Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SEDDEX DAL OO YURUB AH OO AQOONSADAY FALASTIIN.

(SAWIR)-KA.RW-NORWAY.

(LONDON)-Dalalka Norway,Irland iyo Spain ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay iney Aqoonsanayaan Dawladda Falastiin ah,waa tallaabo taariikhi ah waxaane canbaareeyey Isra’iil halka ey ku farxeen dadka reer Falstiin. Isra’iil ayaa isla markiiba amartay iney dib u soo ceshato Safiiradeedii u kala fadhiyey dalalka Norway iyo Irland. Aqoonsiga rasmiga ah ee Dawladda Falastiin ayaa la sameyn doonaa 28/5/24-ka,horumarku waa tallaabo loo qaaday rabitaanka Falastiiniyiinta ee mudada dheer ka soo horjeeday caradda caalamiga ah ee dhimashadda dadka rayidka ah iyo dhibaatooyinka bani’adanimo ee Marinka Gaza ka dib markii Ciidamadda Isra’iil ey weerareen halkaas. Dhinaca kale, Magaaladda Qudus,Wasiir ka tirsan Xukuumadda Midigta-Fog ayaa booqasho Daandaansi ah ku tegay goob Barakaysan ee Muslimiinta iyo Yahuuda. Wasiirka Amniga Qaranka Isra’iil Itamar Ben Gvir ayaa booqasho ku tegay dhismaha Masjidka AL-Aqsa’a ee Barakaysan kaaso Yuhuuda ey ku tilmaamaan Temple Mount,waxay u badan tahay iney sii kordhiso xiisadda Gobolka oo dhan.

ISHA/AW.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

RAFAX OO EY SOO WAJAHDAY CUNTO LA’AAN.

(SAWIR)-KA. CARUURTA KU NOOL RAFAX.

(GAZA)-Qaramada Midoobe ayaa joojisayy cunto qeybintii Rafax sababto ah Amni-xumadda ka jirta Koonfurta magaaladda Gaza iyo sahay la’aan,Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga Falastiin ayaa sheegtay shalay oo Talaada ahayd. Dadka ku nool qeybo ka mid Marinka Gaza ayaa durba waxaa soo food saartay macluul,dhammaan dadka magaaladda ayaa wajahaya heerar dhibaato oo cunto yari ah ama wax ka sii daran,sida lagu sheegay warbixin ey soo saartay Hayadda Cuntada Adduunka ee Qaramadda Midoobe(WFP). Xaaladuhu waa jiraan in kasta ey jiraan hoos u dhac ku yimid gargaarka bani’adanimo ee ka imaanayey dalka Maraykanka iyo wadamada kale ee reer Galbeedka. Hayadda UNRWA ayaa baraha bulshadda ku sheegtay in xarunteed qeybinta iyo bakhaarka barnaamijka cuntada adduunka ee Rafax in labaduba noqdeen kuwa aan la geli karin sabab la xiriirta hawlgaladda ciidanka ee ka socdo Bariga magaaladda Rafax.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADDA ISRA’IIL OO QAATAY QALABKII WAKAALADDA ASSOCIATED PRESS.

(SAWIR)-KA.BURBURKA GAARAY WAQOOYIGA GAZA.

(KSA)-Saraakiisha Isra’iil ayaa qabsatay Kaamarad iyo Qalab kale oo warbaahineed oo ey iska leedahay Wakaaladda Wararka Associated Press(AP) Koonfurta Isra’iil maanta oo Talaada ah,ciidamadda ayaa ku eedeeyey Wakaaladda (AP) iney ku xadgudubtay sharciga cusub ee Warbaahinta Isra’iil ka dib markii (AP) ey sawiro siisay Tv-caalamiga ah ee AL-Jazeera. TV-ga AL-Jazeera ee dalka Qadar ayaa ka mid ah kumanaan macaamiil oo si toos ah muuqaalo uga helo Wakaaladda Wararka (AP) iyo ururo kale oo warbaahineed oo caalamka ah,falkaan ey maanta ku keceen ciidamadda Isra’iil ayaa waxaa cambaareeyey Masuuliyiinta Wakaaladda Wararka Associated Press ee fadhigoodu yahay dalka Maraykanka. “Wakaaladda Wararka ee Associated Press(AP) waxay si adag u cambaareyneysaa ficilkii dawaladda Isra’iil ee lagu xiraayo quudkeena mudada dheer ee muujinaayo aragtida Marinka Gaza oo lala wareegay qalabka AP”ayey tiri Lauren Easton oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka Isgaarsiinta shirkadda ee Ururka Wararka.

ISHA/AW.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

PARIS: MAXKAMADEYNTA SEDDEX EEDEYSANE OO SUURIYIIN AH.

(SAWIR)-KA.MAXKAMADDA PARIS.

(PARIS)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Faransiiska ee Paris ayaa sheegaayo in halkaasi ey maanta oo Talaada ah Maxkamad ku taalo Paris ey bilawday dhegaysiga dacwad ka dhan seddex Saraakaal oo horay uga tirsanaay ciidanka Sirdoonka dalka Suuriya kuwaaso loo haysto iney Jirdil iyo Dil u gaysteen Aabe iyo Wiilkiisa oo Faransiis ah basle aslal ahaan ka soo jeedo dalka Suriya,Aabaha iyo wiilkiisa ayaa la xiray toban sano ka hor xilligaas ey socdeen dibad-baxyo ka dhan ah Hogaamiyeyaasha wadamadda Carabta qaarkood eyna Suuriya ka mid tahay,Waaran caalami ah ayaa loo soo saaray Eedeysanayaasha iyadoo Maxkamad la saaraayo iyagoo maqan. Aabe Mazen Dabbagh iyo Wiilkiisa Patric ayaa lagu xiray magaaladda Dimishiq ee ah caasimadda Suuriya sannadkii 2013-kii ka dib markii ey hayadaha Amniga ka hortageen dibad-baxyo markii dambe isu bedelay dagaal sokeeye oo bahalnimo ah kaasoo hadda galay sannadkii 14-aad. Baaritaan la xiriiro Aabahaan iyo Wiilkiisa ayaa bilawday sannadkii 2015-kii markii Cubeyd Dabbagh oo la dhashay Mazen Dabbagh uu u marag furay baarayaal horay u baaraayey dembiyadda dagaalka ee ka dhacay dalka Suuriya.

ISHA/AW.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHEEKHA SHIICADDA CIRAAQ OO LA HADLAY SAFIIRKA MARAYKANKA.

(SAWIR)-KA.SHEEKH AL-XAKIIMI.

(BAQDAD)-Wadaadka Shiicadda dalka Ciraaq Camaar AL-Xakiimi iyo Safiirka Maraykanka ee Ciraaq Alina Romanowski ayaa ka wada hadlay isbedeladda siyaasadeed ee dalka Ciraaq iyo tan Gobolka. Hadal Qoraal ah oo la soo dhigay barta(X) ayey Romanowski waxa ey ku sheegtay iney wada hadallo wanaagsan la yeelatay AL-Xakiimi oo ah Hogaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Xikamadda Qaranka Ciraaq(AL-Xikma),”Horumarka Siyaasadda,Amniga,Dimuqaraadiyadda iyo Xuquuqda Adanaha “iyadoo labada dhinacba ey qaadayaan tilaabooyin iskaashi. “Maraykanka iyo Ciraaq waxay sii wadaan ka wada shaqeynta sidii ey u dhisi lahaayeen Ciraaq Xasilloon,amaan ah oo madax banaan” ayey raacisay hadalkeedii. Dhaqdhaqaaqa AL-Xikmi ayaa kulan ka dib waxa uu soo saaray bayaan uu ku sheegay in AL-Xakiimi uu ku baaqay in la soo afjaro hawlgalka isbahaysiga caalamiga ah ee uu Maraykanku hogaaminaayo ee Ciraaq”. AL-Xakiimi ayaa sidoo kale ku baaqay in xiriirka Ciraaq iyo isbahaysiga lagu bedelo xiriirka laba geesoodka ah ee Ciraaq iyo qaar ka mid ah xubnaha isbahaysiga. Dalka Ciraaq ayaa horay u shaaciyey in 25-kii Janaayo heshiis lala gaaray dalka Maraykanka si loo dejiyo jadwal lagu soo afjaraayo hawlgalka Mileteri ee isbaheysiga kaaso la aas-aasay markii uu bilawday dagaalkii ka dhanka ahaay kooxda Daacish/ISIS,hawlgalkaan ayaa waxaa hogaaminaayey Maraykanka,waxaane si tartiib tartiib ah loo dhimay taliyeyaasha isbaheysiga. Saldhigyadda ey leeyihiin ciidamadda isbaheysiga ayaa marar badan weeraro kala kulmay maleeshiyaadka shiicadda ee ey taageerto Iraan.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA IRAAN OO YEELAN DOONO MADAXWEYNE CUSUB.

(SAWIRKA)-MASUULIYIINTII KU DHIMATAY DIYAARADII UU LA SOCDAY MADAXWEYNAHA IRAAN.

(TEHRAN-IRAN)-Hogaamiyaha sare ee kacaanka Islaamiga ah ee Iraan Ayatollah Sayid AL-Khameyni ayaa u magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Iraan Maxamed Mukhbir Madaxa Fulinta. Hogaamiyaha ugu sareeyo dalka Iraan ayaa ku dhawaaqay Magacaabista maanta oo Isniin ah,maalin ka dib markii Madaxweyne Ebrahim Raysi iyo kooxdii la socotay ey ku shahiideen shil diyaaradeed oo ka dhacay Gobolka Waqooyi-Galbeed ee Azarbajaan. Ayatollah Khameyni ayaa soo saaray dhambaal Tacsi ah kaaso uu ku sheegay in Mukhbir uu la wareegi doono fulinta isagoo cuskanaayo Qodobka 131-aad ee Dastuurka dalka Iraan. Waxaa kaloo uu u xilsaaray Mukhbir iyo madaxa labada laamood ee kale ee dawaladda Iraan kalana ah Madaxa Garsoorka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Iraan,iney u diyaar garoobaan Doorashada lagu soo dooranaayo Madaxweyne Cusub ugu badnaan 50-Maalmood Gudahood. MA JIRAAN WAX CARQALAD AH OO KU YIMID DALKA. Kulan deg deg ah ey yeeshaeen Golaha Wasiiradda dalka Iraan maanta oo Isniin ah,Mukhbir ayaa ugu baaqay xubnaha Golaha Wasiiradda iney sii wadaan si kalsooni leh oo adag sidii hore si ey ugu adeegaan shacabka. Waxa uu sheegay in nidaamka dalka uu yahay mid dhisan oo adag,isla markaasne eysan jiri doonin dhibaatada ugu yar ee ka jirta maamulka dalka. Golaha Wasiiradda Iraan fadhigii deg dega ahaa ey yeesheen waxa ey go’aamiyeen in la saaro Gudi u xil saaran qaban qaabadda Aaska Marxuumka iyo wafdigiisa. Gudiga waxaa Madax u ah ku xigeenka Raysi ee arrimaha fulinta Muxsin Mansuur. Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale go’aamiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan ey u doortaan Wasiir ku meel gaar ah ee Arrimaha Dibadda iyo Gudoomiyaha Gobolka Bariga Azerbajaan. Madaxweyne Ebrahim Raysi,Wasiirka Arrimaha Dibadda Xuseen Amir-Cadollahayaan,Gudoomiyaha Gobolka Azerbajaan ee Bari iyo lix qofood oo kale ayaa saarnaay diyaaradda Helikobtarka ah markii ey ku burburtay Gobolka Varzaqan shalay oo Axad ahayd. Diyaaradahooda iyo laba kale oo Helikobtara ah ayaa ku sii jeeday magaaladda Tabriz saacado ka dib markii MW-Raysi oo uu wehliyo dhigiisa Azerbajaan Ilham Caliyev ey daah fureen Biyo-Xireenka wadajirka ah ee Qiz Qalasi ee Xuduudka labada wadan horaantii Axaddii shalay. MW-Raysi ayaa la doortay sannadkii 2021-kii waxa uuna ahaay Madaxweynihii sideedaad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan. Arrintaan shalay ka dhacday dalka Iraan ayaa waxaa ka hadlay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dalka Iraan Maxamed Jawaad Dariif waxa uuna dhibka dhacay dusha ka saaray dalka Maraykanka sida uu Boggiisa ku soo daabacay Tv-ga AL-Carabiya qeybtiisa Afka Carabiga,waraysi uu siiyey TV-ga Qaranka ee Iraan maanta oo Isniin ah,waxa uuna Dariif sheegay in Maraykanku yahay mid ka mid ah kuwa loo haysto dilka Madaxweyne Rasyi iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Xuseen Amir-Cabdollahiyaan.

ISHA/WAKALADO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DIYAARADAHA TURKIGA OO QEYBQAADANAAYO RAADINTA BURBURKA DIYAARADII SIDAY…

(SAWIR)-KA. GOOBTA LOO MALEYNAAYO INEY KU BURBUTRTAY DIYAARADII SIDAY MW-RAYSI.

(ISTANBUL)-Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Turkiga AKINCI(UAV) ayaa aqoonsaday isha kulaylka subaxnimadii hore ee Isniinta(Waqtiga Iraan) oo looga shakisan yahay iney tahay burburka diyaaradda Helikobtarka ah oo uu la socday Madaxweynaha Iraan Ibrahim Raysi waxayna la wadaagtay isku xirka maamulka dalka Iraan. Ka dib markii ey burburtay diyaaradda Helikobtarka ah ee siday MW-Raysi Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa u xil saartay diyaaradda AKINCI UAV iyo nuuca COUGAR Helikobtarka oo leh awooda wax araga habeenkii si ey uga qeyb qaataan hawlaha raadinta. Madaxweyne Raysi ayaa Axadii ka qeybgalay xaflad lagu furaayey biyo-xireen laga sameeyey xuduuda Iraan iyo Azerbajaan iyadoo diyaarad Helikobtar ah ey qaaday. Telefishanka Qaranka ee Iraan ayaa sheegay in shilkan uu yimid markii diyaarad Helikobtar ah oo uu watay MW-Raysi ey si adag u degtay xilli ey ka soo laabatay Gobolka. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iraan Xuseen Amiir-Cabdullahian ,Malik Rahmeti,Gudoomiyaha Gobolka Bari ee Azarbajaan,iyo Imaam Ayatullahi Cali Haashim oo ka tirsan Gobolka Tabriz ayaa sidoo kale la socday diyaaradda Helikobtarka. Kooxaha Goobidda iyo Samatabxinta ayaa ka warbixinaaya in shaqada ey ku sii socoto si dhib leh xaaladaha cimiladda oo xun awgeed.

ISHA/WAKALADO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

TAKHTAR SUURIYAN AH OO LA LA’AAY IN KA BADAN…

(SAWIR)-KA.MARYAM KAMALZAM.

(WASHINGTON)-Saraakiisha Maraykanka ayaa soo saaray sir gaar ah oo si weyn loo aamini karo oo soo jeedinaayo in mawadin Maraykakn ah oo la waayey todobo sano ka hor isaga oo ku safrayo Suuriya uu dhintay,gabadha u dhalay ninkaas ayaa sabtidii sheegtay. Maryam Kamalzam ayaa waraysi ey siisay Wakaaladda Wararka (AP) ku sheegtay iney bishaan Washington kulan kula yeelatay 8-sarkaal oo sarsare oo Maraykan ah ey u soo bandhigtay Sirdoon faahfaahsan oo ku saabsan geeridda loo maleynaayo in aabaheed Majd oo ah daaweeyaha Dhimirka ee Texas. Saraakiisha ayaa u sheegay in marka loo eego hal ilaa toban heerka kalsoonidda ey ku qabaan dhimashada aabaheed ey ahayd “Sagaal sare”. Waxay sheegtay iney weydiisay in dad kale oo Maraykan ah oo la xiray ey weligood si guul ku heleen xoggo ceynkaa ah oo lagu kalsoonaan karo,waxaane loo sheegay Maya. Maxaa kale oo aan u baahanahay? Taasi waxay ahayd masuuliyiin badan oo heer sare ah oo aan u baahneyn iney noo cadeeyaan iney runtii baxday. Ma jirin waddo lagu garaaco agagaarka baadiyaha”ayey tiri Maryam Kamalmaz.

ISHA/SA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAVID CAMERON OO KA DIGAY DAGAALKA DAAR-FUUR.

(SAWIR)-KA. SHACABKA DAAR-FUUR OO SAF UGU JIRA KAALMO.

(SUDAN)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Cameron ayaa Axada maanta ah sheegay in rabshadaha Gobolka Daar-Fuur ee dalka Suudaan ey noqon karaan dembi ka dhan ah Bani’adanimadda. “Waxaan aad uga walaacsananahay wararka aadka loogu kalsoon yahay ee sheegaayo in qaar ka mid ah rabshadaha Daar-Fuur ey yihiin kuwa salka ku haayo isir”,ayuu David Cameron ku yiri hadal uu soo saaray oo lagu daabacay Mareegta Dawladda Ingiriiska. “Waxyaabha ka socdo Daar-Fuur oo ey ku jiraan weerarada joogtada ah ee ka dhanka ah dadka rayidka ah waxay noqon karaan dembiyo ka dhan ah bani’adanimada”. Madaxa Xuquuqul Insaanka ee Qaramadda Midoobe ayaa Jimcihii sheegay inuu aad uga naxay rabshado ka soo cusboonaaday meel u dhaw magaaladda AL-Faashir ee dalka Suudaan,waxa uuna wada hadal la yeeshay taliyeyaasha labadda dhinac ee dirirtu u dhexeeyso,isagoo ka digay Musiibo bani’adanimo haddii la weeraro magaaladda.

ISHA/AN.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARINKA GAZA OO UU KU SOCDO WEERAR AAD U CULUS.

(SAWIR)-KA.BURBURKA EY GAYSTEEN WEERARDII DHACAY MAANTA.

(GAZA)-Dagaalka u dhexeeyo Xarakadda Xamaas iyo Ciidamadda Difaaca Isra’iil(IDF) ayaa soo bilawday 7-dii bishii Oktoobar sannadkii 2023-kii waxa uuna soo socday todobo bilood oo xiriir ah waxa uuna maant galay maalintii 226-aad. Dagaalkaan ayaa ugu yaraan waxaa ku dhintay dad gaaraayo ilaa 35,456-Qofood oo reer Falastiin ah una badan Caruur iyo Dumar,waxaane dagaalkaan lagu dhaawacay dad gaaraayo ilaa 79,476-Qofood,waxaane jiro dad fara badan oo meydadkooda ey weli u hoos jiraan dhismayaasha ku soo dumay ka dib markii Ciidamadda Difaaca Isra’iil ey duqeyn xoogan ka gaysteen Marinka Gaza. Afar iyo labaatankii saac ee ugu dambaysay weerarada dhinaca cirka ah ey gaysteen diyaaradaha Isra’iil ayaa waxaa lagu dilay dad dhan 70-Qofood waxaane lagu dhaawaca 110-Qofood oo kale,sida ey sheegtay Wasaaradda caafimaadka ee Marinka Gaza. Isra’iil ayaa lagu eedeeyey iney Xasuuq ka gaysatay Marinka Gaza waxaane dacwad ka dhan ah Isra’iil u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda ICC dalka K/Afrika,waxaane ku taageeray dawladdo fara badan oo caalamka ah,dalka K/Afrika ayaa mar kale waxa uu dacwad ka gudbay Isra’iil waxa uuna u gudbiyey Maxamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ,Maxkamadaan ayaa Isra’iil amartay iney hubiso ineysan ciidamadeedu sameyn wax Xasuuq ah.

ISHA/SB-MEDIA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HAYADDA QAXOOTIGA REER FALASTIIN EE UNRWA OO HESHAY…

(SAWIR)-KA.WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA URDU EYMAN SAFAD.

(JORDAN)-Dalka Boqortooyadda Urdun ayaa maanta oo Axad ah sheegay in isku dayga Isra’iil ey ku ceebeysay Hayada Qaramada Midiibe u qaabilsan Qaxootiga reer Falastiin9UNRWA) ey Guul daraysatay. “Eedeynta ka dhanka ah UNRWA waxay cadeeyeen iney ahayd been abuur,isku dayo siyaasadeed oo lagu sumcad dili lahaay Hayadda ayaa Guul daraystay” Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Boqortooyadda Urdun Ayman Safaad ayaa shir jara’id uu ku qabtay caasimadda Urdun ee Camaan kula hadlay Gudoomiyaha UNRWA Mr.Philippe Lazazarini,Wasiir Eyman ayaa xaaladda Bani’adanimo ee ka jirta Marinka Gaza ku tilmaamay iney tahay”MUSIIBO”. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyadda Urdun Eyman Safaad ayaa sheegay in Hayadda Qaxootiga ee Qaramadda Midoobe ey soo wajahday caqabado dhaqaale oo waa weyn ka dib markii 16-dal ey hakiyeen dhaqaalihii ey siin jireen Hayadda UNRWA xilli ey Isra’iil ku eedeysa Hayadda UNRWA iney shaqaalaheed qeyb ka ahaayeen weerarkii dhacay 7-dii Oktobar-2023-kii,waxaase hadda dib u bilaabay iney dhaqaale siiyaan Hayadda UNRWA 14 dal kuwaaso hakad geliyey markii la soo eedeeyey.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HUUTIYIINTA YEMAN OO WEERARAY MARKAB…

(SAWIR)-KA,MARKAB GENTAAL KU DHACAY.

(LONDON)-Shirkadda laga leeyahay dalka Ingiriiska ee Ambrey ayaa sheegtay in Isgaarsiintu ey muujinayso in Markabka lagu dhuftay Gentaal isla markaasne uu dab ka kacay. Shirkadda Amaanka ee Ingiriisa ee Ambrey,ayaa sheegtay Sabtida maanta ah iney heshay xog ku saabsan in Markab Shidaal siday oo uu ka dul babanaayey calanka dalka Panama lagu weeraray meel qiyaastii 10-Nautic Miles Koonfur kaga beegan magaaladda Makha ee dalka Yeman. Shirkadda Ambrey ayaa sheegtay in Isgaarsiintu ey muujineyso in Markabka lagu dhuftay Gentaal isla markaasne uu dab ka kacay Markabka,shirkadu ma eysan bixin faahfaahinta Isgaarsiinta. Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yeman oo inta badan gacanta ku haayo degaanadda ugu badan dalka Yeman isla markaasne gacan saarka la leh dalka Iraan ayaa muddo bilo ah weeraro ku qaadayey Maraakiibta ku sugan biyaha Badda Cas si ey u garab istaagaan Falastiiniyiinta dagaalka kula jirto ciidamadda Isra’iil ee Marinka Gaza. Maraakiibta marta Badd Cas kuna dhawaata Badd Yeman ayaa lagula taliyey iney taxadiraan oo ey soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo,sidaas Ambrey ayaa ku talisay. Horaantii Sabtida maanta ah,Hayadda Hawlgalka Ganacsiga Badaha ee Boqortooyadda Ingiriiska(UKMTO) ayaa sheegtay in Markab maraayey Badda Cas uu ku dhacay sheey aan la garaneyn,isla markaasne Markabka uu soo gaaray khasaaro yar. “Markabka iyo shaqaaluhuba waa ey badaqabaan waxayne sii wateen safarkood si ey u gaaraan dekedda xigat ey ku socdeen”sidaas waxa qoraal la talin ah ku tiri UKMTO,waxa eyna intaas ku dartay in shilkaan uu ka dhacay meel 76-Nautica Mile Waqooyi Galbeed ka xigta magaaladda Xudeyda ee dalka Yeman.

ISHA/HAYADDO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DAGAAL XOOGAN OO KA DHACAY DALKA LIIBIYA.

(SAWIR)-KA.MAGAALADDA ZAWIYAH.

(TRIPOLI-LIBYA)- Wararka ka imanaayo dalka Liibiya ayaa sheegaayo in iska Horimaad xoogan uu barqadii maanta oo Sabti ah uu ku dhexemaray kooxo hubaysan gudaha mgaaladda Zaawiyah ee Galbeedka caasimadda Liibiya ee Tripoli,dagaalkaas oo sababay in la joojiyo Waxbatashadii,Dhaqdhaqaaqii kale iyo inuu cabsi ku abuuray dadkii degaanka lagu dagaalamay. Ilo wareedyo degaanka ah ayaa sheegay in iska horimaadku uu dhexmaray waxa loo yaqaano”Ciidanka Taakuleynta Koowaad”oo uu Hogaaminayo Maxamed Bahruun iyo kooxda Taageeradda Xasillinta ee Zaawiyah oo uu Hogaaminaayo Xasan Bazuribah oo la dhashay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawladda Isbarbaedhiga ah ee uu magacaabay Golaha wakiiladda,ila wareedyo ayaa xaqiijiyey sababta keentay dagaalka iney tahay xarig ey ciidamadda Xasillinta u gaysteen ciidan ka tirsan Gargaarka koowaad. Qaraxyo,Rasaas iyo Bambooyinka Gacanta laga tuuro ayaa si weyn loo maqlay,iyadoo la soo sheegaayo in dad Rayid ah ey waxyeelo ka soo gaartay madaafiic ku soo dhacday xaafaddo ey degan yihiin dad shacab ah ,waxaane socdo dadaalo lagu soo afjaraayo colaadan. Ururka Bisha Cas ayaa ku dhawaaqday iney gacan ka gaysaneyso daad gureynta qaar ka mid ah qoysaska ku go’odoonsan dagaaladda ka socdo magaaladda. Waxa uuna Ururka Bisha Cas u mahadceliyey dhammaan dadkii isxilqaamay iyo cid kast oo isku dayday iney gacan siiso Bisha Cas,Ururka ayaa ku nuuxnuuxsaday iney sii wadi doonaan shaqada ey ka wadaan magaaladda lagu dagaalamay ee Zaawiyah.

ISHA/LO.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XAALKA ISRA’IIL OO KU SOCDO BURBUR SIYAASADEED.

(SAWIR)-KA.BENNY GANTZ.

(TEL AVIV)-Wasiir Benny Gantz,oo ah xubin caan ah oo ka tirsan Golaha Wasiiradda dagaalka ee Isra’iil ayaa amar ku siiyey Reysul Wasaare Benjamiin Netanyahu Sabtida maanta ah,wuxuuna sheegay in Xisbigiisu uu ka tegi doono dawladda haddii Golaha Wasiiradu aysan Ansixin Istaraatiijiyadda dagaalka Gaza inta aan la gaarin sideeda bisha Juun-2024-ka. Hadalka Wasiir Gantz waxa uu sii khalkhal geliyey dawladdii deg dega ahayd ee la dhisay ka dib weerarkii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar-2023-kii, waxayna sii balaarisay kala qeybsanaanta ka dhex jirta Golah Wasiiradda Dagaalka. Khudbadda Wasiir Gantz ayaa timid dhawr maalmood ka dib markii Wasiira difaaca Isra’iil Yoav Gallant uu soo bandhigay eedeymihiisa guud ee ka dhanka ahaa RW-Netanyahu iyo rabitaan la’aantiisa inuu diyaariyo Istaraatiijiyadda dagaalka ka dib. Wasiir Gantz wuxuu khudbadiisa ku sheegay in xagjiriinta laga tirada badan yahay ey la wareegeen go’aan gaarista oo ey Israill ka dhigayso derbi. Waxa uu ula jeedaa xulafadda siyaasadeed ee Netanyahu iyo Wasiiradda xagjirka ah ee Itamar Ben Gvir iyo Betzalel Smaotruch. Gantz ayaa Netanyahu ku eedeyey iney wadaan arrimo shaqsi iyo mid siyasadeed oo eysan ku socon danaha Amniga Qaranka ee dalka. Waxa uu sheegya in Golaha Wasiiradda looga baahan yahay iney diyaariyaan Istaraatiijiyad mudnaan siin doonto sii deynta la haystayaasha ey haystaan Xamaas ka dibne kaliyah ey diiradda saaraan sidii meesha looga saari lahaay Xukunka Xamaas ee Marinka Gaza.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO SOO HESHAY MEYDAD CUSUB.

(SAWIRKA)-BURBURKA GAZA.

(QUDUS)-Ciidamadda Difaac Isra’iil (IDF) ayaa ku dhawaaqay maanta oo Sabti ah iney Marinka Gaza ka heleen meyd kale oo ka mid ahaay la haystayaasha reer Isra’iil kuwaso lagu dilay weerarkii ey Xarakadda Xamaas ku qaady Isra’iil 7-dii bishii Oktoobar-2023-kii. Shira jaraa’id uu qabtay afhayeenka ciidamadda Isra’iil Daniel Hagari ayaa sheegya in “Xog la xaqiijiyey oo ey heleen ciidanku iney muujinayso in 53-jirka Ron Benjamiin lagu dilay weerarkii dhacay 7-dii Oktoobar, meydkiisana hadda laga helay Marinka Gaza”. “Weli Marinka Gaza waxaa ku jira 123-la haysteyaal ah,iyadoo la shaaciyey dhimashadda 39-ka mid ah “ayuu raaciyey Hagari. Jimcihii shalay ayey ciidamadda Isra’iil sheegeen iney soo sareen meydadka 3-Isra’iiliyiin ah oo lagu haystay Marinka Gaza tan iyo markii uu dhacay weerarkii ey Xamaas ku qaaday Isra’iil 7-dii Oktoobar-2023-kii. Dagaalka u dhexeeyo Xarakadda Xamaas iyo ciidamadda Difaaca Isra’iil (IDF) ayaa hadda galay bishii todobaad maalintii 225-aad waxaane dagaalakan ilaa hadda ku geeriyooday dad ku dhaw ilaa 35,400-Qofood una badan Caruur iyo Dumar,waxaane ku dhaawacmay in ka badan 79,300-Qofood,waxaane jira tiro badan oo aan weli la helin meydadkooda kuna hoos xabaalan dhismayaasha ku soo dumay.

ISHA/AA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA OO EEDEEYEY YAXYA SINWAAR.

(SAWIR)-KA.sULLIVAN.

(WASHINGTON)-La taliyaha Amniga Qaranka ee dalka Maraykanka Jake Sullivan ayaa u sheegay safiiradda shisheeye Arbacadii la soo dhaafay in Maraykanka uu aaminsan yahay in Hogaamiyaha Xarakadda Xamaas Yaxya Sinwaar uu ka baxay wada hadaladdii afduubka todobaadkii hore isagoo rajeynaayey inuu sii kordho cadaadiska Isra’iil si loo joojiyo dagaalka Marinka Gaza,laba ilo wareed oo ka tirsan kulanka ayaa u sheegtya Wargayska Axios. Wada xaajoodka aan tooska ahayn ee u dhxeeyo Xaralkadda Xamaas iyo Isra’iil kuna saabsan heshiis ka gaaridda la haystayaasha reer Isra’iil oo ey suurtagal tahay inuu horseedi karo xabad joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo Marinka Gaza ayaa gaaray heerkiisii ugu xumaay todobaadkii hore ka dib markii wada hadallo dhawr ey ka kala dheceen Qahoira iyo Dooxa kuna soo dhammadeen natiijo la’aan. Madaxweyne Biden,Agaasimaha CIA-da Bill Burns,Sullivan iyo saraakiil sar sare oo Maraykan ah ayaa si shaqsi ah uga qeyb qaatay dadaladda lagu doonaayo in laga heshiiyo la haystayaashii ey Xamaas la wareegtay markii ey weerartay Isra’iil 7/10/2023-kii. Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa heshiiska la haystayaasha u arka wadada kaliyah ee lagu gaari karo xabad joojin ka dhacda Marinka Gaza lagana yaabo in la soo afjaro dagaalka dhibaato siyaasadeed ku noqday Madaxweyne Biden oo ka dhex jira Xisbigiisa Dimuqaraadiga ka hor doorashada Madaxtinimo.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARAYKANKA IYO IRAAN OO BILAABAY WADA HADALO AAN TOOS AHAYN.

(SAWIR)-KA.MCGURK.

(WASHINGTON)-Laba masuul oo ugu sareeyso maamulka Madaxweyne Biden ayaa todobaadkan wada hadallo aan toos ahayn kula yeeshay dalka Cumaan masuuliyiin reer Iraan ah si looga fogaado weerarada Gobolka ee sii kordhaayo,sidaas waxaa Wargayska Axios u sheegay laba ilo wareed oo la socday wada hadaladda. Wada hadaladda ey ku jiraan la taliyaha sare ee Madaxweyne Biden u qaabilsan Bariga Dhex Brett McGurk iyo Abram Paley oo ah ku simaha Ergayga Maraykanka u qaabilsan dalka Iraan,wada hadaladda ayaa ahaay wareegii ugu horeeyey una dhexeeyo Maraykanka iyo dalka Iraan tan iyo bishii Janaayo-2024-ka markaaso wada xaajood midkan la mid ah uu ka dhacay dalka Cumaan. Wada hadaladda ayaa dhacay waxyar uun ka dib markii ey Iraan weerar gentaalo ah oo aan horay loo arag ey ku qaaday Isra’iil seddex iyo tobankii Abriil-2024-ka,weerarkaan ayaa Gobolka Bariga waxa uu u horseeday dagaal cusub. Dalka Iraan ayaa 350-Gentaal oo balastik ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha wedin ku riday Isra’iil si ey uga aargoosato dilkii loo gaystay S/Guuto. Maxamed Reza Zahedi oo ahaay Generaal sare oo ka tirsan ciidamadda Qudus oo dalka Iraan u qaabilsan hawlgaladda Mileteri ee laga fulinaayo wadamadda Lubnaan iyo Suriya.

ISHA/AXISO.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

CIIDAMADDA ISRA’IIL OO SOO HELAY MEYDADKA..

(SAWIR)-KA.BURBURKA MARINKA GAZA SOO GAARAY.

(GAZA)-Mileteriga dalka Isra’iil ayaa maanta oo Jimca ah sheegay in ciidamadooda ku sugan Marinka Gaza ey soo heleen meydadka seddex qofood oo Isra’iil ah kana mida dadkii ey Xarakadda Xamaas ka soo afduubtay dhulka ey Isra’iil haysato todobadii bishii Oktoobar-2023-kii,dadkaan ayaa waxaa ka mid Shani Louk oo ah Jarmal-Isra’iil. Mileteriga Isra’iil ayaa labada qof ee kale ku sheegay meydadkooda haweeney 28-jir ah oo lagu magacaabo Amit Buskila iyo nin 56-jir ah oo lagu magacaabo Itzahak Gelerenter. Seddexda qofood ee meydadkooda la soo helay ayey Xarkadda Xamaas ku dishay xaflad muusig ee ka socotay NOVA oo ah xaflad qoob ka ciyaar ah laguna qabto banaanka goob u dhaw Marinka Gaza,sida uu shir jara’id ka sheegay afhayeenka Mileteri Rear Adm Daniel Hagari. Reysal wasaraha Isr’iil Benjamiin Netanyahu ayaa ku tilmaamay dhimahsadda seddexdaas qofood mid Wadna Xanuun ah isagoo yiri”Waan soo celin doonaa dhammaan la haystayasha kuwood nool iyo kuwooda dhintaba”.

ISHA/AA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

BAYAAN LAGA SOO SAARAY SHIRKII JAAMICADDA CARABTA.

(SAWIR)-KA.MADAXDA WADAMADDA CARABTA.

(MANAMA)-Wadamadda Carabta ee xubnaha ka ah Ururua Jaamicadda Carabta ayaa soo saaray baaq ah in laga shaqeeyo sidii ciidamo Nabad ilaalin ah kana socdo Qaramada Midoobe loogu diri lahaay dhulka Falastiin si ey u ilaaliyaan dadka Rayidka ah inta laga dhaqan gelinaayo xalka labada dal. Bayaanka kama dambaysta ah ee laga soo saaray shir-madaxeedka Carabta ee lagu qabtay dalka Baxray caasimadiisa Manama maanta oo Khamiis ah ayey Hogaamiyeyaasha Carabtu ku nuuxnuuxsadeen muhimadda ey leedahay xallinta labada wadan iyadoo ey lagama maarmaan ey tahay “In la dejiyo waqti xadidan ee Geedi-socodka siyaasadda iyo Wada hadaladda”si loo qaado talaabooyin cad oo arrintaas la xiriira. Hogaamiyeyaasha Carabta ayaa soo saaray Baaq Wadajir ah oo ku saasban in la qabto shir caalami ah oo ey garwadeen ka tahay Qaramada Midoobe si arrinta Falstiin loogu xalliyo xalka labada dal,si loo soo afjaro gumaysiga Isra’iil ee dhammaan dhulalka Carabta ee la haysto, Dawlad Falastiin oo madax banaan si waafaqsan go’aanadda sharciyadda caalamiga ah si dadka reer Falastiin ey ugu noolaadaan Amni iyo nabad dhulkooda Isra’iil ka haysato,una helaan nabad iyo cadaalad dhammaystiran. Shir-Madaxeedka ayaa sidoo kale u wakiishay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta “iney talaabo deg deg ah qaadaan oo ey la xiriiraan Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka caalamka si ey ugu booriyaan iney si deg deg ah u aqoonsadaan Dawladda Falastiin” waase haddii ey wadatashiyo dhexmaraan Wasiiradda Arrimaha dibadda ee ku saabsan sidii loo heli lahaay saameyn mideysan oo taageeri karta dadaaladda Carabta si loo helo dawlad metesha dadka reer Falastiin xubin buuxdana ka ah Qaramadda Midoobe sida ayadoo ah dal madax banaan oo leh awood buuxda iyo xoojinta dadaaladda wadamadda Carabta ee dhammaan xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramadda midoobe si loo aqoonsado Fa;astiin.

ISHA/AW.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

RW-XAMSE CABDI BARRE OO KA HADLAY SHIRKA 33-AAD EE URURKA JAAMICADDA CARABTA.

(SAWIR)-KA. SHIRKA 33-AAD EE URURKA JAAMICADDA CARABTA EE MANAMA BAXREYN.

(BAXRAYN)-Manama oo ah caasimadda dalka Baxrayn oo ka mid ah lixda dal ee loo yaqaano Wadamadda Kahliijka Carabta ayaa waxaa maanta oo Khamiis ah kuna beegan 16/5/24-ka ka furmay shirka Ururka Jaamicadda Carabta meertadiisa 33-aad,shirkaan ayaa waxaa ka qeybgelaayo masuuliyiin sare oo ka kala yimid wadamadda Carabta iyo kuwa aan Carab ahayn oo shirka lagu martiqaada. Madaxweyneyaasha,Boqoradda iyo Amiiradda shirkaan yimid ayaa waxaa ka mid ah”Bashaar AL-Asad Suuriya, Ismaaciil Cumar Geelle Jabuuti,C/ladhiif Jamal Rashi Ciraaq,Maxamud Cabaas Falastiin,Maxamed Walde sh.AL Gazwani Muritaniya,Azali Assoumani Komooros, Sheekh Tamim Bin Xamad Amiirka Qadar, Cabdallah Bin Xuseen 2-aad Boqorka Urdun,Rashaad Al-Culaymi Gudoomiyaha Golaha Hogaanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Yeman,Maxamed Al-Menfi Gudoomiyaha Golaha Madaxtooyada Liibiya”. Reysal Wasaarayaasha iyagana soo xaadiray shirka ayagoo ka wakiil ah Madaxweynayaashooda ayaa kala ah”Xamse Cabdi Barre Soomaaliya,Maxamed Bin Salman Sacuudiga,Sheekh Axmed Cabdallah Al-sabaax Kuweyt,Sheekh Maxamed Bin Rashid Imaaraatka Carabta,Asad Bin Dhaariq AL-saciid Cumaan,Najib Mikati Lubnaan,Caziiz Akhnuuj Marooko”. Madax kale oo heer caalami ah ayaa iyagan shirka maanta ka soo qeybgalay kana hadlay shirk Madaxeedka wadamadda Carabta sida Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobe Antonio Guterres,Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Falastiin Francesco P.Albanese,Gudoomiyaha Ururka Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Md. Hissein Brahim Taha. Shirkaan 33-aad ayaa diiradda lagu saari doonaa arrinta dad reer Falastiin ee uu ku socdo dagaalka aan kala go’a lahayn ee Isra’iil kaaso ey ku dhinteenin in ka badan ilaa 35-kun qofood eyna ku dhaawacmeen in ka badan 79-kun kale,dadka dhintay ayaa u badan Caruur iyo Dumar,wxaane jiro dad kale oo lagu la’ayahay nolol iyo geeri welina ku hoos jira dhismayaasha soo dumay. LA SOCO GO’AAMADDA KA SOO BAXO SHIRKAN.

ISHA/SB-MEDIA.

Read More