DHUL GO’O KA DHACAY DALKA YEMAN.
(SAWIRKA)-BURBUR GURI.
(YEMAN)-Seddex ruux ayaa dhaawacyo kala duwan ey soo gaareen ka dib markii uu ku soo dumay guri ku yaalo Tuuladda AL-kashabi oo ka tirsan degaanka AL-Manaar ee degmada Bacdaan ee dhacda Bariga Gobolka IBB ee bartamaha dalka Yeman. Burburka guriga ayaa dhacay shalay oo Sabti ahayd,waxa uuna ka dhashay dildilaacyo iyo dhul go’ay muddo lix sano ah,sida dadka degaanka degan ey sheegeen guriga burburay waxaa iska lahaay nin lagu magacaabo Saalax Cali Axmed. Dadka ku dhaqan Tuuladaan oo tiradoodu lagu qiyaasay ilaa kun qofood oo loo qeybiyey 150-guri,ayaa ku nool xaalad walaaca ah oo joogta ah iyo cabsi ey ka qabaan dhul go’o lama filaan ah oo ey wehliyaan Roobaba ma Hiigaan ah oo xilligaan ka da’aya Gobolka. In kasta oo ey jiraan khatarahaan hadane dadka degaanka degani waxa eysan wax taageero ama faragelin ah ka helin maamulka ey khuseyso hawshaan ee Xuutiyiinta,waxaaney weli baaqyo u dirayaan Hayadaha samafalka iney si deg deg ah u soo farageliyaan arrintaansi looga fogaado musiibo bani’adanimo oo imaan karta. Hayadda Cuntada iyo Beeraha ee qaramada Midoobe ee FAO ayaa ka digtay suurtagalnimada kororka Roobka xoogan ee maalmaha ka harsan bisha Luuliyo taasoo keeni karta fatahaado ka dhasha Goboladda kala duwan ee dalka Yeman.
ISHA/MO.
YEMAN: ROOBAB MAHIIGAAN AH OO KA DA’AY GOBOLKA CAMRAAN
(SAWIRKA)-ROOBAB KA DA’AY YEMAN.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Roobab Xoogan oo ka da’ay halkaasi ey saameyn ku yeesheen qoysas gaaraayo ilaa 800-qoys kuwaaso ku nool Gobolka Camraan ee Waqooyiga dalka Yeman oo ey Xuutiyiintu gacanta ku hayaan,sida ey sheegtay Qaramada Midooobe maanta oo Axad ah. Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa sheegtay in Roobabka Mahiigaan ah ey ku dhufteen degaanka Qaflah ee Gobolka Camraan kuwaaso gaystay khasaaro ba’an. “300-qoys oo ku sugnaay goobaha barakacaaysha(Dadka gudaha ku barakacay) iyo 500-Qoys oo dibadda ah ayuu Roobku saameyn ku yeeshay”sidaas waxaa batrta(x) ee la oran jiray Twitter ku sheegtay Hayadda UNHCR. Hayadda Qaramadda Midoobe u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay “iney la shaqeyneyso hawlgalayaasheeda si ey uga jawaabaan baahiya deg dega ah sida Cuntada,Qalabka kale,xirmooyinka Nadaafadda,Biyo Nadiif ah oo la cabi karo,raritaanka meel ku meel gaar ah”. Maalmihii la soo dhaafay daadad xoogan ayaa ku dhuftay Gobolo dhawr ah oo ku yaalo Waqooyiga dalka Yeman oo ey ku jiraan Goboladda Camraan iyo Sacda kuwaaso gaystay khasaaro lexaad leh. Kaabayaasha dhaqaalaha dalka Yeman ee sida aadka ah u burburay una daciifay ayaa sii xumeeyey saameynta fatahaadaha taaso sii kordhinaysa dhibaatada dadka shacabka ah ee horay ugu adkeystay adeegyadda aasaasiga ah ee aadka u jilicsan sababtoo ah ku dhawaad sagaal sano oo xiriir ah ayaa waxaa dalka Yeman ka socday Colaado.
ISHA/AA.
MUHAAJIRIIN ITOOBIYAAN AH OO LAGU LA’AYAHAY XEEBAHA YEMAN.
(SAWIRKA)-MUHAAJIRIIN ITOOBIYAAN AH LA SOO BADBAADIYEY.
(TAIZ-YEMAN)-Hayadda Socdaalka Adduunka(IOM) ayaa xaqiijisay in tiradda dadkii ku dhintay doontii ey la socdeen Muhaajiriin Itoobiyaan ah oo ku degtay Xeebaha Gobolka Ticis ee Koongur Galbeed dalka Yeman ey gaartay ilaa 16-Qof iney dhinteen amaba la la’ayahay. Xafiiska Urur Goboleedka Bariga Afrika iyo Geeska Afrika ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in 12-Tahriibayaal Itoobiyaan ah ey dhinteen halka afar kalane weli la la’ayahay ka dib markii dooni ey saarnaayeen ey ku degtay Xeebaha Gobolka Ticis ee dalka Yeman maalintii Arbacada ee ina soo dhaaftay. Sida warku sheegaayo doonidda ayaa siday ilaa 20-Tahriibayaal Itoobiyaan ah kuwaaso badankooda ka soo jeedo Gobolka Tigray ayaa subaxnimadii Arbacadda ka soo ambabaxay xeebaha dalka Jabuuti iyagoo ku sii jeeda dalka Yeman,balse dabaylo xoogan iyo cilad ku timid Matoorka Doonta awgeed waxay doontu kula gadoonta biyaha Badda Cas meel u dhaw degmada Dubaab ee gobolka Ticis ee dalka Yeman. Xafiiska Gobolka waxa uu sharaxay in dadka saarnaay doonta gadoontay ey gaarayeen ilaa 22-qofood waxaane la soo badbaadiyey ilaa lix qofood kaliyah,dadka dhintay waxaa ka mid ah Wadihii iyo Kaliyihii Doonta gadoontay,waxaane meydadkooda iyo meydka qof dumar ah Aasay dadka degaanka,iyadoo weli la la’ayahay dadkii soo haray.
ISHA/XARAF.
URURKA XIZBULLAHI OO WEERARAY BUURALEYDA GOOLAN.
(SAWIRKA)-WEERARKII XIZBULLAHI EE BUURALEYDA GOOLAN.
(WASHINGTON)-Maamulka Madaxweyne Biden ayaa aad uga walaacsan in gentaal laga soo tuuray gudaha dalka Lubnaan uu 10-qofood ku dilay buuraleyda Goolan uu horseedi karo dagaal dhan walba ah oo dhexmara Israa’iil iyo Ururka Xizbullahi,sidaas waxaa laga soo xigtay saraakiil Maraykan ah. Maamulka dalka Maraykanka ayaa in mudoo ah waxa uu ka walaacsanaay in Israa’iil iyo Ururka Xizbullahi ey si khaldan u xisaabinayaan iyagoo sii kordhinaayo hadalkooda iyo dagaalka dhulka,waxa eyna u maleynayaan iney ka fogaan karaan dagaal dhan walba ah. Saraakiisha Maraykanka ayaa sidoo kale ka walaacsan xabad joojin la’aanta Marinka Gaza eyna sii badaneyso dhibaatadda dagaalka u dhexeeyo ciidamada difaac Israa’iil iyo kooxaha reer Lubnaan,taaso sii xumayn doonto xiisadda gobolka,waxa eyna dalka Maraykanka u soo jiidi doontaa khilaaf siyaasadeed. “Waxa maanta dhacay waxa ey noqon karaan kicinta aanu ka walaacsaneyn oo aan isku dayney in aanu ka fogaano muddo 10-bilood ah”ayuu yiri sarkaal Maraykan ah.
ISHA/AXIOS.
IMAARAATKA OO WAJAHAYA FADEEXO AAD U WEYN.
(SAWIRKA)-CAASIMADDA KHARTUUM.
(LONDON)-Baasabooradda laga helay goobihii lagu dagaalamay ee dalka Suudaan ayaa muujinaayo in dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ey si qarsoodi ah ugu lug leeyihiin dagaalka skeeeye ee dalkaas ka socdo,sida laga soo xigtay dukumintiyadda la faafiyey. Dukuminti ka kooban 41-bog oo loo diray Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe oo uu arkay Wargayska Guardian ayaa ka koobnaay sawirro Baasabooro Imaaraati ah oo la sheegay in laga helay Suudaan oo lala xiriiriyey askar ka tirsan Ciidanka Taageeradda Deg dega ah(RSF) oo ah ciidamo caan ah oo Afrikaan ah. Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa horay u beeniyey dhammaan eedeymaha loo soo jeediyey ee ah iney hub siiyaan RSF-ta oo magaaladda AL-Faashir ku haysa go’odoominta olole balaaran oo isir sifeyn ah oo ka socdo Daarfuur. Baasabooradaan ayaa la sheegay in laga soo furtay magaaladda Omdurmaan oo ka tirsan Wabiga Nile kana soo jeedo caasimadda Khartuum dhulkaas oo ey heesteen RSF-ta balse dhawaan ey dib u qabsadeen Ciidamadda dalka Suudaan.Xeeldheerayaasha ayaa daahfurta arrintaan ku tilmaamay”Qori Sigaar ah”oo ka horyimid diidmadda Isutaga Imaaraatka Carabta,waxaane su’aalo la iska weydiinayaa waxa ey Maraykanka iyo Ingiriiska ka ogyihiin heerka uu maraayo fargelinta Khaliijka ee Suudaan iyo haddii reer galbeedka ey sameeyeen wax ku filan oo ey taageeryaaan maleeshiyaadka lagu eedeeyey xasuuqa.
ISHA/THE GUARDIAN.
TALYAANIGA OO DIB U FURAAYO SAFAARADIISA…
(SAWIRKA)-GEORGIA MELONI.
(ROME)-Dalka Talyaaniga ayaa Danjire u magacaabi doono dalka Suuriya in ka badan toban sano tan iyo markii uu dalka ka baxay sababo la xiriiro cadaadiska dilaaga ah ee Madaxweyne Bshaar AL-Asad uu ku haayo Mudaaharadayaasha iyo dagaalka sokeeye ee xigay. Stevano Ravagnan,oo hadda ah ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda u qaabilsan Suuriya ayaa loo magacaabay safiirka wuxuuna xilka cusub la wareegaa waqti dhaw. Sannadkii 2012,dawladda Talyaaniga waxa ey dib u soo celisay diblomaasiyiinteedii safaaradda Suuriya iyagoo ka mudaaharaadaayo Rabshadaha aan la aqbali karin ee xukuumadda Bashaar AL-asad ee ka dhanka ah dadka Suuriya. Ka dib 13-sano oo dagaal ah oo ey ku dhinteen nus malyuun qofood,xukuumadda Bashaar AL-asad ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta inta badan dalka Suuriya iyadoo ey taageerayaan Iraan iyo Ruushka. Waqooyiga Bari Suuriya ayaa waxaa gacanta ku haayo Ciidamadda Kurdiyiinta ee uu Maraykanku taageero halka qeybaha kale ee Waqooyiga ey gacanta ku hayaan jabhado iyo ciidamo Turki ah. Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Talyaaniga Antonio Tajani ayaa sheegay in talaabadaan loogu talagalay in lagu iftiimiyo dalka Suuriya.
ISHA/MEE.
DAWLADAHA QADAR.MASAR IYO MARAYKANKA OO KULMI DOONO AX..
(SAWIRKA)-AGAASIMAHA CIA-da MARAYKANKA.
(QATAR)-Agaasimaha CIA Bill Burns ayaa la filaa inuu Axada beri damba ah Rome kula kulmi doonaa madaxda Sare ee Isra’iil,Qadar iyo Masar si ey isugu dayaan in la soo afjaro arrinta la haysataayaasha Marinka Gaza iyo heshiiska xabad joojinta,ayey sheegeen saraakiisha Maraykan iyo Israa’iil ah. Wada xaajootka ku saabsan la haystayaasha Marinka Gaza iyo heshiiska xabad joojinta ayaa maraayo meel xasaasi ah. Madaxweyne Biden oo u arka in la sii daayo la haystayaasha iyo soo afjaridda dagaalka Marinka Gaza inuu yahay furaha dhaxalkiisa ayaa u sheegay qoysaska la haystayaaaha Maraykanka ah khamiistii inuu sii wadi doono inuu heshiis gaaro waqtiga xafiiska ka tegaayo. Qoysaska la haystayaasha ayaa sheegay ka dib kulankii ey la yeesheen Maxadweyne Biden iyo Reysal Wasaare Netanyahu iney aad ugu rajo weyn yihiin sidii hore in heshiis la haystayaasha iyo xabad joojinta uu horay u sii socon karo maalmaha soo socdo.
ISHA/AXIOS.
MARAYKANKA OO DUQEEYEY XUUTIYIINTA YEMAN.
(SAWIRKA)-MARAYKANKA OO DUQEEYEY XUDEYDA.
(YEMAN)-Wararka ka imaanayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in fiidnimadii caawa oo khamiis ah in ciidamadda Maraykanka ey sheegeen iney fuliyeen duqeymo cusub oo ka dhacay gudaha dalka Yeman,taaso ah tii ugu horeysay ee mileteriga ka dib qaraxyo xoogan oo ka dhacay magaaladda Xudeyda shalay fiidkii. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ayaa warbixin cusub ku sheegay in ciidamadooda 24-kii saac ee la soo dhaafay ey ku guuleysteen iney burburiyaan diyaaradah aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta oo ey taageerto dawladda Iraan,taaso ka dhacday degaanadda ey Xuutiyiinta ka maamulaan dhulka Yeman. War saxaafadeedka ayaa intaas ku daray”Waxaa la go’aamiyey in duqeynta ey ka dhigan tahay khatar ku soo fool leh Maraykanka,Ciidamadda Isbahaysiga iyo Maraakiibta Ganacsiga ee Gobolka. Talaabooyinkaan waxaa loo qaaday si loo ilaaliyo xuriyadda socdaalka iyo in biyaha caalamiga ah ey noqdaan kuwa amaan ah”. Maqribnimadii shalay ilo wareedyo maxali ah oo ku sugan Gobolka Xudeyda ee Galbeedka dalka Yeman ayaa ku waramay in qaraxyo aad u xoogan ey gilgileen magaaladda duleedkeeda oo ah Badda Cas. Sida ey sheegayaan wararka laga helaayo Xudeyda ilaa shan weerar oo aad u culus ayaa lala beegsaday Garoonka diyaaradaha ee magaaladda Xudeyda. Galabnimadii maanta oo Khamiis ah,ciidamadda Maraykanka ayaa sheegay in 24-saac ee la soo dhaafay ciidamadda dhexe ee Maraykanka iney ku guuleysteen iney burburiyaan laba gentaal oo loo diyaariyey in Xuutiyiinta ey taageerto Iraan iney ku garaacaan ciidamadda Isbahaysiga iyo kuwa Maraykanka ee ku suga Badda Cas iyagoo ka soo ridaay dhulka ey Xuutiyiinta maamulaan. Tan iyo markii ey kooxda Xuutiyiinta bilaabeen iney ugaarsadaan Maraakiibta marta Badda Cas bishii Noofembar-2023-kii waxaa abuurmay Isbahaysi uu hogaaminaayo Maraykanka eyna xubno ka yihiin Ingiriiska iyo wadamo kale oo reer Yurub kuwaaso weeraro lixaad leh ku haayo goobaha ey Xuutiyiinta kaga sugan yihiin Gudaha dalka Yeman gaar ahaan degaanadda dacalka ku haayo biyaha Badda Cas sida Baab Al-Mandab oo ku yaalo Gobolka Ticis ee dhaca Koonfur Galbeed dalka Yeman iyo Dekedda Xudeyda ee iyadana ku taalo Gobolka Xudeyda ee Galbeedka Yeman dhinacana ku haayso Badda Cas. Shacabka Yeman maanta uma baahna dagaal iyo in xoogaga waa weyn ey ku dul dagaalamaan balse waxa ey baahan yihiin in kharashka dagaalka loogu bedelo Cunto iyo daawo si dalka uga soo kabto dhibaatadii ka soo gaartay kacdoonkii soo bilawday 2011-kii.
ISHA/SB-MEDIA.
TAHRIIBAYAAL LAGU LA’AYAHA XEEBAHA YEMAN.
(SAWIRKA)QAXOOTI SOO GARAY YEMAN.
(YEMAN)-In ka badan 40-Qof oo Tahriibayaal Afrikaan ah ayaa ku dhintay shil cusub oo dooni kula degtay Xeebaha Gobolka Ticis ee Koonfur Galbeed dalka Yeman. Hayadda Qaramadda Midoobe u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa qoraal ey soo dhigtay barteeda Twitter-ka(x) ku sheegtay in maanta oo khamiis ah “Doon siday 45-qofood oo isugu jira Qaxooti iyo Tahriibayaal ka soo jeedo Geeska Afrika ey xalay kula degtay Xeebaha Gobolka Ticis ee dalka Yeman,ka dib markii ey ku dhufteen dabaylo xoogan iyo rar xadkiisa dhaafay”. Hayadda ayaa intaas raacisay in ilaa hadda la soo helay 4-qofood oo ka badbaaday musiibadaas,halka 41-kalane weli la la’ayahay,Hayadaha UNHCR iyo Hayadda Socdaalka Adduunka ee (IOM) iyo hayadaha maxaliga ah ee la hawlgala ayaa sii wada iney ka shaqeeyaan sidii ey u caawini lahaayeen kuwa soo badbaaday una dabooli lahaayeen baahiyaha ey qabaan. Yeman waxaa horay uga dhacday in 49-Tahriibayaal ah ey ku dhinteen kuwaaso 31-ka mid ah ey ahaayeen Dumar iyo 6-caruur ah,halka 140 kalane lagu waayey nolol,dhacdadaan ayaa la mid ah mid dhacday bishii juun-2024-ka ka dib markii dooni ey ku degtay Xeebaha AL-Gariif ee degmada Rudum ee Gobolka Shabwa’a,doonta degtay ayaa waxaa saarnaay dad dhan ilaa 260-qofood oo muhaajiriin ah,gudiga ayaa sheegay in dadkaasi 115-ka mid ah ey ahaayeen Soomaali halka 145-kalane ey ahaayeen Itoobiyaan. Hayadda Qaramadda Midoobe u qaabilsan Qaxootiga ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR xafiiskeeda dalka Yeman ayaa tilmaamay in shilkan uu yahay kii ugu dambeeyey shilal dilaa ah oo ka dhacay waxa loo yaqaano “Jidadka Socdaalka Bari”halkaaso tobanaan kun oo muhaajiriin Afrikaan ah ey socdaal halis ah ku maraan Badda Cas ee dalka Yeman iyagoo ka baxsanaayo Colaadaha,Musiibooyinka Dabiiciga ah iyo raadinta fursado shaqo oo wnaaagsan. Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa sheegay bishii hore in kasto ey jiraan khataro badan oo ka jira marinadda Bari,hadane tirada muhaajiriinta imaaneysa sannad kasta dalka Yeman ey sii seddex jibaarmayaan intii u dhexeysay sannadadii 2021-kii iyo 2023-kii,iyadoo ey kor u kacday qiyaastii 27-kun qof waxa eyna gaartay ilaa in ka badan 90-kun.
ISHA/HAYADDO.
XUUTIYIINTA OO DIL KU XUKUMAY DAD GAARAAYO ILAA…
(SAWIRKA)-GUDIGA LA DAGAALANKA AFDUUBKA DADKA RAYIDKA AH EE YEMAN.
(MA’ARIB-YEMAN)-Wararka ka imaanaayo Goblka Ma’arib ee dalka Yeman halkaaso ey fadhido Xukuumadda Caalamku aqoonsan yahay ee dalka Yeman ayaa sheegaayo in Maamulka Qaran ee Maxaabiista iyo kuwa la Afduubtay ey sheegeen in xukunadda dilka ah ee ey kooxda Xuutiyiinta ku xukuntay dad rayid ah oo la afduubtay ey gaarayaan ilaa 145-xukun oo isugu jira kuwa dhintay iyo kuwa kale oo lagu sii daayey heshiisy isdhaafsi maxaabiis. Gudiga ayaa shir jaraa’id oo ey shalay oo Arbaca ahayd ku qabteen Magaaladda Ma’arib ee ah caaasimadda Gobolka Ma’arib ku sheegeen in tiradda xukunadda dilka ah ey soo saareen Maxkamadaha sharci-daradda ah ee kooxda Xuutiyiintaey gaareen 145-Qofood,kuwaaso sagaal ka mid ah dhibanayaasha la toogtay,laba ka mid ahne ey dhinteen intey xabsiga ku jiree,26-ka mid ahne lagu kala bedeshay heshiisyo ka dhacay gudaha iyo dibadda dalka Yeman,waxaane 12-qofood lagu xukumay dil ka dib markii la sii daayey,kooxda Xuutiyiinta ayey suuroobi weysay iney xiraan 25-ka mid ah,halka hal qof oo la qafaashay lagu sii daayey go’aan ka soo baxay Golaha Xukuumadda Xuutiyiinta,70-qofood oo rayid ah oo la afduubayne kuna sugan Xabsiyadda Xuutiyiinta maamulaan waxay halis ugu jiraan in la dilo. Shirkooda jaraa’id ayey cinwan uga dhigeen”Maya ma jiro dhaafin siyaasadeed”,gudiga waxa uu xaqiijiyey in xukunadda ey soo saareen Maxkamadaha Xuutiyiinta ey ka maqan yihiin sharciyadda sharci ah eyna yihiin kuwa sameeyey xadgudub bareer ah oo ka dhanka ah Xuquuqul Insaanka iyo Maxkamadeynta siyaasadeed ee heer sare ah. Waxa ey ku micneysay in go’aanka Golaha sare ee Garsoorka uu soo saaray 20-kii bishii Abriil sannadkii 2018-kii ee ah in Maxkamadda Dembiyadda khaaska ah loo wareejiyo Maxkamadda Demiyadda ee darjadda koowaad ee Ma’arib eyna beeniso sharcinimada Maxkamadaha ey Xuutiyiinta Gacanta ku hayaan. Kooxda Xuutiyiinta iyo xukunadda ey soo saartay iyadoo xustay in Qaramadda Midoobe ey ku tilmaantay Maxkamadeynta Xuutiyiinta sagaalka qofood ee rayidka ah ee ka dhacday Gobolka Xudeyda 18/9/2021-kii,ineysan ixtiraamin heerarka Maxkamadeynta cadaaladda ah. Maamulka dadka la afduubo ee dalka Yeman ayaa intaas ku daray in adeegsiga Garsoorka lagu xalliyo dhibcooyin siyaasadeed ey ka dhigan tahay khatar lagu haayo maxaabiista siyaasadda,iyagoo ku baaqay in baaritaan caalami ah oo madax banaan lagu sameeyo xadgudubyadda xuquuqdooda oo ey ku jiraan waayitaan qasab ah iyo jirdil iyagoo ku baaqay in la sameeyo dadaaladda ugu badan ee lagu soo qabanaayo kuwa masuulka ka ah si loo horgeeyo Maxkamadaha caalamiga ah loona hubiyo ineysan ka baxsan Ciqaabta ey mudan yihiin. Gudiga ayaa ku Nuuxnuuuxsaday baahidda loo qabo in la baabi’iyo xukuanadda dilka ah ey soosaaraan Maxkamadaha aan sharciga ahyn,isla markaane si deg deg ah loo sii daayo dhammaan dadka la afduubtay,lana joojiyo falalka afduubka ah ee aan sharciga aheyn.
ISHA/AA.
MARAYKANKA OO QALAB MILETERI KA IIBINAAYO SACUUDIGA.
(SAWIRKA)-MARAYKANKA IYO SACUUDIGA.
(USA)-Dawladda Maraykanka ayaa ogolaatay in dalka Boqortooyadda Sacuudiga uu ka iibiyo Qalab Mileteri uu qiimihiisu dhan yahay $2.8-bilyan,iyadoo dawladda Maraykanka ey sii wado adeegeeda mid ka mid ah hubka ugu muhiimsan boqortooyadda. War qoraal ah ey soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayey ku dhawaaqday shalay iib weyn oo suurtagal ah iney hagaajin doonto awooda boqortooyadda Sacuudiga si ey uga hortagto khataraha hadda iyo mustaqbalka iyadoo la siinaayo joogteynta iyo taageeradda tababarka ee Ciidamadda Cirka ee Boqortooyadda ee hadda jira ee diyaaradaha iyo maraakiibta.
ISHA/MEMO.
TURKIGA OO DIIDAN INUU CIIDAMO U DIRO GAZA,SABABTA?
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DALKA TURKIGA.
(ANKARA)-Dalka Iustaga Imaaraatka Carabta(UAE) ayaa si rasmi ah u soo jeediyey in ciidan caalami ah loo diro Marinka Gaza todobaadkii hore si ey u ilaaliyaan sharciga iyo kala dambaynta hoos timaado maamulka Falastiiniyiinta(PA) ka dib markii xabad joojin laga gaaro degaanadda uu aafeeyey dagaalka. Lana Nusseineh oo ah kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Siyaasadda ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa ku qortay qoraal ra’ayi ah oo lagu daabacay Wargayska Finanacial Times in “Hawlgalka Caalamiga ah oo ku meel gaarka ah”uu wax ka qaban karo dhibaatada bani’adanimo oo uu aasaas u noqon karo dawladnimada,taaso u gogol xaareyso in dib loo mideeyo Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto”. Lana ayaa tilmaantay in dalka Isutaga Imaaraatka Carabta uu doonaayo inuu ciidamo geeyo Marinka Gaza. Hindisahaan waxa uu soo baxay ka hor kulan la sheegay inuu magaaladda Abu Dabai uu khamiistii hore ku dhexmaray dalalka Maraykanka,Israa’iil iyo dalka Isutaga Imaaraatka Carabta kaaso lagaga wada hadlay mustaqbalka Marinka Gaza dagaalka ka dib iyo keenista ciidamadaan.
ISHA/MEE.
BANAANBAX XOOGAN OO MAANTA KA DHACAY WASHINGTON DC.
(SAWIRKA)-BANAANBAX KA DHACAY CAPITAL HILL DC.
(WASHINGTON)-Iyadoo kumanaan Mudaaharaadayaal ahi ey joogeen banaanka dhismaha Capital-ka ee dalka Maraykanka oo ey horfadhiyaan qol faaruq ah. Reysal Wasaaraha Israa’iil Benjamiin Netanyahu ayaa ka hadlay fadhi wadajir ah ee Koongareeska Maraykanka,hadalka Netanyahu ayaa socday muddo saacad ku dhaw waxa uuna ku baaqay Netanyahu in dawladda Maraykanka iney taageero dheeraad ah ey siiso Israa’iil si ey ugu guulaysato dagaalka ey kula jirto Xarakadda Xamaas ee ka socdo Marinka Gaza. Reysal Wasaare Netanyahu ayaa isku dayey inuu khudbadiisa u adeegsado inuu dib u cadeeyo hogaankiisa Israa’iil,halka codbixinta ey muujinayso in ka badan 70% ey doonayaan in Netanyahu iscasilo,gudaha Maraykankane waxaa ka socdo ololihii doorashooyinka ee Madaxweyne oo cajiib ah kaaso soo jiitay dadweynaha Maraykanka,waxa uuna hareeyey booqashadda hogaamiyaha Israa’iil Netanyahu ee dhalisay muranka. Khudbadda Netanyahu ayaa dhacday xilli xaasaasi ah oo laga wada xaajooday la haystayaasha Gaza iyo heshiiska xabad joojinta,laakinse Reysal Wasaare Netanyahu ayaa si dirqi uga hadlay arrinta la haystayaasha. Wax yar ka hor hadalka Reysal Wasaare Netanyahu, Xafiiska Netanyahu wuxuu qirtay in Reysal Wasaaruhu baajiyey safarkii la qorsheeyey ee wada xaajoodayaasha Israa’iil ee dalka Qadar Khamiista berri ah,isagoo ku andacoonaayo Netanyahu inuu doonaayey inuu la kulmo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ka hor inta wafdiga Israa’iil uusn tegin Caasimadda Dooxa ee dalka Qadar.
ISHA/AXIOS.
MARAYKANKA,ISRAA’IIL IYO ISUTAGA IMAARAATKA CARABTA OO SI QARSOODI AH...
(SAWIRKA)-c/LAAHI BIN ZAYED.
(ABU DABAI)-Wararka laga heaayo dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa sheegaayo in Israa’iil.Maraykanka iyo Isutaga Imaaraatka Carabta ey shir Qarsoodi ah ey ku yeesheen Abu Dabai khamiistii hore,si ey uga wdahadlaan qorshaha Marinka Gaza dagaalka ka dib,sida lagu sheegay warbixin la soo daabacay maanta oo Talaada ah. Sida lagu sheegay warbixinta Wargayska AXIOS oo soo xiganeysay laba sarkaal oo Israa’iil ah,wada hadaladda waxaa martigelisay Wasiirka Arrimaha Dibadda Isutaga Imaaraatka Carabta C/laahi Bin Zeyd,waxaane goobjoog ka ahaay Wasiirka Istaraatiijiyadda Israa’iil Ron Dermer,Ergayga Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ee Mena Bret McGurk iyo la taliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Tom Sullivan. Wargayska AXIOS ayaa ku waramay in maalin ka hor ey kulmeen saraakiil Maraykan ah,Imaaratka iyo Israa’iil,sarkaal sare oo ka tirsan Imaaraatka ayaa tilmaamay in Abu Dabai ey dooneyso iney ciidamo ku biiriso Ciidamadda Nabad Ilaalinta ee Marinka Gaza. Tani waxay Imaaraatka ka dhigaysaa wadankii ugu horeeyey ee Carbeed ee si cad u taageera Qorshaha uu Madaxweyne Biden uu si qarsoodi ah ugu olololeynaayo.
ISHA/NA.
MAGAALADDA CADAN OO DADKA LA ISKA AFDUUBTO.
(SAWIRKA)-BARE AL-SUBXI.
(YEMAN)- Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Sira’a ayaa soo saartay go’aan ey ku sii deyneyso Bare Muxamed Xasan AL-Quba’a AL-Subeyxi,shan sano ka dib markii ey afduubeen oo ey xoog ku wateen ciidamadda Golaha ku meel gaarka ah ee ka dhisan Koonfurta dalka Yeman. Ila wareedyo ka tirsan Hayaddaha u doodo Xuquuqul Insaanka ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in Bare AL-Subeyxi lagu soo Oogay dacwad fadhigii ey Maxkamadda yeelatay shalay oo Isniin ahayd iyadoo Maxkamadu xustay in Bare AL-Subeyxi la sii deyn doono maalmaha soo socdo ka dib markii uu soo dhammaystirto nidaamka sharciga ah ee loo baahan yahay. Wararka ayaa intaas ku deraayo in Bare AL-Subeyxi uu muddo sannado ah la qarinaayey iyadoo galkiisa loo gudbiyey Maxkamadda ka dib markii ey soo dhexgaleen shaqsiyaad dhexdhexaadin ka dhex weday Golaha ku meel gaarka ah iyo eheladda Bare AL-Subeyxi,waxa uuna xukunku yimid shan sano ka dib markii lagu soo eedeeyey falal Xaasidnimo ah. Dabayaaqadii sannadkii 2019-kii Bare AL-Subeyxi ayaa laga afduubay gurigiisa oo ku yaalo magaaladda Sabri’i ee Gobolka Laxji ee dalka Yeman halkaaso loo gudbiyey xabsi Qarsoodi ah oo ku yaalo magaaladda Cadan si qasab ahne loogu haayey meel aan la aqoon ilaa maanta. Ciidamadda Golaha ku meel gaarka ah ee uu taageero dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa sii wado iney si qasab ah u qafaashaan tobanaan mawaadiniin ah muddo sanada ah eyna ka mid yihiin dad ka tirsan bulshada,Ciidanka,Aqoonyahano macallimiin iyo kuwa u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda dadka,inkasta oo ey soo noqnoqdeen dalabyadda Xuquuqul Insaanka si loo xaqiijiyo Masiirkooda halka uu ku dambeeyey.
ISHA/MO.
MARAYKANKA OO DIL LOOGU GAYSTAY NIN ASKERI AH OO..
(SAWIRKA)-MAXAMED SICIID BAJILI.
(MICHIGAN)-Waxaa sii kordhaya rabshadaha ka dhanka ah Muhaajiriinta Yemaniyiinta ah ee ku sugan dalka Maraykanka,askeri Maraykan ah oo asalkiisu yahay Yaman ayaa la dilay xilli uu hawshiisa shaqo ku guda jiray magaaladda Dearbon,Melvindale ee Gobolka Mishigan ee dalka Maraykanka. Booliska dalka Maraykanka ayaa xaqiijiyey dilka sarkaalka Muxamed Saciid AL-Bajili,kaaso uu toogtay nin hubaysan oo lagu magacaabo Micheal Lopez oo 44-jir ah balse haysta dhalashada dalka Isbeyn,isagoo xusay in dembiilaha dilka gaystay uu xirnaay surwaal gaaban oo madaw oo aan shaar lahayn,islamarkaasne uu lahaa Tattos iyo Ger weyn,markii ugu dambeysay ee la arkayne waxa uu watay Bushkaleeti cagaaran. Booliska ayaa faafiyey sawirka Dembiilaha,waxayna ku tilmaameen inuu ahaa nin hubaysan oo halis ah,waxayna shacabka ka codsadeen iney maamulka ku soo wargeliyaan wixii macluumaad ah ee gacan ka gaysan kara soo qabashada ninkaas. Dhacdadaan ayaa dhacday markii sarkaalka la dilay(Bajili) uu eryanaayey ninka hubaysan ee Lopez,kaaso toogtay sarkaalka oo isla markiiba dilay ka hor inta uusan goobta ka baxsan. Sarkaalka lagu magacaabo Muxamed Siciid AL-Bajili ayaa ka tirsan degaanka AL-Rabiicateyn ee degmada Jaban ee Gobolka Daalac ee Koonfurta dalka Yeman. Sannadihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhaayey tirada dhibaneyaasha Yemaniyiinta ah ee loo gaysanaayo dilalka kuwaaso ku sugan dalka Maraykanka,iyadoo ey ku soo noqnoqdeen magaalooyin kala duwan oo Maraykanka ah dhacdooyinka dilka ah iyo dhaca hubaysan ee loo gaysto Goobahooda Ganacsiga.
ISHA/MO.
DALKA IMAARAATKA OO XUKUNO KALA DUWAN KU RIDAY..
(SAWIRKA)-DALKA ISUTAGA IMAARAATKA CARABTA.
(ABU DABAI)-Maxkamad ku taal dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa tobanaan qofood oo u dhalatay dalka Bangaaladeesh ku xukuntay xabsi daa’in ah kuwaaso ey ku jiraan seddex qofood oo lagu eedeeyey mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo dawladooda oo ka socdo wadanka Khaliijka,sida ey sheegtay warbaahinta Dawaadda Isutaga Imaaraatka Carabta maanta oo Isniin ah. Maxkamadda Racfaanka Federaalka ee Abu Dabai ayaa Axadii shalay ku xukuntay 10-sano oo xarig ah 53-mawaadin oo Bangaaladeesh ah iyo 11-sano oo xarig ah oo lagu xukumay mawaadiniin Bangaaladeesh ah,marka lagu daro seddex Xabsi daa’inka ah,sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ee WAM,Maxkamdu waxa ey amartay in dadka u dhashay Bangaaladeesh laga musaafuriyo dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ka dib marka ey dhammaystaan Xabsiga. “Maxkamdu waxay dhegeysatay marqaati xaqiijinaayo in eedeysanayaashu ey soo ururiyeen oo ey abaabuleen socod balaaran oo ey ka dhigeen dhawr waddo oo Imaaraatka ah,kuwaas ey kaga soo horjeedeen go’aamo ey gaartay dawladda Bangaaladesh”ayaa lagu yiri warbixinta WAM. Sabtidii masuuliyiin Imaaraati ah ayaa amar ku bixiyey in baaritaan lagu sameeyo iyo in la dejdejiyo Maxkamadeynta Mawaadiniin bangalades ee la xiray.
ISHA/NA.
ISRAA’IIL OO MAR KALE BARAKICINEYSA..
(SAWIRKA)-KHAAN YOONIS OO LAGA QAXAY MAR KALE.
(GAZA)-Ugu yaraan 70-falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay in ka badan 200-kalane waa lagu dhaawacay weeraro balaaran oo ka dhacay Bariga Khaan Yoonis maanta oo Isniin ah,ka dib markii ey Israa’iil amartay in laga guuro Aagaas. Wasaaradda Caafimaad ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in Xarunta Caafimaad ee Naasir ee u dhaw ey heshay meydadka 70-qofood iyo 200-qofood oo dhaawac ah,khaasarahaan ayaa ka dhashay weeraro dhacay subaxnimadii saakay oo dhan,waxaane isbitaaladda la geeyey dad fara badan. Falastiiniyiinta ku nool Bariga Khaan Yoonis ayaa lagu qasbay iney ka guuraan una guuraan Galbeedka AL-Mawasi iyadoo la raacaayo amaradda cusub ee ciidamadda Israa’iil kuwaaso sii yareynaya “Goobaha Bani’adanimada”ee AL-Mawasi oo ey si is daba joog ah u bartilmaameedsanayaan ciidamadda Israa’iil uuna ka mid yahay weerarkii cuslaay ee dhacay horaanti bishaan Luuliyo kaaso ey ku dhinteen ilaa 71-qofood. Saxafiyiinta Maxaliga ah ayaa soo sheegay in madaafiicda goobta lagu garaacay daqiiqadood yar ka dib markii la soo saaray amarada cusub,taaso keentay in dadku ey waqti yar u helaan iney si nabad ah uga guuraan.
ISHA/NA.
XUUTIYIINTA OO G/CAMRAAN KU DILAY WIIL…
(SAWIRKA)-WIILKA LA DILAY.
(YEMAN)-Ila wareedyo Maxali ah ayaa sheegay in wiil dhallinyara ah oo lagu magacaabi jiray Naaji Xaasil Dhaawi oo ku shaqeysanaayey gaadiid uu ka masruufo qoyskiisa ey toogteen koox hubeysan oo Xuutiyiin ah kuwaaso fariisin ku leh halka loo yaqaano Xawaari taaso isku xirta degmada Xuut iyo Xarfi Sufyaan ee Goblka Camraan. Warka ayaan intaa ku deraayo in wiilkan dhallinyarada ah ee lagu magacaabi jiray Dhaawi uu ka soo jeedo degaanka Sufyaan waxaane la toogtay xilli uu maraayey isaga oo wata gaarigiisa bar koontarool taaso sababtay in la dilo. Ilo wareedka ayaa xaqiijiyey Maleeshiyaadka Xuutiyiinta iney diideen in Meydkiisa lagu wareejiyo qoyskiisa iyadoo aan la ogayn sababta ka dambeysa falkaas ey gaysteen Maleeshiyaadka Xuutiyiinta. Dhacdadaan ayaa ku soo aadeyso laba maalmood ka dib markii ey Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ey gudaha u galeen Masjid ku yaalo degmada Suweyr oo iyadana ka tirsan G/Camraan,halkaas ey gaysteen xasuuq ey ku naf waayeen in ka badan 15-qofood oo ey ku jiraan Caruur iyo Dumar.
ISHA/MO.
QAREEN LAGU DILAY CAASIMADDA SANCA-YEMAN.
(SAWIRAK)-QAREEN NABIIL AL-MUREYSI.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imanaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in Qareen Nabiil AL-Mureysi lagu dilay rasaas uu soo riday qof hubaysan xilli uu ku soo laabnaayey gurigiisa oo ku yaalo wadada Khawlaan ee Koonfurta Caasimadda Sanca ee dalka Yeman. Ilo wareedyo ka ag dhawaa goobta ey wax ka dheceen ayaa sheegay in fal dembiyeedka uu ka dhacay meel u dhaw bar koontarool ey joogaan ciidamo ka tirsan Xuutiyiinta oo ku dhegan Saldhiga Booliska ee AL-Macmari iyadoo aan la ogayn sababtii keentay falkaan dilka ah. Wararka ayaa sheegaayo in Eedeysanaha dilka gaystay uu ka soo jeedo Goblka AL-Beyda halka Qareenka la dilay Nabiil AL-Mureysi uu ka soo jeedo degaanka Mureysi ee dhaca waqooyiga degmada Qacdhaba ee Gobolka AL-Daalic. Websaaydyada Warbaahinta Amniga ee taabacsan Xuutiyiinta ee magaaladda caasimadda ah ee Sanca ayaan wax tafaasiil ah ka soo saarin dhacdadaan in kastoo ey ka soo wareegtay saacado badan waqtigii ey dhacday. Dhacdadaan ayaa imaaneyso maalmo ka dib markii nin aqoonyahan ah iyo walaalkiis lagu dilay afafka hore ee Maxkamadda Koonfurta caasimadda Sanca. Inta badan dilalka Qorsheysan ee ka dhaca dalka Yeman gaar ahaan caasimadda Sanca ayaa salka ku haayo Aano Qabiil,dawladduna eysan waxba ka qaban karin waayo shacabka reer Yeman ayaa ah kuwa wada hubeysa yar iyo Weynba.
ISHA/MO.