SURIYA IYO CIRAAQ OO KA ARINSANAYO DAACISH.
(SAWIRKA)-XERADA AL-HOL.
(CIRAAQ)-Ciraaq ayaa in ka badan 150 qoys oo dheeraad ah ka soo celisay Xerada AL-Hol ee dalka deriska la ah ee Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, sarkaal ka tirsan ammaanka Ciraaq ayaa sheegay Khamiista, wareejintii ugu dambeysay ee xeradaas oo dad badan lagu eedeeyay iney xiriir la leeyihiin Argagixisada. Xeryaha iyo Xabsiyada ey maamulaan Kurdiyiinta ee ku yaalla Waqooyi Bari Suuriya ayaa waxaa weli ku jira ilaa 56,000 oo qof oo ka kala socda tobonaan waddan, kuwaas oo intooda badan ah xubnaha qoyska ee looga shakisan yahay Daacish, in ka badan shan sano ka dib markii Argagixisada looga adkaaday dhulalka Suuriya. Iyadoo waddamo badan oo reer galbeed ah ey diideen iney dib u soo celiyaan muwaadiniintooda, Baqdaad ayaa hogaanka u qabatay dardar gelinta dib u celinta, waxayna ku boorisay kuwa kale iney ku daydaan. Kooxdii ugu dambeysay oo ka kooban 505 qof ayaa ah tii lixaad tan iyo bilowgii sanadkan ee dib loogu celiyo dalkooda. Waxay ka baxeen xerada Arbacadii, ayuu yiri Jihan Hanan, oo ah maamulaha AL-Hol. Sargaalka amaanka Ciraaq ayaa xaqiijiyay in ilaa 153 qoys ey shalay gaareen Ciraaq. Daacish ayaa qabsatay ku dhawaad seddex meelood meel Ciraaq ka hor inta eysan ciidamada maxalliga ah oo ey taageerayaan isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka eysan jebin sanadkii 2017-kii. Suuriya, ciidamada Kurdiyiinta ee uu Maraykanku taageero ayaa IS ka saaray dhulkii ugu dambeeyay oo ey Suuriya gacanta ku hayso sannadkii 2019-kii. AL-Hol waxay ku taallaa Gobolka Kurdiyiinta ee ismaamul hoosaadka ee Suuriya. Ciraaq ayaa xoojisay dadaalkeeda ku aaddan soo celinta muwaadiniinteeda iyadoo laga walaacsan yahay xaaladda ammaan ee Suuriya ka dib markii Bashaar AL-Asad xukunka laga tuuray bishii December, Laadiqiyah Amniga Qaranka Ciraaq Qassem AL-Araji ayaa sheegay todobaadkii hore.
ISHA-AN.
$62-KUN DOOLAR OO LA GUDOONSIYEY ARADAYDII KU…
(SAWIRKA)-ABAAL MARINO.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Tartanka Qur'aanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan waxa uuna abaal marinno lacageed guddoonsiiyey halyeeyada kaalimaha hore ka galay tartanka sannadkan 1446/2025-ka Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tartankan Qur'aanka Kariimka ah uu ka tarjumayo sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ey ugu dhaggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh oo sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ey u taagan tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka,Madaxweynaha ayaa abaal marin dhan 20.000 oo doolar waxa uu guddoonsiiyey Cabdiraxmaan Cabdullahi Cismaan oo kaalinta Koowaad ka galay sannadkaan Tartanka Qur'aanka Kariimka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa abaal marinno Guddoonsiiyey Xufaadda Kaalimaha hore galay oo kala ah;
1:Cabdiraxmaan Cabdullahi Cismaan $20,000
2:Sakariye Cabdullahi Xassan Rooble $15,000
3:Cismaan Cabdullaahi Cismaan $10,000
4:Caaisha Aadan Maxamed $7,000
5:Cabdiraxmaan Cali Xuseen $5,000
6:Usaama Yuusuf Farxaan $3,000
7:Ibraahin Cabdiraxmaan Ibraahim $2,000
Ugu danbeyn, Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Waalidiinta iyo Macallimiinta barbaariyey halyeeyadan ku guuleysatay tartanka Qur'aanka Kariimka ah, waxa uuna Alle uga baryey in uu ku anfaco, fahamkooda barakeeyo, kana yeelo kuwii dalkooda ugu adeega. Ma aha markii ugu horeeyeysay ee uu Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud abaal marino gudoonsiiyo ardayda ku Guuleysata Tartanka Quraan akhriska ee la qabto Bishaan Barakeysan ee Ramadaan sannad walba.
ISHA-SNTV.
MARAYKANKA OO SOO JEEDIYEY HINDISE CUSUB.
(SAWIRKA)-STEVE WITKOFF.
(DOHA)-Weli waxaa taagan ismari waaga u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo Isra’iil kuna saabsan dhaqan gelinta wejiga labaad ee heshiiska Xabad joojinta Marinka Gaza iyo Maxaabiis isdhaafsiga labada dhinaca. Maraykanka,Qadar iyo Masar oo garwadeen ka ah arrintaan ayaa hadda daal ka taagan sidii horay loogu sii wedi lahaa hawshaan soo bilaabatay sannadkan horaantiisa. Faahfaahin cusub ayaa ka soo baxday ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Maraykanka Trump, Mr.Steve Witkoff oo booqasho ku tegay magaaladda caasimada ah ee Dooxa ee dalka Qadar labadii maalmood ee la soo dhaafay. Steve Witkoff ayaa shalay u soo bandhigay Xarakada Xamaas iyo Isra’iil hindise cusub oo dhigaayo in la kordhiyo muddada Xabad Joojinta ee Marinka Gaza, sidaas waxaa laga soo xigtay Warbaahin Maraykan ah. Steve Witkoff ayaa sidoo kale soo jeediyey in Xabad joojinta Marinka Gaza la kordhiyo dhawr todobaad si loo sii daayo shan qof oo la haystayaal nool ah. Isra’iil waxa ey togan uga jawaabtay soo jeedinta cusub ee Ergayga Trump ee Mr.Witkoff, waxaane Xamaas laga sugaa jawaab la xiriirta soo jeedintaan cusub ee uu keenay Ergayga Maraykanka.
ISHA-SB-MEDIA.
KANADA OO CUNAQABATEYNTII KA KHAFIIFISAY SURIYA.
(SAWIRKA)-SURIYA.
(OTTAWA)-Kanada ayaa Arbacadaa maanta ah ku dhawaaqday Qorshayaal ey ku khafiifinayso Cunaqabataynta dhaqaale ee ka dhanka ah dalka Suuriya waxa eyna u magacawday Safiir, iyadoo Xukuumadda ku meel gaarka ah ee Dimishiq ey raadinayso taageero Caalami ah. Ergeyga gaarka ah ee Canada u qaabilsan Suuriya, Omar AL-Gabra’a, ayaa yiri: “Canada waxay ka ciyaari kartaa door macno leh si ey ugu suurtageliso dadka Suuriyaanka ah iney dhistaan waddan loo dhan yahay oo ixtiraamaya dhammaan Muwaadiniintiisa. "Waxaan sidoo kale ka caawin karnaa inaan ka hortagno Suuriya iney ka dhacdo Fowdo iyo Xasillooni darri." Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Canada ayaa lagu sheegay in Cunaqabateynta la fududeyn doono “si loo ogolaado in lacagaha loo diro bangiyada qaar ee dalkaasi, sida bangiga dhexe ee Syria”. Safiirka Canada ee Lubnaan, Stefanie McCollum, ayaa hadda qaadan doona door barbar socda oo ah Safiir aan deganayn dalka deriska la ah ee Suuriya. Markii hore, Kanada - oo ey weheliyaan quwado kale oo badan oo adduunka ah waxay lahaayeen Cunaqabatayn adag si loo ciqaabo dawladda hadda xukunka laga tuuray ee Bashaar Assad. "Cunaqabateyntan ayaa loo isticmaalay sidii qalab ka dhan ah nidaamka Assad iyo fududaynta waxay gacan ka geysan doontaa in la awoodo bixinta Gargaarka deg-dega ah ee waara, taageeridda dadaallada dib-u-kobcinta Maxalliga ah, iyo gacan ka geysata soo kabashada deg dega ah ee Suuriya," ayaa lagu yiri bayaanka Kanada. Bashaar Al-Asad ayaa dabayaaqadii sannadkii hore ka Qaxay dalka Suuriya, waxaana xoogaga mucaaradka ey afgambiyeen maamulkiisa horaantii bishii December. Dawlad ku meel gaar ah oo uu Hogaamiyo Hogaamiyihii hore ee Mujaahid Axmed AL-Sharac ayaa hadda dhisan. Magaalooyin badan ayaa soo dhaweeyay dhicitaanka Assad, laakiin waxay si taxadar leh u soo dhaweeyeen fallaagada guulaystay.
Kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir AL-Sham (HTS) ee Sharac waxay asal ahaan ka soo jeedaan Laanta Suuriya ee AL-Qaacida.
Dowlada cusub ayaa wacad ku martay iney ilaalin doonto Diimaha iyo Qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee Suriya, balse Ciidamada Amaanka ayaa lagu soo waramayaa iney dileen boqolaal shacab ah oo reer Calawiyiin ah maalmihii lasoo dhaafay.
War Saxaafadeedka lagu shaaciyay in Cunaqabateynta laga qaaday, Wasiirka Arrimaha Dibadda Kanada Melanie Joy iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah Ahmed Hussen ayaa walaac ka muujiyay dilka. "Waxaan si buuxda u Cambaaraynaynaa falalkan waxashnimada ah, waxaanan ugu baaqaynaa mas'uuliyiinta ku-meel-gaarka ah iney qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo soo afjaro rabshadaha," ayey yiraahdeen.
"Dadka rayidka ah waa in la ilaaliyaa, waa in la dhowraa karaamada iyo xuquuqda bini'aadantinimada dhammaan Diimaha iyo Qowmiyadaha, iyo in lala Xisaabtamo Dambiilayaasha."
ISHA-AN.
1,383-QOF OO RAYID AH AYAA KU DHINTAY DAGAAL KA DHACAY…
(SAWIRKA)-DAGAALADDA SYRIA.
(BEIRUT)-Ugu yaraan 1,383 rayid ah, oo u badan Alawiyiinta, ayaa lagu dilay mowjado rabshado ah oo ka dhacay Xeebta Mediterranean-ka Suuriya, sida uu sheegay kormeere dagaal.
Kooxda la socota Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya ayaa sheegtay in dadka rayidka ah lagu dilay "daldalaado ey fuliyeen Ciidamada Ammaanka iyo kooxaha xulafada la ah," ka dib markii mowjado rabshado ah ey todobaadkii hore ka dhaceen Xeebta Xudunta u ah Qoomiyadda laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta oo uu ka tirsanaay Madaxweyne Bashaar Assad. Kormeerayaasha fadhigoodu yahay Ingiriiska ayaa intaa ku daray in xitaa markii ey yaraatay shaqaaqadu, ey wali sii kordhayaan khasaaraha ka dhashay meydadka la helay, qaar badan oo yaalay dhul beereed ama guryahooda. Dhimashadii ugu dambeysay ayaa laga diiwaan geliyey Gobollada Xeebta ee Laadiqiyah iyo Tartuus iyo Gobolka deriska la ah ee dhexe ee Hama’a, ayay tiri. Waxay ku eedaysay Ciidamada Ammaanka iyo kooxaha xulafada ah iney ka qaybqaateen "daldalaada gudaha, barakicinta qasabka ah iyo gubashada guryaha, iyada oo eysan jirin wax sharci ah oo ka hor istaagaya." Rabshadaha ayaa qarxay maalintii Khamiista markii isku dhacyadu ey bilowdeen ka dib markii rag hubaysan oo daacad u ah Bashaar AL-Asad ey weerarro ku qaadeen ciidamada cusub ee Ammaanka. Ugu yaraan 231 ka mid ah Ciidamada Ammaanka ayaa lagu dilay iska horimaadka xigay, sida ey sheegayaan tiro rasmi ah. Kormeerka ayaa sheegay in 250 ka mid ah dagaalyahanada Bashaar Al-asad la dilay. Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay iney diiwaan geliyeen "daldalaado kooban" oo u muuqday "in lagu fuliyay qaab diimeed."
Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Ahmad AL-Sharac, oo Hogaaminayey kooxda Islaamiga ah ee Sunniga ah ee Hayat Tahrir Al-Sham (HTS) ee xukunka ka tuurtay Assad, ayaa wacad ku maray in uu Maxkamadayn doono kuwii ka dambeeyay “Dhiiga dadka rayidka ah” isla markaana uu dhisay guddi xaqiiqo raadin ah.
Afhayeenka guddiga, Yaasir AL-Farhan, ayaa sheegay in Suuriya ey ka go'an tahay iney ka hortagto Aargoosi sharci-darro ah eyna dammaanad qaado ineysan jirin wax ciqaab ah.
Maamulka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la xiray ugu yaraan toddobo qof tan iyo Isniintii kuwaas oo looga shakisan yahay "xadgudub" ka dhan ah rayidka. HTS, oo ka tirsan laanta hore ee Suuriya ee Al-Qaacida, ayaa weli u aqoonsan Urur Argagixiso oo ey ka mid yihiin dawlado dhawr ah oo Maraykanku ku jiro.
Tan iyo markii Assad xukunka laga tuuray bishii Diseembar, Calawiyiin badan ayaa ku noolaa cabsi ey ka qabaan Aargoosiga xukunkiisa Naxariis darada ah.
ISHA-AN.
WADAMADA CARABTA OO KA WADA HADLAY…
(SAWIRKA)-SHACABKA GAZA.
(ISTANBUL)-Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Sacuudiga, Masar, Qatar, Urdun iyo Imaaraadka Carabta ayaa Arbacada maanta ah magaalada Qatar ku yeeshay wada hadalo ku saabsan taageerada Carabta ee shacabka Falastiin. Kulanka, oo uu sidoo kale ka soo qayb galay Xoghayaha Guud ee Ururka Xoraynta Falastiin (PLO), Hussein AL-Sheikh, ayaa ujeedadiisu ahayd "Isku-duwidda dadaallada ku aaddan horumarka la xiriira arrinta Falastiin," ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ku sheegtay bayaan. Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray "Hababka la isku waafajin karo mowqifka Carabta" waxaana dib loo eegay natiijooyinkii ka soo baxay shir deg deg ah oo Carbeed ee dhowaan ka dhacay Qaahira iyo shir aan caadi ahayn oo Ururka Iskaashiga Islaamka ee Jeddah ku saabsan taageerada Falastiin, ayay tiri. Bayaanka ayaa lagu sheegay in kulanku looga hadlay "istaraatijiyadaha kor u qaadista iyo xaqiijinta Maalgelinta Carabta-Islaamka ee dib u soo kabashada hore iyo qorshaha dib u dhiska Gaza." Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegtay iney maanta marti galisay shir ey isugu yimaadeen dhowr Wasiir Arrimo Dibadeed oo Carbeed, kaasoo uu ka qeyb galay Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, waxaana looga hadlay horumarka ka socda Marinka Gaza iyo Gobolka. Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta ayaa soo bandhigay qorshaha dib u dhiska Marinka Qaza, kaas oo lagu Ansixiyay shir Madaxeedka Carabta ee Qaahira horaantii bishii March, ayaa lagu daray warka Wasaaradda. Waxay sidoo kale ku heshiiyeen ergeyga Mareykanka "in la sii wado la tashiyada iyo isku dubaridka qorshahan oo saldhig u ah dadaallada dib u dhiska ee qaybta," ayey tiri. Dublamaasiyiinta Carabta ah ayaa ku nuuxnuuxsaday "muhiimada ey leedahay in xabad joojin laga sameeyo Gaza iyo dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, iyaga oo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo dadaallo dhab ah si loo gaaro nabad cadaalad ah oo dhameystiran oo ku saleysan xalka labada dowladood, iyadoo la hubinayo fulinta rabitaanka shacabka Falastiin ee Xoriyadda iyo Madax-banaanida." Waxay ku celiyeen "iney ka go'an tahay sii wadida wadahadalka lagu xoojinayo xabad joojinta iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii loo dhisi lahaa Amniga, Xasiloonida, iyo Nabadda Gobolka, iyada oo loo marayo dadaallo diblomaasiyadeed oo la xoojiyay iyo isuduwidda dhinacyada kala duwan ee Gobolka iyo kuwa Caalamiga ah," ayey raacisay. Shir Madaxeedka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa lagu Ansixiyay qorshe Carabi ah oo dhameystiran oo dib loogu dhisayo Gaza iyadoo aan la barakicin dadka deggan Falastiiniyiinta. Qorshahan ayaa la filayaa in uu ku dhamaado muddo shan sano ah, waxaana lagu qiyaasaa in uu ku baxayo ku dhawaad 53 bilyan oo doolar. Soo jeedinta Carabta ayaa timid ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu qorsheynayay inuu "la wareego" Gaza oo dib u dejin loogu sameeyo Falastiin si ey u noqoto goob loo dalxiis tago. Fikirkaas waxaa diiday dalalka Carabta iyo dalal kale oo badan, kuwaas oo sheegay iney la mid tahay isir sifeyn. In ka badan 48,500 oo qof, oo u badan Haween iyo Carruur, ayaa lagu dilay dagaalka ba'an ee Israa'iil ku hayso Gaza tan iyo Oktoobar 2023. Duulaanka ayaa lagu hakiyay heshiiskii xabbad-joojinta iyo isdhaafsiga Maxaabiista, kaas oo qabsoomay bishii Janaayo. Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo bishii Nofembar Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha. Israa'iil ayaa sidoo kale wajahaysa kiis xasuuq ah oo ka socda Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda oo ku saabsan dagaalka ey ku hayso dhulka Falastiin.
ISHA-AA.
XUUTIYIINTA OO U HANJABAY MARAAKIIBTA ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA YEMAN.
(SANA’A)-Xuutiyiinta Yemen oo ey taageerto Iran ayaa Talaadada sheegay iney dib u bilaabayaan weerarada ey ku hayaan Maraakiibta Israa'iil ka dib markii uu dhammaaday waqtigii loo qabtay iney dib u soo celiyaan Gargaarkii Gaza. Xuutiyiinta ayaa sheegay iney dib u bilaabayaan xayiraada saaran dhammaan Maraakiibta Israel ee mara Marinka Badda Cas, Badda Carabta iyo marinka Baba AL-Mandab, iyo Gacanka Cadmeed ka dib markii Israel ey ku guuldareysatay iney buuxiso afar maalmood oo kama dambeys ah oo ey Xamaas u asteeysay Jimcihii in la hakiyay gaarsiinta Gargaarka dib loo bilaabo. Israa'iil waxay xannibtay dhammaan Gargaarkii dhulka ey dagaalladu ka dhaceen toddobaad ka hor si ey ugu cadaadiyaan Xamaas iney sii daayaan la haystayaashii ey ku qabsadeen weerarkii Oktoobar 7, 2023 ey ku qaadeen Israa'iil. Xabbad-joojin sii xumaanaysa ayaa haddana sii dhacday Axaddii markii Israa’iil ey ku dhawaaqday iney jarayso korontadii ey siin jirtay Warshadda Biyaha Nadiifisa ee Gaza, in kasta oo Xamaas ey Talaadada maanta ah ku dhawaaqday in wareeg cusub oo Xabbad-joojin ah uu ka bilaabmay Qatar. Xuutiyiinta oo gacanta ku haya inta badan dalka ugu saboolsan Jaziiradda Carabta ee Yaman, ayaa tiro badan oo diyaarado aan duuliye lahayn iyo Gantaalo ku garaaceen maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil iyo kuwa kale ee marayey Badda Cas intii uu socday dagaalka Qaza, ilaa ey joojisay markii xabbad joojintu bilaabatay bishii January.
Xamaas ayaa sheegtay Talaadada in xayiraadda saaran Maraakiibta Israel ey " dhaqan gali doonto laga bilaabo wakhtiga bayaankan la soo saaray" iyo "Markab kasta oo Israa'iil ah oo isku daya inuu ku xad-gudbo xayiraaddan waxaa lagu beegsan doonaa aagga lagu dhawaaqay." Weerarada ayaa sii socon doona ilaa ey Israel ogolaato in Gargaar la geeyo Gaza, ayay Xuutiyiintu sheegeen.
ISHA-AN.
TAHRIIBINTA MAANDOORIYAHA CAPTAGON OO LA FASHILIYEY.
(SAWIRKA)-KANIINIGA CAPTAGON.
(DIMISHIQ)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ey ku dhawaaqday in Waaxda la dagaalanka Maandooriyaha ey u suurtagashay iney gacanta ku dhigto 100-kun oo Kaniiniga Captagon ah oo lagu haayey xadka u dhexeeyo dalalka Suriya iyo Urdun. Wasaarada waxa ey intaas ku dartay Qoraal ey soo dhigtay Barta X maanta oo Isniin ah,in shixnadaan loo diyaariyey in si qarsoodi ah loogu tahriibiyo dalka Urdun iyadoo xustay in la qaadi doono tallaabooyinka sharciga ah ee lagama maarmaanka ah. Dalalka Urdun iyo Suriya ayaa horay u sheegay iney sameysteen Gudi Amni oo wadajir ah oo ka hortaga Tahriibka,sugane Amniga Xuduudka lana dagaalama Hubka Tahriibka ah iyo Maandooriyaha,isafgaradka ayaa waxa uu dhacay markii uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Suriya Asad AL-sheybaani uu bishii Janaayo-2025-ka uu booqday dalka Urdun. Waxaa xusid mudan in bilihii iyo sanadadii la soo dhaafay in dalka Urdun uu si is daba joog ah u fashiliyey isku dayo fara badan oo lagu doonaayey in loogu Tahriibiyo Hub iyo Maandooriye kuwaaso ey fuliyeen kooxo xiriir la leh Maleeshiyaadka dalka Iraan ee ku sugan gudaha dalka Suriya. Bishiii Maayo ee sannadkii hore 2024-kii,ciidamadda Urdun ayaa fashiliyey isku day Hub iyo Walxaha Qarxa looga soo raray dalka Suriya lana doonaayey in si Tahriib ah lagu soo geliyo gudaha dalka Urdun,si ey qortaan dagaalyahano ka barbar dagaalama Xarakadda Xamaas ee reer Falastiin. Taas bedelkeed dalka Iraan waxa uu beeniyey inuu wax lug ah ku leeyahay arrinta Tahriibinta Hubka iyo Maandooriyaha ee xadka u dhexeeyo Suriya iyo Urdun.
ISHA-AA.
GUDI MADAX BANAAN OO LOO SAARAY WIXII KA…
(SAWIRKA)-CIIDAMADD AMAANKA SURIYA.
(SYRIA)-Wasaaradda difaaca ee Suuriya ayaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqday in la soo afjaray howlgal milatari oo ka dhan ah taageerayaasha Madaxweynihii xilka laga tuuray, Bashar AL-Assad. Dagaallo u dhexeeyay kooxaha daacad u ah Assad iyo Xukuumadda cusub ee Islaamiga ah ayaa ka Qarxay Gobolka Xeebta, oo ah xudunta taageerada Madaxweynihii xilka laga tuuray. Sida ay sheegtay Hay’ad kormeerta dagaalka, rabshadahani waxay sababeen dhimashada in ka badan 1,000 qof, ay badankood ahaa shacab. Afhayeenka Wasaaradda difaaca, Xasan Cabdul Qani, ayaa barta X ku sheegay in Hay’adaha dowladda ay hadda dib u billaabi karaan shaqadoodii ayna bixin karaan adeegyada lagama maarmaanka ah. "Waxaan gogol-xaar u sameyneynaa in noloshii caadiga ahayd dib u soo laabato, iyadoo la adkeynayo Amniga iyo Xasilloonida," ayuu yiri Cabdul Qani. Wuxuu intaas ku daray in la diyaariyay Qorshayaal lagu ciribtirayo wixii ka haray Xukuumaddii hore lagana hortagayo khatar kasta oo mustaqbalka iman karta. Hoggaamiyaha Suuriya, Axmed AL-Sharac, ayaa Axaddii ballan qaaday in la daba-gali doono kuwii ka dambeeyay rabshadihii dhacay, wuxuuna sheegay in lala xisaabtami doono cid kasta oo jebisay xeerarka maamulka cusub. Xafiiska AL-Sharac ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la dhisayo Guddi Madax-bannaan oo baaritaan ku sameyn doona rabshadihii iyo dilalkii ay geysteen labada dhinac. Cabdul Qani ayaa xusay in Ciidamada Ammaanka ay si buuxda ula shaqeyn doonaan gudiga baaritaanka, iyagoo siineya marin buuxa si loo ogaado xaqiiqada dhacdooyinka, loona hubiyo cadaaladda. "Waxaan guul ka gaarnay weerarradii xubnihii ka haray Xukuumaddii hore iyo saraakiisheeda. Waxaan ka hortagnay weerarradoodii lama filaanka ahaa, anagoo ka fogeynay xarumaha istiraatiijiga ah, islamarkaana sugnay Amniga inta badan waddooyinka waa weyn," ayuu raaciyay. Inkasta oo xaalad deggenaan ah ay jirtay ka dib markii Assad xilka laga tuuray bishii December, haddana rabshaduhu waxay sare u kaceen maalmahan dambe, iyadoo ciidamo la xiriira xukuumadda cusub ee Islaamiga ah ay bilaabeen inay bartilmaameedsadaan kacdoon xooggan oo ka imanaya Qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta. Dagaalladu waxay isu beddeleen Aargoosi ka dhan ah Calawiyiinta, oo ah laan ka tirsan Shiicada. Qowmiyadda Calawiyiinta waxaa si gaar ah loola xiriiriyaa inay ahaayeen taageerayaashii ugu adkaa ee Assad, waxaana xukunkiisii lagu eedeeyay inuu geystay xasuuq ka dhan ah bulshada Sunniyiinta ah ee Suuriya. Hay’adda Kormeerka Xuquuqda Aadana Syria ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in dagaalladii socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof, oo ay ku jiraan 745 shacab ah, 125 askari oo ka tirsan Ciidamada Ammaanka Suuriya iyo 148 dagaalyahan oo daacad u ahaa Assad. Bashar AL-Assad wuxuu sanadkii hore u baxsaday Ruushka, ka dib markii xoogagga kacdoonka ee uu Hoggaaminayo Axmed AL-Sharac, oo ka tirsan Ururka Hay’at Tahrir AL-Sham, ay xukuumaddiisa rideen, taasoo soo afjartay tobanaan sano oo cabburin xooggan iyo dagaal sokeeye oo ba’an.
ISHA-VOA/SOMALI.
GOBOLKA BARI EE SURIYA OO DAGAAL KA DHACAY.
(SAIRKA)-DEER EL ZOOR.
(SYRIA)-Ciidamada Ammaanka Suuriya ee ku sugan magaalada Dee el-Zoor ee Bariga Suuriya, ayaa xiray Hoggaamiyeyaasha haraadiga Nidaamka Asad, iyagoo looga shakiyay iney Qorsheynayeen weeraro lagu qaado Xarumaha Ammaanka iyo dowladda, ayaa lagu yiri war rasmi ah oo soo baxay. Waaxda Amniga ee Gobolka Deer el-Zoor ayaa bayaan ey soo saartay Axadii ku sheegtay in Agaasinka Amniga ee magaalada “ey qabteen Hogaamiyayaal ka tirsan taliskii dhacay kuwaas oo Qorsheynayay iney beegsadaan Amniga iyo Xarumaha dowladda ee Gobolka”. Faahfaahin dheeraad ah lama bixin. Khamiistii lasoo dhaafay, Gobolada Laadiqiyah iyo Tartuus ee Xeebaha ku teedsan waxaa ka dhacay weeraro abaabulan oo ey geysanayaan taageerayaasha Nidaamka Bashaar AL-Asad ee talada laga tuuray. Weeraradan oo lagu tilmaamay kuwii ugu darnaa tan iyo dhiciddii taliskii bishii Disembar ayaa lala beegsaday Roondo Amni, Koontaroolo, iyo isbitaallo, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac. Ciidamada Ammaanka iyo kuwa milateriga oo ka jawaabayay weerarkan ayaa billaabay howlgallo ballaaran oo ey ku baadi-goobayaan kooxihii weerarka geystay, taasoo keentay iska-horimaad xooggan. Madaxtooyada Suuriya ayaa Axaddii ku dhawaaqday dhismaha Guddi Qaran oo Madax-bannaan oo baara dhacdooyinka Gobolka Xeebta. Assad, Hogaamiyaha Suuriya muddo ku dhow 25 sano, ayaa u cararay dalka Ruushka 8-dii December, isagoo soo afjaray taliskii Baath Party, oo xukunka hayay tan iyo 1963-kii. Axmed AL-Sharaa, oo Hogaaminayay xoogaga ka soo Horjeeda Nidaamka Asad, ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay Madaxweynaha KMG ah 29-kii Jannaayo.
ISHA-AA.
MADAXWEYNE AL-SHARAC AYAA KA HADLAY….
(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA DALKA SURIYA.
(SYRIA)-Marka la eego is-bedellada ugu dambeeyay ee Xeebaha Suuriya, Madaxweynaha Suuriya Axmed AL-Sharaca wuxuu ku celceliyey in Suriya aan loo jiidi doonin dagaal sokeeye. Waxa uu intaa ku daray khudbad uu jeediyay fiidnimadii Axadda in Suuriya ey wajaheyso khatarta Haraagii taliskii hore, isagoo ku dhawaaqay dhismaha Guddiga Sare ee Nabadda Rayidka. AL--Sharac ayaa sheegay in Haraadigaas eysan haysan wax kale oo aan ahayn in ey si deg deg ah isu soo dhiibaan, Suuriyana aan la gelin doonin dagaal sokeeye.”Waan la Xisaabtami doonaa kuwa ku lugta leh”.”Sidoo kale wuxuu cadeeyey inaan loo dulqaadan doonin Haraadiga maamulkii hore isla markaane cid walba oo ku lug yeelata daadinta dhiiga shacabka lala xisaabtami doono”. Waxa uu carabka ku adkeeyey in dembi laga dhigaayo baaq kasta ama racfaan kasta oo ku baaqaayo in la farageliyo arrimaga dalka Suriya ama baaq kasta oo lagu faafinaayo fidnada,isagoo ku nuux-nuuxsaday in aanu u ogolaan doonin cid kasta oo dibadda kaga timid iney dalka Suriya u soo jiido inuu gallo dagaal sokeeye. Wuxuu tilmaamay in dadka ku sugan Xeebaha Suuriya ey la xiriiri doonaan si ey u dhageystaan. Khudbad kooban ee uu ka jeediyey Masjidka AL-Akram ee degmada Mazzeh ee magaalada Dimishiq, subaxnimadii hore ee Axadda, AL-Sharac ayaa ku baaqday in la ilaaliyo nabadda rayidka iyo Midnimada Qaranka. AL-Sharac waxa kale oo uu sharaxay in waxa Xeebta ka dhacay ey “ku jiraan caqabadihii la filayey,” isaga oo tixraacaya dedaallada “Haraadiga taliska” ey ku doonayaan iney fidiyaan oo ey jahawareer ku abuuraan. “Xiisad,isku dhacyo iyo weeraro gaadma ah:” Waxaa xusid mudan in tan iyo Khamiistii ina dhaaftay ey xiisado iyo iska horimaadyo ka socdeen deegaano dhowr ah oo ku yaalla Xeebaha dalka Suuriya, oo ey ku nool yihiin inta badan Dariiqada Calawiyiinta, ka dib markii koox amnigu ey u dhaqaaqday qabashada qof la baadi goobayo. Si kastaba ha ahaatee, waa uu diiday in uu is dhiibo, ka dibna kooxo ka tirsan "Haraadigii taliskii hore" ayaa bilaabay in ey weeraro gaadmo ah ku qaadaan Ciidamada Ammaanka ee ku sugan Xeebaha, ka dibna waxaa Qarxay iska horimaadyo aad u ballaaran. Dhanka kale, ilo-Wareedyo AL Carabiya/Al Hadath ayaa sheegay in, in ka badan 700 oo ka tirsan Ciidamada Ammaanka iyo dableyda daacadda u ah Bashaar AL-Assad, ama kuwa lagu tilmaamay "Haraadigii taliskii hore," la dilay.
ISHA-AA.
URDUN OO MARTIGELISAY SHIR LOOGA HADLAY…
(SAWIRKA)-WASIIRO SHAN DAL KA SOCDA OO KU KUOMAY URDUN.
(AMMAN)-Waxaa maanta oo Axad ah magaalada Cammaan ee caasimadda Urdun ka furmay shir u dhaxeeya dalalka Turkiga, Urdun, Ciraaq, Lubnaan iyo Suuriya, kaasoo ey isugu imaanayaan Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga ee shanta dal, iyo sidoo kale Taliyayaasha Sirdoonka iyo Hoggaamiyeyaasha ciidamada. Dhanka Turkiga, Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan, Wasiirka Difaaca Yasar Guler, iyo Madaxa Hay'adda Sirdoonka Qaranka (MIT) Ibrahim Kalin ayaa ka qaybgalaya kulanka. Habeen dambe ayaa la filayaa in shir jaraa’id oo ey si wada jir ah u qabtaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Urdun, Ciraaq, Lubnaan iyo Suuriya. Dawaladda Turkiga waxa ey muhiimad gaar ah siineysaa wada shaqayn dhaw oo ey la yeelato Wadamada Aobolka si wax looga qabto khataraha amni ee ka jira iyo kuwa ka baxsan Xuduudaheeda. Kulanka ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro sidii la isaga kaashan lahaa Amniga, la dagaalanka Argagixisada, iyo la dagaalanka dambiyada abaabulan, iyadoo ey barbar socoto ka doodista dhaqdhaqaaqyada guud ee Gobolka. Fidan, Guler, iyo Kalin ayaa horay kulamo noocaan oo kale ah kula yeeshay dhiggooda cusub ee Suuriya 15-kii Jannaayo caasimadda Turkiga ee Ankara, dhiggooda Jordan 6-dii Jannaayo Ankara, iyo dhiggooda Ciraaq 14-kii Maarso ee Baqdaad. Kulamada ayaa ujeedadoodu tahay in si buuxda looga hadlo dhinacyada iskaashiga iyo raadinta Xalalka Arrimaha Gobolka. Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo difaaca ee Turkiga iyo Urdun iyo Madaxda waaxyaha Sirdoonka ayaa ku kulmay magaalada Cammaan oo ey wada hadal ku yeesheen, sida ey shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga. Fidan, Guler iyo Kalin ayaa wadahadalo la yeeshay Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka Urdun ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Ayman Safadi, Guddoomiyaha Taliyeyaasha Isku dhafka ah ee Ciidamada Qalabka Sida Sareeya Gaas Yousef Huneyti iyo Madaxa Sirdoonka Jordan Ahmad Husni, ayaa lagu yiri bayaanka.
ISHA-AA.
(SYRIA)-SARKAAL HORE IYO GANACSADE IS WEERARAY.
(SAWIRKA)-SURIYA.
(SYRIA)-Ganacsadaha Suuriyaanka ah ee Rami Makhlouf, oo ay ilmo habreed yihiin Hoggaamiyaha la riday Bashaar Assad, ayaa Axada maanta ah soo saaray weerar kulul oo uu ku qaaday Sarkaal hore Sareeya Guuto Giyath Dallah. Giyath Dallah, oo ah Sarkaal ka tirsan Qeybta Afraad, ayaa ku eedeeyay in uu dhawaanahan Qalalaaso ka abuuray Gobolka Xeebta ee dalka Suuriya, isla markaana uu dadka rayidka ah uga faa’iidaysto dantiisa gaarka ah. Makhlouf ayaa hadalkiisii u horeeyey ee uu baraha bulshada soo dhigay tan iyo markii taliska Asad uu dhacay bishii December ee ina dhaaftay waxa uuna eedeyn kulul u jeediyay Saraakiisha Qeybta Afraad gaar ahaan Dallah oo uu sheegay inuu ka dambeeyay isku dhacyada Ciidamada Ammaanka maalmihii la soo dhaafay. "Maxaad ku samaysay dadkeena, Giyath Dallah? Maxaad ku samaysay Madaxii Sirdoonka Ciidamada iyo shacabka kugu xeeran? Maxaad arrintan idinku u soo dhex geliseen dadkan rayidka ah ee aan waxba galabsan oo aad uga faa’iidaysteen baahidooda dhaqaale? ayuu qoray. Waxa kale oo uu dhaleecayn u jeediyay ina adeerkii Asad oo uu yiri: “Miyaanad Madaxweynihii Cararay oo horay dalka dumintiisa kala qayb gelin,ciidankoodii iyo dhaqaalihiisii burburin, dadkiina gaajoonayaan, oo lacag haddii la qaybiyo aan cidina gaajo iyo faqiir toona ku fakarin? Makhlouf ayaa sheegay in dad badan oo rayid ah ey naftooda ku waayeen Gobolka intii ey socdeen howlgallada ey wadaan Ciidamada Ammaanku, wuxuuna Dallah ku eedeeyay kicinta dhacdooyinka. Maalmihii la soo dhaafay, Gobolada Laadiqiyah iyo Tartuus ee Xeebaha ku teedsan waxaa ka dhacayay weeraro abaabulan oo ey fulinayeen taageerayaasha Nidaamka Bashaar Al-Asad ee talada laga tuuray. Weeraradan oo lagu tilmaamay kuwii ugu darnaa tan iyo dhiciddii taliskii bishii Disembar ayaa lala beegsaday Roondo Amni, Koontaroolo, iyo Isbitaallo, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac. Ciidamada Ammaanka iyo kuwa milateriga oo ka jawaabayay weerarkan ayaa billaabay howlgallo ballaaran oo ey ku baadi-goobayaan kooxihii weerarka geystay, taasoo keentay iska-horimaad xooggan. Assad, Hogaamiyaha Suuriya muddo ku dhow 25 sano, ayaa u cararay dalka Ruushka 8-dii December, isagoo soo afjaray taliskii Baath Party, oo xukunka hayay tan iyo 1963-kii. Axmed AL-Sharac, oo hadda ah Hogaaminayay Xoogaga ka soo Horjeeda Nidaamka Asad, ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay Madaxweynaha KMG ah 29-kii Jannaayo.
ISHA-AA.
CIIDAMADA AMAANKA SURIYA OO FARA SAARAY…
(SAWIRKA)-XOOGAGA AMNIGA SURIYA.
(SYRIA)-Ciidamada Suuriya ayaa isku haleelay rag hubaysan oo daacad u ahaa taliyihii ciidamada gaarka ah ee xilligii Asad ee Laadiqiyah Khamiistii, sida uu sheegay Agaasimaha Ammaanka ee Gobolka, ka dib markii mas'uuliyiinta la sheegay in ey qaadeen weerarro helikobter ah. Magaalada dekedda leh ee Laadiqiyah iyo inta kale ee Xeebta Badda Mediterranean-ka ee Suuriya ayaa ah halka xudunta u ah dadka laga tirada badan yahay ee uu kasoo jeedo Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Calawiyiinta, waxaana loo arkayay saldhigyo taageero ah intii uu xukunka hayay. "Kooxaha hubaysan ee ey Ciidamadeena Ammaanku kula dagaalameen baadiyaha Laadiqiyah waxay xiriir la leeyihiin dambiilaha dagaalka Suhail AL-Hassan, kaas oo geystay Xasuuqii ugu foosha xumaa ee ka dhanka ahaa dadka Suuriya," ayuu Agaasimaha Amniga u sheegay Wakaaladda Wararka ee dawladda ee SANA. Xasan oo lagu naanaysi jiray “Shabeelka,” ayaa Hoggaaminayay Ciidamada Gaarka ah ee dalka, waxaana marar badan lagu tilmaami jiray “Askarigii uu ugu jeclaa ee Assad”. Waxa uu mas'uul ka ahaa horumarka muhiimka ah ee xukuumadda Asad sannadkii 2015.
Hay'adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya ayaa horay u sheegtay "duqeymo ey Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Suuriya ku qaadeen rag hubeysan oo ku sugnaa tuulada Beyt Caanaa iyo kaymaha ku xeeran, kuwaasoo ku soo beegmaya iyadoo madaafiic lagu garaacay tuulo deriska la ah."
SANA ayaa ku warantay in maleeshiyaad daacad u ah Madaxweynihii xilka laga tuuray ey rasaas ku fureen “Xubnaha iyo Agabka Wasaaradda Gaashaandhigga” oo tuulada u dhowaa, halkaas oo uu ku dilay hal askari oo ka tirsan ciidanka Amniga, labana waa ey ku dhaawacmeen. Hogaamiyeyaasha Calawiyiinta ayaa bayaan ey soo dhigeen Facebook markii dambe ugu yeeray "Mudaaharaad Nabadeed" oo ey uga jawaabayaan duqeymaha cirka, oo ey ku sheegeen in lagu bartilmaameedsaday "Guryaha Rayidka". Xiisad ayaa ka dhalatay ka dib markii dadka deggan Beyt Caanaa oo ah halka uu ku dhashay Suhail AL-Hassan ey ka hor istaageen Ciidamada Ammaanka in ey qabtaan qof la doonayay in uu ka Ganacsado hubka, sida ey sheegtay Hay’adda la socodka ee fadhigeedu yahay Britain. Ciidamada Ammaanka ayaa markii dambe bilaabay olole ey ka sameeyeen aagga, taasoo keentay iska horimaad dhexmaray rag hubeysan, ayey raacisay. Kormeerka ayaa sheegay in eysan xaqiijin karin aqoonsiga iyo waxa ey ka tirsan yihiin dableyda. Xiisada ayaa ka dambeysay ka dib markii ugu yaraan afar qof oo rayid ah lagu dilay olole Amni oo ka socday Laadiqiya, kormeeraha ayaa sheegay Arbacadii.
Ciidamada Ammaanka ayaa ololahan ka bilaabay Xaafadda Daatuur Talaadadii ka dib markii weerar gaadmo ah oo ey fuliyeen “Xubnaha haraadiga maleeshiyada Asad” ey ku dileen laba ka mid ah Ciidamada Ammaanka, sida ey ku warrantay Warbaahinta Dowladda oo soo xiganeysa ilo dhanka Ammaanka ah.
Mucaaradka Islaamiga ah ee uu Hogaamiyo Hayat Taxriir Al-Sham ayaa Hogaaminaya weerar danab ah oo xukunka looga tuuray Assad 8-dii December. Ciidamada cusub ee Amaanka ee dalkaasi ayaa tan iyo markii ey bilaabeen olole balaaran oo ey ku doonayaan in ey xididada ugu siibaan kooxaha daacada u ah Bashaar Al-Asad saldhigyadiisii.
ISHA-AN
MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAY XUUTI.
(SAWIRKA)-XUUUTIYIINTA YEMAN.
(YEMAN)-Mareykanka ayaa Arbacadii cunaqabateyn ku soo rogay toddobo Hoggaamiye oo Xuutiyiin ah iyo shaqsi u soo qoro dadka rayidka ah ee Yemen si ey ugu dagaallamaan Ruushka gudaha dalka Ukraine, maalin ka dib markii uu dib u soo rogay Argagixisanimada ka dhanka ah maleeshiyada Yemen. "Shakhsiyaadkani waxay si Qarsoodi ah u soo galiyeen alaabo milatari iyo hababka hubka ee ey Xuutiyiintu maamulaan ee Yemen, waxayna sidoo kale ka xaajoodeen soo iibinta hubka Xuutiyiinta ee Ruushka," Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa bayaan ey soo saartay ku sheegtay cunaqabataynta. Qasnadda ayaa sidoo kale u magacawday Abdulwali Abdoh Hasan AL-Jabri iyo Shirkadiisa AL-Jabri General Trading and Investment Co in ey u qoraan Yemaniyiinta si ey uga dagaallamaan Ukraine iyaga oo ka wakiil ah Ruushka, waxayna soo ururiyeen lacag lagu taageerayo hawlgallada milatari ee Xuutiyiinta, ayey tiri. "Dowladda Mareykanka waxaa ka go'an in ey Xuutiyiinta kula xisaabtanto hubka iyo agabka hubka ee ey ka helaan Alaab-qeybiyeyaasha Ruushka, Shiinaha iyo Iran si ey u halis galiyaan Ammaanka Badda Cas," Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tammy Bruce ayaa ku sheegtay hadal ey soo saartay. "Waxaan u adeegsan doonnaa dhammaan agabka la heli karo si aan uga hortagno rabshadaha Xuutiyiinta waxaanan kala shaqeyn doonnaa dowladda Yaman ee caalamku aqoonsan yahay si aan meesha uga saarno awoodaha Xuutiyiinta," ayay tiri. Xuuthiyiinta ayaa gacanta ku haya inta badan dalka Yemen oo ey ku jirto caasimadda Sanca, waxayna weeraro gantaallo ah iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ku qaaday Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka Qaza ka billowday bishii Oktoobar 2023-kii. Waxay sidoo kale si isdaba joog ah u bartilmaameedsadeen Maraakiibta Ganacsiga ee ku sugan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed marin-biyoodyada muhiimka u ah Ganacsiga Caalamiga ah. Madaxweyne Donald Trump ayaa saxiixay amar fulin ah dabayaaqadii bishii Janaayo si uu Xuutiyiinta ugu soo celiyo liiska Ururada Argagaxisada Shisheeye (FTO), halkaas oo uu ku dhejiyay xilligiisii ugu horeeyay. Dib-u-habeyntan ayaa la macno ah in cid kasta oo la shaqeysa ama la shaqeysa Xuutiyiinta oo dhulkooda ey ku nool yihiin inta badan dadka Yemen uu halis ugu jiro in Mareykanka uu dacwad ku soo oogo. Madaxweynihii hore Joe Biden ayaa Xuutiyiinta ka saaray liiska ka dib markii kooxaha bini’aadantinimada ey ka dhiidhiyeen in eysan gargaar u fidin karin dadka Yemen ee dhibaateysan iyaga oo aan la macaamilin maleeshiyaadka. Dalka Yemen oo ah dalka ugu saboolsan Jaziirada Carabta ka hor intii uusan dagaalku dhicin toban sano ka hor, Yemen ayaa hadda waxaa ka taagan mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ugu xun adduunka, iyadoo saddex-meelood labo meel 34 milyan oo qof oo ku nool dalkaas ey u baahan yihiin gargaar.
ISHA-AA
CIIDAMADA AMAANKA SURIYA OO SOO QABTAY…
(SAWIRKA)-CIIDAMADA CUSUB EE DALKA SURIYA.
(SYRIA)-Ka dib iska hor imaadyo rabshado wata oo ka dhacay magaalada Darca ee Koonfurta Suuriya, ciidamada Amaanka Suuriya ayaa maanta oo Arbaca ah Xabsiga u taxaabay xubno ka mid ah haraagii maamulka Asad .Wariyaha AL-Carabiya/AL Xadath ayaa soo sheegay in Ciidamada Amaanka guud ee Suuriya ey gacanta ku dhigeen xubno ka mid ah Haraadiga Nidaamka AL-Sanamayn ee ku yaala baadiyaha Daraca. Arrintan ayaa timid ka dib markii iska Horimaadyo rabshado wata ey ka dhaceen magaalada Al-Sanamayn ee ku taal baadiyaha Koonfureed ee Gobolkaasi, gelinkii hore ee maanta, kaas oo u dhexeeyay Ciidamada Ammaanka guud ee Suuriya iyo Ciidamo ka tirsan maamulka hore ee Suuriya oo diiday in ey is dhiibaan iyaga iyo hubkooda. Ilo Wareedka AL Carabiya/AL Xadath ayaa sheegay in iska horimaadku uu dhexmaray koox gacan saar la leh nin lagu magacaabo Mohsen AL-Hamid oo caan ka ah Gobolka. Waxa ey sidoo kale intaasi ku dartay in kooxda AL-Xamiid ey ka tirsan yihiin Ciidamada Ammaanka ee taliska Asad, iyadoo ku micneysay in tiradooda ey gaareyso ilaa 200 oo xubnood. Waxay kaloo sharaxday in Al-Xamid uu ku lug lahaa ka Ganacsiga Daroogada iyo dembiyo kale. Waxa ey xaqiijisay in iska hor imaadka ka dhacay deegaanka uu ahaa mid gacan ka hadal ah oo la isku adeegsaday Hubka culus, ka dib markii Ciidamada Nabad Sugida ey gurmad u direen. Ololahan maanta ayaa waxa uu imaanayaa ka dib markii mid kale oo Ciidamada Amaanka ey ka sameeyeen Laadiqiyah, kaasi oo ey ku soo qab qabteen tiro dad ah oo ku lug lahaa falkii shalay lagu beegsaday laba xubnood oo ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga, ka dib weerar gaadmo ah oo shalay ka dhacay xaafada Al-daatuur. Waxaa xusid mudan in tan iyo markii la riday Madaxweynihii hore ee dalka Suuriya Bashaar AL-Asad 8-dii bishii December maamulka cusub ee dalkaasi uu ugu baaqay dhammaan kooxaha hubeysan in ey isku soo dhiibaan hubkooda. Waxa ey sidoo kale ku boorisay askartii iyo saraakiishii hore ee ciidamada Suuriya ee la kala diray in ey xaliyaan xaaladdooda, iyadoo ballan qaaday in aan la xiri doonin cid kasta oo aan ku lug laheyn Xadgudubyo iyo dambiyo dagaal.
ISHA-AL-ARABIYA.
ISRA’IIL OO CAMBAAREYSAY BAYAANKII QAHIRA.
(SAWIRKA)-MADAXDA WADAMADDA CARABTA.
(CAIRO)-Israa’iil waxay dhaleecaysay bayaankii ugu dambeeyay ee Shir-Madaxeedka deg dega ah ee Ururka Jaamacadda Carabta ee Masar, kaas oo ku saabsan Horumarka Falastiin, iyada oo ku andacoonaysa "Iney ku Guuldareysatay iney wax ka qabato xaqiiqada xaaladda" ka dib weerarradii Oct. 7, 2023 ee kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas. Horaantii Talaadada maanta ah bayaankii ugu dambeeyay ee Shir Madaxeedka deg dega ah ee Carabta ee Qaahira ayaa diiday Barakicinta Falastiiniyiinta "magac kasta ama xaalad kasta" waxayna ku dhawaaqeen in la sameeyay guddi sharci oo Carab ah si ey u daraaseeyaan suurtagalnimada in tallaabooyinkan oo kale loo tixgeliyo qayb ka mid ah Xasuuqa. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay adeegsiga Xeeladaha Go'doominta iyo Gaajada ey Israa'iil ku hayso dadka rayidka ah si loo gaaro ujeedooyin Siyaasadeed, sidoo kale waxaa lagu cambaareeyay Go'aankii Xukuumadda Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ey ku joojisay Gargaarka Bini'aadantinimo ee Marinka Gaza. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil Oren Marmorstein ayaa ku yiri (X) in “Bayaanka laga soo saaray Shir Madaxeedka Deg degga ah… uu ku Guuldareystay in uu wax ka qabto xaqiiqada xaaladda ka dib Oktoobar 7-deeda, 2023, oo ku sii jiraya aragtiyo duug ah.” Marmorstein wuxuu dhaleeceeyay maqnaanshaha wax sheegista weeraradii Oct. 7 iyo la'aanta cambaareynta Xamaas, "in kasta oo ey khatar ku tahay Israa'iil iyo Gobolka. “Waxa uu sidoo kale dhaleeceeyay ku tiirsanaanta Bayaanka ee maamulka Falastiiniyiinta iyo Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Falastiin (UNRWA), isagoo sii wada eedeymaha Israel ee musuqmaasuqa iyo taageerada Argagixisada ee ka dhanka ah Hay'adahaas. "Muddo 77 sano ah, dawladaha Carabtu waxay Falastiiniyiinta u adeegsanayeen sidii ey uga soo horjeedaan Israa'iil, iyaga oo ku xukumaya Qaxootinimo" weligeed ah," ayuu yiri. Marmorstein wuxuu sii waday eedeymihiisii isagoo dib u eegay oo taageeray Qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku doonayo inuu ku Barakiciyo Falastiiniyiinta iyo la wareegitaanka aagga. "Hadda, fikradda Madaxweyne Trump, waxaa jirta fursad ey dadka reer Gaza ku yeelan karaan doorasho xor ah oo ku salaysan rabitaankooda xorta ah. Tani waa in la dhiirigeliyaa! Taas beddelkeeda, dawladaha Carabtu way diideen fursadan, iyaga oo aan siinin fursad cadaalad ah, waxayna sii wadaan eedaymo aan sal iyo raad toona lahayn oo ey u jeedinayaan Israa’iil,” ayuu yiri. Trump ayaa marar badan ku baaqay in uu "la wareego" Gaza oo uu dib u dejiyo u sameeyo dadkeeda si uu u Horumariyo meel loo dalxiis tago. Qorshihiisa waxaa diiday dalalka Carabta iyo dalal kale oo badan, kuwaas oo sheegay iney la mid tahay isir sifeyn. In kasta oo Israa'iil ey Xasuuq ka geysatay Gaza, Marmorstein wuxuu ku eedeeyay in xukunka Xamaas ee deegaanka "uu ka hortagayo fursad kasta oo ammaan ah Israel iyo deriskeeda. Sidaa darteed, Nabadda iyo Xasilloonida awgeed, Xamaas loogama tagi karo xukunka.“Wuxuu ku soo gabagabeeyay isagoo leh "Israa'iil waxay ku boorineysaa dowladaha mas'uulka ka ah iney ka baxaan caqabadihii hore oo ey iska kaashadaan abuurista mustaqbalka Xasilloonida iyo Amniga Gobolka. “Ku dhawaad 48,400 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay, oo u badan Haween iyo Caruur, in ka badan 111,000 oo kalena way ku dhaawacmeen dagaalka Naxariis Darada ah ee Israel ey ku hayso Gaza tan iyo bishii October 2023. Duulaanka, kaas oo ka dhigay burburka, ayaa lagu hakiyay heshiis xabad joojin iyo isdhaafsi Maxaabiis ah oo qabsoomay Jan. 19 ee sanadkan. Bishii Nofembar ee la soo dhaafay, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada ee Marinka Gaza Gaza. Israa'iil ayaa sidoo kale wajahaysa kiis Xasuuq ah oo ka socda Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda oo ku saabsan dagaalka ey ku hayso dhulka Falastiin.
ISHA-AA.
MASRA IYO SURIYA OO KA WADA HADLAY ARRIMO..
(SAWIRKA)-SISI IYO AL-SHARAC.
(CAIRO)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalka Suriya Md.Axmed Sharax ayaa ku nuux nuuxsadayin dalkiisa uu hadda ku sugan yahay meeshii dabiicga ahaydee walaalahooda Carabta isagoo xusay in dalka Suriya ey ka mid tahay dalalka Carabta ee kor u saaran gaar ahaan dalka Masar. Madaxweyne Axmed AL-sharaca ayaa intaas raaciyey in gardaradda Isra’iil ey tahay isku day lagu doonaayo in lagaga faa’iideysto dhicitaanka dawladdii Suriya. Madaxweyne Axmed Sharac ayaa magaaladda Qaahira kula kulmay Madaxweynaha dalka Masar C/fataax EL-Sisihalkaaso uu ka socday shirka Madaxeedka Wadamadda Carabta kaaso maanta oo Talaada ah ka furmay Qaahira,shrkaan ayaa looga hadlaayey dib u dhiska Marinka Gaza. Wakaaladda Wararka carabta ee dalka Suriya ayaa ku warantay in Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Suriya Asad Xasan AL-sheybaani uu isna ka qeybgalay kulank,balse ma uusan bixin wax faahfaahn ah oo kale oo ku saabsan ajandaha shirka.
ISHA-SANA.
SHIR KA FURMAY MAGAALADDA QAAHIRA.
(SAWIRKA)-JAAMICADDA CARABTA.
(CAIRO)-Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay Shir Wadatashi ah una dhexeeyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda Wadamadda Carabta, kaas oo loogu diyaar garoobayo Shir Madaxeedka deg dega ah ee la Qorsheeyay in uu qabsoomo berri oo Talaado ah, kaas oo looga hadlayo Arrimaha dadka reer Falastiin. Kulankan ayaa ku soo aadaya iyadoo loo diyaar garoobayo Shir Madaxeedka deg dega ah ee Wadamada Carabta oo ey martigelinayso Xukuumadda Masar. In laga Wada hadlo Xaaladda Marinka Gaza iyo guud ahaan dhulka ey degan yihiin dadka reer Falastiiniyiinta. Kulanka ayaa ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in Xal Siyaasadeed oo joogto ah oo cadaalad ah laga gaaro Arrinta Falastiin, taasoo horseedi karta in la dhiso Dowlad Madax-bannaan oo Falastiin, maadaama tani ey tahay waddada kaliya ee lagu gaari karo Nabadda Gobolka. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka Masar, Dr. Badr Abdel Caati, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Dr. Mohamed Mustafa, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Falastiin, oo qayb ka ah u diyaar garowga Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Wadamadda Carabta, oo looga wada hadli doono Horumarka ku saabsan qadiyadda Falastiin. Waxa ey ka wada hadleen hiigsiga qabsoomida shirka dib u dhiska, kaas oo la filayo in Masar ey marti geliso iyada oo kaashanaysa Qaramada Midoobay, waxaaney muujiyeen rabitaankooda ku aaddan in Beesha Caalamku ey taageerto dib u soo kabashada hore iyo qorshayaasha dib u dhiska, taas oo u sahlaysa dadka reer Falastiin in ey ku naaloodaan Xuquuqdooda, in ey ku nagaadaan dhulkooda, iyo in ey dhistaan Dawladooda Madax bannaan ee ku beegan June 4, 1967, oo ey caasimaddeedu tahay Bariga Quddus. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka dalka Masar Dr.Badr ayaa qaabilay dhigiisa dalka Ciraaq Fu’aad Xuseen sidoo kale goob joog ka ahaa is-dhaafsiga Aragtiyo ku saabsan Arrimaha Gobolka ee ugu caansan, iyadoo la eegayo Xaaladda Marinka Gaza, dadaallada Masar ee lagu Xaqiijinayo sii jiritaanka heshiiska Xabbad-Joojinta ee Marinka Gaza. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka Masar Dr.Badr ayaa qaabilay dhigiisa dalka Yeman Shaayec Muxsin AL-Zindani. Abdel-Caati waxa uu taabtay tillaabooyinka socda ee loogu diyaar garoobayo Shir madaxeedka Carabta, isagoo ku saabsan Xaaladda Marinka Gaza, isaga oo xaaladdan ku sugan, waxa uu tilmaamay dadaalka Masar ee lagu xaqiijinayo sii jiritaanka heshiiska xabbad-joojinta ee Gaza, iyo qorshaha loo dajiyay dib u dhiska, isagoo carrabka ku adkeeyay diidmada Masar ee Barakaca Falastiiniyiinta, iyo in ey lagama maarmaan tahay in Xal Rasmi ah laga gaaro Arrinta Falastiin.
ISHA-CAIRO NEWS.
ISRA’IIL OO HAKISAY GARGAARKII MARINKA GAZA.
(SAWIRKA)-URURKA LAANQEERTA CAS.
(NEW YORK)-Wararka laga helaayo Xarunta Qaramada Midoobe ee New York ayaa sheegaayo in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guterres uu Axada maanta ah ku baaqay in si deg deg ah loo bilaabo Gargaarka Bani’adnimo ee Marinka Gaza ka dib markii Isra’iil ey ku dhawaaqday iney hakisay soo gelitaanka badeecadaha iyo saadka ee dhulka Falastiin ee go’odoonsan. “Xoghayaha Guud Guterres waxa uu ku baaqay in si deg deg ah dib loo bilaabo Gargaarka Bani’adanimo ee Marinka Gaza lana sii daayo dhammaan Maxaabiista”ayuu yiri afhayeenka Gutteres Stephan Dujarric oo war qoraal ah soo saaray,waxa uuna intaas ku daray inuu ku boorinaayo dhammaan dhinacyada iney sameeyaan dadaaladda lagama maarmaanka ah si looga fogaado iney dib ugu soo laabtaan colaadaha Marinka Gaza. Isku duwaha Arrimaha Bani’adanimada ee Qaramada Midoobe Tom Fletcher ayaa Axada maanta ah walaac ka muujiyey go’aanka Isra’iil ey ku joojineyso Gargaarka Bani’adanimo ee Marinka Gaza,isagoo carabka ku adkeeyey baahida loo qabo heshiiska xabad joojinta ee u dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas”inuu sii shaqeeyo”. “Go’aanka Isra’iil ee ku aadan joojinta Gargaarka waa wax laga xumaado”,Fletcher ayaa yiri iyadoo la sii maraayo madal XN “Sharciga caalamiga waa cad yahay:Waa in naloo ogolaadaa inaan gaarsiino gargaar naf badbaadin ah oo Muhiim ah”. Fletcher ayaa carabka ku adkeeyey baahidda loo qabo inaan”Dib loogu laaban Horumarkii la sameeyey 42-kii maalmood ee la soo dhaafay”,isagoo tixraacaya bilawga hirgelinta xabad joojinta,isaga oo raaciyey”Xabad Joojintu waa iney jirtaa”. Dhinaca kale,Madaxweynaha Gudiga Caalamiga ah ee Ururka Laanqeerta Cas ayaa Axda maanta ku baaqay “In dadaal la geliyo” si loo ilaaliyo xabad joojinta Marinka Gaza oo laga fogaado “in dadka dib loogu riixo rajo beel”. “Waa inaan la dhaafin dadaalo lagu ilaalinaayo Xabad joojinta si loo badbaadiyo nolosha dadka ee dagaalka,looguna ogolaado gargaarka bani’adanimo ee Marinka Gaza iyo dib u mideynta qoysaska kala maqan”,sidaas waxaa hadal uu soo saaray ku yiri Mirjana Spoljaric. Waxa ey intaas ku dartay in heshiiska xabad joojinta ee dhaqan galay 19-kii Janaayo ka dib in ka badan15-bilood oo dagaala ah”ey badaadiyeen dad aan tiro lahayn oo ey bixiyeen rajo ah gagaar helid iyadoo ey Marinka Gaza ey ka jirto dhibaato aan la qiyaasi karin. Waxayna Mirjana ku nuuxnuuxsatay in “Hoos u dhac kasta oo ku yimaada xawliga lixda todobaad ee la soo dhaafay uu ku hanjabayo iney dadka u celiyaan rajo beel”. Isra’iil ayaa Axada maanta ah ku dhawaaqday iney hakisay Gargaarkii Bani’adanimo ee Marinka Gaza,go’aankaas oo ey Xamaas ku tilmaantay mid xadgudub ku ah heshiiskii xabad joojinta,kaaso wejigiisa labaad la rabay inuu dhaqan galo balse wada xaajoodka u muuqdo inuu dhammaaday. Xamaas ayaa ku gacan seyrtay soo jeedinta Maraykanka ee ahayd in la kordhiyo wejiga koowaad ee xabad joojinta.
ISHA-AA.