Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO KA WALAACSAN ARRINTA ICC-DA.

(SAWIR)-KA. JOHN KIRBY.

(WASHINGTON)-Maamulka Biden ayaa Talaadada maanta ah sheegay iney ka soo horjeedaan cunaqabateynta Jamhuuriyiintu ku riixayaan Koongareeska ee ka dhank ah Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ah si ey uga jawaabaan go’aanka dacwad oogaha ee ah inuu dalbaddo waaran qabasho oo ka dhan ah Hogaamiyeyaasha Isra’iil ee dagaalka Gaza. Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka waxay wadeen la tashiyo ey la yeelanayeen Jamhuuriyiinta iyo Dimuqaraadiyiinta Aqalka iyo Senitka oo ku saabsan talaabadda suuragalka ah ee ka dhanka ah Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ah(ICC). Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka John Kirby ayaa hadal kooban oo uu siiyey saxafiyiinta ku sheegay in cunaqabateyntu “eysan ahayn jawaabta saxda ah”ee lagula tacaalaayo waaranka soo qabashaadda Hogaamiyeyaash Isra’iil ee ka soo socda Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ah(ICC),wuxuune intaas ku daray in maamulkiisu ka soo horjeedo arrintaas. Xoghayaha Warfaafinta Aqalka Cad Karine Jean-Pierre oo hadashay Kirby ka dib ayaa ku celisay fariintaas waxayna sheegtay in sharciga ka dhanka ah ICC-da “Ma ahan wax uu maamulku taageeraayo”. “Cunaqabateynta ICC-da ma ahan qalab wax ku ool ah ama ku haboon oo wax looga qabanaayo walaacyadda Marayanka. Waxaan kala shaqeyn doonaa Koongareeska doorashooyin kale oo aan wax kaga qabano xadgudubka ICC-da”ayey tiri.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BIDEN TALAABO MAKA QAADI DOONAA ISRA’IIL.

(SAWIR)-KA. BURBURKII XERADDA QAXOOTIGA RAFAX.

(WASHINGTON)-Maamulka Madaxweyne Biden ayaa weli qiimeynaya in duqeyntii Isra’iil ey ku dishay ugu yaraan 45-Qof oo Falastiiniyiin ah oo ku barakacay xero ku taalo Rafax Axadii shalay ey xadgudub ku tahay “Khadka Cas” ee Madaxweyne Biden,laba sarkaal ah oo Maraykan ah ayaa u sheegay AXIOS. Biden ayaa horaantii Bishan ku hanjabay inuu joojin doono bixinta qaar ka mid ah hubka weerarka ah ee uu Maraykanku sameeyey haddii Isra’iil ey gasho xarumaha dadweynaha ee Rafax,magaaladda ku taalo Koonfurta Gaza ayaa loo arkaa iney tahay xaruntii ugu dambaysay Xamaas. Saraakiisha Maraykanka ayaa markii dambe sharaxay in dhibaato bani’adanimo oo ka dhalatay barakicii ballaaran ee dadka rayidka ah ee Rafax ey sidoo kale noqon karto xadgudub lagu sameeyey Khadka Cas ee Biden. Weerarkaan dhinaca cirka ah ayaa ah dhacdadii ugu dhimashadda badneyd ee ka dhacda Rafax tan iyo markii Isra’iil ey bilawday duulaanka ey ku hayso magaaladda Rafax horaantii bishaan. Saraakiisha caafimaadka Gaza oo ey maamusho Xamaas ayaa sheegay in haween iyo Caruur ey ku jiraan dadka la dilay. Weerarkaan ayaa dhacay maalin uun ka dib markii Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ ey amartay Isra’iil iney si deg deg ah u joojiso hawlgaladda Mileteri ee magaaladda Rafax.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA YEMAN OO SHEEGTAY INEY WEERAREEN MARAAKIIB…

(SAWIR)-KA.ASKARTA XUUTIYIINTA YEMAN.

(ISTANBUL)-Kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay iney weerar la beegsadeen laba ka mid ah Maraakiibta Maraykanka ee wax burburiya iyo seddex Markab oo maraayey Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. War qoraal ah uu soo saaray afhayeenka Xuutiyiinta Yaxye Sareex ayaa sheegay in dagaalyahanadooda ey ku weerareen diyaaradaha aan duuliyaha wedin iyo laba Gentaal oo ah kuwa wax burburiyo waxaane lala beegsaday Markabka Minerva Lisa oo maraayey Badda Cas. Afhayeenka ayaa sheegay in Markabka Larego Desert ee Maraykanka iyo Markabka Isra’iil MSC mechela lagu beegsaday Badweynta Hindiya,ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dawladda Maraykanka kuna saabsan sheegashadda Xuutiyiinta. Xuutiyiinta ayaa beegsado Maraakiibta laga leeyahay Isra’iil,kuna hawlgala Calankooda ama ku si jeeda dekedaha Isra’iil ee mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Iyadoo Maraykanka iyo Ingiriiska ey bilaabeen duqeymo aargoosi ah oo dhinaca cirka ah kana dhan ah kooxda Xuutiyiinta Yeman,ayey kooxdu ku dhawaaqday iney beegsan doonto Maraakiibta Ingiriiska iyo Maraykanka.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XOGHAYAHA QM OO CAMBAAREEYEY XASUUQII RAFAX.

(SAWIR)-KA.XASUUQII KA DHACAY RAFAX.

(CANADA)-Xogahyaha Guud ee Qaramadda Midoobe Antonio Guterres ayaa maanta oo Isniin ah cambaareeyey duqeynta khasaaraha badan dhalisay ee Isra’iil ey ku qaaday Xero ey ku sugnaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalo magaaladda Rafax ee Koonfurta Marinka Gaza. “Waxaan Canbaareynayaa falalka Isra’iil ee lagu dilay dad fara badan oo Rayid ah kuwaaso aan waxba galabsan,dadkaan la dilay ayaa raadinaayey gabaad kaliyah ey kaga gamabadaan colaada Gaza”,sidaas waxa bartiisa X ku qoray Guterres. Madaxa Qaramadda Midoobe ayaa carabka ku adkeeyey in eysan jirin ‘Meel nabdoon kuna taal Marinka Gaza” wuxuuna Guterres ku baaqay in la joojiyo Argagaxaan. Ugu yaraan 45-Qof una badan Caruur iyo Dumar ayaa ku dhintay ku dhawaad 250-Qof kalane waa ey ku dhaawacmeen weerar ey Isra’iil ku qaaday Xero ey ku sugnaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalo Rafax maalintii shalay oo Axad ahayd. Weeraraka ayaa ka dhacay meel u dhaw saldhigga saadka ee Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga Falastiin ee UNRWA Tal AL-Suldaan sida uu sheegay xafiiska warbaahinta dawladda uu fadhigeedu yahay Marinka Gaza. Ololaha Mileteri ee Isra’iil waxa uu u rogay in badan oo ka mid ah xeraddii ey ku noolaayeen 2.3-Milyan Qofood meel baaba’aday,taaso ka dhigan in dad badan oo rayid ah iney yihiin Hooy la’aan eyna soo wajahday Macluul. Magaaladda Rafax ayaa ah goob gabaad u ah hal milyan oo qaxooti reer Falastiin ah kuwaaso isaga soo cararay Marinka Gaza,Isra’iil ayaa ku andacootay in goobta ey weerartay ey ku dishay hogaamiyeyaal Xamaas ka tirsan.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO LABA SHAQAALE CAAFIMAAD KU DISHAY RAFAX.

(SAWIR)-KA.ISBITAALKA KUWEYT EE RAFAX.

(ANKARA)-Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa sheegtay maanta oo Isniin ah in laba shaqaale caafimaad oo shaqada ku jiray kuna sugnaay Isbitaalka Kuweyt ee magaaladda Rafax ee Koonfurta Marinka Gaza ey dileen ciidamadda Isra’iil. War Qoraal ah ey soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa ku tilmaamay weerarka ciidamadda Isra’iil ku qaadeen shaqaalaha caafimaadka ee shaqada ku jiray inuu ahaa “Dembi aad u fool xun” oo xaqiijinaayo in Tel Aviv ey dooneyso iney burburiso nidaamka cafimaadka ee Marinka Gaza ee Go’odoonsan. “Waxaan ku boorineynaa beesha caalamka iyo Hayadaha Qaramada Midoobe iney soo farageliyaan si ey xarumaha caafimaadka iyo shaqaalaha uga ilaaliyaan qabsashada Isra’iil,dilka iyo burburinta” ayey Wasaaradu raacisay hadalkeeda. 13-kii Bishaan Maajo,Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in ugu yaraan 500-Qof oo shaqaale caafimaad ah la dilay tan iyo markii uu bilawday dagaalka Isra’iil ee Marinka Gaza Oktoobar-7/2023-kii. In kastoo digniino caalami ah ey soo saareen haddane ciidamadda Isra’iil ayaa 6-dii bishaan weerar dhanka dhulka ah ku qaaday magaaladda Rafax,waxaane tan iyo xilligaas ey isku balaariyeen bariga magaaladda Rafax waxa eyna gaareen ilaa bartamaga magaaladda Rafax. Qiyaastii 1.5-Milyan oo Falastiiniyiin barakacayaal ah ayaa megangalyo u raadsaday magaaladda Rafax,Qaxootiga reer ee lagu qiyaasay iney dhan yihiin ilaa 800-kun Qof ayaa ka qexeen magaaladda tan iyo markii uu bilawday weerarka ciidamadda Isra’iil. Isra’iil ayaa sii waday weerarka naxariis daridda ah ey ku hayso Marinka Gaza in kastoo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe uu soo saaray qaraar uu ku dalbanayo xabad joojin deg deg ah. Ugu yaraan 36,050-qofood oo Falastiiniyin ah ayaa lagu dilay Marinka Gaza,badi dadka la dilay ayaa u badan Caruur iyo Dumar,in ka badan 81-kun oo kalane waa lagu daawacay tan iyo 7/10/2023-kii.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XASUUQII UGU XUMAAY OO KA DHACAY RAFAX.

(SAWIR)-KA.DADKII LAGU XASUUQAY RAFAX.

(RAFAH)-Duqeymo dhinaca cirka ah oo ey fuliyeen ciidamadda Isra’iil ayaa waxa ey ku dileen ugu yaraan 35-Qof oo Rayid ah oo Falastiiniyiin ah kuna sugnaay xero ey degan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalo magaaladda Rafax,sida ey sheegeen maamulka caafimaadka Marinka Gaza ey gacanta ku hayaan Xamaas. Tani waa dhacdadii ugu dhimahsada badneed ee ka dhacda Rafax tan iyo markii Isra’iil ey weerarkeeda ka bilawday magaaladda Rafah horaantii bishaan Meey-2024-ka. Weerarka Isra’iil ayaa dhacay maalmo uun ka dib markii Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ey ku amartay Isra’iil iney si deg deg ah u joojiso hawlgaladda Mileteri ee Rafax. Duqeymaha dhinaca cirka ee Isra’iil ayaa sababay dab balaaran oo ka kacay gudaha xeradda ka sameysan teendhadda. Muuqaalo lagu faafyey baraha bulshadda ayaa muujinaayo meydad gubtay oo laga soo saarayey xarunta. Ciidamadda difaaca Isra’iil ayaa xaqiijiyey in diyaarad ey leeyihiin Isra’iil iney duqeyn ka gaysatay degaanka,waxayna sheegeen in bartilmaameedku ahaay xarunta Xamaas ey ku leedahay Rafax “oo ey ka hawlgalaan kooxda Xamaas”. Dhinaca kale,war ey soo saartay Wasaaradda caafimaadka Xamaas ayaa sheegay in Xasuuqa cusub ee ka dhacay Rafax ayaa si weyn looga cambaareeyey dhulka Falastiin halka ciidamadda Isra’iil ey sheegeen iney duqeeyeen xarun ey Xamaas ku leeyihiin Rafax Iyadoo Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ey ka digtay in “Weligeed Taariikhda lagu arkin tiro intaas la’eg oo ah dil wadareed la soo abaabulay oo si wadjir ah loo isticmaalo indhaha adduunka sida hadda ka dhacayso Gaza”,Xafiiska Warbaahinta dawladda ayaa carabka ku adkeeyey qabashadda Rafax. Waxaa la beegsaday in ka badan toban xarumood oo lagu hoobtay saacadihii la soo dhaafay waxaane ku dhintay in ka badan 190-Qof. Xasuuqani waxa uu sii xumaynayaa khasaaraha dagaalka Marinka Gaza ka socdo tan iyo bishii Oktoobar todobadeedii sannadkii 2023-ka,tirada dhimahsada ilaa hadda waxa ey dhan tahay 35,984-Qof,dhaawacana waa 80,643-Qof,wxaane burbur baaxad leh uu soo gaaray kaabayasha dhaqaalaha,waxaane dhulkaasi ka jirto xaalad bani’adanimo oo aad u adag.

ISHA/WAKALADO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO HUB KA IIBIN DOONO SACUUDIGA.

(SAWIR)-KA.XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA ANTONY BLINKEN.

(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa la filayaa inuu qaado xayiraada dhanka ka iibinta hubka wax lagu weeraro dalka Sacuudiga,waxaane laga yaabaa iney arrintaasi dhacdo todobaadyadda soo socdo sida uu maanta oo Axad ah sheegay Wargayska Financial Times. Dawladda Maraykanka ayaa durba dalka Sacuudiga u muujisay iney diyaar u tahay in xayiraada laga qaado sida uu wariyey Wargyaska isaga oo soo xiganaayo qof la socday arrintaan. Wax yar ka dib markii uu xafiiska la wareegay MW-Biden 2021-kii,ayuu Biden waxa uu qaatay Mawqif adag oo ku saabsan ololaha Sacuudiga ee ka dhanka ah Xuutiyiinta Yeman ee xulafadda la ah dalka Iraan,kuwaaso gaystay khasaaro ba’an oo rayid ah,iyo xaaladda Riyaad ee dhinaca Xuquuqda aadanaha ah gaar ahaan dilkii 2018-kii ee Washington Post saxafi u shaqeynaayey isla markaasne mucaarad ku ahaay siyaasadda dalka Sacuudiga Jamal Khashoggi. Dalka Boqortooyadda Sacuudiga oo ah Macaamiisha ugu weyn ee iibsata Hubka uu sameeyo Maraykanka ayey ka careysiisay xanibaadahaasi,kuwaaso xayiray nooca iibka hubka ee maamuladii hore ee Maraykanka ey bixin jireen tobanaan sano. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa Arbacadii sheegay in Maraykanka iyo Sacuudiga ey aad ugu dhawaayeen iney soo afjaraan heshiisyo ku saabsan tamarta Nukliyeerka,Amniga iyo iskaashiga difaaca,qeybta laba geesoodka ah ee heshiiska caadiga ah ee Riyaad iyo Isra’iil. Si kastaba ha ahaatee,qaadista xayiraadda iibka hubka wax lagu weeraro ah si toos ah ulama xiriirin wada hadaladaan ayuu yiri Wargayska Financila Times. Aqalka Cad ee dalka Maraykanka iyo Xafiiska Isgaarsiinta dawaladda Sacuudiga si deg deg ah ugama jawaaabin codsi ey Wakaaladda Wararka Reuters u dirtay oo faallo ah.

ISHA/REUTERS.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA OO XABSIGA KA SII 113-MAXBUUS.

(SANA’A)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa maanta oo Axad ah(26/5/24)-ka waxa ey xabsiga dhexe ee magaaladda Sanca laga sii daayey in ka badan 100-Maxbuus oo ku xirnaay magaaladda caasimadda ah ee Sanca iyagoo talaabadaan ku tilmaamay mid hal dhinaca ah oo ey ku doonayaan iney cafis ugu fidiyaan Maxaabiista,dibna loogu celiyo qoysaskooda. “Intooda badan waa kiisas bani’adanimo oo ey ku jiraan kuwa xanuunsan,kuwa dhaawacmay iyo kuwa da’a ah”ayuu yiri C/qaadir AL-Murtada oo ah Madaxa Gudiga Arrimha Maxaabiista ey hayaan Xuutiyiinta oo ku dhawaaqay sii deynta Maxaabiista sheegayne iney ahaayeen Askar ka tirsan ciidamadda Xukuumadda Yeman ee caalami ahaan loo aqoonsan yahay oo ey Xuutiyiintu gacanta ku dhigeen. Dhinaca kale,Xukuumadda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegtay in dadka la xiray eysan ahayn askar sida ey sheegeen Xuutiyiinta balse ey yihiin dad rayid ah ey Xuutiyiintu ka qafaasheen guryahooda,Masaajidada iyo goobohooda shaqo. “In dhibanayaasha lagu sii daayo magac kasta kama saareyso Xuutiyiinta dembigaas” waxaa sidaas yiri Maajid Fadli oo ah Wasiir ku Xigeenka Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda calamku aqoonsan yahay ee dalka Yeman ayaa qoraal ahaan ku qoray bartiisa X. Hayadda Laan Qeerta Cas ee caalamiga ah(ICRC) ayaa maanta oo Axad ah xaqiijisay sii deynta 113-Maxbuus oo lagu soo qabtay iska horimaadyada u dhexeeyey ciidamadda Dawladda Yeman iyo kooxda Xuutiyiinta,waxayna bayaan ey soo saartay ICRC-da ku sheegtay iney Maxaabiista ka caawisay xaqiijinta sii deyntooda iyo iney tahay mid bani’adanimo oo sharaf leh.

ISHA/REUTERS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XASUUQ KA SOCDO WAQOOYIGA DAAR-FUUR EE SUUDAAN.

(SAWIR)-KA.QAXOOTIGA REER SUUDAAN.

(UN)-Khabiir ka tirsan Qaramada Midoobe ayaa sheegay in Gobolka Daar-Fuur ee dalka Suudaan uu wajahaayo “khatarta sii kordheysa ee Xasuuqa”. Iyadoo dalku uu horey u wajahay dhibaato Qaxooti ,Rabshado xoogan oo ka dhex Qarxay ciidanka Suudaan iyo Xoogaga Taageeradda deg dega ah ee RSF si ey maamulaan dalka bishii Abriil-2023-kii,taaso dhalisay iska horimaad joogta ah oo socday muddo dhan hal sano. Tobanaan kun ayaa la dilay halka ku dhawaad 2.3-Milyan ey u qaxeen wadamadda deriska la ah dalka Suudaan,waxaane gudaha dalka Suudaan ku barakacay dad dhan 2.22-Qof. Alice Wairimu Nderitu,oo ah la taliyaha gaark ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobe u qaabilsan ka hortaga Xasuuqa ayaa Barnaamijka NEWSDAy ee Idaacadda BBC-da u sheegay”Waxaan haysanaa xaaladdo uu ku dhici karo ama uu dhacay”. In kastoo beesha caalamku ey ku baaqday xabad joojin hadane waxaa gobolka ka socdo dagaallo,waxaa sii xoogaystay dagaalka ka socdo magaaladda AL-Faashir oo ah caasimadda Waqooyiga Daar-Fuur,halkaas oo Nderatu uu sheegay in dad badan oo rayid ah loo bartilmaameedsado qawmiyadaha ey ka soo jeedaan.

ISHA/NA.

SII AKHRI

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

GAARI QARAX LAGU SOO XIRAY OO KU QARXAY DIMISHIQ.

(SAWIR)-KA. GAARIGA QARAXA LAGU SOO XIRAY.

(DAMASCUS)-Bam gaari lagu soo xiray ayaa ku Qarxay Subaxnimadii maanta oo Sabti ah Galbeedka caasimadda Suuriya ee Dimishiq,goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku yaalo dhismayaal ey degan yihiin Hayaddo Diblomaasiyadeed,Qarax ayaa waxaa ku dhintay hal Qof waxa uuna sababay burbur hantiyadeed sida ey sheegtay Warbaahinta dawladda Suuriya. Xaafadda Mazze ee caasimadda Dimishiq waxaa ku yaalo Qunsuliyadda dalka Iraan oo bishii hore lagu burburiyey weerar lagu eedeyey Isra’iil iney ka dambeysay. Weerarkaas xilligaas dhacay ayaa waxaa lagu dilay todobo qof ey ku jiraan laba Jineraal oo dalka Iraan u dhashay iyo xubin ka tirsan kooxda Xizbullah ee dalka Lubnaan eyna taageerto Iraan,waxa uuna dhaliyey in weerar toos ah ey ciidamadda dalka Iraan ey ku qaadaan Isra’iil markii ugu horeysay.taaso dhalisay cabsi laga qabo in dagaalka uu ku fido Gobolka oo dhan. Duqeymo dhawr ah oo dhanka cirka ah ayaa bilihii la soo dhaafay ka dhacay xaafadda sida adag loo adkeeyey amnigeeda,waxaane weerarka la beegsaday saraakiil reer Iraan ah.

ISHA/NA

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TALYAANIGA OO UGU DEEQAYA FALASTIIN 35-MILYAN OO YUURO.

(SAWIR)-KA. RW-GIOGIA MELONI.

(ROME)-Reysal Wasaaradda dalka Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa Sabtida maanta ah ku kordhisay taageeradda dalkeeda u haayo si loo gaaro xabad joojin waarta oo ka dhacda Marinka Gaza. RW-Meloni kulan ey magaaladda caasimadda ah ee Rome kula yeelatay dhigeeda Falastiin Md.Maxamed Mustafa ayey Meloni sheegtay iney taageereyso dadaaladda caalamiga ah ee lagu sii deynaayo dhammaan la haystayaasha ku harsan gacanta Xamaas iyo sidii loo horumarin lahaa qeybinta gargaarka bani’adanimo ee dadka rayidka ah kuna sugan Gaza. Dawladda Talyaaniga waxa ey kordhin doontaa maalgelinta hindisaha cunadda lagu gaarsiinaayo Marinka Gaza,Talyaaniga ayaa bilaabay inuu raashin gaarsiiyo Gaza isagoo kaashanaayo dhawr hayadood oo caalami ah kana shaqeeyo bani’adanimada ujeedaduna ey tahay in gargaar badan la gaarsiiyo gudaha degaanka go’odoonsan ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Meloni. “Intii uu socday kulanka u dhexeey Rw-Meloni iyo RW-Mustafa ayey RW-Meloni waxa ey ku celcelisay baahidda loo qabo in dib loo bilaabo hanaanka siyaasadeed ee horseedi kara nabad waarta oo ku salaysan xalka labad gobol:” ayey raacisay Meloni. Dhanka kale,Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Antonio Tajani ayaa u sheegay RW-Mustafa in dawladda Talyaaniga ey 35-Milyan oo Yuuro oo maalgelin cusub ah u qoondeysay dadka rayidka ah ee reer Falastiin taaso 5-Milyan oo mid ah lacagtaas ey ku bixi doonto Hayadaha Qaramada Midoobe u qaabilsan Falastiin ee UNRWA,sidaas waxaa sheegtay warbaahinta dalka Talyaaniga.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

PARIS: SHIR SHALAY KA DHACAY PARIS MUXUU SOO KODHIN KARAA?

(SAWIR)-KA. BILL BURNE,BARNEA IYO MAXAMED BIN C/RAXMAN ALTHANI.

(PARIS)-Kulan shalay oo Jimce ah Paris ku dhexmaay Agaasimaha CIA-da dalka Maraykanka Bill Burns, Agaasimaha Sirdoonka Isra’iil ee Mossad Barnea iyo Reysul Wasaaraha dawladda Qadar Maxamed Bin C/raxman Althani ayaa horumar ka sameeyey suurtagalnimada in dib looga wada xaajood la haystayaasha ku sugan Marinka Gaza,sidaas waxaa sheegay saraakiil Maraykan iyo Isra’iil ah. Wada hadaladda aan tooska ahayn ee u dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas ee ku aadan heshiis suurtagal ah oo laga gaaro maxaabiista ey hayso Xamaas waxa ey horseedi kartaa Xabad joojin ku meel gaar ah oo ka hirgasha Marinka Gaza,laba todobaad ka hor ayey ahayd markii uu Qaahira iyo Dooxa ey ka kala dheceen kulano la isku mari waayey markii dambane lagu kala kacay. Madaxweynaha dalka Maraykanka Bidem,Agaasimaha CIA-da iyo la taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka Jake Sullivaniyo iyo saraakiil sarsare oo Maraykan ah ayaa si shaqsi ah uga qeyb qaatay dalaaladda lagu doonaayo in lagu sii daayo la haystayaasha ku jira gacanta Xamaas kuwaaso lagu soo qabtay weerarkii dhacay 7/10/2023-kii. Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa u arka heshiiska la haystayaasha inuu yahay dariiqa kaliyah ee lagu gaari karo xabad joojin iyo soo afjaridda suurtagalnimada dagaalka dhibaato siyaasadeed ku noqday MW-Biden ka hor inta eysan dalka Maraykanka ka dhicin doorashada Madaxweyne kuna beegan NOV-2024-ka.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA MASAR OO OGLAADAY IN KEREM SHALOM LA..

(SAWIR)-KA. MW-EL SISI.

(QAHIRA)-Cadaadiska Maraykanka,dawaladda Masar ayaa ogolaatay iney dib u bilawdo qulqulka gaadiidka xamuulka ee gargaarka u sida Marinka Gaza ka dib markii la hakiyey laba todobaad ka hor waxaane u sabab ahaay Isra’iil oo la wareegtay Rafax dhanka Falastiin. Go’aanka Masar laba todobaad ka hor wuxuu si weyn hoos ugu dhigay tirada gargaarka ee soo gelaysa Marinka Gaza,waxa uuna uga sii daray dhibaatada bani’adanimo ee ka jirta dhulka Falastiin. Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa maanta oo Jimca ah waxa uu la hadlay dhigiis Masar C/fataax El Sisi wuxuuna ka codsaday inuu dib u bilaabo gaarsiinta gawaaridda gargaarka,sidaas waxa laga soo xigtay saraakiil Maraykan ah. Madaxweynaha dalka Masar C/fataax El sisi ayaa oglaaday qulqulka gargaarka bani’adanimo ey bixiso Qaramada Midoobe ee Masar,iyadoo la sii marinaayo Marinka Kerem Shalom si ku meel gaar ah looguna qeybiyo Gaza oo dhan sida lagu sheegay akhrinta Maraykanka. “Tani waxa ey gacan ka gaysan doontaa badbaadinta nolosha”ayuu yiri Aqalka Cad ee dalka Maraykanka. Dawladda Masar ayaa sheegtay in labada dhinac ey ku heshiiyeen in baabuurta gargaarka iyo shidaalka lagu wareejiyo Kerem Shalom”Si ku meel gaara ah”ilaa laga furaayo isgaoyska Rafax,sida laga sheegay akhrinta ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

ISHA/AXIOS

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO LA AMRAY INEY JOOJISO DUULAANKA RAFAX.

(SAWIR)-KA.MAXKAMADDA IIC-DA.ISRA’IIL OO LA

(HAGUE)-Maxkamadda Qaramadda Midoobe ayaa maanta oo Jimca ah amartay Isra’iil iney si deg deg ah u joojiso duulaanka Mileteri ey ku hayso Koonfurta Marinka Gaza ee magaaladda Rafax,laakin waa ey ka gaabisay iney amarto Xabad-Joojin laga sameeyo dhulka Go’odoonsan. In kasta oo Isra’iil eysan u badneyn iney u hogaansanto amarka hadane waxay kor u qaadi doontaa cadaadiska saaran Isra’iil iyo iney sii gasho Go’odoon. Dhaliilaha loo jeedinaayo hab dhaqanka Isra’iil ee dagaalka Marinka Gaza ayaa sii kordhaayey gaar ahaan markii ey Isra’iil diiradda saartay Magaaladda Rafax. Todobaadkan oo kaliyah seddex wadan oo Yurub ka tirsan ayaa ku dhawaaqay iney aqoonsan doonaan dawladda Falastiin ah,waxaane dacwad Oogaha guud ee Maxkamadda kale oo Caalami ah uu codsaday in la soo qabto Hogaamiyeyaasha Isra’iil oo ey wehliyaan saraakiil ka tirsan Xamaas.

ISHA/AW.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIA,MOSSAD IYO DAWALADDA QADAR OO KU….

(SAWIR)-KA.MADAXDA YURUB ISKU ARKI DOONTO.

(WASHINGTON)-Agaasimaha CIA Bill Burns ayaa la filaa inuu u safro Yurub maalmaha soo socdo si uu kulan ula yeesho Madaxa Mossad ee Isra’iil iyo Reysul Wasaaraha Qadar si ey u soo nooleyaan wadahadaladda lagu sii deyn lahaay la haystayaasha Gaza iyo in la Xabad-Joojin laga sameeyo dhulka Go’odoonsan,sida ey sheegeen seddex sarkaal oo Maraykan iyo Isra’iil ah. Wada hadaladda aan tooska ahayn ee u dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas oo ku saabsan heshiiska la haystayaasha kaaso horseedi kara xabad-joojin ku meel gaar ah oo Marinka Gaza ka dhacda ayaa laba todobaad ka hor la isku mari waayey ka dib markii ey dheceen wada hadalo ka dhacay Qaahira iyo Dooxa. Madaxweyne Biden,Bill Burns,la taliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan iyo saraakiil sarsare oo Maraykan ah ayaa si shaqsi ah uga qeyb qaatay dadaaladda lagu doonaayo in lagu sii daayo la haysatayaashii Xamaas qafaasheen markii ey weerareen Isra’iil 7/10/2023-ka.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXKAMADDA ICC-DA OO KU DHEGAN NETANYAHU.

(SAWIR)-KA. RW-NEYANYAHU.

(WASHINGTON)-Madaxa dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda ayaa codsaday in la soo xiro Reysul Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu iyo Hogaamiyeyaasha Xamaas todobaadnkan,kuwaas oo lagu eedeyey dembiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah aadanaha intuu socday dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo Xamaas. Waaranka soo xiridda haddii la soo saaro,waxaa ey sii go’odoomin doontaa Isra’iil waxayna noqon doontaa canaan caalami ah oo muhiim ah ololaha Mileteri ee Isra’iil ee Marinka Gaza iyo weerarkii arxan darada ahaa ee Xamaas ee Oktoobar 7-2023-ka ee Isra’iil. Kuwa lagu soo rogay Waaranka uma badna in lagu soo xiro ama lagu Maxkamadeeyo ICC-da taaso eyanan aqoonsaneyn badi quwadaha waa weyn oo aan lahayn awoodo dhaqangelineed sida caadiga ah ey heli karaan Hayadaha kale ee garsoorka. Awaamiirtaan ayaa sidoo kale loo badinayaa iney saameyn ku yeelan doonto colaada Xamaas ee ku wajahan Isra’iil ama Istaraatiijiyadda Mileteri ee Isra’iil ee Marinka Gaza taaso lagu dhaleeceeyey iney ka taxadareyso dhaawacyadda rayidka ah iyo burburka jireedka ey gaysatay.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA IYO UK OO WEERARAY XUUTIYIINTA YEMAN.

(SAWIR)-KA.DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA IYO UK.

(SANA’A)-Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa maanta oo Khamiis ah bilaabay iney fuliyaan duqeyn dhinaca cirka ah oo ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta Yeman,duqeynta ayaa waxaa lala beegsaday gobolka xeebta ku yaalo ee Xudeyda,sidaas waxaa sheegay kooxda Xuutiyiinta. Telefishan Al-Masiiraha ey maamulaan Xuutiyiinta ayaa sheegay in laba weerar oo dhinaca cirka ah lala beegsaday Garoonka Diyaaradaha ee AL-Xudeyda,mana jiro wax war ah oo ku saabsan inta uu la eg yahay khasaaraha ka dhashay weerarka dhacay maanta. Horaantii maanta,Hogaamiyaha kooxda Xuutiyiinta C/malik AL-Xuuti ayaa fariin laga soo duubay ku sheegay in ciidamadoodu ey beegsadeen 119-Markab oo Maraykan ah,Isra’iil iyo Ingiriiska leeyihiin tan iyo markii ey bilaabatay xiisadda Badda Cas bishii Noofembar-2023-kii. Kooxda Xuutiyiinta ayaa qiratay in lix weerar oo dhinaca cirka ah oo ey fuliyeen diyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska lala beegsaday Garoonka Diyaaradaha AL-Xudeyda iyadoo aan la sheegin khasaaro dhimasho iyo dhaawaca h.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

RW-NETANYAHU OO KA HORYIMID QORSHIHII XABAD JOOJINTA GAZA.

(SAWIR)-KA.GOLAHA DAGAALKA EE ISRA’IIL.

(QAHIRA)-Ilo Masaari ah ayaa daaha ka qaaday maanta oo Khamiis ah in Isra’iil eysan diyaar u ahayn iney ogolaato Xabad-joojin ka dhacda Marinka Gaza,sida laga soo xigtay Kanaal Qaahira. “Mawqifka Isra’iil weli diyaar uma aha Xabad-joojin iyo heshiis isdhaafsi ee la haystayaasha”ayuu yiri isha heerka sare ah oo codsaday inaan la magcaaabin,laakin ma eysan sheegin sababo gaar ah oo ku saabsan diidmadda Tel Aviv. Horaantii maanta,Isra’iil waxay amartay gorgortanka iney dib u bilaabaan wada hadaladda Xabad-joojinta Marinka Gaza iyo heshiiska isdhaafsiga la haystayaasha,sida ey sheegtay Warbaahinta. In kasta oo oo ey Xamaas aqbashay soo jeedinta Masar iyo Qadar ee Xabad-joojinta iyo isdhaafsiga la haystayaasha 6-dii bishaa shanaad-2024-ka. Reysul Wasaaraha Isra’iil Brnjamiin Netanyahu ayaa ku eedeeyey Xamaas iney isku dayday iney kharibto hawlgaladda Isra’iil ee Rafax,wuxuuna cadeeyey in Mawqifka Xamaas uu ka hoos maray qancinta daladaadka muhiimka ah ee Isra’iil.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA LIBIYA OO DIB LOOGA CELIYEY MUHAJIRIIN DHAN 80-KUN.

(SAWIR)-KA.MUHAAJIRIIN DIB LOOGU CELINAAYO DALKOODA.

(TRIPOLI-LIBYA)-Hayadda Socdaalka Adduunka ee (IOM) ayaa Talaadadii shalay ahayd ku dhawaaqday in tan iyo sannadkii 2015-kii 80-kun oo Muhaajiriin ah si iskood ah loogu soo celiyey dalka Libiya lana geeyey dalalkoodii asal ahaan ey ka soo jeedeen iyadoo loo maraayo Barnaamijka Isxilqaanka ee bani’adenimada(VHR). Hindisanahaan waxa uu taageero muhiim ah siiyey kuwa doonaayo iney si nabad ah ugu laabtaan dalkooda. Sida laga soo xigtay Hayadda Socdaalka Addunk(IOM),Muhaajiriinta dib loogu celiyey dalalkooda waxaa ka mid ah 2,733-Qof oo dhibanayaal u ah kuwa wax tahriibiya,843-Caruur ah oo aan waalidiintooda eysan la socon ama kala maqan yihiin iyo 5,144-Qof oo qaba baahi caafimaad. Marka ey ka soo laabtaan soo gelootigaan waxa ey helaayaan taageero dib u dhaxgal ah oo dhammaystiran oo ey ku jirto kaalmo dhaqaale,mid Bulsho iyo mid Maskax bulsho ah iyadoo loo maraayo xirmo dib u dhexgal oo shaqsi ah. “Shaqaalaha Hayadda Socdaalka Adduunka(IOM) waxay shaqeeyaan habeen iyo Maalin si ey u caawiyaan Muhaajiriinta Nugul ee ku sugan Libiya kuwaaso u baahan gargaar ilaalin deg deg ah. U ogolaanshaha soogelootiga iney sameeyaan doorashooyin xogogaal ah iyo in la xaqiijiyo xaqa ey u leeyihiin iney ku laabtaan dalkooda,Barnaamijka VHR waxa uu bixinayaa rajo yar mark ey la kulmaan dhibaatooyin ba’an” sidaas waxaa yiri Tauhid Pasha oo ah ku simaha Madaxa Hawlgalka ee Hayadda Socdaalka Adduunk(IOM) ee dalka Libiya. Tan iyo markii uu meesha ka baxay Taliskii Mucamar AL_Qadaafi sannadkii 2011-kii,dalka Libiya waxa uu noqday goob muhiim u ah oo ey ka baxaan Muhaajiriinta isku dayeysa iney ka gudbaan Badda Miditereeniyanka si ey u gaaraan Qaaradda Yurub. Barnaamijka VOLUNTARY HUMANITARIAN RETURN(VHR) ee Hayadda IOM-ta waxa uu hiigsanayaa inuu si badbaado leh oo sharaf leh u soo celiyo Muhaajiriinta ku Go’odoonsan dalka Libiya,wax ka qabashadda baahiyahooda deg dega ah iyo in laga caawiyo sideey dib ugu dhex milmi lahaayeen bulshooyinkooda.

ISHA/WAKALADO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DHIMASHADDA MARINKA GAZA OO GAARTAY 35,700-QOF.

(SAWIR)-KA. MEYDADKA MARINKA GAZA.

(ANKARA)-Dhimashadda Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza ee ka dhashay weeraradda dilaaga ah ee Isra’iil ayaa kor u dhaaftay 35,709-Qof tan iyo todobadii Oktoobara ee sannadkii hore 2023-kii,Wasaaradda Caafimaadka ee dhulak Go’odoonsan ayaa sheegtay maanta oo Arbaca ah,sidoo kale weerarada Isra’iil ayaa waxaa ku dhaawacmay dad gaaraayo ilaa 80-kun Qof. Weeararadda ey qaadeen ciidamadda Isra’iil 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay dad dhan 62-Qof halka ey dhaawacmeen 138-Qof kale,waxaane jira dad fara badan oo weli ku xayiran burburka dhismooyinka iyo wadooyinka waayo samata bixiyeyaasha ayaa awdoodi kari waayey iney gaaraan goobahaas. Isra’iil ayaa sii wada weerarka naxariis darada ah ey ku hayso Marinka Gaza in kastoo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe uu soo saaray qaraar ku baaqaayo xabad joojin deg deg ah oo laga sameeyo dhulkaas. In ka badan todobo bilood ayuu socdaa dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil,waxaane burburay dhul baaxad weyn oo ka tirsan Marinka Gaza iyadoo ey yaraadeen Cuntadii iyo Biyihii nadiifka ahaay ee dadku cabaayeen. Isra’iil ayaa lagu eedeeyey Xasuuq Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda taaso ku amartay Isr’iil iney hubiso in ciidankeeda eysan sameynin falal Xasuuq ah oo ey qaadaan tallaabooyin lagu damaanad qaadaayo in gargaarka bani’adanimo la siiyo dadka rayidka ah ee Gaza.

ISHA/AA.

Read More