Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO BAAJIYEY KULAN DHEXMARI LAHAAY..

(SAWIRKA)-BIDEN IYO NETANYAHU.

(WASHINGTON)-Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa baajiyey kulan heerkiisu sareeyo una dhexeeyey Maraykanka iyo Isra’iil,kulanka ayaa looga hadli lahyaa arrimo ku saasban dalka Iraan,kulanka ayaa lagu weday inuu qabsoomo Khamiista ka dib markii Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu uu maanta oo Talaada ah sii daayey Muqaal uu ku sheegaayo in dalka Maraykanka uu joojiyey gargaarkii Mileteri uu u diri lahaay Isra’iil,sida laga soo xigtay sarkaal sare oo Maraykan ah lana hadlay wargayska laga leeyahay dalka Maraykanka ee AXIOS. La taliyeyaasha sare ee Madaxweyne Joe Biden ayaa ka carooday Muuqaalka Netanyahu,fariin uu ergayga Maraykanka Amos Hochstein si shaqsi ah ugu diray Neatnyahu shir saacado qaatay,ka dib markii la daabacay,laba ilo wareed oo Maraykan iyo Isra’iil kala ah ayaa sidaas sheegay. Markaas ka dib Aqalka Cad ayaa go’aansaday inuu talaabo ka qaado Netanyahu waxaane la baajiyey kulankii dhici lahaay maalinta Khamiista ee soo socoto. “Go’aankan wuxuu si cad u qeexayaa iney jiraan cawaaqibyo ka dhalan kara oo keeni kara dhibaato caynkaas ah” ayuu yiri sarkaal Maraykan ah.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GAZA UU YAALO 39-MILYAN TAN OO QASHIN AH.

(SAWIRKA)-BURBURKA SOO GAARAY MARINKA GAZA.

(HAMILTON-CANADA)-Barnaamijka Degaanka ee Qaramada Midoobe ee loo soo gaabiyo (UNEP) ayaa soo saaray warbixin maanta oo Talaada ah taaso lagu soo bandhigay saameynta qotada dheer ee weerarada Isra’iil ee Marinka Gaza,weerarada ayaa waxaa ka dhashay Qashin lagu qiyaasay inuu dhan yahay ilaa 30-Milyan oo Tan tan iyo marka laga soo bilaabo waqtigii uu bilaawday dagaalka Marinka Gaza 7/10/2023-kii. Warbixinta oo la diyaariyey iyadoo lagu saleeyey macluumaad laga helay meelo fog iyo kuwa u dooda dadka ee ka tirsan Qaramada Midoobe kuna sugan halka ey wax ka dheceen lana sheegin sababo la xiriiro dhinaca amaankooda iyo xanibaadaha gelitaanka,ayaa lagu xusay in shaqada garoonka la qaban doono marka xaaladaha amaanku ogolaadaan. “Kororka Colaada tan iyo 7-Oktobar-2023-kii waxa ey si cad saaameyn weyn ugu yeelatay dadka iyo degaanka Marinka Gaza”ayey xustay warbixintu iyadoo ku nuuxnuuxsatay “Duqeynmaha Xoogan ee Isra’iil waxa ey keentay burbur aan horay loo arag oo la xiriira Kaabayaasha,Hantida gaarka ah,Wax soo saarka iyo bixinta adeegyadda bulshada”.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMAN: DUQEYN LAGU LAAYEY KHUABRO IRAAN AH.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE DALAKA MARAYKANKA.

(ADEN/YEMAN)-Duqeymaha Maraykanka ee Goobaha Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa ka gudbay heerkii lagu curyaamin lahaa Aaladaha soo saarista waxa eyna dhawaan u dhaqaaqeen beegsiga saxda ah ee bartilmaameedyadda tayadda leh. Intii lagu guda jiray qeybtii hore ee bishaan Juun,weeraradaan ayaa sameeyn xoog leh ku yeeshay Xuutiyiinta,gaar ahaan dhawr weerar oo lagu burburiyey bartilmaameedyo gaar ah oo qiimo sare leh oo aan ahayn kaliyah jawaab celin anshax ama falcelin ah,marka lagu daro weerarada caadiga ah ee gentaaladda,diyaaradaha aan duuliyaha wedin,doomaha iyo raadaaradda si loo ilaaliyo socodka. Dhawr weerar oo ku dhawaad maalinle ah kuwaaso intooda badan ey ka dheceen Gobolka Xudeyda,ila wareedyo sare oo dhanka Amaanka ah ee Yeman ayaa ku sheegay bayaano ey heshay Warbaahinta AL-Ceyn News,waxa eyna sheegeen iney jiraan weeraro dhawr ah oo ey ku dhinteen 39-Qof oo ey ku jiraan Khubaro Ajnabi ah iyo Hogaamiyeyaal sare oo loogu yeero “CIIDANKA BADDA”. iyo ‘CIIDANKA CIRKA”,waxa eyna ku sugnaayeen meelo Qarsoodi ah oo dhulka Hoostiisa ah. Ilo wareedyadaan AL-Ceyn News u sheegay in afar Khubaro Ajnabi ah oo ku Takhasusay Nidaamka Raadaaradda iyo Aaladaha Dabagalka Badda lagu dilay mid ka mida duqeymaha lala beegsaday goob xasaasi ah oo ey ku sugan yihiin meleeshiyaadka Badda ee Xuutiyiinta dalka Yeman. Ilaha ayaa sharaxay afarta Khabiir ee la dilay iney ku jireen laba Khabiir oo u dhalatay dalka Iraan kana tirsanaay ilaaladda Kacaanka dalka Iraan iyo Khabiir seddexaad oo ka socday Ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan oo dhalasho ahaan Afrikaan ah,waxaane la rumaysan yahay iney si Qarsoodi ah dalka Yeman ku soo galeen iyagoo soo maray dhinaca badda. Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyey in duqeynta Maraykanka ee lagu dilay Khuabaradan ey dhacday xilli ey ku hawlanaayeen ilaalinta Agabka Mileteri ee Xuutiyiinta “Ciidanka Badda”ee ku sugnaay aaga “Jabanah”oo kaabiga ku haayo Xeradda Difaaca Xeebta ee dhanka waqooyi ee Xudeyda. Ilo wareedyo ayaa shaaca ka qaaday in duqeyn kale oo Maraykan ah lala beegsaday goob Qarsoodi ah oo Xuutiyiinta ey dhuumaaleysanayeen taaso ahayd Konteener ku aasan Xeebta Xudeyda kuna xiran God dheer oo dhulka hoostiisa ah oo gaaraayo mid ka mida beeraha degaankaas. Sida lagu sheegay tirakoob ey diyaarisay warbaahinta AL-Ceyn News xogta laga helay Taliska dhexe ee Maraykanka,weeraradii lagu bartilmaameedsaday Xuutiyiinta ku kala sugan Sanca oo ah caasimadda iyo Reymah oo ah Gobol ku dhaw caasimadda Sanca mudadii u dhexeysay 1-da bishaan ilaa 15-ka bishaan waxaa lagu burburiyey 32-Doonyood, Radaar,Gentaalo,Qalab wax laga rido iyo Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn. Shan iyo tobankii maalmood ee la soo dhaafay,tirakoobku waxa uu muujinayaa in la burburiyey 8-Doomood oo ey ku xirnaayeen Doomaha Drones-ka ah iyo Doomaha ilaaladda ah ee siday canaasiir hubaysan,iyo sidoo kale 8-Raadaar, 6-Gentaaladda Ridada Dheer ee Maraakiibta,6-Diyaaradood oo Drones ah iyo 4- Gentaal oo lidka Maraakiibta ah.

ISHA/YEMAN NEWS.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUJAAY U DHALATAY URDUN OO KU DHIMATAY XAJKA.

(SAWIRKA)-MEYDADKA XUJAAYDA REER URDUN.

(MEKKAH)-In ka badan 1.8-Milyan oo qof ayaa isugu soo baxay Gudashada Waajibaadka Xajka ee magaaladda Makah ee dalka Boqortooyadda Sacuudiga. Heer kulka ayaa kor u kacay iyadoo lagu jiro cibaadadii ugu dambeysay ee dhagax Tuurka Sheydaanka uu bilaabmay,waxa eyna Muslimiinta caalamka oo dhan maanta u dabaal degayaan Ciidul Adxaa. Ugu yaraan 14-Xujaay oo u dhalatay dalka Urdun ayaa ku dhintay kuleylka ka dhacay gudashada Waajibaadka Xajka ee dalka Sacuudiga,sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Urdun,Ururka Bisha Cas ee dalka Iraan ayaa sheegay in shan Xujaay una dhalatay dalka Iraan iney ku dhinteen Xajka sannadkan balse ma eysan bixin wax faafaahin ah.Wararka ku saabsan geeridda Xujaayda ayaa imaanayo iyadoo Xujaaydu ey gudanayaan cibaadadii ugu dambeyay uguna weyneed Xajka taasoo calaamad u ah dhagxinta Sheydaanka ee ka socoto Galbeed Sacuudiga.

ISHA/DW.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAX XAFIISKA SIYAASADDA XAMAAS OO KA..

(SAWIRKA)-ISMAACIIL HANIYAH.

(QAHIRA)-Hogaamiyaha Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas ayaa maanta oo Axad ah Xaqiijiyey in jawaabta Xamaas ee soo jeedinta Xabad-joojinta ey la mid tahay mabaadii’ada ku qeexan khudbadii Madaxweyne Biden iyo Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ee ku saabsanaay Marinka Gaza. Hadalka Ismaaciil Haniyah ayaa yimid intii lagu guda jiray khudbadii Ciidul Adxaa ka dib eedeynmo rasmi ah uu Maraykanku u soo jeediyey Xamaas oo ah iney Xamaas ka weecatay Hindisihii Xaad-Joojinta uu taageeray Madaxweyne Biden. “Fasax kale ayaa u furmay Falastiiniyiinta maadaama ey sii wadato halganka ey kaga soo horjeedo dadka qabsaday dhinac walba”ayuu yiri Ismaaciil Haniyah. “Ciidamadda Difaac Isra’iil oo gaysanaya xadgudubyo ba’an iyo xasuuq ayaa ku guul daraystay iney gaaraan ujeedooyinkoodii iyadoo calaamado jahwareer ah ey ka muuqdaan gudaha Xukuumadda Israiil”ayuu Ismaaciil ahaniyah raaciyey hadalkiisii.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

1,833,164-XAAJI AYAA SANNADKAN SOO XAJIYEY.

(SAWIRKA)-XAJKA SANNADKAN-2024-KA.

(MAKAH-KSA)-Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqday in tirada guud ee Xujayda sannadkan 1445/2024-ka ey gaartay 1,833,164-Xaaji oo ey ku jiraan 1,611,310-Milyan Xujaay oo ka kala yimid in ka badan 200-dal kuwaaso soo maray goobaha laga soo galo dalka Sacuudiga,waxaa kaloo ka mid ah dadka sannadkan xajiyey Xujaay u dhalatay dalka Sacuudiga iyo dadka degan Sacuudiga balse aan u dhalan Sacuudiga,dadkaan ayey wadartooda guud waxa ey noqotay 221,854-Xaaji,tiradda Raga ee sannadkan Xajisay ayaa dhan 958,137-kun halka Dumarku ey yihiin 875,027-Qof. Hayadda dalka Sacuudiga u qaabilsan tirakoobka Xujaayda sannadkan ayaa sheegtay in 22.3% ey yihiin Xujaay ka timid dalalka Carabta Soomaaliduna ey ka mid tahay, 63.3% waxa ey ka yimideen wadamadda Asiya,Wadamadda Qaaradda Afrika ee aan Carabta ahayn ayaa waxaa ka soo xajiyey 11.3%, Xujaayda ka kala yimid Ameerika,Yurub, Australiya iyo wadamadda kale ee aan la kala saarin ey tiradoodu dhan tahay-3.2%. Hayadda ayaa xustay in tiro dhan 1,546,345-milyan ey ku yimaadeen Diyaarad, 602,251-Xaajine ey ku yimaadeen dhinaca badda halka 4714-Xaaji ee ku yimideen dhinaca dhulka.

ISHA/SAW.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHAN WADAN OO CARAB AH LANA SHIRAY ISRAA’IIL.

(SAWIRKA)-GEN.HERZI HALEVI.

(MANAMA)-Wargayska Middle East Monitor ee ka soo baxa London kana hadla arrimaha adduunka gaar ahaan arrimaha ka taagan Gobolka Bariga dhexe ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu soo daabacay Warbixin uu Cinwaan uga dhigay”TALIYAHA GUUD EE CIIDAMADDA ISRA’IIL AYAA DALKA BAXRAYN KULA KULMAY SHAN TALIYE CIIDAN OO CARAB AH”. Talaabadaan ayey dad badan waxa ey u qaateen in lagu qiyaamaayo shacabka Falastiin,waxaane horaantii todobaadkan magaaladda caasimdda ah ee Manama ee dalka Baxreyn kula kulmay Jineraalo ka kala socda dhawr wadan oo Carbeed sida Baxreyn,Imaaraatka Carabta,Sacuudiga,Urdun iyo Masar,ujeedka kulanka dhexmaray Taliyeyaasha Carbeed iyo mid Isra’iil ayaa ahayd in laga wada hadlo Iskaashiga Amniga Gobolka Bariga dhexe. Kulanka ayaa ahaay mid Qarsoodi ah waxaane soo wariyey Wargayska Maraykanka laga leeyahay ee AXIOS,waxaane shirka soo Agaasimay Taliska Dhexe ee Ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM,waxa uuna dhacay iyadoo ey socdaan duqeymo ey Isra’iil ka gaysaneyso Marinka Gaza kuwaaso galaaftay nolosha in ka badan 36-kun qofood oo reer Falastiin ah una badan Caruur iyo Dumar. Kulanka oo aan si cad loo shaacin sababo la xiriira jawiga siyaasadeed ee xasaasiga ah ee ku xeeran hawlgaladda Mileteri ee Isra’iil ey ka wado dhulka go’odoonsan ayaa waxaa goobjoog ka ahaay Gen.Herzi Halevi oo ah Madaxa Guud ee Ciidamadda Isra’iil iyo Taliyaha haysta Taliska Dhexe ee Ciidamadda Maraykanka kuna sugan Gobolka Bariga dhexe Gen.Micheal Erik. Kulanka ayaa calaamad u noqday in wada hadaladda Mileteri iyo iskaashiga amni u dhexeeyo Isra’iil iyo wadamadda Carabta uu sii socdo hoos tagane Taliska Dhexe ee ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM,in kastoo dhaleeceyn adag ey dadweynuhu ujeedinayaan Isra’iil.

ISHA/MEMO.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SAXAFIYAD SUMCAD DIL KU SAMEYSAY BOQORKA URDUN OO LA XUKUMAY.

(SAWIRKA)-HEBA ABU DHAHA.

(AMMAN)-Saxafiyad u dhalatay dalka Boqortooyadda Urdun lana yiraahdo HIBA ABU DHAAHA ayaa lagu xukumay hal sano oo xarig ah ka dib markii ey daabacday warbixin daaha ka feyday doorka la sheegay in Boqortooyada Urdun ey ku leedahay u dhoofinta badeecadaha Isra’iil iyadoo la marinaayo marin dhuleedka boqotooyadda Urdun. Warbixinta ey qortay Hiba Abu Dhaaha ayaa cinwaan looga dhigay”La hawlgalayaasha Xasuuqa…caasimadda Urdun ee ku lug leh xasuuqa Marinka Gaza” warbixinta ayaa lagu daabacay Annasher oo ah Warbaahin Lubnaani ah. Waxay qeexeysaa ku lug lahaanshaha qaar ka mid ah shirkadaha Urdun ee soo daabula alaabta Isra’iil iyadoo la maraayo marin dhul. Bishii Feberaayo,Reysal Wasaaraha dalka Urdun Bisher ayaa dafiray iney jirto wado dhulka ah oo ka timid dalkiisa kuna socota Isra’iil, isagoo ku tilmaamay warbixinadda lagu eedeyey iney yihiin”Farsamo”,waxa uuna sheegay in 25-sano ee la soo dhaafay inaan la bedelin wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Boqortooyadda Urdun. Sida uu dhigaayo sharci khuseeyo dembiyadda Internet-ka lana ansixiyey sannadkii hore gudaha dalka Urdun,Waxaa dembi ah Sumcad dil(Defame),War been ah(False News) iyo Aflagaadada(Slander),ciqaabta uu muteysanaayo qofkii lagu helo Dembiyadda Internet-ka gudaha dalka Urdun waa ganaax dhan 5-kun oo Diinaarka Urdun ah una dhiganta $7-kun oo doolarka Maraykanka ah iyo xabsi dhan 3-bilood iyo wixii ka badan ah.

ISHA/MEE.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QOORQOOR OO GAARAY QALAANQALLE.

(SAWIRKA)- GOGOL LA DHIGAY QALAANQALLE.

(QALAANQALLE)-Madxweynaha Dawladda Goboleedka Galmudug Md.Axmed Cabdi Kaariye(QOORQOOR) ayaa gaaray degaan ka tirsan Waqooyiga Gobolka Galgaduud halkaaso maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal ey ku dhinteen dad gaaraayo ilaa 55-Qof una dhexeeyey laba beelood oo walaala ah. Madaxweyne QoorQoor oo halkaasi ka furay Gogol Nabadeed ayaa la kulmay Odayaasha iyo Waxgaradka labada dhinac ee dagaalamay, QoorQoor ayaana kala hadlay sidey Muhiim u tahay in la gaaro xal deg deg ah iyo Nabad waarta oo dhexmarta labada dhinac ee daglaamay. Bilawgii Gogosha ayaa la isla qaatay Qodobadda kala ah: (1)-In Xabad joojin la isla qaatay lana dhaqangeliyo iyo sidoo kale in lala shaqeeyo Ciidamadda Amaanka. (2)-In la kala qaado Maleeshiyaadka is horfadhiya. (3)-In dhinacyadu u soo diyaar garoobaan Gogol Nabadeed oo la dhigay magaaladda Caasimadda u ah Galmudug ee Dhuusamareeb.

ISHA/SNTV.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

KUWAIT: 49-DHIMASHO,30-DHAAWAC DEB KA KACAY DHISMO EY…

(SAWIRKA)-DEB KA KACAY DHISMO EY DEGANAAYEEN SHAQAALE AJAANIB AH,

(KUWAIT)-Ugu yaraan 49-Qof ayaa ku geeriyootay dalka Kuweyt maanta oo Arbaca ah ka dib markii dab ka kacay dhismo ey deganaayeen shaqaale Ajaanib ah iyadoo Reysal Wasaare ku Xigeenka Kuweyt uu ku Eedeyey dhiba dhacay Milkiilayaasha Guryaha waxa uu ku sheegay iney gaysteen Xadgudubyo gacan ka gaysta shilkaan oo kale. Weli lama sheegin dalalka ey u kala dhasheen dadka dhintay,Safiirka dalka Hindiya u fadhiya dalka Kuweyt ayaa booqday Isbitaaladda lagu daaweynaayo shaqaalihii ku dhaawacmay dabka. Mid ka mid ah Isbitaaladda ayaa la dhigay in ka badan 30-Mawaadin oo Hindi ah,Safaaradda dalka Hindiya ayaa baraha bulshad ku qortay in ugu yaraan 47 shaqaale oo Hindi ah lagu daaweynaayo Isbitaaladda. Reyasla Wasaare Ku-xigeenka dalka Kuweyt Sheekh Fahad Yuusuf Sacuud AL-Sabaax oo booqday Goobta ey wax ka dheceen ayaa yiri’Damaca Milkiileyaasha Hantida ma guurada ah leh ayaa keenay arrimahaan”,Ilaa hadda ma cadda wax ka dhacay dhismaha dabku ka kacay. Dabka ka kacay Mangaf oo ah magaalo ku taal Xeebta Koonfureed ee caasimadda Kuweyt ayaa lagu soo wargeliyey maamulka maxaliga ah lixdii Subaxnimo,Sareey Guuto.Ciid Rashiid Xamad ayaa u sheegay Telefishanka dawladda Kuweyt. Dhinaca kale, Wargaysyadda dalka Hindiya oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in dhimashadda dadka Hindida ah ey gaartay ilaa 40-Qof,halka dhaawaca uu dhan yahay ilaa 30-Qof oo Hindi ah,shaqaalaha deganaay dhismaha dabku qabsaday ayaa tiradooda guud lagu sheegay iney dhammeed ilaa 160-shaqaale kuligoodne ahaay Ajaanib dhismaha loo kireeyey. LA SOCO WIXI KA SO KORDHO.

ISHA/SBM.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAMAAS OO OGOLAATAY SOO JEEDINTA MARAYKANKA.

(SAWIRKA)-BANAANBAXAYAAL REER ISRA’IIL AH.

(WASHINGTON)-Xamaas ayaa diiday soo jeedinta Isra’iil ee ku saabsan la haystayaasha iyo Xabad-joojinta,sidaas waxaa Wargayska AXIOS u sheegay laba sarkaal oo reer Isra’iil ah. Madaxweyne Biden ayaa faahfaahinta soo jeedinta ku sheegay khudbad uu jeediyey laba todobaad ka hor. Wixii markaas ka dambeeyey,Aqalka Cad wuxuu abaabulay cadaadis caalami ah oo Xamaas lagu saaraayo iney aqbalaan Heshiiska. Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas,Osama Xamdaan ayaa TV-ga AL-Mayadeen Talaadada maanta ah in jawaabta rasmiga ah ee Xamaas ey ka mid tahay faalooyin dhawr oo ku saabsan soo jeedinta Isra’iil. Saraakiisha Isra’iil ma eysan sheegin dhinacyadda soo jeedinta ey ku andacoonayaan in Xamaas ey diiday. Ugu dambeyntii,dalalka Qadar iyo Masar ayaa soo saaray bayaan wadajir ah Talaadada maanta ah,waxa eyna bayaankooda ku xaqiijiyeen iney jawaab ka heleen kooxda Xamaas iyo kooxaha kale ee reer Falastiin oo ku saabsan soo jeedinta Isra’iil. Dalalka Qadar iyo Masar ayaa bayaankooda ku sheegay iney sii wedi doonaan dadaaladda dhexdhexaadinta ah ey ku kula jiraan Maraykanka si heeshiis loo gaaaro. “Dhexdhexaadiyeyaashu waxa daraasadeyn doonaan jawaabta Xamaas waxayna isku dubaridi doonaan dhiancyada ey khuseyso talaabooyinkaan xiga”,ayaa lagu yiri bayaanka. Afhayeenka Aqalka Cad John Kirby ayaa sheegay in dalka Maraykanka uu sidoo kale helay jawaabta Xamaas eyna qiimeynayaan.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO SII DAYSAY ILAA 50-MAXBUUS OO FALASTIIN AH.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DIFAACA ISRA’IIL.

(GAZA)-Ciidamadda difaaca Isra’iil ayaa sii daayey tobanaan qofood oo Maxaabiis reer Falastiin ah maanta oo Talaada ah,sida laga soo xigtay ilo maxalli ah. “Ku dhawaad 50-Maxbuus oo reer Falastiin ah kana kala yimid magaalooyinka Gaza iyo Waqooyiga Gaza ayaa la sii daayey”,waxaa sidaas wakaaladaha wararka caalamiga ah u sheegay dad reer Falastiin ah. Wararka ayaa sheegaayo in 33-Qofood oo reer Gaza ah kana mid ah Maxaabiista maanta la sii daayey loo qaaday Isbitaalka Kamaal Cadwaan ee ku yaalo Waqooyiga magaaladda Gaza si halkaas loogu daaweeyo,waayo waxa ey ku jireen xaalad caafimaad oo aad u adag,qaar ka mid ah Maxaabiista la sii daayey ayaa jirkooda waxa ka muuqday calaamado Jirdil ah. Dagaalka Gaza ee soo bilawday 7/10/23-kii ayaan la qiyaasi karin tirada dhabta ah ey Isra’iil Maxaabiis ahaan u haysato,waxaane la ogyahay kaliyah in ciidamadda Isra’iil iney dad fara bada oo reer Falastiin u taxaabeen xabsiyadooda,dhimashadda ayaa hadda marayso ilaa 37-kun qofood una badan Caruur iyo Dumar sida ey sheegtay Wasaaradda caafimaadka Gaza,waxaane dhaawac ah ilaa 85-kun qofood oo kale.

ISHA/SBM.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QM OO SOO SAARTAY WARBIXIN KU SAASBSAN CARUURTA.

(SAWIRKA)-CARUURTA GAZA.

(NEW YORK)-Qaramadda Midoobe ayaa ku dartay ciidamadda Isra’iil ee hubaysan,kuwa Amaanka iyo kuwa qeybta ka ah xadgudubyadda Xun-Xun ee saameeya Caruurta waqtiga iska horimaadyadda Hubaysan,sidaas waxaa lagu sheegay Warbixinta Qramadda Midoobe. Warbixin aan weli la daabicin oo ka kooban xog la ururiyey sannadkii hore ee 2023-ka ayaa tiri”Sannadkii tegay ee 2023-ka rabshadaha ka dhanka ah Caruurta adduunka ee ku sugan goobaha ey ka jiraan iska horimaadyadda hubaysan waxay gaareen heerkii ugu darnaay,iyadoo ey kordheen 21% xadgudubyadda culus. Warbixinta ayaa xustay iney kordheen 35% dhacdooyinka horseeda dhimashadda iyo dhaawaca”. Qaramadda Midoobe waxay xaqiijisay 32,990-xadgud oo waa weyn kuwaaso 30,705 ka mid ah la gaystay sannadkii 2023-kii iyo 2,285 kalane ey horay u dhaceen balse la xaqiijiyey sannadkii tegay ee 2023-ka. Sida warbixinta lagu sheegay sannadkii 2023-kii waxaa la dilay Caruur gaareyso ilaa 5,301 waxaane la dhaawacay 6,348 kale,kooxaha hubaysan ayaa askareeyey Caruur dhan 8,655, waxaane gargaar bani’adadnimo loo diiday iney helaan Caruur dhan 5,205, waxaane Xabsiga loo taxaabay Caruur dhan 4,356 sababo la xiriira xiriirka ey la leeyihiin kooxaha Hubaysan,waxaane la afduubay Caruur dhan 4,356.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WASIIR ISKA CASILAY XUKUUMADDA NETANYAHU.

(SAWIRKA)-BENNY GANTZ.

(TEL AVIV)-Benny Gantza oo ah Wasiir ka tirsan Xukuumadda Isra’iil ayaa khudbad uu jeediyey Axadda maanta ah kaga dhawaaqay in Xisbigiisa uu ka baxay Dawaladda deg dega ah ee la dhisay ka dib weerarkii ey Xamaas ku qaaday Isra’iil taariikhdu markeey ahayd 7/10/2023-kii. Isbahaysiga Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu oo weli haysto aqlabiyadda Baarlamaanka Isra’iil oo dhan 64-Cod,ma aha mid burburi doonto laakin waxay u badan tahay iney ka dhacdo xasilooni darro. Bixinta Gantz waxay u badan tahay iney uga sii dari doonto xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha Isra’iil iyadoo dagaalka Marinka Gaza uu sii socdo,lana haysto dad reer Isra’iil ah,isla markaasne ey socdaan wada hadaladii lagu gaari lahaay xabad joojin. Gantz oo xubin ka ahaay Golaha Wasiiradda dagaalka ee uu hogaamiyo Netanyahu oo shaqeynaayey muddo sideed bilood ah ayaa maamulka Biden iyo dawladdo kale oo reer Galbeed iyo Carab ah u arkaan in Gantz yahay nin dhexdhexaad ah,waxayna u badan tahay bixitaan Gantz iney kordhiso cadaadiska Maraykanka iyo kuwa caalamiga ah ee Netanyahu.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAWLADDA ISRA’IIL OO LAGA YAABO INEY BURBURTO.

(SAWIRKA)-GANTZ.

(TEL AVIV)-Wasiirka reer Isra’iil Benny Gantz ayaa la filaa inuu ku dhawaaqo khudbada uu Sabtida maanta ah ka jeedin doono in Xisbigiisa uu ka baxay dawladdii deg dega ahayd ee la soo dhisay ka dib weerarkii Xamaas ku qaaday Isra’iil 7/10/23-kii,sida laga soo xigtay ilo siyaasadeed oo ku dhaw Wasiir Gantz. Talaabada Gantz ma aha mid hoos u dhigayso isbahaysiga Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu kaaso weli haysta aqlabiyadda 64-xubnood ee Baarlamaanka. Laakin waxay u badan tahay iney khalkhal geliso dawladda,waxa eyna uga sii dari doontaa qalalaasaha siyaasadeed ee Isra’iil iyadoo dagaalka Marinka Gaza uu sii socdo iyo iyado oo la haystayaasha iyo wada hadaladda xabad joojinta ey socdaan. Gantz oo xubin ka ha Golaha Wasiiradda dagaalka ee Netanyahu ayaa maamulka Biden iyo dawlado kale oo badan oo reer galbeed iyo Carab ah u arkaan mid dhexdhexaad ah. Bixitaankiisu waxay u badan tahay iney soo kordhiso cadaadis culus oo Netanyahu kaga yimaada dalka Maraykanka iyo dalalka caalamka.

ISHA.AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADDA ISRA’IIL OO SOO FURTAY AFAR LA HAYSTE.

(SAWIRKA)-AFARTA MAXBUUS EE ISRAEL EE LAGA SOO FURTAY XAMAAS. (BIDIX)-”SHOLM,ANDREI,ALMONG IYO NOA”

(GAZA)-Afar la hayste oo Isra’iil ah oo ey haysteen Xamaas ayaa laga soo furtay subaxnimadii maanta oo Sabtida ah ka dib markii uu dhacay hawlgal Mileteri ey fuliyeen ciidamadda difaaca Isra’iil(IDF),Shin Bet iyo qeybta Booliska Isra’iil ee la dagaalanta Argagixisada ayey Ciidamadda Difaac Isra’iil(IDF) ku sheegeen bayaan ey soo saareen.Hawlgalka Mileteri waxa uu dhacay iyadoo maamulka Biden uu riixaayo heshiis lagu xaqiijinaayo sii deynta la haystayaasha,horseedi doona xabad joojin ka dhacda Marinka Gaza,afarta la hayste ee la soo badbaadiyey ayaa kala ah”Noa Argamani,Almog Meir,Andrei Kozlov iyo Sholm Ziv”. Dhammaan afarta qofood ee la soo furtay maanta ayey Xamaas ka soo qafaashtay xaflad Muusik ah oo ka dheceysay NOVA bishii Oktoobar todobadeedii 2023-kii,IDF ayaa sheegtay in laga soo badbaadiyey laba goobood oo kala duwan oo ku yaalo Xeradda Qaxootiga Nuseyraat ee bartamaha Marinka Gaza. Waxaa laga helay xaalad caafimaad oo wanaagsan ayey IDF sheegtay. Askeri ka tirsan ciidanka booliska gaar ahaan qeybta la dagaalanto waxa loo yaqaan Argagixisada ayaa lagu dhaawacay hawlgalkaasi,waxa uuna u geeriyooday dhaawacii soo gaaray. Marinka Gaza waxaa weli lagu haystaa dad reer Isra’iil ah oo garaayo ilaa 120-Qof, waxaane la xaqiijiyey iney geeriyoodeen 42-Qof oo ka mid ah dadkaasi.

ISHA/xios.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO WELI WEERAR KU AH MARINKA GAZA.

(SAWIRKA)-MARINKA GAZA.

(GAZA)-Ugu yaraan ilaa 36,731-Qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil kaaso soo bilawday bishii Oktoobar Todobadeedii sannadkii hore 2023-ka,sidaas waxaa laga soo xigtay Wasaaradda caafimaadka ee Marinka Gaza,Wsaaradda ayaa intaas raacisay in dadka ku dhaawacmay dagaalka ey gaarayanaa ilaa 83,530-Qof. Wasaaradda caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa soo saartay tirakoob la xiriira weeraradda Isra’iil ey ku qaaday Gaza 24-saac ee la soo dhaafay wixii khasaara ah oo ka dhashay,Wasaaradda ayaa sheegtay in 24-saac ee la soo dhaafay in Marinka Gaza lagu dilay dad garaayo ilaa 77-Qof halka lagu dhaawacay 221-Qof kale,waxaane jiro dad fara badan oo weli ku hoos jira dhismayaasha ku soo dumay,hayadaha samafalkane ey awoodi kari waayeen iney ka soo saaraan halkaas. Dhawrka bilood uu socday dagaaka Marinka Gaza ayaa waxaa burbur aad u balaaran uu soo gaaray dhul aad u baaxad weyn,waxaane jiro qaraar uu Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe uu ku dalbanaayo in la joojiyo dagaalka Marinka Gaza balse Isra’iil ayaan dheg jalaq u siin oo weli waxa ey weerar ku tahay Marinka Gaza.

ISHA/SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO WEERARAY XUUTIYIINTA.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA.

(SANA’A)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa sheegay maanta oo Jimca ah in Maraykanka iyo Ingiriiska ey ku qaadeen shan weerar oo dhinaca cirka ah kuwaaso lala beegsaday Gobolka AL-Xudeydah ee dhaca Galbeedka dalka Yeman. “Weerarada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa afar weerar oo ka mid waxaa lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha ee AL-Xudeydah”sidaas waxaa sheegay Tv-ga AL-Masiirah ey maamulaan Xuutiyiinta dalka Yeman. Tv-ga oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in weerar kale oo dhinaca cirka ah lala beegsaday Doomo Kallumeysi oo ku sugnaay Dekedda AL-Salif isla xeebaha Gobolka AL-Xudeydah,ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Maraykanka iyo Ingiriiska kuna saabsan weerarka ey sheegeen kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman. Weerarada dhinaca cirka ah ey qaadayaan isbahaysiga ey hogaaminayaan Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa soo bilawday ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ey Markab Ganacsi ka afduubteen Badda Cas dhammaadkii sannadkii hore 2023-kii,Xuutiyiinta ayaa weli Markabkaas iyo shaqaalihii saarnaay afduub ugu haysto xeebaha dalka Yeman.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

IMAARATKA IYO FALASTIIN MAXAA KALA QABSADAY?

(SAWIRKA)-WASIRKA ARRIMAHA DIBADDA IMAARATKA IYO MAXAMUD CABAAS.

(RIYAD)-Kulan dhexmaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken iyo koox saraakiil Carbeed ah muddo bil ah ka hor ayaa xarka goostay ka dib ciyaar qeyl ah oo aan caadi ahayn oo dhexmartay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta iyo la Taliyaha sare ee Madaxweynaha Falastiin,sida laga soo xigtay shan ilo wareed oo xog-ogaal u ah dhacdadaan. Xiisadda kululi waxa ey ka tarjumaysaa shakiga laga qabo maamulka Falastiiniyiinta ee dib u habeynta qorsheysan iyo khilaafyadda ka dhex jira hogaamiyeyaasha Carabta,kuwaas oo labaduba caqabad ku noqon kara dadaalka maamulka Biden ee lagu abuuraayo Istaraatiijiyad dagaalka Gaza ka dib. Kulanka dhacay 29-kii Abriil waxa uu ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Riyaad ee dalka Sacuudiga oo uu ka socday shirka Madasha dhaqaalaha Adduunka. Sida laga soo xigtaylaba ilo wareed,Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta ayaa hogaamiyaha Falastiin ugu yeeray”Cali Baaba iyo afartan Tuug”waxa uuna ku andacooday saraakiisha sarsare ee maamulka Falastiin”Wax faa’iido ah ma laha”sidaas darteed”in la isku bedelo midba midka kale waxay horseedi doontaa natiijo isku mid ah”.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DUKUMINTI DIGITAL AH OO LAGA DIYAARIYEY DAACISH.

(SAWIRKA)-CIRAAQ OO LAGA HELAY 18-XAWAALO WADAREED.

(HILTON-CANADA)-Kooxda Dembi Baarista ee Qaramadda Midoobe(UNITAD) ayaa Digital ka dhigtay 18-Milyan oo Bog oo Dukuminti ku saabsan kooxda Argagixisada Daacish lixdii sano ee la soo dhaafay. Lixdii sano ee la soo dhaafay iyadoo lala kaashanaayo masuuliyiinta dalka Ciraaq ee awooda u leh,kooxda Dembi Baarista ee Qaramadda Midoobe ee UNITAD waxay soo saareen 67-Xabaalo Wadareed,18-Milyan bog oo diiwanka waraaqaha la xiriiro ISIS oo Digital ah,waxayna ka soo saareen xog tiro badan oo ISIS Digital ah oo la qabtay. Aaladaha,”Ku simaha la taliyaha gaarka ah iyo Madaxa UNITAD Ana Peyro Liopis ayaa u sheegtay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe. Iyadoo Xusuusineyso in waajibaadka UNITAD uu dhammaan doono Sebtembar 17 ee sannadkan 2024-ka,Liopis ayaa sheegtay in dhammaan dhinacyadda ey sameynayeen iskaashi deg deg ah si ey u soo bandhigaan cadeymaha.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More