HOGAAMIYE YAXYE SINWAAR OO KA HADLAY XABAD JOOJINTA GAZA…
(SAWRKA)-YAXYE SINWAAR.
(GAZA)-Tan iyo markii la dilay Hogaamiyihii Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda xamaas Ismaaciil Haniyah magaaladda Tehran ee dalka Iraan waxa so baxaayey ismaan dhaaf xoogan oo ka dhex jiray Hogaanka sare ee Xamaas cidda ey u dhiibayaan xilkii Haniyah waxa eyna go’aansadeen in xilkaasi lagu aamino Yaxye Sinwaar oo hogaaminaayey dagaalka ka dhanka ah Israa’iil. Hogaamiyaha cusub ee Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas Md.Yaxye ayaa la soo sheegay inuu si aad ah u daneynaayo in la gaaro heshiis xabad jooojin ah oo laga gaaro Marinka Gaza,sida ey wararku sheegayaan balqaadka Israa’iil ee wada hadaladda uusan weli kala cadeyn. Dawladaha wada wada xaajoodka ayaa Tv-ga CNN u sheegay in Yaxye Sinwaar ey dhab ka tahay wada hadaladda lagu soo afjaraay dagaalka Marinka Gaza ee Toban bilood jirsaday kaaso ey ku dhinteen in ka badan ilaa 40-Qof eyna ku dhaawcmeen dad ka badan ilaa 90-kun qofood.
ISHA/NA.
ISRA’IIL OO WEERAR KU DISHAY XUBIN KA TIRSAN XIZBULLAH.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYEYAASHA XIZBULLAHI EE LUBNAAN.
(BEIRUT)-Waxaa weli si ba’an uga socdo Koonfurta dalka Lubnaan dagaalka u dhexeeyo Ururka Xizbullahi iyo Ciidamadda Difaac Israa’iil,dagaalkan ayaa salka ku haayo xiriir toos ahna la leh dagaalka ka socdo Marinka Gaza kaaso soo bilawday 7/10/2023-kii,waxaane dagaalka Gaza ilaa hadda ku geeriyooday dad gaaraayo ilaa afartan kun waxaane ku dhaawacmay dad gaaraayo ilaa siddetan kun oo qofood. Sirdoonka Israa’iil iyo kaashanaayo sirdoonada wadamada kela ey saaxibka yihiin ayaa wada hawlgallo aad u adag lidna ku ah hogaanka kooxaha ey is hayaan ee kala ah Xamaas,Xizbullaahi iyo Xuutiyiinta Yeman.hadaba weerar ey qaadeen diyaaradaha dagaalka Israa’iil maanta oo Talaada ah ayaa waxaa lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan Ururka Xizbullaahi ee ka hawgala Koonfurta dalka Lubnaan,weerarka ayey Israa’iil la beegsatay guri ku yaalo magaaladda Miifdoon ee Gobolka Nabatiyah koonfurta dalka Lubnaan,ilo wareedyo u waramay warbaahinta dalalka Carabta ayaa sheegay in dadka la dilay uu ka mid yahay Amiin Badr AL-diin oo ah wiil uu adeer u yahay ninka ku eedeyesan dilkii Reysal Wasaarihii hore ee dalka Lubnaan Rafiiq AL-Xariiri lana yiraahdo Mustafa Badr AL-diin. Wasaaradda Caafimaadka dalka Lubnaan bayaan ey soo saartay maanta oo Talaada ah ayey ku sheegtay in shan qofood lagu dilay weerar ey Israa’iil ku qaaday guri ku yaalo Miifdoon. Dhinaca kale,ilo dhanka Amaanka ah una dhashay dalka Lubnaan ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee France-Press in shanta qof ee la dilay ey ka tirsan yihiin Ururka Xizbullahi ee dalka Lubnaan. Intaas waxa dheer ciidamadda Israa’iil ayaa xaqiijiyey iney qaadeen weerarka,wxaa eyna sheegeen in lala beegsaday xarumo Mileteri oo ey leeyihiin Ururka dagaalka kala dhexeeyo ee Xizbullahi,goobta la weerarya ayey Israa’iil ku sheegtay iney ku taalo aaga Nabatiyah oo ey adeegsadaan tiro ka tirsan Ururka Xizbullahi si ey u qorsheeyaan weeraro ka dhan ah Israa’iil,sida ku qorneed qoraal ka soo baxay Israa’iil. Dhinaca kale,Ururka Xizbullahi waxa uu soo saarayey hadallo xiriir ah oo ey ku sheegeen iney beegsadeen dhawr goobood oo Israa’iil ah,gaar ahaan xeradda Sharagha ee ku taalo Waqooyiga Cakka oo ey ku jireen raxan diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ah taaso jawaab u ahayd dilkii xubin ka tirsan Ururka Xizbullahi ey dishau Israa’iil maalintii shalay oo Isniin ahayd,waxa eyna Israa’iil ku dishay xubintaas ka tirsan Xizbullahi magaaladda Cabba ee dhacda Koonfurta dalka Lubnaan. Marinka Gaza waxaa weli si aan joogsi lahayn uga socdo beegsiga saraakiil ka tirsan Xukuumadda Gaza kuwaaso ey duqeymo ku dileen diyaaradaha Isra’iil nuucyadooda kala duwan. Weeraradii ugu dambeeyey ee dhinaca cirka ah eyna fuliyeen ciidamadda Israa’iil ayaa waxaa lagu dilay C/fataax AL-zureyci kana tirsanaay Xukuumadda Gaza ahaayne Wasiirka Dhaqaalaha,weerarkaan ayaa ka dhacay Diiral Balax wxaaane lala beegsaday guri ey ku wada sugnaayeen Wasiirka C/fataax iyo Aabihiis, dilka ayaana dhacay maalintii Axada ee ina soo dhaafatay,sidoo kale weerar dhinaca cirka ah eyna qaadeen diyaaradaha Israa’iil ayaa waxaa maanta oo Talaada ah lagu dilay Maxamed AL-Maxaasinah kaaso Israa’iil ku sheegtay inuu Xamaas u qaabilsanaay Tahriibinta Hubka soo galo Marinka Gaza balse Xamaas ayaan iyagu ka hadlin dilka maanta loo gaystay Maxamed AL-Maxaasin.
ISHA/WAKAALAD.
ISRAA’IIL DIYAARAD KU DISHAY WARIYE KA TIRSAN TV-GA AL-JAZEERA.
(SAWIRKA)-ISMAACIIL AL-GHOUL,WARIYE KA TIRSAN TV-GA AL-JAZEERA OO MAANTA LAGU DILAY GAZA.
(DOHA-QATAR)-”Ka dib 3-boqol oo maalmood oo aan si joogta ah ula soconaayey saaxibkey Ismaaciil Gool, waxa aan arkay isaga oo aan Madax lahayn”. Kuwani waxay ahaayeen erayadii argagaxa lahaa ee uu lahaa wariyaha Tv-ga Aljazeera Anas AL-Shariif,indhihiisu waxa ey aad uga burqanayey ilin,waxaane wejigiisa si weyn uga muuqday xanuun,ka dib 10-bilood oo uu soo tebinayey dembiydda aan la soo koobi karin ee ey dadkiisa ku hayaan xasuuqa naxariis darada ah ee Israa’iil ey ku hayso Marinka Gaza. Saaxibadda Wariye Gool iyo Hawlwadeenadda Kaameradaha Raami AL-Rifi ayaa waxaa bartilmaameedsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa’iil iska leedahay iyagoo xiran qalabkoodii wariyenimo,waxa eyna ku safraayeen baabuur si cad loogu calaamadiyey inuu yahay Gaadiidka Warbaahinta. Gawracooda oo Xafiiska Warbaahinta Dawladda Marinka Gaza uu sheegay inuu ka dhigay tirada saxafiyiinta Falastiiniyiinta ah ey dishay Israa’iil tan iyo markii uu bilawday dagaalka Marinka Gaza 7/10/2023-kii iney gaartay ilaa 165-saxafi oo dhiigooda lagu qubay gudaha Marinka Gaza.
ISHA/MEE.
MAXKAMADDA ICC OO KU DHEGAN HOGAMIYEYAASHA DALKA SUUDAAN.
(SAWIRKA)-DAGAALKA DALKA SUUDAAN.
(HAMILTON-CANADA)-Dagaalka ka socdo dalka Suudaan oo soo bilawday bishii Abriil ee sannadkii 2023-kii ayaa hadda maraayo xaalad aad u halis ah waxaane sii kordhaayo dhibaatooyinka soo gaaraayo dadka shacabka ah ee reer Suudaan. Dagaalkan ayaa sababay Barakac baahsan iyo Gaajo soo wajahday shacabka Suudaan,hadaba arrinta dalka Suudaan ayaa waxaa soo farageliyey dawaladaha Sacuudiga oo horay shir ugu qabatay dhinacayadda isku haayo dagaalka dalka Suudaan iyo Maraykanka oo hadda wada qorshe uu isku hor fadhiisinaayo garabyadda ku dagaalamayo dalka Suudaan,dhinaca kale,waxaa iyadan war culus ka soo saaratya xaaladda dalka Suudaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda (ICC),Maxkamada ayaa ugu baaqday Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe iney raadiyaan Hab mala awaal ah oo hal abuur leh oo lagu soo afjari karo rabshadaha ka socdo Gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan,dacwad Oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) Karim Khan ayaa ka warbixiyey lix bilood oo dhibaato ah,Lix bilood oo Cadaab ah iyo Lixbilood oo aad ugu Xun dadka reer Daarfuur. Dacwad Oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC-da ayaa Isniinta maanta ah sheegayin Lix bilood oo Muruga ah ey ka jirtay Magaaladda Daarfuur ee dalka Suudaan iyadoo Maxkamdu ey ku boorineyso Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe iney raadiyaan qaabab kale oo wax looga qaban karo xaaladda gobolka Daarfuur.
ISHA/AA.
UNRWA OO LAGU LA’AYAHAY EEDEYMIHII LOO SOO JEEDIYEY.
(SAWIRKA)-DHISMAHA UNRWA EE FALASTIIN.
(HAMILTON-CANADA)-Qaramadda Midoobe ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqday iney dhammaystirtay baaritaankii ey ku sameyneysay Xafiiska Adeega Kormeerka Gudaha(OIOS) ee ku saabsan eedeymaha ey Israa’iil u soo jeedisay Xubno ka tirsan shaqaalaha Hayadda Qaramada Midoobe u qaabulsan Qaxootiga Falastiin (UNRWA) ka dib dhacdadii Oktoobar-7-2023-kii. Marka loo fiiriyo Natiijoyinka Baaritaanka,ku xigeenka Afhayenka Qaramadda Midoobe Farxaan Xaaq ayaa u sheegay Wariyeyaasha mar uu shir jaraa’id qabtay waxa uuna Xaaq yiri”Hal kiis ma jirto waxa cadeyn ah oo ey heshay OIOS oo lagu taageeray eedeymaha ku luglahaashaha xubinta shaqaalaha,halka sagaalkii kiis ee kale,cadeynta ey heshay OIOS kuma filneyn iney taageerto ka qeybqaadashada xubnaha shaqaalaha”, Farxaan Xaaq ayaa hadlkiisa sii raaciyey “Marka loo eego 10-ka kiis,talaabooyinka ku haboon ayaa la qaadi doonaa waqtiga ku haboon iyadoo la raacaayo xeerarka iyo xeerarka UNRWA.
ISHA/AA.
CIIDAMADDA MARAYKANKA EE KU SUGAN CIRAAQ OO.
(SAWIRKA)-MADAXWEYNAHA MARAYKANKA BIDEN.
(WASHINGTON)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Maraykanka ee Wasgington ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris ayaa lagu wargeliyey in la tuhunsan yahay in gentaalo lagu weeraray saldhiga Ciidamadda Cirka ee Maraykanka ee Ceyn AL-Asad ee dalka Ciraaq,halkaaso ey ku sugan yihiin Ciidamadda Maraykanka iyo kuwa Isbahaysiga sida uu sheegay Aqalka Cad. War Saxaafadeedka ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu yiri”Waxay ka wada hadleen tallaabooyinka aan qaadeyno si aan u difaacno Ciidamadeyna uguna jawaabno weearar walba oo ka dhan ah shaqaalaheyna qaab iyo goobta aan dooranaba”. Qoraalka ayaa soo baxay ka dib markii Biden iyo Harris ey warbixin ka siiyeen kooxda Amniga Qaranka Horumarka ka socdo Gobolka Bariga Dhexe”. Dhawr askeri oo Maaykan ah ayaa Isniintii lagu dhaawacay weerar looga shakisan yahay in lagu qaaday saldhiga Ciidanka Cirka ee ku yaalo Galbeedka dalka Ciraaq sida ey sheegtay warbaahinta Maraykanka oo soo xiganeysa saraakiil Maraykan ah oo aan la magacaabin. Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in kulankaas diiradda lagu saaray khataraha ka imaanaya Iraan iyo Xulafadeeda ee ku wajahan Israa’iil iyo xubnaha adeega Maraykanka ee Gobolka Bariga Dhexe. “Waxaa la cusbooneysiiyey dadaaladda Mileteri ee Maraykanka uu ku taageeraayo difaac Israa’iil haddii mar kale Iraan soo weerarto,waxaa sidoo kale lagu wargeliyey dadaaladda dibloomaasiyadeed ee joogatada ah ee lagu qaboojinaayo xiisadda Gobolka Bariga Dhexe iyo in la soo afjaro Heshiiska Xabad joojinta iyo sii deynta la haystayaash” ayaa lagu daray.
ISHA/AA.
HAKAN FIDAN OO BAAQ U DIRAY WADAMADDA…
(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA TURKIGA OO TAAGAN RAFAX.
(CAIRO)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa carabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in la kodhiyo cadaadiska lagu haayo Israa’iil si loo joojiyo Xasuuqa ey ka wado Marinka Gaza. Tani waxay ku soo beegantay war saxaafadeed uu soo saaray Axadda maanta ah(4/8/24)-ka ka dib booqasho kormeer ah oo uu ku tegay Dekedda AL Cariish ee dalka Masar iyo albaabka Xadka isgoyska Rafax ee Marinka Gaza,isagoo fariin u diray wadamadda reer Galbeedka oo ku saabsan Xasuuqa Marinka Gaza,Wasiirka ayaa yiri”Haddii eynaan si wadajir ah u joojin Xasuuqan,dhammaan bani’adamku waxa ey noqon doonaan kuwa shuraako kula ah Israa’iil. Wasiir Hakan Fidan ayaa intaas ku daray”Iridda xadka Rafax hadda waa uu xiran yahay oo ey maraan dad iyo gaadiid fara badan balse hadda waa uu xiran yahay,sida aad la socotaan waxaa gebi ahaanba burburay dhinaca kale ee xuduuda sida ey sheegayaan wararka halkaas inaga soo garaayo,baabuur xamuul ah ayaan hadda ka dhoofin waxa eyna ku sii jeedaan alabaabka Kareem Abu Saalim(shalom)”.
ISHA/AP.
XUUTIYIINTA OO SHEEGTAY INEY SOO RIDEEN…
(SAWIRKA)-DIYAARADDA LAGU SOO RIDAY G/SACDA EE YEMAN.
(SANA’A-YEMAN)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa maanta oo Axad ah waxa ey ku dhawaaqeen iney soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykan leeyahay waxa eyna diyaaradaasi ku dhacday Gobolka Sacda ee Waqooyiga dalka Yeman,marka laga soo tago bartilmaamedsiga Maraakiibta mareyso biyaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Afhayeenka u hadlay Xuutiyiinta dalka Yeman Yaxye AL-Sareec ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in diyaad Maraykan ah oo nuceedu yahay MQ-9 la soo riday xilli ey hawlgal ka sameyneysay hawadda Gobolka Sacda oo ah halka ey asal ahaan ka soo jeedaan Hogaanka Sare ee kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman,diyaaradda ayaa lala helay gentaal dhulka laga soo riday kaaso lagu sameeyey Yeman,waxa uuna afhayeenku xusay in diyaaradaan ey tahay midii 7-aad ee nuuceeda ah oo la soo riday tan iyo markii uu bilawday dagaalka Marinka Gaza. Waa hawlgalkii ugu horeeyey ey Xuutiyiintu ku dhawaaqaan tan iyo markii ciidamadda Israa’iil ey bilaaben dulaanka gardaradda ah ey ku qaadeen dekedda Xudeyda ee galbeedka dalka Yeman 20-kii bishii Luuliyo ee tagtay,kaaso sababay in dab aad u xoogan uu ka kaco Gudaha Dekedda Xudeyda,waxaane ku dhintay hal qof waxaane ku dhaawacmay ilaa sideed kale. Sababta keentay in Israa’iil soo weerarto Yeman ayaa ah in kooxda Xuutiyiinta Yeman ey weerareen caasimadda Israa’iil ee Tel Aviv,waxa eyna adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kuna magac dheer “JAFFA”.
ISHA/NA.
GENERAALO MARAYKAN AH OO SOO GAARAY G/BARIGA DHEXE.
(SAWIRKA)-GEN.MICHEAL KURILLA.
(AMMAN)-Tan iyo markii magaaladda Tehran ee ah Caasimadda dalka Iraan lagu dilay Madixii Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Ismaaciil Haniyah waxaa soo kordheysay cabsida laga qabo in dalka Iraan uu ka aargoosto Israa’iil taaso lagu tuhmaayo iney iyada ka dambeysay dilkii Ismaaciil Haniyah maalintii Arbacada ee ina soo dhaaftay aroornimadeedii. Waxaa hakad galay dhammaan duulimaadyadii lagu tegi jiray amaba looga imaan jiray Israaa’iil iyo Lubnaan waxaane hoos u dhac weyn laga dareemay dhaqaalaha Israa’iil oo si xun hoos ugu dhacay tan iyo markii uu bilawday dagaalka Marinka Gaza Bishii Oktoobar Todobadeedii sannadkii 2023-kii. Wargayska laga leeyahay dalka Maraykanka ee AXIOS inta badane ka hadla xaaladda Gobolka Bariga Dhexe ayaa maanta oo Axad ah sheegay in Taliyaha Guud ee Maraykanka u qaabilsan Ciidamadda Maraykanka ee ku sugan Gobolka Bariga Dhexe uu gaaray Goblka maalintii shalay oo Sabti ahayd iyadoo uu socdo diyaargaraw loogu jiro weerar ka dhan ah Israa’iil oo ka imaanayo dhinaca Iraan si ey uga aargoosato dilalkii loo gaystay Madaxdii sare ee Xamaas iyo Xizbullaahi,sida ey sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah. Safarka Micheal Kurilla ee Gobolka Bariga Dhexe ayaa ahaa mid la sii qorsheeyey inta eysan arrinta Gobolka cirka isku shareerin,laakin waxaa la filayaa inuu safarkaan u adeegsado isku dayo uu ku abaabulaayo isla xulafadda caalamiga ah iyo kuwa Gobolka ee Israa’iil ka difaacaya weerar kaga yimaado dalka Iraan sida midkii dhacay 13/4/24-ka,sidaas waxaa laga soo xigtay sarkaal Maraykan ah,seddex sarkaal oo Maraykan iyo Israa’iil ah ayaa iyagana sheegay iney filayaan in Iraan ey weerarto Israa’iil horaanta todobaadka ee ah maalinta Isniinta ee berri ah,dhinaca kale,Hogaamiyeyaasha Ururka Xizbullahi iyo Iraan ayaa awacad ku maray iney ka aargudan doonaan Israa’iil dilkii ey u gaysatay Taliyihii ugu sareeyey Mileteriga Ururka Xizbulaahi Fu’ad Shukri iyo Madaxii Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyah.
ISHA/AXISO.
MASAR IYO ISRAA’IIL OO SHIR UGA FURMAY QAAHIRA.
(SAWIRKA)-AGAASIMEYAASHA SIRDOONKA ISRAA’IIL.
(WASHINGTON)-Wada hadaladda ku saabsan la haystayaasha Marinka Gaza iyo heshiiska Xabad Joojinta ayaa hadda galay hakad ka dib markii wada hadallo u dhexeeyo wafdi sare oo Israa’iil ah iyo masuuliyiin Masaari ah uu Sabtida maanta ah magaaladda Qaahira ey ku wada kulmeen,waxaane suurtagal ah iney fog tahay in la gaaro heshiis iyadoo ey jiraan dalabaad cusub uu wato Reysal Wasaaraha Israa’iil Benjamiin Netanyahu,sidaas waxaa laga soo xigtay laba sarkaal oo Israa’iil ah. Kulanka maanta ka dhacay ee dhexmaray Israa’iil iyo Masar ayaa u dhacay cadaadis xoogan oo Maraykanku saaray dawladaha Masar iyo Israa’iil seddex maalmood ka dib markii Israa’iil ey Tehran ku dishay Hogaamiyihii Siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyah. Wafdi heer sare ah oo ka socda Israa’iil oo ey Hogaaminayaan Agaasimeyaasha Hayadaha Sirdoonka ee Mossad iyo Shin Bet ayaa booqasho ku tegay magaaladda Qaahira ee dalka Masar maanta oo Sabti ah si ey wada hadallo ula yeeshaan Madaxda sare ee dalka Masar iyo in xal loo helo sidii loo sii deyn lahaay la haystayaasha ku jira gacanta Xamaas iyo sidii loo joojin lahaay dagaalka Marinka Gaza. Saraakiisha Israa’iil iyo qoysaska la haystayaasha ayaa ka walaacsan Netanyahu oo dhawaan adkeeyey dalabadaadkiisa,soona bandhigay shuruudo cusub lana xiriira la haystaaysha iyo xabad joojinta Marinka Gaza,wafdiga uu diray ayuu Netanyahu ugu talagalay oo kaliyah iney abuuraan muuqaal wada xaajood ah si ey uga yareeyaan cadaadiska qaar ka mid ah Madaxweyne Biden.
ISHA/AXIOS.
RUUSHKA OO LA TALIYEYAAL MILETERI U DIRAY…
(SAWIRKA)-MARKAB EY GUBEEN XUUTIYIINTA YEMAN.
(LONDON)-Saraakiisha Sirdoonka Mileteriga Ruushka ayaa la rumaysan yahay in loo daabulay dalka Yeman si ey u kaalmeeyaan kooxda Xuutiyiinta Yeman ey taageerto dawladda Iraan,Sirdoonka ka socdo Mileteriga Ruushka ayaa gacan ka gaysanaayo sidii Xuutiyiinta u bartilmaameedsan lahaayeen Maraakiibta Ganacsiga ee marta Badda Cas,sidaas waxaa shaaca ka qaaday Wargayska Middle East Eye. Xubno ka tirsan Sirdoonka Mileteriga Ruushka GRU ayaa ka hawlgala dhulka Xuutiyiinta ee Yeman ey ka taliyaan iyagoo doorkoodu yahay la talin,sida uu Wargayska Middle East Eye uu u sheegay sarkaal sare oo Maraykan ah kaaso ka gaabsaday in la shaaciyo magaciisa. Sida saxda ah ee doorka Ruushku waa Mugdi ah,laakin sarlaalka Maraykanka ah ayaa sheegay in saraakiisha GRU ey ka hawlgalaan Yeman “Dhawr bilood”si ey Xuutiyiinta uga caawinaan bartilmaameedsiga Maraakiibta Ganacsiga taaso Xuutiyiinta ey sheegeen iney ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta lagu go’odoomiyey Marinka Gaza.
ISHA/MEE.
SIDEE AYUU U DHACAY DILKII ISMAACIIL HANIYAH?
(SAWIRKA)-GURIGII MARTIDA EE UU DEGANAAY ISMAACIIL HANIYAH.
(TEHRAN)-Waxa aan la soconaa in maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay aroornimadeedii in magaaladda Tehran ee ah caasimadda dalka Iraan lagu dilay Madaxii Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Md.Ismaaciil Haniyah,dilka Hogaamiyaha ayaan weli loo helin wax cadeyn ah oo kuna saabsan qaabka uu u dhacay dilkiisa,hadaba seddex qof oo ku suganaa dhismaha lagu dilay Ismaaciil Haniyah ayaa Wargayska Middle East Eye u sheegay iney maqleen dhawaqa Qaraxa ka hor,waxayna diideen wararka sheegaayo in Hogaamiyaha Xamaas in lagu dilay Bam lagu aasay gurigii uu degnaayey. Seddex qof oo ku sugnaa dhismaha sida weyn loo ilaaliyo ee magaaladda Tehran ee lagu dilay Ismaaciil Haniyah ayaa Middle East Eye u sheegay in Madaxa Siyaasadda Xamaas lagu dilay Madfac lagu soo riday Qolkiisa ee aanu ahayn Bam loogu aasay gurigiisa. Shaqsiyaadka,oo mid ka mid ah uu ku sugnaa qol u dhaw midkii uu deganaay Haniyah ayaa sheegay maanta oo Jimca ah iney maqleen dhawaqyo ka hor inta uusan Qaraxa ruxin dhismaha. Mid ka mid ah shaqsiyaadka ayaa Wargayska Middle East Eye u sheegay in tani ey xaqiiqdii ahayd gentaal la soo tuuray oo eysan ahayn Bam la aasay,isagoo intaas raaciyey iney arkeen dhibaatadii ka dhalatay Qaraxa oo u muuqdo mid barbar socday weerarka Gentaalka.
ISHA/MEE.
SIDEE LOO DILAY ISMAACIIL HANIYAH?
(SAWIRKA)-JANAASADDA HANIYAH.
(TEHRAN)-Wargayska New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa Khamiista maanta ah sheegay in Hogaamiyaha Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Ismaaciil Haniyah lagu dilay Walxaha Qarxa oo Todobaadyo ka hor si qarsoodi ah lagu soo geliyey magaaladda Tehraan ee dalka Iraan. Wargayska oo soo xiganaayo todobo sarkaal oo ka tirsan Bariga dhexe iyo saraakiil Maraykan ah,ayey warbixintu sheegtay in Bam lagu qariyey Guriga Martida oo ku yaalo caasimadda oo ey maamusho Ilaaladda Kacaanka Islaamiga ah ee dalka Iraan(IRGC) ku dhawaad laba bilood ka hor,Ismaaciil Haniyah ayaa dhawr jeer ku sugnaay Guriga Martidda isagoo booqanaayo Tehraan,sida ey sheegeen ilo wareedyadda. Arbcadii,ka dib markii la xaqiijiyey in Haniyah uu ku jiray gudaha qolkiisa ee Guriga Martida,Bamka ayaa laga qarxiyey meel fog,sida ey sheegeen shan ka mid ah saraakiisha. Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay ilaaladda Hogaamiyaha Siyaasadda Xamaas Ismaaciil haniyah. Dilka Ismaaciil Haniyah loogu gaystay Tehraan,Israa’iil ma xaqiijin mana beenin in iyadu leedahay masuuliyadda dilkaas,waane dhif in Israa’iil ey ka hadasho hawlgaladda laga fuliyey dibadda Israa’iil. Si kastaba ha ahaatee,Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Iraan Cali AL-Khameyni iyo Xarakadda Xamaas ayaa si toos ah ugu eedeeyey Israa’iil weerarkaa,waxayna balan qaadeen iney ka aargudan doonaan.
ISHA/MEE.
MUXAMED AL-DEYF OO LAGU LA’AYAHAY NOLOL IYO GEERI.
(SAWIRKA)-MUXAMED AL-DEYF.
(UBAI)-Ilaa hadda lama oga halka uu ku dambeeyn doono Taliyaha Guutada AL-Qasaam,garabka Mileteri ee Xarakadda Xamaas Muxamed AL-Deyf ka dib markii ey Israa’iil ku adkeysatay iney ku dileen weerar ey laba todobaad ka hor ka gaysteen Marinka Gaza,halka Xamaas eysan ka hadlin. Hogaamiyaha Xamaas Cizat AL-Rishq ayaa sheegay khamiista maanta ah in “Xaqiijinta ama diidmada dilka mid ka mid ah Hogaamiyeyaasha Qasaam ey ku xiran tahay Hogaanka Xarakadda Xamaas”. AL-Rishq waxaa kaloo uu yiri”Haddii aaney Xarakadda Xamaas ku dhawaaqin wax tafaasiil ah oo la xiriirta dilka mid ka mida Hogaamiyeyaashooda,cidna warkaasi ma xaqiijin karto. Tani waxa ey jawaab u tahay ku dhawaaqista Ciidamadda Difaaca Israa’iil ee Khamiistii,dilka Taliyihii garabka Mileteri ee Xarakadda Xamaas Muxamed AL-Deyf in ka badan laba todobaad ka dib markii lagu beegsaday koonfurta Marinka Gaza. Ciidamadda Difaac Israa’iil ayaa xaqiijiyey in Muxamed AL-Deyf oo ahaa Taliyihii Guutadda AL-Qasaam Garabka Mileteri ee Xarakadda Xamaas lagu dilay duqeyn ey Israa’iil ka gaysatay Marinka Gaza bishii hore. Bayaan ey Israa’iil soo saartay ayaa sheegaayo in “Ciidanka Israa’iil waxa ey ku dhawaaqeen in 13/7/2024-ka diyaaradaha dagaalka ee ciidamaddu ey duqeyn ka dhacday Aaga Khaan Yoonis,qiimeyn sirdoon ka dib waxaa la xqiijin karaa in Muxamed AL-deyf lagu dilay weerarkaas”sida ey qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Waxaa xusid mudan in Israa’iil ey shaacisay in weerarkii ey fulisay 13-kii bishii Luuliyo-2024-ka ey ku dishay Rafi salama oo ahaay Taliyihii Guutada Khaan Yoonis ee Guutada AL-Qasaam. Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay in ka badan 90-Qof balse Xarakadda Xamaas ayaa beenisay in AL-Deyf uu ku jiro dadkaas la dilay. Si kastaba ha ahaatee,afhayeenka Ciidamadda Difaaca Israa’iil Daniyaal Hagari ayaa sheegay waqtigaas in Salama iyo AL-deyf ey is ag fadhiyeen waqtiga uu dhacaaayey weerarka”,isagoo intaas raaciyey in Xamaas ey qarineyso wixii ku dhacay. Bamka lagu tuuray goobta ayaa looga shakisan yahay in miisaankiisu dhamaay 907-kiilo garaam ayaa ka qoday bohol weyn oo ku hareereysan guriga la sheegay in martidu gabaad ka dhigatay mid ka mida ku xigeenadiisa. Waxaa xusid mudan in xaqiijinta ciidamadda Israa’iil ee dilka Muxamed AL-Deyf ey ku soo beegantay maalin ka dib dilkii Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Ismaaciil Haniyah oo lagu dilay magaaladda Tehraan kaaso geeridiisa ey ku wada dhawaaqeen Ilaaladda Kacaan Iraan iyo Xarakadda Xamaas.
ISHA/AL-ARABIYA.
CAFIS LOO FIDIYEY NIN DILAY GEBER YAR UU DILAY.
(SAWIRKA)-XUSEEN HARHARA OO LOO DIYAARINAAYO DIL TOOGASHA AH.
(ADEN-YEMAN)-Wararka ka imaanaayo magaaladda Cadan ee ah caasimadda ku meel gaarka ee dalka Yeman ayaa sheegaayo in Aabaha dhalay gabar yar oo lagu magacaabo XANIIN IBRAHIM AL-BAKRI ayaa maanta oo khamiis ah waxa uu Cafis u fidyey ninka lagu magacaabo XUSEEN HARHARA kaaso ku eedeysnaay dilka Gabartiisa Xaniin. Maxkamada ayaa Xuseen Harhara waxa ey ku xukuntay dil toogasha ah taaso ah Qisaastii gebertii yareed ee uu dilay ee la dhihi jiray Xaniin AL-Bakri,dilka ayaa dhacay habeenkii Ciidul Adxaa ee sannadkii tegay 2023-kii,dilka geberta yar ayaa yimid ka dib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Aabaha dhalay geberta geeriyootay iyo ninka dila gaystay,waxaane khilaafka u sabab ahaay sida la sheegay shil gaari oo ka dhacay degmada Mansuur ee ka tirsan Gobolka Cadan ee Koonfurta dalka Yeman. Ila wareedyo ayaa sheegaayo in Aabaha dhalay Xaniin AL-Bakri uu daqiiqadihii ugu dambeeyey ee la rabay in la fuliyo dilka ninkii dilay gebertiisa Xaniin AL-Bakri (XUSEEN HARHARA) uu Alle Dartiis cafis ugu fidiyey iyadoo ey dadweyne aad u fara badan ey soo buux dhaafiyeen goobta la rabay in lagu fuliyo Toogashadda Xuseen Harara. Qoyska Xuseen Harhara ee dilka lagu xumkumay ayaa maalmo ka hor inta aan la fulin dilka Aabe Xuseen Harhara waxay teendhooyin ey degaan ka sameysteen afafka hore ee Qubuuraha lagu aasay Xaniin AL-Bakri iyadoo ula jeeda in Aabaha dhalay Xaniin AL-Bakri inuu alle dartiis uu Cafis ugu fidiyo Aabe Xuseen Harhara. Waxaa xusid mudan in Xaniin AL-Bakri walaasheed uu dhaawac ka soo gaaray rasaastii uu riday Xuseen Harhara ka dib markii uu rasaas ku furay gaari ey la socdeen Aabe AL-Bakri iyo gabdhihiisa,dhacdadaan ayaa dhacday taariikhdu markeey ahayd 27/6/2023-kii.
ISHA/SB-MEDIA.
FU’AD SHUKRI OO KA BADBAADAY WEERAR EY…
(SAWIRKA)-SHEEKH AXMED YAASIIN IYO SHEEKH XASAN NASRALLAH.
(BEIRUT)-Habeenimadii caawa oo Talaada ah ayey diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ku qaaday degaanka Koonfureed ee Beirut oo u dhaw Isbitaalka Bahman ee Harat Hreik halkaas ey ku dileen ugu yaraan laba qof. Weerarka ayaa u muuqday mid lagu bartilmaameedsaday Fu’aad Shukri oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamadda Ururka Xizbullahi. Wararkii ugu horeeyey ayaa sheegaya in laga yaabo in isku daygii dilka ahaa uu fashilmay, Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xiganeysa ilo dhanka amaanka ah ayaa sheegtay in bartilmaammeedku uu badbaaday. Sida laga soo xigtay Tv-ga AL-Manar ee taabacsan Ururka Xizbullahi,weerarka ayaa loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn taaso riday seddex gentaal. Mileteriga Isra’iil ayaa sheegay in duqeynta ey la beegsadeen taliyihii masuulka ka ahaa weerarkii Golan,halka Channel-12 ee Israa’iil uu sheegay in masuul ka tirsan Xizbullahi oo lagu magacaabo Fu’aad Shukri uu ahaa bartilmaameedkii la rabay.
ISHA/NA.
ISBAHAYSIGA CIIDAMADA EE CIRAAQ OO WEE…
(SAWIRKA)-JABHADDA CIRAAQ.
(BAQDAD)-Mileteriga Maraykanka ayaa weerar cirka ah ka fuliyey Ciraaq gelinkii dambe ee maanta oo Talaada ah,weerarka ayaa lala beegsaday koox dagaalyahano ah oo isu diyaarinaayey iney soo ridaan diyaarad aan duuliye lahayn,sida uu sarkaal Maraykan ah uu u sheegay Warbaahinta AL-Arabiya. Iyadoo lagu saleynaayo weeraradii ugu dambeeyey ayaa waxaa la qiimeeyey in nidaamyada hawada ee aan duuliyaha lahayn ey halis ku yihiin Ciidamadda Maraykanka iyo kuwa isbahyasiga. “Waan ilaalinaynaa xuquuqda asaasiga ah ee la difaaca,kama lablabeyn doono inaan qaadno talaabadaan ku haboon”,ayuu yiri sarkaalku maalmo ka dib weeraro badan oo lagu qaaday ciidamadda Maraykanka ee Ciraaq iyo Suuriya. Sarkaal ayaa intaas ku daray”Ficilkan waxa uu hoosta ka xariiqaa sida ey uga go’an tahay Maraykanka ilaalinta iyo badbaadada shaqaalaheena”. Ilo dhanka amaanka ah iyo sarkaal ka tirsan ciidamada abaabulka caanka ah ee Ciraaq(PMF) ayaa sheegay in qaraxyo lala beegsdaay saldhig ey ku sugnaayeen ciidamo hore oo taageersan Iraan oo ku sugnaa Koonfurta caasimadda Ciraaq ee Baqdaad Talaadada maanta ah. Qaraxyada ka dhacay saldhiga ayaa waxaa ku dhintay hal xubin, waxaane ku dhaawacmay todobo kale oo isugu jira Boolis iyo ilaha caafimaadka.
ISHA/AL-ARABIYA
XUKUMADDA SUDAN OO AQBASHAY SHIRKA..
(SAWIRKA)-BURBURKA U GAYSTAY DAGAALKA SUDAN.
(KHARTUM)-Wararka ka imaanaayo caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum ayaa sheegaayo in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ey sheegtay Talaadada maanta ah in dawladda Suudaan ey si shuruud la’aan ah ku aqbashay martiqaadka ka qeybgalka wada hadaladda Nabadeed ee uu Maraykanka garwadeenka ka yahay ee ka dhacaayo Geneva. Wasaaraddu waxay intaas ku dartay Warsaxaafadeedkeeda in Suudaan ey codsatay iney la kulmaan saraakiisha Maraykanka si loogu diyaariyo wada xaajoodka nabadda. In ka badan 10-milyan oo qof ayaa ku barakacay dagaalka ka dhex qarxay Ciidamadda Suudaan iyo xoogaga Taageeradda deg dega ey tageerto Dawaladda Isutaga Imaaraatka Carabta ah bishii Abriil-2023-kii,iyadoo Qaramadda Midoobe ey sheegtay iney tahay dhibaatadda bani’adanimo ee ugu weyn adduunka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa war qoraal ah oo ey soo saartay ku sheegtay iney u jawaabtay dawladda Maraykanka oo ku aadan baaqii ahaa in wada hadal lagu qabto Geneva. Wasaaradda ayaa cusbooneysiisay diyaargarawgeeda iney ka qeybgasho wada xaajood kasta oo lagu joojinaayo qabsashadii ey Xoogaga Taageeradda deg deg ah ey qabsadeen magaalooyin iyo guryaha muwaadiniinta,laakin Wasaaradda sharaxday in “Wada xaajood kasta ka hor dhaqan gelinta Baaqa Jiddah kaaso dhigaayo in si buuxda looga baxo iyo in la joojiyo is balaarinta eysan aqbali doonin dadka Suudaan”. “Wasaaradda oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri”Intii la furi lahaay goobo cusub,waxaan dalbanaynaa in falaagadda lagu qasbo iney joojiyaan garadaradda iyo in cunaqabateyn lagu soo rogo iyaga iyo taageerayaashooda”iyadoo tixraaceyso Ciidamadda Taageeradda Deg deg ah. Wasaaradda waxay sharaxday in “Dhinacyadda Hindisaha Geneva ey la mid yihiin dhinacyadda Jiddah Platform,mawduucyaduna waxay la mid yihiin wixii hore loogu heshiiyey”,waxayana ku nuuxnuuxsatay in “Jiddah Platform iyo heshiiska lagu gaaray ey aasaas u tahay. Wada xaajood kasta oo mustaqbalka ah”. Wasaaradda ayaa bayaankeeda ku soo gabagabeysay iyadoo ku nuuxnuuxsatay iney codsatay iney la kulanto Dawladda Maraykanka si loogu gogol xaaro wada xaajoodka nabadeed.
ISHA/AN.
XUUTIYIINTA OO BILAABAY INEY TARXIILAAN HAYA..
(SAWIRKA)-MALEESHIYAADKA XUUTIYIINTA.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ey taageerto dawladda Iraan ey soo saareen amarkii ugu dambeeyey kuna socdo wakiilka sare Xuquuqul Insaanka waxa eyna ka dalbadeen iney xiraan xaruntooda ku taalo magaaladda Caasimadda ah ee Sanca muddo seddex maalmood ah. Talaabadaan ayaa ku soo aadeyso iyadoo lagu jiro qaabka ololaha balaaran ey wadaan Xuuutiyiinta ka socdo Yeman kaaso lagu beegsanaayo Hayadaha Caalamiga ah iyo Bani’adanimadda ee ka shaqeeya goobaha ey Xuutiyiinta gacanta ku hayaan. Maalmo ka hor ayey ahayd markii Xuutiyiinta ey soo saareen go’aano cusub oo ku qasbaayo Hayadaha ka hawlgala degaanadd ey ka taliyaan iney Xuutiyiinta ku wareejiyaan qaab dhsimeedkooda shaqo iyo iney soo gudbiyaan liiska magacyadda shaqaalahooda iyo sharaxaada shaqadda ey qabtaan,waxaane sidoo kale looga baahan yahay iney helaan ogolaansho ka hor magacaabista cusub. Bilihii la soo dhaafay maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa qafaashay dhawr iyo toban shaqaale ah oo u shaqeynaayey Hayadaha Qaramada Midoobe kuwaaso xabsiga la dhigay,waxayna ku qasbeen iney qirtaan si qasab ah iyagoo lagu eedeeyey iney basaasiin u ahaayeen dalal shisheeye. Qaramadda Midoobe iyo Hayadaha Caalamiga ah ayaan weli qaadin wax tilaaba wax ku ool ah oo lagu sii deynaayo shaqaalaha sida sharci darada ah ugu xiran Xuutiyiinta ee ah dad la iska soo afduubtay.
ISHA/SB-MEDIA.
MAXKAMADAHA XUUTIYIINTA YEMAN OO BILAABAY…
(SAWIRKA)-RAG EY XUUTIYIINTA YEMAN DIL KU XUKUMEEN.
(MAXWIIT- YEMAN)-Maamulka Garsoorka ee xiriirka la leh kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa taageeray xukunkii dilka ahaa ey soo saartay Maxkamadda Darajadda koowaad ee Gobolka Maxwiit ee dalka Yeman,xukunka dilka ah ayaa lagu xukumay seddex nin oo degan Gobolka Maxwiit kuwaaso ey afduubteen maleeshiyaadka Xuutiyiinta ey taageerto dawladda Iraan sagaal sano ka hor. Ilo Xuquuqul Insaanka u dooda kuna suga gudaha dalka Yeman ayaa warbaahinta Maxaliga ah u sheegay in waxa loogu yeero Maxkamada Racfaanka ee gaarka ah qeybteeda dembiyadda ey taageertay maanta oo Axad ah xukun dil ah ee ugu horeeyey oo lagu riday dadkii la afduubay ee kala ah Ismaaciil Abu Algeyth,Saqiir Faarac iyo C/casiis AL-cuqeyli,marka lagu daro xukuo kale oo ka dhan ah dadka ey afduubteen Xuutiyiinta. Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa isku dayaya in seddexda qofood ee la afduubtay dilkana lagu xukumay iyo kuwa kale iney u diyaariyaan Eedeymo ah iney dileen hogaamiye ka tirsan kooxda Xuutiyiinta sannadkii 2015-kii,marka lagu dari Eedeymaha diyaarsan ey Xutiyiinta u adeegsadaan dhammaan dadka ka soo horjeedo siyaasadood guracan ee gardaradda ah,sida laga soo xigtay ilo wareedyo. Ilo wareedyo ayaa sheegay in xukunka Maxkamdda Racfaanka ey ku riday Ismaaciil Abu AL-gayth oo la afduubay uu yahay mid ey horay ugu soo xukuntay Maxkamadda Darajadda koowaad,sidoo kale Maxkamadda Racfaanka ee taabacsan Xuutiyiinta ayaa min toban sano waxa ey hoosta ka gelisay dadkii ey sii deysay Maxkamadda Darajadda koowaad ee Xuutiyiinta taaso xukunkeeda soo saartay taariikhdu markeey ahayd 31/12/2022-kii.
ISHA/MO.