Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO CARQALADEYN KU HAYSA WADA HADAL…

(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA DAGAALKA EE ISRA’IIL.

(QUDS)-Golaha Wasiiradda dagaalka ee Isra’iil ayaa go’aansaday iney dib u dhigaan u diridda wafdi wada xaajoodka uga qeyb geli lahaay kaaso lagu wadey inuu ka dhaco caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ilaa inta ey Isra’iil ka heleyso jawaabta Xarakadda Xamaas kuna saabsan soo jeedinta uu daba ka riixaayo Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden,sida ey sheegtay Warbaahinta dawaladda. “Golaha Wasiiradda dagaalku waxay go’aansadeen iney dib u dhigaan u diridda wafdi magaaladda Dooxa ilaa Xarakadda Xamaas ey ka jawaabto soo jeedinta Isra’iil ee uu shaaca ka qaaday Madaxweyne Biden”,maaamulka Warbaahinta Isra’iil ayaa sidaas sheegay Fiidnimadii maanta oo Arbaca ah. Maamulka Isra’iil ma uusan sheegin goorta la gaaray go’aanka,in kastoo shirkii ugu dambeeyey ee Golaha Wasiiradda ee dagaalka ee Isra’iil uu ka dhacay Xafiiska Reysal Wasaaraha Benjamiin Netanyahu ee ku yaalo bariga Quds Talaaladii shalay si looga wada hadlo xiisadda u dhexeyso Isra’iil iyo Ururka Xizbullah.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO U CODEEYEY CUNAQABATEYN ICC-DA.

(SAWIRKA)-SENTAR CHIP ROY.

(WASHINGTON)-Aqalka ayaa Talaadada maanta ah meel mariyey sharci cunaqabteyn lagu saarayo Maxkamadda Caalmiga ah ee Dembiyadda(ICC) ee dooneyso in la soo xirro saraakiil sare oo Israiil ah oo uu ku jiro Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu. Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa ka soo horjeedo cunaqabateynta,waxaane loo badinayaa in sharcigaan uu hakad ku jiro Aqalka Senate-ka,balse 42-ka tirsan Xisbiga Dimuqaraadiga ee aqala Isra’iil ayaa jebiyey Xisbigoodii oo u codeeyey. Aqalka Cad ee Jamhuuriga ayaa markii hore muujiyey rabitaan ah iney la shaqeeyaan Dimuqaraadiyiinta si ey u sameeyaan sharciyo laba geesood ah,laakin wada hadaladaas ayaa dhacay ka dib markii Aqalka Cad uu ka soo horjeestay cunaqabateynta. Aqalka Cad iyo senitarada ayaa ka wada hadlay bedelka cunaqabateynta,Axios ayaa horay u sheegay. Sharciga uu soo bandhigay Jamhuuriga Chip Roy oo ey iska kaashadeen in ka badan 60-Jamhuuri ah ayaa gudbay 247/155,waa codeyntii dhacday.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO CUNAQABATEYNAYO MAXKAMADDA ICC.

(SAWIRKA)-MAXKAMADDA ICC.

(WASHINGTON)-Aqalka Dimuqaraadiga ayaa isu arkay iyaga oo wajahaayo kala qeybsanaan caan ah todobaadkan iyaga oo u kala codeynaya in la cunaqabateyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) oo dalbatay waaran qabasho oo ka dhan ah saraakiil sare oo Isra’iil ah. Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa Isniintii shalay ku dhawaaqay mucaaradkiisa rasmiga ah ee sharciga GOP, laakin waxay u badan tahay iney codad ka helaan Xisbiga Dimuqaraadiyiinta Isra’iil. Golaha ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Talaada ah u codeeyo sharciga cunaqabateynta kaaso uu soo bandhigay Xildhibaanka Muxaafidka ah. Chip Roy ayaa sheegay iney iskaashadeen in ka badan 60 Aqalka Jamhuuriga ah. Sharcigu waxa uu cunaqabateyn doonaa kuwa ku lugta leh dacwadda Maxkamadda ICC-da ee dalka Maraykanka ama Mawaadiniinta u dhalatay Maraykanka xulafada aan xubnaha ka ahayn ICC-da sida Isra’iil. Aqalka Cad ayaa Isniintii shalay soo saaray bayaan uu ku sheegay in Madaxweyne Biden uu “si adag uga soo Horjeedo”sharcigaan.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

AGAASIMAHA CIA IYO LA TALIYAHA BIDEN OO KU WAJ..

(SAWIRKA)-AGAASIMAHA CIA.

(WASHINGTON)-Agaasimaha Hayadda Sirdoonka Maraykanka ee CIA Bill Burns iyo Brett McGurk oo ah la Taliyaha Sare ee Madaxweyne Joe Biden ee Bariga Dhexe ayaa u socdaalayo Bariga Dhexe si ey riixaan martigelinta Gaza iyo heshiis xabad joojin ah,sida laga soo xigtay Maraykanka,waxaa kalo arrintaa laga xaqiiqsaday laba ilo wareed oo si toos ah wax uga og. Safarku waa qeyb ka mid ah saxaafadda buuxa ee maamulka Biden si loo helo horumar laga gaaro heshiis,ilo wareeyadda ayaa sidaas yiri. Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Isra’iil ey weeraro culus ka fulisay meelo u dhaw xeradda Qaxootiga AL-Bureej ee Marinka Gaza. Safarka saraakiisha Maraykanka ah ayaa daba socdo khudbadii MW-Biden ee Jimcihii la soo dhaafay ee uu ku soo bandhigay hindisaha Isra’iil ee heshiiska horssedayo in la si daayo la haystayaasha ku jira gacanta Xamaas iyo xabad joojin ka dhacda Marinka Gaza. La taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa Talaadada maanta ah la kulmay Qoysaska la haystayaasha Maraykank ah ey Xamaas ku hayaan Marinka Gaza,sida laga soo xigtay laba ilo wareed oo aqoon u leh kulanka. Sullivan ayaa u sheegay xubnaha qoysaska in maamulka Biden uu adeegsanaayo dhammaan agabkiisa si uu ugu cadaadiyo Xamaas iney aqbasho heshiiska uu soo bandhigay Biden intii uu khudbadiisa ku jiray,sidaas waxaa laga soo xigtay ilo wareedyo ku dhaw.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO SHAACISAY INEY DHINTEEN AFAR LA HAYSTE.

(SAWIRKA) BIDIX”CHAIM PRI,AMIRAM COOPER,YORAM METZGER IYO NADAV POPPLEWELL,OO AH RAGA DHINTA.

(TEL AVIV)-Wararka ka imaanayo dalka Isra’iil ayaa sheegaayo in Ciidamadda Difaaca Isra’iil ey ku dhawaaqeen maanta oo Isnaiin ah iney xaqiijiyeen dhimashadda afar Qof oo Isra’iiliyiin ah oo ey haysteen kooxda Xamaas,ka dib markii la Ururiyey natiijooyin cusub oo Sirdoon ah. Afhayeenka Ciidamadda Difaaca Isra’iil Adm.Daniel Hagari ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in ciidamdu eysan si deg deg ah u xaqiijin karin xaaladaha dhimashadda dadka kala ah”Chaim Peri oo 79-jir ah,Amiram Cooper oo 84-jir ah,Yoram Metzger oo 80-jir ah iyo Nadav Popplewell oo 51-jir ah”,balse ey si buuxda u baari doonaan dhimashadooda. Afhayeen Daniel Hagari ayaa yiri”Waxaan qiyaasnay in afartaas qofood si wadajir ah loogu dilay aaga Khan Yoonis dhawr bilood ka hor,iyagoo ey gacanta ku hayaan kooxda Xamaas iyo xilli ciidamadda Difaaca Isra’iil ey ka hawlgelayeen Khaan Yoonis”. Peri,Cooper,iyo Metzger ayey Xamaas ka soo qabatay Kibbutz Nir Oz todobadii Oktoobar halka Popplewell laga soo qabtay kibbutz Nirim. Xaaska Metzger Tami waa la afduubay waane la sii daayey isla todobaadkii ey socotay xabad joojinta,sidoo kale Popplewell Hooyadiis Channah Peri,Walaalkiis Roi Popplewell ayaa lagu dilay weerarka Xamaas ee Nirim. Dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas ee soo bilawday 7/10/23-ka ayaa ilaa hadda waxaa ku dhintay dad dhan 36-kun Qof oo reer Falastiin ah una badan Caruur iyo Dumar halka ey u dhaawacmeen dad gaarayo ilaa 82-kun Qof,waxaane intaas dheer in Marinka Gaza uu soo gaaray burbur aad u weyn oo dhinac kasta ah taaso u baahan doonto waqti dheer si dib loogu soo dhiso.

ISHA/WAKAALADO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DIYAARADAHA ISRA’IIL OO WEERARAY SUURIYA.

(SAWIR)-KA.MAGAALADDA XALAB.

(ISTANBUL)-La taliye mileteri oo u dhashay dalka Iraan ayaa lagu dilay Waqooyiga dalka Suuriya duqeyn u muuqato iney fulisay Isra’iil,sida ey sheegtay Warbaahinta Gudaha Suuriya maanta oo Isniin ah. Sida ey ku warantay Wakaaladda Wararka ee Tasnim ee dalka Iraan,duqeynta ayaa ka dhacday goobaha Mileteri ee magaaladda Xalab waxaane ku dhintay la taliyihii Mileteriga oo ka tirsan ilaaladda Kacaanka Iraan(IRGC),Warbaahinta gudaha ayaa sarkaalka lagu dilay duqeynta magaciisa ku sheegtay Saciid Abyar iyadoo aan faah faahin dheeraad ah ka bixin shaqada sarkaalka la dilay. Mar sii horeysay, Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Suuriya SANA ayaa sheegtay in duqeymo dhinaca cirka ah oo ey fuliyeen diyaaradaha Isra’iil ey ku dhinteen dad aan tiradooda la sheegin mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Isra’iil kuna saabsan weerarka la sheegay. Horaantii bishii Abriil ee sannadkan 2024-ka,weerar looga shakisan yahay Isra’iil ayaa sababay in todobo la taliye Mileteri oo iraaniyiin ah lagu dilay dhismo ey leedahay Qunsuliyadda dalka Iraan ee magaaladda Dimishiq,saraakiisha la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Reza Zahedi oo ahaay la taliye sare oo ka tirsanaay Ilaaladda Kacaanka Islaamiga ah ee Iraan(IRGC),arrintaan ayaa waxaa ka dhashay in dalka Iraan uu ka aargoosto Isra’iil 15-kii bishii Abriil-2024-ka kuna qaado weerar culus. Isra’iil ayaa si joogta waxa ey weerar ula beegsataa goobaha Mileteri ey Suuriya kaga sugan yihiin la taliyeyaasha Mileteri u dhashay dalka Iraan tan iyo markii uu dalka Suuriya ka bilawday kacdoonka shacabka sannadkii 2011-kii.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA IRAAN OO KU BAAQAY FADHI AAN CAADI AHAYN OO…

(SAWIR)-KA. URURKAISKAASHIGA ISLAAMKA.

(TEHRAN)-Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iraan, Cali Bakher Kani,ayaa maanta oo Axad ah ku celiyey baaaqiisii ku saabsan in shir ey isugu yimaadaan Wasiiradda Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) si looga hadlo duulaanka Isra’iil ka wado Marinka Gaza. Waxa uu hadalkan ka jeediyey mar uu khadka telefoonka kula hadlaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Pakistan Isxaaq Daar oo ey ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyey ee dhulka Falastiin ee Go’odoonsan. Wasiir Cali Bakhir,ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X wuxuu ku sheegay inuu ku wargeliyey dhigiisa Pakistaan in dalka Iraan uu soo jeediyey “Kulan aan Caadi ahayn” oo ey yeeshaan Ururka Iskaashiga Islaamkaee (OIC) si looga hadlo gumaadka Isra’iil ee ka dhanka ah shacabka reer Falastiin ee Marinka Gaza. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la qaaado tallaabooyin wax ku ool ah,halis ah oo wadareed si loo dhaqan geliyo go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda(ICJ),kaaso ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo duulaanka Isra’iil ey ka wado Koonfurta magaaladda Rafax.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIR SEDDEX GEESOOD AH OO BERRI KA DHICI DOONO…

(SAWIR)-KA.FALASTIINIYIIN KU SOO LAABANAAYO GURYAHOODA DEGAANKA JABALIYAH.

(QAHIRA)-Dalka Masar ayaa sara u qaaday dadaaladda lagu xaqiijinaayo heshiis Xabad-joojin ah oo laga gaaro dagalaaka Marinka Gaza iyadoo la tixgelinaayo soo jeedinta cusub ee dalka Maraykanka,ayuu yiri ilo Masaari ah maanta oo Sabti ah. Kanaalka Wararka ee Masar ee AL-Qaahira ayaa ka soo xigtay ilo wareedyo heer sare ah isagoo leh”Waxaa jira dadaallo xoogan oo Masar ey ku doonayaan iney dib ugu noqdaan wada xaajoodka Marinka Gaza iyadoo la tixgelinaayo soo jeedinta Maraykanka ee dhawaan”. “Kulan seddex geesood ah oo dhexmaray Masar,Maraykanka iyo Isra’iil ayaa lagu wadaa inuu berri oo Axad ah ka dhaco magaaladda Caasimadda ah ee Qaahira si ey uga wada hadlaan dib u furista Marinka Rafax ee Masar,iyadoo markaas lagu adkeysanaayo in Isra’iil ey si buuxda uga baxdo Aaga”ayuu yiri isha. “Masar waxay dib u xaqiijisay dhammaan dhinacyadda in Masar ku adkaysan doonto Mawqifkeedi ahaa in aan la furin Marinka Rafax ilaa inta Isra’iil ey sii haysato gacan ku haynta Falastiin”ayuu ku nuuxnuuxsaday qof ku dhaw Masaaridda. Isra’iil ayaa xirtay Marinka Rafax muddo dhan 26-maalmood,taaso dhalisay cabsi laga qabo iney sii xumaato xaaladda bani’adanimo ee ka jirta dhulka Falastiin gaar ahaan Waqooyiga Minka Gaza oo laga soo sheegayo sahay la’aan. Madaxweynaha Maraykanka Biden ayaa Jimcihii shalay sheegay in Isra’iil hordhigtay Xamaas heshiis ka kooban seddex weji oo soo afjaraayo colaada Marinka Gaza ee go’odoonsan,lana sii deyn doono la haystayaasha lagu haysto dhulka xeebaha ah. Madaxweyne Biden ayaa ka codsaday Xamaas iney aqbasho heshiiska, wuxuuna ku booriyey Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu inuu joojiyo cadaadiska uu ku haayo xunaha isbahaysiga maamulkiisa ee ka soo horjeeda qorshihiisa.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BAARLAMAANKA ISRA’IIL OO WADA OLOLE KA DHAN AH

(SAWIR)-KA.UNRWA EE FALASTIIN.

(ISTANBUL)-Dalka Biljam ayaa maanta oo Sabti ah dhaleeceeyey dadaaladda ey wadaan Golaha Baarlamaanka(Knesset) ee Isra’iil oo ey ku doonayaan iney Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga Falastiin(UNRWA) iney ku tilmaamaan koox “Argagixiso” ah lagana xayuubiyo Xasaanadda Diblomaaasiyadeed. “Dalka Biljam waxa uu Cambaareynayaa isku dayga Baarlamaanka Isra’iil uu ku doonaayo inuu UNRWA ugu aqoonsado Urur Argagixiso iyo in Xasaanadda Diblomaasiyadeed laga qaado shaqaalaheeda”,ayey tiri Wasiiradda Arrimaha Dibadda Biljam Hajda Lahbib. Wasiiradda ayaa hoosta ka xariiqday in shaqada Hayaddu tahay mid muhiim u ah shacabka reer Falastiin marka loo eego xaaladda Bani’adanimo ee ka jirta Marinka Gaza. Midawga Yurub ayaa sidoo kale Jimcihii ka dhawaajiyey inuu jiro walaac qota dheer oo ku saabsan dooda ka socoto Baarlamaanka Isra’iil ee ah in UNRWA lagu tilmaamo koox Argagixisa ah. “Midawga Yurub wuxuu aad uga walaacsan yahay wada hadaladda Baarlamaanka Isra’iil ee ku saabasan in UNRWA loo aqoonsado Urur Argagixiso,lagana laabto Xasaanadda iyo Mudnaanta shaqaalaheed”,sidaas waxaa hadal uu soo saaray ku yiri Josep Borrell oo ah Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midawga Yurub,Isra’iil ayaa sii wada weeraradda Naxariis daridda ah ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin marka laga soo bilaabo Todobadii Oktoobar-2023-kii. Sida uu sheegay maamulka caafimaadka Marinka Gaza dagaalka ka socdo Marinka Gaza ayaa ila hadda waxaa ku dhintay dad gaarayo ilaa 36-kun qofood kuwaaso badankoodu ah Caruur iyo Dumar, waxaane ku dhaawacmay ilaa 82-kun Qof oo kale,Isra’iil ayaa ilaa hadda waxaa loo haystaa iney Xasuuq ba’an ka gaysatay Marinka Gaza,waxaan amar soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ kaaso ah in si deg deg ah Isra’iil u joojiso hawlgaladda ey ka wado Rafax.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MASAR OO BEENISAY HADALKII ISRA’IIL.

(SAWIR)-KA.RAFAX.

(QAHIRA)-Horaantii maanta oo Khamiis ah waxa aan idinla wadaagnay war sheegaayo in dawladda Masar ogolaatay in la furo Isgoyska Rafax si dadka reer Falastiin loo gaarsiiyo gargaarka ey u baahan yihiin,hadalkaas ayaa waxaa soo sheegtay xukuumadda Netanyahu iyo saxaafadda taageerto Yahuudda,si akhristayaasheyna ula socdaan wararka warbaahintu faafiyaan qaarkood u yihiin ku day ku qadi meyside ayaan rabnaa inaan halkaan idinkula wadaagno hadal ka soo baxay xukuumadda Msaaridda oo sheegaayo in hadalkii saakay ka soo yeeray Isra’iil uu ahaay mid been ah dawladda Masarne eysan wax heshiis ah kuna saabsan isgoyska Rafax la gelin Isra’iil. Xukuumadda Masar ayaa beenisay wararka Isra’iil ee sheegaayo in Isra’iil iyo Masar ey ku heshiiyeen in dib loo furo Marinka Rafax. Ilo wareedyadda Masar ayaa xaqiijiyey warbixino ey siiyeen Channel-ka wararka Qaahira in dalkiisa ey ka go’an tahay in Isra’iil gebi ahaan isaga baxdo Marinka Rafax si ey shuruud ugu noqoto iney shaqadeedi dib u bilawdo.

ISHA/ALSH.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MADAXA HAYADDA UNRWA LAZZARINI OO KA HADLAY…

(SAWIR)-KA.XARUNYA CAAFIMAADKA EE SABRA’A EE UNRWA.

(WASHINGTON)-Madaxa Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga Falastiin(UNRWA) ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay in weerarada Isra’iil ee ka dhanka ah Hayadda iney tahay in la joojiyo. Phillipe Lazzarini ayaa sheegay in dagaalka Isra’iil ee Marinka Gaza”Uu keenay Ixtiraam la’aan Qaawan oo ku wajahan hawlgalka Qaramada Midoobeoo ey ku jiraan weerarada shaqaalaha,Xarumaha iyo Hawlaha UNRWA. “Weeraradaan waa iney joojiyaan,duniduna waa iney ka hawlgashaa sidii ey ula xisaabtami lahayd dembiilayaasha”ayuu ku qoray qoraal uu kun qoray Wargayska New York Times. Waxa uu sheegay in shaqaalaha UNRWA si joogta ah loogu dhibaateeyo laguna bahdilo isbaarooyinka Isra’iil ee Daanta Galbeed oo ey ku jirto Bariga Qudus. Lazzarini wuxuu xusay in ugu yaraan 192-shaqaale UNRWA ah lagu dilay Marinka Gaza in ka badan 170-dhuimse oo UNRWA leedahayne la burburiyey. “UNRWA kaliya ma ahan Hayadaha Qarmadda Midoobe ee wajahayso khatarta,bishii Abriil rasaas ayaa haleeshay Barnaamijka Cuntada Adduunka(WFP) iyo baabuurta Hayadda UNICEF,sida muuqata si bareer ah ayaa loo risaaseyey,laakin inkasta oo ey la shaqeyso maamulka Isra’iil”ayuu yiri Lazzarini.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

WASIIRKA MAALIYADDA ISRA’IIL OO U HANJABAY DAWLADDA FALASTIIN.

(SAWIR)-KA. CIIDAMADDA ISRA’IIL OO XABSIGA U TAXAABAYO MAWAADIN FALASTIINI AH.

(QUDS)-Wasiirka Maaliyadda ee Isra’iil ayaa ku hanjabay iney burburin doonaan magaalooyinka,xaafadaha iyo Xeryaha Falastiiniyiinta ee waqooyiga la haysto ee Daanta Galbeed Khamiista maanta ah,si la mid ah wixii ciidamadu ka sameeyeen Marinka Gaza. “Fariintayadda waxa ey ku socoto dadka degan Tool-Karam,Xaafadda Shuweykha iyo Xeradda Qaxootiga ee Nuur Alshamsi iyo magaaladda Qalqiiliya,waxaan idinka dhigi doonaa magaalooyin burburay sida ka dhacday Marinka Gaza haddii Argagixisinimo”lagu dhaqmo degsiimooyinka, Bezalel Smotrich oo ah Hogaamiyaha Sionism Diimaha Midigta Fog ayaa sidaas ku qoray Bartiisa(x). Smotrich ayaa ku hanjabay inuu “Sii wadi doono inuu xukumo Yahuuda iyo Samaariya” Erayga Kitaabiga ah ee Daanta Galbeed ey Isra’iil haysato. Isagoo la hadlaayey mawaadiniinta reer Isra’iil ayuu Smotrich ku andacooday in “Haddii loo ogolaado in la dhiso dawlad Falastiiniyiin ah,degsiimooyinka Daanta Galbeed waxaa lagu qaadi karaa weerar la mid ah”midkii kooxaha Falastiiniyiinta ku qaadeen saldhigyadda Mileteri ee Isra’iil iyo degsiimooyinka ku dhaw Marinka Gaza todobadii Oktoobar-2023-kii. Wasiirka Xagjirka ah ayaa ku nuux-nuuxsaday diidmadiisa uu ku diidan yahay in la dhiso dawlad Falastiin leedahay,isagoo sheegay ineysan dhici doonin. Xisbiga Diimeed ee Sionism ayaa ah Xisbi si aad ah u taageero degaameynta dhulka Falastiin si Isra’iil ey yeelao dhulka reer Falastiin intiisa hadda u hartay Falastiin.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BAARLAMAANKA ISRA’IIL OO QARKA U SAARAN IN LA KALA DIRO.

(SAWIRKA)-BENNY GANTZ.

(QUDS)-Xisbiga dhexe ee xubnta ka ah Golaha Wasiiradda dagaalka Isra’iil Benny Gantz ayaa soo gudbiyey sharci Khamiista maanta ah si uu u kala diro Baarlamaanka Isra’iil(Knesset),ujeedadiisu tahay in la qabto Doorashooyin waqti hore. Madaxa Xisbiga Midawga Qaranka Pnina Tamano-Shata(Asalkeeda Itoobiya) ayaa soo bandhigtay sharci lagu kala diraayo 25-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Isra’iil,Xisbiga wuxuu ku sheegay War Saxaafadeed. “Tamano-shata waxay ku soo beegantay iyadoo la sii wado dhaqdhaqaaqa uu hogaaminaayo Hogaamiyaha Xisbiga,Wasiir Benny Gantz,si loo gaaro doorashooyin is afgarad ballaaran,bisha Oktoobar ee soo socoto,ka dib sannad Xasuuqii”ayey tiri iyada oo la tixraacaayo Oktoobar-7 ee xuduudaha. Weerar ey Isra’iil ku qaaday sannadkii hore kooxda Falastiin ee Xamaas. Tamano-Shata ayaa tiri” 7-da Oktoobar waa musiibo u baahan in aan dib ugu laabano oo aan helno kalsoonidda shacabka si loo dhiso dawlad Midnimo ballaaran oo xasilloon oo inagu hogaamiso inaan si nabad ah oo aan uga hortagno caqabadaha baaxadda leh ee dhinacyadda Amniga,dhaqaalaha iyo wixii ka sareeya,dhammaan bulshada Isra’iil”ayuu Xisbiga ku daray hadalkiisa.

ISHA/AA.

SII AKHRI

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA ALJEERIYA OO QARAAR QABYO QORAAL AH U GUDBIN…

(SAWIR)-KA.SAFIIRKA AL-JEERIYA EE QARAMADDA MIDOOBE.

(NEW YORK)-Ilo diblomaasiyadeed oo ku sugan New York ayaa u sheegay Wargayska AL-Carabi AL-Jadeed in dalka AL-Jeeriya uu soo bandhigi doono qaraar qabya ah kuna saabsan magaaladda RAFAX si loogu codeeyo Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe dhammaadka Todobaadkan ama bilawga Todobaadka soo socdo ugu dambayn. Wakiilka dalka AL-Jeeriya ee Qaramadda Midoobe Camaar Binjameh ayaa hadallo kooban oo uu saxafiyiin kula hadlayey magaaladda New York fiidnimada Caawa oo Arbaca ah ku sheegay in dalkiisa uu ujeedkiisu yahay”In Qoraalka Qaraarka Qabyada ah uu noqdo mid gaaban oo dhammaystiran oo uu ku codsanaayo in la joojiyo dilka ka socdo magaaladda RAFAX”. Marka loo eego Qaraarkan Qabya Qoraalka ah uu Wargayska AL-Carabi AL-Jadeed uu helay nuqul ka mid ah,Qaraarka ayaa ku baaqaayo “Xabad joojin deg deg ah oo ey ixtiraamayaan dhinacyada oo dhan”iyo waxay mar kale dalbanaysaa in dhamman dhinacyadda iska soo horjeedo ey u hogaamsamaan waajibaadkooda . Dadka rayidka ah ee Falastiin kuna nool Marinka Gaza adeegyadda aasaasiga ah iyo gargaarka bani’adanimo ee lagama maarmaana u ah sii jiritaankooda”.

ISHA/AL-CARABI AL-JADEED.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SIRDOONKA ISRA’IIL IYO MAXKAMADDA ICC-DA MAXAA KALA HAYSTA?

(SAWIR)-KA.NETANYAHU IYO GALLANT.

(LONDON)-Tan iyo markii uu dhacay weerarkii ey ciidamadda Isra’iil ku qaadeen magaaladda Rafax waxaa isa soo teraayey cambaareynta loo jeedinaayo Isra’iil iyo eedeymaha loo soo jeedinaayo hogaanka dagaalka Isra’iil ee Marinka Gaza. Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ah ee ICC ayaa waaran lagu soo qabanaayo waxa ey la damacsan tahay Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu,Wasiirka Gaashaandhiga Gallant iyo taliyaha ciidamadda Isra’iil,arrintaan ayaa maamulka Isra’iil ku abuurtay welwel aad u weyn waxa eyna keentay in Isra’iil bilawdo sidii ey uga hortegi leheed ICC-da Waarankeeda inta uusan si rasmi ah u soo bixin. Dadaaladda ey wadaan Hayaddaha Sirdoonka Isra’iil si ey u wiiqaan saameyna ugu yeeshaan Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ah(ICC) waxay noqon kartaa”Dembiyo ka dhan ah maamulka Cadaaladda”waane inuu baaro dacwad oogaha guud,khubaradda sharciga ayaa sidaas leh. Iyagoo ka jawbaayo daah-furka ku saabsan ilaalinta Isra’iil iyo hawlgaladda basaasnimadda ee ka dhanka ah ICC-da,khubaro badan oo hormuud ka ah sharciga caalamiga ah ayaa sheegay in hab dhaqanka adeegyadda Sirdoonka Isra’iil uu noqon karo Dembi.

ISHA/THE GUARDIAN.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

QAREEN KA HADLAY WEERARKII RAFAX SHEEGAYNE…

(SAWIR)-KA.GUBASHADII RAFAX.

(RAFAH)-Waxay ku qaadatay ku dhawaad nus saac in Ambalaasyadii ugu horeeyey iyo dab-demiska ey gaaraan Teendhooyinka gubanaayo ee Xeradda Nabadda Kuweyt ee magaaladda Rafax habeenimadii Aaxada. Isku soo wada duuboo,burburka keenay iney gaabiyaan gaadiidka gurmadka ayaa sii huriyey dabka oo ku sii fidiyey guryo ku meel gaar ah oo ey degan yihiin dad barakacayaal ah. Zuhayr oo ah Qareen 36-jir ah,waxa uu fadhiyey wada u dhaw Teendhadiisa isaga oo la socday warka saaxibadiis,iyadoo iftiinkii u dambeeyey ee madaw uu cirka ka baxay,markii qaraxa uu gilgilay aaga abaarihii 8:45-habeenimo. Waxa uu u soo orday dhankii dhawaqa isaga oo u naxsan xaaskiisa,caruurtiisa iyo saaxibadiis. Aragti jahanamo ayaa ka soo horjeeda,si aad u fool xun ayuu naxdin darteed bilaabay. “Waxaan meel walba ku arkay Meyd caruur gubanaysa,waxaan arkay madaxyo aan meyd lahayn,kuwa dhaawacmayne waa ey yaaceen iyagoo xanuun haayo,qaar waa ey nool yihiin laakin waxa ey ku dhex go’odoonsan yihiin Teendhada Gubanaysa”.

ISHA/THE GUARDIAN.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HAYADDA SAMAFALKA EE JIKOOYINKA ADDAUUNKA OO..

(SAWIR)-KA.GAARI EY ISRA’IIL GENTAAL KU DHUFATAY.

(RAFAH)-Dhulaka Falastiin,Gayadda Jikadda Dhexe ee Adduunka ee Cuntada Siisa Marinkka Gaza eyna aafeeyeen dagaaladda ayaa sheegtay iney joojisay hawlihii ey ka wadeen magaaladda koonfureed ee dhulka Falastiin ee Rafah sbabao la xiriiro”Weeraradda Joogatada ah”ee aagaas. Hayadda samafalka ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka waxaa asaasay cunadda caanka ah ee Isbaanashka-Maraykanka ah ee Jose Andres si ey cunto u siiso bulshooyinka ey wajahayaan dhibaatooyinka Bani’adanimo iyo Masiibooyinka. “Marka laga eego hawlgaladda Isra’iil ee Farax,qoysas aan tiro lahayn ayaa lagu qasbay iney mar kale cararaan”,ayey Hayaddu ku sheegtay barteeda X ee horay loogu yaqiin Twitter goor dambe oo Talaadadii shalay ah. “Weeraradda joogtada ah ayaa nagu qasbay inaan joojino shaqada jikadda weyn ee Rafax oo aan u rarnay qaar badan oo ka mid ah jkooyinkii bulshayada oo dhan waqooyiga fog”. Hayadda samafalka ayaa dhawaan dib u bilawday shaqadeeda Marinka Gaza ka dib markii todoba ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay seddex weerar oo ey fuliyeen diyaaradaha Isra’iil ee aan duuliyaha wedin.

ISHA/AN.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO WEERARTAY DALKA SUURIYA.

(SAWIR)-KA.DHISMO KU BURBURAY WEERARKA ISRA’IIL.

(BEIRUT)-Wasaaradda difaac dalka Suuriya ayaa sheegtay in weerar cirka ah oo ey Isra’iil maanta oo Arbaca ah ku dishay Gabar eyna ku dhaawacday 10-Qof oo kale oo rayid ah xeebta dalkaas,iyadoo kormeere dagaal uu sheegay in weerar kale lagu dilay seddex dgaaalayahan oo taageersan Ururka Xizbullah. “Cadawga Isra’iil ayaa weerar cirka ah ka soo qaaday dhanka dalka Lubnaan,iyagoo beegsaday bar dhexe iyo dhismo dad degan yihiin kuna yaalo magaaladda Baniyas ee gobolka xeebta halkaas ey ku dileen gabar iyo dhaawac10-Qof oo rayid ah”,ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda difaac dalka Suuriya. Kormeerayaasha dagaalka dalka Suuriya ayaa sheegay in gabar la dilay ka dib markii Gentaal ey Isra’iil soo tuurtay iyo Gentaal difaac cirka Surriya ey isla qarxeen dabadeedna ee kuwada dheceen Xeebta. “Laba qarax ayaa dib uga dhacay …magaaladda xeebta ku taalo ee Baniyas,waxaa ku dhintay gabar”,ayuu yiri kormeeraha fadhigiisu yahay Ingiriiska kaaso tirada dadka rayidka ah ee dhaawaca ah ku sheegay in ka badan labaatan Qof. Kormeeraha ayaa sheegay in “Qaraxyadu ka dhasheen Gentaal Isra’iil leedahay iyo Gentaal difaac cirka ee Suuriya oo soo dhacay”. Kormeerka ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta ey Isra’iil ka gaysatay bartamaha Suuriya ey ku dileen seddex dagaalyahan oo Suuriyiin ah oo la shaqeynaayey Ururka Xizbullahi ee dalka Lubnaan.

ISHA/AN.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO GUDBOSAY CODSIGEEDA WADA XAAJOODKA.

(SAWIR)-KA.MADAXA SIRDOONKA ISRA’IIL(MOSSAD)-DAVID BARNEA.

(TEL AVIV)-Mareegta Cibriga ah ee WALLA ayaa sheegtay Talaadada maanta ah in maamuka Isra’iil uu u gudbiyey dhexdhexaadiyeyaasha(Masar,Qadar iyo Maraykanka) shalay qoraal asmi ah,qoraal iyo soo jeedin rasmi ah oo ku saasban heshiis lala galo Xamaas,shabakadda ayaa intaas ku dartay in soo jeedintu ey si weyn u eegayso mabaadi’ida guud ee Madaxa Sirdoonka Isra’iil(MOSSAD) David Barnea uu u gudbiyey Reysul Wasaaraha Qadar isla markaasne ah Wasiirka Arrimaha dibadda dalak Qadar Maxamed Bin C/raxmaan Althani isagoo joogo Paris Jimcihii la soo dhaafay. Soo jeedinta Isra’iil ee la cusbooneysiiyey waxaa ka mid ah rabitaanka ah in la muujiyo dabacsanaan ku saabsan tirada Maxaabiista nool ee lagu sii deyn doono wejiga koowaad ee Bani’adanimaddaa ee heshiiska iyo sidoo kale in la isu diyaariyo in laga hadlo codsiga Xamaas ee ah”Xabad Joojin Joogta ah”ee Marainka Gaza. Waxaa la filaa sida laga soo xigtay Mareegta WALLA in Reysul Wasaaraha Qadar uu maanta ku wareejiyo soo jeedinta Isra’iil wakiiladda Xamaas ee ku sugan Dooxa. Telefishanka Isra’iil ee “KAN” ayaa ku waramay in Isra’iil hinisaheeda u gudbisay dhexdhexaadiyeyaasha maanta,iyadoo saraakiil ajnabi ah oo aan la magacaabin ey rumaysan yihiin in balaarinta hawlgalka ciidamadda Isra’iil ee Raax ey sii adkeyn doonto wada xaajoodka.

ISHA/NA.

SII AKHRI

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HAYADDA UNRWA OO KA HADASHAY XAALADDA RAFAX.

(SAWIR)-KA. DADKII EHELKOODA KU DHINTEEN WEERARKII RAFA EE AXADII DHACAY.

(HAMILTON-CANADA)-Qaramadda Midoobe ayaa Talaadada maanta ah carabka ku adkeysay sawiradda murugadda leh ee ka dhashay duqeyntii diyaaradaha Isra’iil ey ka gaysteen Xero ku taal magaaladda Rafax ee Koonfurta Marina Gaza Axadi la soo dhaafay,iyadoo sheegtay in ugu yaraan 200-Qof ey ku dhinteen weerarkaas. “Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah ilo caafimaad oo caalami ah lana hadlay kooxdeyna ayaa sheegay in ugu yaraan 200-Qof lagu dilay weerarkaas oo ey ku jiraan Caruur iyo Dumar”,Julliete Touma oo ah Agaasimaha Isgaarsiinta ee Hayadda Gargaarka iyo Shaqadda ee Qaramada Midoobe(UNRWA) ayaa u sheegtay warfidiyeenadda mar ey qabatay la shir. Juliette ayaa ku nuux-nuuxsatay in natiijadda weerarka ey tahay mid”Weyn”waxa eyna aad u kordhisay cabsida guud ee goobta ey wax ka dheceen ama lagu hoobtay. Juliette Touma ayaa xustay in ka badan Hal Milyan oo qof ey ka tageeen magaaladda Rafax tan iyo markii ciidamadda Isra’iil ey hawlgal ka bilaabeen Rafax lixdii bishaan,waxa eyna Touma sheegtay in weli uu socdo barakacii Rafax.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More