka Jabal Sarf oo ka tirsan degmada Bani-Xisheysh iyo Wadada 60-aad ee Waqooyiga magaalada Caasimada ah ee Sanca.

“DIGNIIN KU SOCOTO XUUTIYIINTA”:

Xuuthiyiinta ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay inay doonayaan inay dib u bilaabaan weeraradooda ay ku hayaan Maraakiibta Israel ee ku sugan Badda Cas iyo Badda Carabta ilaa laga “furayo Marinada” lagana ogolaanayo in Gargaarka la geeyo Marinka Qaza. Isagoo ka jawaabaya kororka Ganacsiga Badda, Mareykanka ayaa bilaabay duqeymo xiriir ah oo dhanka cirka ah oo uu ku qaaday Xuutiyiinta habeenkii Sabtida, isagoo hanjabaado kale u geystay. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sidoo kale uga digay Iran, isagoo carabka ku adkeeyay "Iney mas'uul ka noqon doonto weerar kasta oo Xuuthiyiinta ah, ayna la kulmi doonto cawaaqib xun." Waxaa xusid mudan in tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil ay ku hayso Gaza October 7, 2023, Xuuthiyiintu waxay qaadeen boqollaal weerar oo ay ku qaadeen Maraakiib ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Israa’iil oo ku sugan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Si kastaba ha ahaatee, waxay hakiyeen weeraradan in muddo ah ka dib markii xabbad joojintu ay ka dhaqan gashay Gaza 19-kii Janaayo. Dhanka kale, afhayeenka Wasaaradda difaaca ee Mareykanka Sean Parnell ayaa sharaxay in Xuuthiyiinta ay weerareen "174 jeer Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka iyo Maraakiib Ganacsi 145 jeer tan iyo 2023."

ISHA-AL-CARABIYA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CARUUR IYO DUMAR KU HOOBTAY WEERARADA ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-GAZA.

(GAZA)- Ka dib maalin dhiig badan ku daatay ayaa shalay ka dhacday Marinka Gaza, halkaasi oo duqeymo ba’an oo ay geysteen diyaaradaha Israel,waxaane ku dhinteen ku dhawaad ​​416 qof oo u badan Caruur iyo Haween, Isra’iil ayaa dib u soo cusbooneysiisay duqeymaha ay ku heyso deegaano kala duwan oo ku yaala Gaza. Dadka deggan Marinka Gaza ee burburay ayaa Arbacadii ku soo toosay duqeymo iyo dhiig badan oo daatay. Weriyaha AL Carabiya/AL Hadath ayaa soo sheegay duqeymo rabshado wata oo Israa’iil ay ka geysatay Waqooyi bari iyo Koonfurta Gaza. Duqeymo culus ayaa sidoo kale lala beegsaday xaafadaha Bariga Shujaaciya iyo Zeytuunn ee Gaza, iyo xaafadda Mawaasi ee Galbeedka Khan Yuunis. Dhanka kale, Bisha Cas ayaa shaacisay in siddeed qof lagu dilay AL-Mawasi, oo ah aagga ay ciidamada Israa’iil shalay ugu yeereen dadka deggan Bariga iyo Waqooyiga Gaza inay madax ka noqdaan, ka dibna ay duqeeyeen. Dhanka kale, muuqaallada Maydadka Carruurta ayaa fiday, iyadoo Hooyooyin iyo Aabbayaal ay ku dul Ooyaynayaan, muuqaallo ay dadka Gaza ku yaqaannaan tan iyo markii uu dagaalka billowday in ka badan 15 bilood ka hor. Inkastoo tirada dhimashada ay sare u kacday, haddana Israa’iil waxay wacad ku martay inaysan ka laaban doonin oo aysan joojin doonin xabadda, iyadoo ku hanjabtay weeraro kale, waxayna Albaabada Cadaabta ka furtay Gaza. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay iney qaadi doonaan tallaabo ka dhan ah Xamaas oo ay ku kordhinayaan awood ciidan. Waxa uu sidoo kale sheegay in Xamaas ey mas'uul ka tahay kor u kaca dagaalka Gaza sababtoo ah wax ka qabasho la'aanta intii lagu jiray wadahadalka. Mareykanka ayaa dhankiisa mas’uul ka ah dhaqdhaqaaqa, isagoo caddeeyay inuu si buuxda u taageersan yahay Israa’iil. Taas bedelkeeda, Xamaas waxay xaqiijisay inay ka jawaabtay codsiyadii dhexdhexaadiyeyaasha intii lagu jiray wada xaajoodka, ma aysan diidin soo jeedinta ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Steve Witkoff, oo ay ula macaamileen si wanaagsan. Maamulka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in uu gacan ka geystay waxa uu ku tilmaamay "Xasuuq" ay Ciidamada Israa'iil ka geysteen Gaza. Wajigii koowaad ee heshiiska xabbad joojinta oo dhaqan galay 19-kii bishii Janaayo ayaa soo idlaaday 1-dii March ka dib markii Xamaas ay sii daysay 33 Maxbuus oo Israa’iili ah oo ay ku bedeshay in ka badan 1,400 oo Falastiiniyiin ah. Si kastaba ha ahaatee, wadahadaladii xigay ee ka dhacay Dooxa iyo Qaahira ayaan meesha ka saarin caqabadaha labada dhinac ee ku saabsanaa kordhinta wejiga koowaad (sida ay Israel dalbatay) iyo in loo gudbo wejiga labaad, sidii hore loogu heshiiyey.

ISHA-AL-ARABIYA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LUBNAAN IYO SURIYA OO IS FARA SAARAY…

(SAWIRKA)-KAARE DAGAAL.

(BEIRUT)-Saraakiisha difaaca ee Lubnaan iyo Suuriya ayaa gaaray heshiis Xabbad Joojin ah oo lagu joojinayo laba maalmood oo isku dhacyo ah oo ka socday xadka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Dawladda Suuriya ee SANA. Heshiisku waxa kale oo uu dhigayaa "isku-duwidda iyo iskaashiga la wanaajiyey ee labada dhinac," ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Suuriya. Madaxweynaha Lubnaan ayaa goor sii horeysay oo isniin ah amar ku bixiyay in ciidamada ay ka aargutaan halka laga soo ridayo rasaasta ka soo dhacaysa dhanka xadka Suuriya ka dib markii habeen hore uu dagaal khasaare badan dhaliyay uu ka dhacay xadka. Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in toddobo muwaadin oo Lubnaaniyiin ah ay ku dhinteen iska horimaadyadaas 52 kalena ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jirto gabaR 4-jir ah. Dagaalka ayaa dhacay ka dib markii dowladda KMG ah ee dalka Suuriya ay ku eedeysay dagaalyahanno ka tirsan kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan in ay u gudbeen dalka Suuriya Sabtidii lasoo dhaafay, halkaasi oo ay ka qafaasheen saddex askari oo ay ku dileen dhulka Lubnaan. Ururka Xisbullah ayaa beeniyay in ay ku lug leeyihiin waxaana wararka qaar ay tilmaameen in qabaa’ilka deegaanka ee Gobolka xuduudda oo aan si toos ah xiriir ula lahayn Xisbullah balse ku lug lahaa Tahriibinta xuduudaha.
Wuxuu ahaa dagaalkii ugu xumaa ee xudduudaha isaga gudba tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar Assad bishii Disembar. Channelka Wararka Suuriya oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan Wasaaradda Difaaca oo aan la magacaabin, ayaa sheegay in ciidamada Suuriya ay duqeeyeen "kulamo ay Xisbullah lahaayeen oo ay ku dileen askar Suuriyaan ah" oo ku taalla xadka. Hezbollah ayaa beenisay inay ku lug leedahay bayaan ay soo saartay Axadii. Wasiirka Warfaafinta Paul Morkos ayaa sheegay in Wasiirka Difaaca Lubnaan uu ka sheegay shirka Golaha Wasiirada in saddexda qof ee la dilay ay ahaayeen mukhalasiin.
Kooxda la socota Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya, oo fadhigeedu yahay Ingiriiska, ayaa sheegtay in shan askari oo Suuriyaan ah lagu dilay iska horimaadka Isniintii. Muuqaal lagu faafiyay khadka internetka iyo Warbaahinta Maxalliga ah ayaa muujinaya qoysas u qaxaya magaalada Hermel ee Lubnaan. Wakaalada Wararka ee dalka Lubnaan ayaa ku warantay in dagaalku fiidnimadii Isniinta uu ka dhacay meel u dhow Hermel. "Waxa ka dhacaya xuduudda bari iyo Waqooyi bari ma sii socon karto mana aqbali doono inay sii socoto," Madaxweynaha Lubnaan Joseph Cawn ayaa yiri X. "Waxaan amar siiyay ciidamada Lubnaan si ay uga aargutaan isha dabka."
Cawn waxa uu intaa ku daray in uu ka codsaday Wasiirka Arrimaha Dibadda Lubnaan, oo Brussels u joogay shir deeq bixiyayaasha Suuriya, in uu la Xiriiro saraakiisha Suuriya si loo xalliyo dhibaatada "oo looga hortago in ay sii xumaato." Rabshado ayaa dhawaan ka dhacay aagga u dhaxeeya militariga Suuriya iyo qabaa’ilka Shiicada Lubnaan ee hubeysan oo xulafo dhow la ah dowladda hore ee Asad, ee fadhigoodu yahay tuulada Al-Qasr ee dalka Lubnaan.
Warbaahinta Lubnaan iyo dadka wax indha indheeya ayaa sheegaya in qabaa’ilka ay ku lug lahaayeen afduubkii dhaliyay dagaalladii ugu dambeeyay. Ciidamada Lubnaan iyo kuwa Suuriya ayaa sheegay inay fureen jidad isgaarsiineed si loo qaboojiyo xiisadda. Milatariga Lubnaan ayaa sidoo kale sheegay in ay dib u celiyeen meydadka saddexda ruux ee la dilay oo u dhashay dalka Suuriya. Ciidamo aad u badan oo reer Lubnaan ah ayaa la soo dhoobay deegaankaasi.
Warbaahinta Lubnaan ayaa ku warantay in dagaal hoose uu dhacay subaxnimadii hore ka dib markii la weeraray baabuur ay wateen ciidamada Suuriya. Tirada dhimashada ma cadda.
Gelinkii hore ee Isniintii, afar wariye oo Suuriyaan ah oo ay ku jireen ciidamada Suuriya ayaa si fudud loo dhaawacay ka dib markii madfac laga soo tuuray dhinaca xadka Lubnaan uu ku dhacay goobtooda. Waxay ku eedeeyeen Xisbullah weerarka. Dhinaca kale, Xildhibaan sare oo ka tirsan Xizbullah Xuseen Xaaji Xasan oo wareysi siiyay Telefishinka AL-jadiid ee dalka Lubnaan ayaa ku eedeeyay dagaalyahanada ka soo jeeda dhanka Suriy inay u soo gudbeen dhulka Lubnaan, isla markaana ay weerar ku yihiin tuulooyinka xuduudka. Deegaanka uu ka soo jeedo waa Gobolka Waqooyi-bari ee Baalbek-Hermel, kaas oo ay iska horimaadyada ugu badan ka dhacay. Lubnaan ayaa raadinaysay taageero caalami ah si ay u kordhiso dhaqaalaha ciidankeeda iyada oo si tartiib tartiib ah ay ciidamadeeda u daad guraysay xudduudaha Waqooyi iyo Bari ee Suuriya iyo sidoo kale xuduudda Koonfureed ee ay la leedahay Israa'iil. Isagoo ka hadlayay Xudduudda Koonfureed Isniintii, ergeyga Qaramada Midoobay Jeanine Hennis-Plasschaert ayaa sidoo kale uga digay Golaha Ammaanka in joogitaanka joogtada ah ee ciidamada Israel ee dhulka Lubnaan, oo ay weheliyaan weerarada Israel ee socda, ay si fudud u horseedi karto "saameyn halis ah."
Isniintii, duqeymo ay Israa’iil ka geysatay dhowr goobood oo ku yaalla Koonfurta Suuriya, oo ay ku jirto magaalada Darca’a. Milatariga Israel ayaa sheegay in ay garaacayaan "xarumaha taliska iyo goobaha militariga oo ay ku jiraan hub iyo gaadiid dagaal oo uu lahaa nidaamkii hore ee Suuriya, kuwaas oo (ciidanka cusub) ay isku dayayaan in ay dib u isticmaali karaan." Tan iyo markii la riday Bashaar Al-Asad, ciidamada Israa’iil waxay qabsadeen dhul ku yaalla Koonfurta Suuriya, taasoo ay Israa’iil ku sheegtay tallaabo ay ku ilaalinayso xuduudkeeda.
Difaaca Madaniga ah ee Suuriya ayaa sheegay in saddex qof ay ku dhinteen 14 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ay ku jiraan afar carruur ah, qof dumar ah iyo saddex mutadawiciin ah oo difaaca rayidka ah.

ISHA AN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

URURKA XIZBULLAH OO AFDUUBAY CIIDAMO SURIYA AH

(SAWIRKA)-CIIDAMADA AMAANKA SUURIYA.

(BEIRUT)-Wasaaradda difaaca ee dalka Suuriya ayaa Axada maanta ah ku eedaysay Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan iney saddex askari oo Suriyaan ah ey u afduubteen dalka Lubnaan, halkaasina ey ku dileen, sida ey ku warantay Warbaahinta dawladda, iyadoo Xisbullah ey beenisay iney wax lug ah ku leedahay dagaallo. "Koox ka tirsan maleeshiyada Xisbullah ayaa saddex ka mid ah Ciidamada Suuriya ku afduubtay xadka Suuriya iyo Lubnaan ka hor inta eysan u qaadin dhulka Lubnaan oo ey ka takhalusaan," ayey Wakaaladda Wararka ee SANA ka soo xigatay Wasaaradda Gaashaandhigga. "Wasaaradda Gaashaandhigga waxay qaadi doontaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ka dib markii ey sii korortay khatartan halista ah ee ka imanaysa maleeshiyada Xisbullah," ayey raacisay dhacdadan oo ey sheegtay iney ka dhacday meel u dhow Biyo-xireenka Zeyta, ee Galbeedka Xoms. Dhanka kale, Xisbullah ayaa bayaan ey soo saartay ku beenisay iney wax lug ah ku leedahay iska-horimaadyada ey la leeyihiin Ciidamada Ammaanka Suuriya iyo dhulka Suuriya. Kooxda ayaa sheegtay iney "Si cad u beenisay iney wax xiriir ah la leedahay dhacdooyinka maanta ka dhacaya Xadka Lubnaan iyo Suuriya".

ISHA-AJ.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NETANYAHU OO RABA INU SHAQADA KA ERYO…

(SAWIRKA)-NETANYAHU.

(TEL AVIV)-Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa go’aansaday inuu xilka ka qaado Ronen Bar oo ahaa Madaxa Hay’adda Amniga Gudaha ee Shin Bet, waxaanu Golaha Wasiirrada u codsan doonaa Ansixinta tallaabadan toddobaadkan, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Maxay muhiim u tahay: Ma jirto dowlad weligeed shaqada ka ceyrisay Madaxa Hay'adda Shin Bet, oo ah Hay'adda ugu awoodda badan Ammaanka Israa'iil. Go’aanka Netanyahu ayaa imaanaya iyadoo Hay’addu ey baaritaan ku waddo labo ka mid ah Lataliyayaashiisa oo lagu eedeeyay iney lacago ka heleen dalka Qatar intii uu socday dagaalkii Israa’iil iyo Xamaas .

  • Talaabadan la filayey ee Netanyahu ayaa waxa ey walaac ka muujiyey Cadawgiisa Siyaasadeed ee ah inuu Bar ku badali doono nin daacad u ah, Siyaasadeyn doono Ururka, isla markaana uu hubayn karo kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeeda iyo kuwa dhaliila, ama in uu ka hortago dhaq-dhaqaaqa Mudaharaadka ee isaga ka dhanka ah.

  • Bar ayaa ka jawaabay warkan isagoo dhaleeceeyay "Rajada Netanyahu ee daacadnimada shakhsi ahaaneed" taas oo uu sheegay iney ku xad gudubtay danta guud iyo sharciyada iyo qiyamka ey ku shaqeyso Hay'addiisu.

Sawirka weyn : Iyadoo Ra'iisul Wasaaruhu magacaabay Madaxa Shin Bet, Golaha Wasiiraduna ey Ansixiyaan xulashada, Hay'adda ayaa muddo dheer loo arkay iney tahay mid Siyaasadaysan. Waajibaadkeeda waxaa ka mid ah ilaalinta Hay'adaha Dimuqraadiga ah ee Israa'iil.

  • Netanyahu ayaa loo haystaa saddex kiis oo ah Laaluush, khiyaamo iyo kalsooni darro.

  • Waxa uu sidoo kale bilaabay in uu qaado tillaabooyin uu xilka kaga qaadayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee loo xilsaaray inuu Dacwad ku soo Oogo.

  • Kaaliyeyaasha Netanyahu ayaa sheegay inuu ku dhiiri geliyay sida uu Madaxweyne Trump uga sifaynayo "Dawlad qoto dheer" iyo go'aankii uu ku magacaabay kuwa daacad u ah dhammaan jagooyinka muhiimka ah.

Muuqaalka Gadaashiisa: Netanyahu wuxuu ku cadaadinayey Baarka dhowr toddobaad inuu iscasilo. Bar ayaa diiday oo u sheegay Netanyahu inuu eryi karo haddii uu rabo, sarkaal Israa'iil ah ayaa u sheegay Axios.

  • Daacadayaasha Netanyahu ee Saxaafada Israel iyo Baraha Bulshada ayaa si cad u weeraray Bar, kaasoo labaatan sano ku qaatay Shin Bet ka hor inta aan loo magacaabin Agaasimaha 2021.

  • Xulafada Netanyahu ayaa ku andacoonaya in Madaxa Sirdoonka uu ka shaqeynayo sidii uu u wiiqi lahaa Ra'iisul Wasaaraha sababo Siyaasadeed awgood.

  • Qoraalkiisa, Bar wuxuu ku sheegay inuu Netanyahu u sheegay inuu hayo "baaritaanno xasaasi ah oo dhowr ah" si loo dhammeeyo, iyo sidoo kale soo saarista la Haystayaasha Israa'iil ee haray, ka hor inta uusan u bandhigin Ra'iisul Wasaaraha inuu is-casilo oo uu u soo bandhigo laba Murashax oo Gudaha ah si ey isaga u beddelaan. Waxa uu sheegay inuu wali ku tala jiro in uu dhameystiro howlahaas ka hor inta uusan xilka wareejin.

Wadista warka: Dhowr toddobaad ka hor, iyadoo ogolaanshaha Xeer ilaaliyaha Guud, Shin Bet ey furtay baaritaan lagu sameeyay saddex ka mid ah La-taliyeyaasha Netanyahu oo lagu eedeeyay iney xiriir la sameeyeen dalka Qatar.

  • Baaritaanka oo loogu magac daray "Qatar-Gate" ee saxaafadda Israel, ayaa diiradda lagu saaray lacago la sheegay in La-taliyeyaasha Netanyahu ey fududeeyeen oo ey ka heleen Qatar si ey uga shaqeeyaan Horumarinta Sumcadda waddanka ee Israel.

  • Qatar waa mid ka mid ah dhexdhexaadiyeyaasha muhiimka ah ee Qasa la Haystayaasha iyo heshiiska xabbad joojinta . Laakiin go'aankii Netanyahu ee 2018 uu ku weydiistay Qatar iney lacag ugu xawisho Xamaas ee Gaza sababo bini'aadantinimo waxay noqotay mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee dhaleeceynta isaga ka dib weerarkii Oct. 7.

  • Shin Bet ayaa go'aamisay qayb ka mid ah lacagtaas oo ku baxday dhisitaanka militariga Hamas.

Inta u dhexaysa khadadka: Bar iyo Netanyahu labaduba waxay la kulmeen dhaleeceyn ku saabsan fashilka Sirdoonka ee u oggolaaday weerarka Oct. 7.

  • Barku waxay si cad iyo si gaar ahba u xil saartay fashilka dhacay, waxaanay ku baaqday in guddi heer Qaran ah loo saaro arrintan.

  • Netanyahu ayaa is hortaag ku sameeyay dhismaha guddigan oo kale, isagoo ku dooday iney noqon doonto mid Siyaasadeysan, wuxuuna diiday inuu wax mas’uuliyad ah iska saaro.

  • Bar ayaa tilmaamay inuu is casili doono marka dhammaan la Haystayaasha Israa’iil laga soo celiyo Qaza, wuxuuna door muhiim ah ku lahaa wada xaajoodka la haystayaasha ilaa bishii hore, markaasoo Netanyahu uu ka saaray wadahadallada.

Waxa ay leeyihiin: Bayaan uu soo saaray Axaddii, Netanyahu wuxuu ku andacooday inuu u dhaqaaqayo inuu shaqada ka ceyriyo agaasimaha Shin Bet sababtoo ah "kalsooni la'aanta socota iyo sii kordheysa."

  • "Waxaan Aaminsanahay in tallaabadani ey muhiim u tahay dib u habeynta Ururka, gaarista ujeedooyinka dagaalka iyo ka hortagga musiibada soo socota," ayuu yiri Netanyahu.

Kii u dambeeyay: Xeer Ilaaliyaha guud ee Israa'iil ayaa warqad uu Axaddii u diray Netanyahu kula taliyay inuusan shaqada ka cayrin karin Bar sababtoo ah "waxaa jira walaac go'aankani uu yahay mid sharci-darro ah oo uu ka dhashay iskahorimaadka danaha."

  • Netanyahu iyo Golihiisa Wasiiradu waxay u badan tahay iney iska indhatiraan diidmadaas, in kasta oo go'aanku uu ugu dambeyntii iman karo Maxkamadda sare.

Dib-u-dhac: In kasta oo Bar uu noqon doono Madaxii ugu horeeyay ee Shin Bet ee la eryo, laba Hoggaamiye oo hore ayaa is casilay, oo uu ku jiro Madixii Hay'adda markii la dilay Ra'iisul Wasaare Yitzhak Rabin 1995-kii.

ISHA-AXIOS.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TURKIGA OO SOO XIRAY SHAN BASAAS OO IRAAN AH.

)SAWIRKA)-AKSRTA TURKIGA OO SO XIRTAY.

(ANKARA)-Booliiska Turkiga ayaa Xabsiga dhigay Jimciha maanta ah shan tuhmane oo lagu eedeeyay iney basaas u ahaayeen Sirdoonka dalka Iran, sida ey sheegtay Warbaahinta Gudaha ee dalka Turkiga.Saraakiisha ayaa howlgalo ka fuliyay magaalada ugu weyn dalka Turkiga ee Istanbul iyo sidoo kale Antalya iyo Mersin ee Koonfurta turkiga, waxaana ey soo xireen shan qof, sida ey ku warantay Wakaaladda Wararka ee DHA. Eedeysanayaasha ayaa la sheegay iney Uruuriyeen Xogta Saldhigyada Milliteriga iyo Goballadda muhiimka ah ee dalka Turkiga iyo dibadda, ka hor inta eysan u gudbin Sirdoonka Iiraan. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan dalka laga shakisan yahay iney Basaasayeen ee ah Iraan. dalka Turkiga ayaa megengelyo siiyo Mucaardka dalka Iraan intooda badan sidoo kale,dalka Turkiga waxaa ku nool Siyaasiyiin ka soo kala jeedo dalalka Khaliijka iyo Masar.

ISHA WARKA-DHA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAMAAS OO SII DEYNEYSA ALEXANDER OO MARAYKANKA AH.

(SAWIRKA)-LA HAYSTAYAASHA ISRA’IIL.

(GAZA)-Xamaas ayaa Jimcihii sheegtay inay ogolaatay inay sii deyso laba dhalasho oo Maraykan iyo Israa’iil u dhashay, haddii Israa’iil ay bilowdo weji wadahadal xabbad-joojin ah oo lagu soo afjarayo dagaalka, laakiin Israa’iil waaey ku gacan sayrtay dalabka “dagaal nafsi ah”. Xamaas ayaa sheegtay iney bixisay dalabka ah in la sii daayo Edan Alexander oo ku dhashay New Jersey, oo 21 jir ah oo ka tirsanaa Ciidamada Israa’iil, laguna soo wareejiyo Meydadka afar kale oo la haystayaal ah, ka dib markii ay heleen soo jeedin kaga timid dhexdhexaadiyeyaasha wada xaajoodka joogitaanka wejigii labaad ee heshiis xabbad-joojin ah. Dagaalka Gaza ayaa la hakiyay tan iyo 19-kii Janaayo iyadoo la raacayo heshiiskii xabad joojinta. Laakiin markii wajigeedii hore ee horudhaca ahaa uu dhacay 2-dii March, dhinacyadu waxay ku heshiin waayeen bilowga wejiga labaad, taasoo keentay in wada hadalladii burburo iyo guud ahaan go’doominta Israa’iil ee Marinka Gaza. Israa'iil ayaa soo bandhigtay inay kordhiso wejiga koowaad illaa bisha Abriil, soo jeedin uu taageeray ergayga Mareykanka Steve Witkoff. Balse Xamaas ayaa sheegtay iney dib u bilaabi doonto sii deynta la haystayaasha oo kaliya haddii uu bilaabmo wajiga labaad, inta lagu guda jirona Israel looga baahan yahay iney ka hadlaan ka bixitaanka ciidamada iyo in si joogto ah loo joojiyo dagaalka, dalabaadka ugu weyn ee Xamaas. Xafiiska Reysal Wasaare Netanyahu ayaa ugu yeeray dalabka Xamaas ee ah in la sii daayo Alexander, “wax isdaba marin iyo dagaal Maskaxeed”. "Iyadoo Israa'iil ay aqbashay soo jeedinta Witkoff, Xamaas waxay ku taagan tahay diidmadeeda, mana aysan dhicin hal millimitir," xafiiskiisa ayaa ku daray. Waxa ay sheegtay in uu la kulmi doono Golihiisa Wasiirada habeenka Sabtida si uu ugala hadlo xaalada la haystayaasha, go’aanna laga gaaro talaabada xigta. Ergeyga Mareykanka Witkoff ayaa u sheegay wariyeyaasha Aqalka Cad horaantii bishii Maarso in helitaanka sii deynta Alexander ay tahay "mudnaanta koowaad." Wada xaajoodka la haystayaasha Maraykanka Adam Boehler ayaa maalmihii la soo dhaafay la kulmay hogaamiyayaasha Xamaas si uu u sii daayo Alexander. Laba sarkaal oo ka tirsan Xamaas ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in heshiiskooda ay ku sii daayaan la haystayaasha Maraykanka iyo Israa’iil u dhashay, waxaana afarta mayd ay ku xidhan yihiin in la bilaabo wada-hadallada Wejiga Labaad ee Xabbad-Joojinta, Furitaanka Isgoysyada, iyo Qaadista Guud ahaan Xannibaadda ay Israa’iil ku soo rogtay laba toddobaad ka hor. "Waxaan kala shaqeyneynaa dhexdhexaadiyeyaasha si uu heshiisku u guuleysto oo aan ugu qasbin qabsashada in la soo gabagabeeyo dhammaan wejiyada heshiiska," Abdul-Ladhiif AL-Qanuuca, Afhayeenka Hamas, ayaa u sheegay Reuters. "Oggolaanshaha Xamaas ee ah in ay sii deyso Edan Alexander waxa ay ujeedadeedu tahay in ay riixdo dhammaadka wejiyada heshiiska," ayuu yiri AL-Qanuuca. Israa’iil ayaa 2-dii bishii March xayirtay dhammaan gawaarida xamuulka qaada ee sahayda u raaca Gaza, iyadoo ismari waaga uu sii kordhay, iyadoo Xamaas ay ugu baaqday dhexdhexaadiyayaasha Masar iyo Qatar inay soo farageliyaan. Maraykanka, Qatar iyo Masar ayaa isku dayaya inay soo afjaraan khilaafka u dhexeeya kooxda Xamaas iyo Israa'iil si dib loogu bilaabo wada xaajoodka wejiga labaad si loo sii daayo la haystayaasha ku haray Qaza, go'doomintana looga qaado. Xamaas ayaa weerar xudduud ah ku qaaday koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof ayna ku qabteen 251 la haystayaal ah, sida ay muujinayso tirada Israa’iil. Weerarkii Israa'iil ee Marinka Gaza tan iyo markaas ayaa lagu dilay in ka badan 48,000 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee Gaza, waxaana inta badan dhulka uu ka dhigay burbur.

ISHA-AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

194-TAHRIIBE OO LAGU QABTAY XEEBAHA YEMAN.

(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL.

(YEMAN)-Wararka laga helaayo Koonfurta dalka dalka Yeman ayaa sheegaayo in la qabtay 194-Tahriibayaal Afrikaan ah kuwaaso si sharci darro ah ku yimid Xeebta Kida, ee degmada Raduum ee Gobolka Shabwa. Xafiiska Warfaafinta ee Wasaarada Amniga Yeman ayaa sheegay in Ciidamadda Booliska ee ku sugan Xeebta Kida ee degmada Raduum ee Gobolka Shabwa ey maanta oo Jimca ah ey qabteen 194-Tahriibayaal Afrikaan kuwaaso si sharci darra ah dalka kaga soo galay dhinaca Badda iyagoo la socday doon lagu magacaabo “AL-Qalcah”. Warku waxa uu intaas ku daray in tahriibayaasha Afrikaanka ah ee la qabtay ey ku jiraan 73-qof oo Soomaali ah una badan Rag,marka lagu daro 46-Qof oo Itoobiyaan Rag ah, 70-Qof oo Dumara Itoobiyaan iyo 5-Caruur ah. Warbaahinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yeman ayaa sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono dadka Afrikaanka ah ee dalka ku soo soo galay sifo aan sharci ahayn. Xeebaha Gobolka Shabwa ee Koonfurta dalka Yeman ayaa ah marinka ugu weyn ey isaga gudbaan Tahriibayaasha Afrikaanka ah ee soo gelayaao dalka Yeman ka dib markii la adkeeyey Xeebaha Ticiz iyo Laxaj oo u dhaw Gobolka Geeska Afrika. Kumanaan qofood oo tahriibayaal ah ayaa gaara dalka Yeman bil kasta kuwaaso mara safar halis ah oo ey ku doonayaan iney ku gaaraan Wadamada Khaliijka si ey u helaan fursado nololeed oo u dhaamo kuwii ey ku heysteen dalalkooda.

ISHA-YEMAN.

Read More