WASIRKA G/DHIGA ISRA’IIL OO KA DIGAY…
(SAWIR)-KA.WASIIRKA G/DHIGA ISRA’IIL GALLANT.
(QUDS)-Wasiirka Difaaca Isra’iil Yoav Gallant ayaa maanta oo Arbaca ah ka digay in xukunka Mileteriga Isra’iil ee Marinka Gaza uu noqon doono “Isbedel Khatar ah”qiimaha lagu bixiyana waxa uu noqon doonaa in dhiig daato”. Wasiir Gallant isagoo khudbadeynaayo ayuu sheegay in “In isbedel halis ah ayaa soo koraya kaasoo horumarinaya fikradda Mileteriga Isra’iil iyo maamulka rayidka Gaza”. “Tani waa doorasho taban oo khatar ah oo u ah dawladda Isra’iil ahaan iyo ciidan ahaan marka laga eego dhinaca Amniga”. Wasiir Gallanta ayaa ka digay in xukuumadda mileteriga ee Marinka Gaza uu noqon doono dadaalka ugu weyn ee Amniga iyo Mileteriga Isra’iil sanadada soo socdo. “Qiimaha la bixiyey wuxuu noqon doonaa dhiig daata iyo dhibanayaal iyo sidoo kale qiimo dhaqaale oo culus”ayuu yiri Wasiir Gallant.
ISHA/AA.
MAAMULKA ISRA’IIL OO KHILAAF SOO KALA DHEXGALAY.
(SAWIR)-KA.NETANYAHU IYO GALLANT.
(QUDS)-Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu ayaa maanta oo arbaca ah ugu baaqay Wasiirkiisa Gaashaandhiga Yoav Gallant inuu baabi’iyo Xarakadda Xamaas”Cudur daar la’aan”. Baaqa ayaa imaanaya iyadoo laga jawaabaayo dalabka Gallant ee Netanyahu si uu Niyad jebiyo ciidamadda Mileteriga Isra’iil iyo xukuumadda Rayidka ah ee Marinka Gaza loo soo dhisaayo. “Diyaar uma ihi inaan ka soo wareego Xamaas una soo wareego Fatax”ayuu yiri Gallant isagoo tixraacaayo maamulka Falastiin. RW-Netanyahu ayaa wacad ku maray in Xarakadda Xamaas sii ahaato sideeda ma soo geli doono dhinac kale eyna ku jirto maamulka Falastiiniyiinta ee maamulka Marinka Gaza loo sameyn doono,sidoo kale,Wasiirka Amniga Qaranka ee Isra’iil ee Midigta Fog Itamar Ben-Gvir ayaa isna dhaliilay mawqifka Wasiirka Gaashaandhiga Gallant. “Tani waa nuxurka ra’ayiga Wasiirka G/dhiga oo ku guul daraystay 7-da Oktoobar oo weli sii socota inuu ku guuldareysto xitaa hadda. Wasiirka G/dhiga waa in la bedelaa si loo gaaro hadafyadda dagaalka”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Wasiirka Xagjirka Midigta Fog ah ee Itamar Ben-Gvir.
ISHA/AA.
MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAAYO KOOXAHA DALKA SUUDAAN.
(SAWIR)-KA. MATHEW MILLER.
(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa maanta oo Arbaca ah ku dhawaaqay inuu cunaqabteyn ku soo rogayo Taliyeyaasha Sare ee ciidamadda difaaca deg dega ah ee Suudaan (RSF) ka dib weerar lagu qaaday magaalo weyn oo ku taalo Galbeedka Gobolka Daar-Fuur. Dadka uu Maryaknaku ku soo rogayO cunaqabateynta ayaa waxaa ka mid ah Cali Yacquub Jibriil iyo Cismaan Maxamed Xamid Maxamed doorkii hogaamiyenimo iyo hawlgalkii ey sameeyeen Daar-Fuur ciidamadda RSF-ta,afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mathew Miller ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray. “Weerarada RSF-ta,Ciidamadda qalabka Sudan iyo ciidmadda isbahaysiga la ah waxa ey sababeen khasaaro soo gaaray dadka Rayidk ah waane in si deg deg ah loo joojiyaa colaada,sidoo kale waa in ayadana la joojiyaa taageeradda dibadda kaga timaado labada kooxood ee aan soo sheegnay”ayuu yiri afhayeen Miller. Dhammaan caqabadaha hortaagan gargaarka bani’adanimo xilli ey malaayiin qofood ey halis ugu jiraan iney geeriyoodaan Macluul colaada awgeed,waa in meesha laga saara gacanta seddexaad ee ku lugta leh dagaalka dalka Suudaan. Miller waxa uu sheegay inuu Maraykanku sii wadi doono adeegsiga qalabka uu gacanta ku haayo si uu u taageero geedi socodka nabadda oo ku khasbi doonta kharash in lagu soo rogo kuwa sii wada colaad Suudaan”taaso muujineyso talaabooyin dheeraad ah, fariintaan uu diraayo dalka Maraykanka ayaa si toos ah waxa ey ugu socotaa dalka Isutaga Imaaraatka Carabta(UAE).
ISHA/SB-MEDIA
XARAKADDA XAMAAS WAA LOO YAABAA SANNADKAN.
(SAWIR)-KA. URURKA JAAMICADDA CARABTA.
(MANAMA)-Dalka Boqortooyadda Baxrayn ayaa martiqaaday shir Madaxeedka 33-aad ee dalalka Carabta,shirka ayaa looga hadli doonaa arrinta Marinka Gaza iyo soo jeedinta Xabad joojin ka dhaqan gasha dhulkaas iyo sidii loo riixi lahaay sidii ey dhulkaasi uga hawlgeli lahayd dawalad ey leeyihiin dadka reer Falastiin. Hogaamiyeyaasha Carabta ayaa ujeedadoodu tahay iney mideyaan mawqifkooda ku aadan arrimaha Gobolka Bariga dhexe. Boqortooyadda Baxray ayaa markii ugu horeysay taariikhda waxa ey matrtigelineysaa shir Madaxeedaka 33-aad ee wadamadda Carabta kaaso berri(16/5/24)-ka furmi doono Manama Caasimadda Boqortooyadda Baxrayn. Shirka berri ka furmaayo caasimadda Baxrayn ee Manama ayaa ah midkii ugu horeeyey ee la qabto tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyso Xarakadda Xamaas iyo Ciidamadda Difaac Isra’iil bishii Oktoobar-7/24-ka. Ilo rasmi ah oo ka tirsan Jaamicadda Carabta ayaa bayaan ey soo saareen ku sheegay in qorshaha shirkan lagu soo gabagabeyn doono magaaladda Gaza ee dhulka reer Falastiin kaaso dhigaayo in dalalka Carabta ey aqoonsadaan dalka Isra’iil si ey u dhistaan dawlad Falastiin ah oo ku dhextaalo xuduudaha la sameeyey 7/6/1976-kii. Shirkaan 33-aad ayaa waxaa looga hadli doonaa dhacdooyinka hadda ka socdo Badda Cas,khatarta socdaalka Gacanka Carbeed,dhibaatooyinka Xuduudaha ee u dhexeeyo dalalka Jabuuti iyo Eritereeya,colaada dhiiga badan ku daatay ee dalka Suudaan iyo dhawr wadan oo kale ayaa sidoo kale looga hadli doonaa arrimahooda. “Jawdwalka ayaa la soo jeedin doonaa xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza iyo Gaza lagu wareejiyo Maamulka Falastiin ee uu Hogaamiyo Maxamuud Cabaas lagana fogeeyo Xarakadda Xamaas,maadaama ey ahayd tii u horseeday Gaza gasho God Mugdi ah. Waxaa sidoo akle jiri doonohindise dib loogudhisaayo Marinka Gaza,Rafax iyo meelaa kale ee uu saameeyey dagaalka ka socdo halkaas. In ka badan 65% ayaa dhaawac waxa uu soo gaaray Marinka Gaza kaaso ka dhashay dagaalka arxan darridda ah ee ka socdo Marinka Gaza.
ISHA/The Media Line.
JAKE SULLIVAN OO BOOQAN DOONO BARIGA DHEXE.
(SAWIR)-KA.JAKE SULLIVAN.
(WASHINGTON)-La taliyaha dhinaca Amniga ee Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ninka lagu magacaabo Jake Sullivan ayaa qorsheynaaya inuu u safro dalalka Sacuudiga iyo Isra’iil dhammaadka todobaadkan iyadoo ey sii kordheyso xiisadda ka dhalatay hawlgalka ciidamadda Isra’iil ee magaaladda Rafax,sidaas waxaa sheegay lana wadaagay Wargayska AXIOS seddex sarkaal oo Maraykan iyo Isra’iil ah kuwaaso wax ka og qorshanaan. Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa sii wada inuu isku dayo inuu Isra’iil ka dhaadhiciyo iney hakiso hawlgalka Mileteri ee balaaran ey ka bilawday Koonfurta magaaladda Gaza,hawlgalkaaso ka gudbi doona”Khadka Cas”ee Biden ee ah in Maraykanku uu joojiyo hubka uu siiyo Isra’iil. Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa maanta oo Talaada ah sheegay in Maraykanka uu is fahan la gaaray Isra’iil in hawlgal kasta oo ka socda Rafax aan si weyn loo balaarin ka hor booqashadda Sullivan. Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa rajeynaayo inuu balaariyo balan qaadkan ilaa laga garaayo kulan fool ka fool ah oo ka dhacaayo Washington una dhexeeyo Maraykanka iyo Isra’iil maalmo ka dib safarka Sullivan ee bariga dhexe.
ISHA/AXIOS.
REYSAL WASAARAHA QADAR OO KA HADLAY ISMARI WAAGA KA JIRA..
(SAWIR)-KA.CARUUR KU SUGAN XERADDA QAXOOTIGA EE RAFAX.
(DOHA)-Wada hadaladii xabad joojinta ee Marinka Gaza ayaa u socon la’a ismari waa ka dhashy hawlgaladda Isra’iil ee Rafah,Reysal Wasaaraha dalka Qadar isla markaasne ah Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi Md.Maxamed Bin C/raxmaan AL-Thani ayaa maanta oo talaada ah sheegay sidaas. Hawlgaladda Isra’iil ee magaaladda Rafah ee bilawday bishaan ayaa xiray marinadda ugu muhiimsan ee gargaarka ka soo galo xuduudka dalka Masar,talaabadaas oo kooxaha bani’adanimada u dooda ku sheegeen iney uga sii dartay xaaladda markii horaba aadka u liidatay. “Gaar ahaan dhawrkii todobaad ee la soo dhaafay waxaan aragnay xoogaa dhisme ah,laakin nasiib darro arrimuhu uma dhaqaaqin jihaddii saxda ahayd,hadda waxaan ku jirnaa xaalad ku dhaw ismari waa,dabcan,wixii ka dhacay magaaladda Rafax waxay nagu soo celisay dib u dhac,sidaas waxaa Madasha Dhaqaalaha ee Dooxa ka sheegay Md.Maxamed AL-Thani. Sheekh Maxamed AL-Thani ayaa yiri”Waxaan si cad ugu cadeyneynaa qof walba shaqadeyna waxa ey ku kooban tahay dhexdhexaadin,taasi waa waxa aan sameyn doono iyo in waxa aan sii wadi doono inaan sameyno”.
ISHA/SA.
MASAR OO CAMBAAREYSAY BEENTA ISRA’IIL.
(SAWIR)-KA.WASIIR SAAMEX SHUKRI.
(QAHIRA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Saamex Shukri ayaa si kulul u cambaareeyey maanta oo Talaada ah isku daygii Isra’iil ey ku eedeysay Masar dhibaatadda bani’adanimo ee ka taagan Marinka Gaza. Wasiir Shukri ayaa bayaan uu soo saaray ku xusay in qabsashada Isra’iil ee xuduudka Rafax ee ka soo talaabaya Marinka Gaza ee soo gala dalka Masar iyo sidoo kale hawlgaladda Mileteri ey ka wadaan ciidamadda Isra’iil aagaas ey yihiin sababaha ugu waa weyn ee gargaarku u awoodi waayey inu galo gudaha Marinka Gaza,Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyey in wadankiisa si cad u diiday siyaasadda Isra’iil ee ah Xaqiiqo Qaloocinta iyo masuuliyad ka leexinta. Wasiir shukri oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Isra’iil oo kaliya ayaa masuul ka ah masiibadda bani’aadanimo ee ey Falastiiniyiintu ku wajahayaan Marinka Gaza”. “Isra’iil waa iney qaadataa masuuliyadeeda sharciga ah taaso ah awood qabsasho oo ey ogolaataa gelitaanka gargaarka iyada oo marinada dhulka ey maamusho”ayuu yiri Wasiir Shukri.
ISHA/SA.
SII AKHRI.
SHIR MADAXEEDKA 33-AAD EE URURKA JAAMICADDA CARABTA.
(SAWIR)-KA. URURKA JAAMICADDA CARABTA.
(BAXRAYN)-Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamicadda Carabta Axmed Abuul Gayth ayaa hoosta ka xariiqay muhimadda uu leeyahay shir Madaxeedka 33-aad ee Wadamadda Carabta ee dhawaan ka furmi doono dalka Baxrayn kaasoo looga soo horjeedo caqabadaha adag ee ka taagan Gobolka Carabta. Caqabadahaan gaar ahaan waxaa ka mid ah weerarada socda ee Isra’iil ee Marinka Gaza iyo sii xumaanshaha xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa bini’aadanimo ee saameeyey dhawr wadan oo Gobolka ah. Hormuudka shir madaxeedka oo la filaayo maalinta khamiista ayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Boqortooyadda Baxrayn Axmed Bin Salmaan AL-Musalam,waxa uu kulamo diyaarinta shirka la yeeshay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamicadda Carabta Axmed Abul Gayth iyo kaaliyaha Xogahayah Guud ee Qaramadda Midoobe Danjire Xusaam Zaki ee Jaamicadda Carabta. Axmed Abul Gayth waxa uu iftiimiyey doorka muhiimka ah ee shir Madaxeedka wadamadda Carabta ee mideysan. Waxaa kaloo uu qiray doorka weyn ee diblomaasiyadeed ee Baarlamaanka Carabta uu ku leeyahay kobcinta dadaaladda wadajirka ah ee wadamadda Carabta.
ISHA/MIDDLE EAST.
SARKAAL SARE OO MARAYKAN AH OO ISU CASILAY…
(SAWIR)-KA.WASAARADDA GAASHAANDHIGA MARAYKANKA.
(WASHINGTON)-Sarkaal ka tirsan ciidamadda Maraykanka ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay inuu is casilay isagoo ka mudaaharadayo taageeradda Washington ee dagaalka Isra’iil ee Marinka Gaza. Harrison Mann,oo ah sarkaal ka tirsan Hayadaha Sirdoonka difaaca ayaa ku sheegay warqadii iscasilaada ee uu ku daabacay Linkedln in Taageerada Maraykanka ee aan u qalmin” ee Isra’ii”ey awooday oo ey awood u siisay dilka iyo gaajadda tobanaan kun oo Falstiiniyiin ah oo aan waxba galabsan”. Isagoo sheegay in shaqadiisa “aan shaki ku jirin iney gacan ka gaysatay taageeradaas”,Harrison Mann wuxuu yiri”Tani waxay ii keentay ceeb iyo dembi aan la rumysan karin”. “Taageeradda shuruud la’aanta ah waxay sidoo kale dhiirigelineysaa kororka taxadar la’aanta ah ee khatar u ah dagaal balaaran”, ayuu raaciyey. Bishii hore ayey ahayd markii Hala Rharrti oo ahayd afhayeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsaneed Bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika ayaa iska casishay xilkeedii iyadoo ka cabanaysa siyaasadda maamulka Biden ee Marinka Gaza.
ISHA/AA.
ISBITAALKA KUWEYTA TAKHASUSKA AH OO LA XIRAAYO.
(SAWIR)-KA. TAKHAATIIRTA ISBITAALKA KUWEYT.
(GAZA)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ayaa sheegaayo in Isra’iil amartay in dad badan laga daadgureeyo Marinka Gaza gaar ahaan magaaladda Rafax ee dhacda Koonfurta Marinka Gaza maanta oo Isniin ah,ka dib markii barakacayaal reer Falastiin ah laga codsaday iney isaga baxaan Isbitaalka Kuweyt. Muddo bilo ah ka dib Isra’iil waxa ey ku hanjabtay iney weerari doonto magaaladda Rafax oo xuduud la leh dalka Masar isla markaasne gabaad ey ka dhigtaan ku dhawaad dad gaaraayo ilaa hal milyan oo reer Falastiin ah oo ka soo barakacay dagaaladda ka socdo Marinka Gaza. Hogaamiyeyaasha caalamka,Qaramadda Midoobe iyo Hayadaha Samafalka ayaa ka digay in weerar lagu qaado magaaladda Rafax uu noqon doono musiibo,waxaa horay u dhacay tobanaan duqeymo ah iyo khasaara nafeed. Ma cadda in ciidamadda Isra’iil ey qorsheynayaan iney weeraraan Isbitaalka Kuweyt ee Takhasuska ah sida ey ku sameeyeen Isbitaaladda kale ee ku yaalo Marinka Gaza. Isra’iil ayaa Xarakadda Xamaas ku eedeysay iney Isbitaladaan u adeegsato xarumaha Talsikooda,eedeymahaas oo ey diideen Xarakadda Xamaas,Ururada aan dawliga ahayn(NGO) iyo shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaaladda.
ISHA.NA.
SII AKHRI.
MARAYKANKA OO KA HADLAY MAXAABIISTA REER FALASTIIN…
(SAWIR)-KA.MAXAABIIS REER FALASTIIN AH.
(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa maanta oo Isniin ah sheegay iney fiirinayaan warbixinadda ku saabsan xadgudubyadda Isra’iil u gaysatay Falastiiniyiinta ku jira xabsiyadda qarsoodida ah ee ku yaalo saxaraha Negev iyagoo ku booriyey Isra’iil iney si dhammaystiran u baarto eedeymahaan. “Waan aragnay warbixinadaas,waane ka walaacsanahay”ku xigeenka afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Vedant Patel ayaa u sheegay warfidiyeenadda mar wax laga weydiiyey baaritaanka CNN-ta ee ku aadan xadgudubyadda xuquuqda aadanaha. Isagoo intaas ku daray in Maraykanka”eegaayo”kuwan iyo eedeyamaha kale ee xadgudubyada xabsiga,Patel ayaa Isra’iil ku booriyey iney ula dhaqmaan dhammaan maxaabiista reer Falastiin “si bani’adanimo leh oo waafaqsan sharciga caalamiga ah”. “Isra’iil waxaa ku waajib ah iney si qoto dheer u baarto xadgudubyadda la aamini karo ee sharciga caalamiga ah ee bani’adanimad”,sidaas waxaa carabkiisa ku adkeeyey Ptel. Warbixin la daabacay 11/5/24-kii ayaa lagu sheegay xadgudubyadda ey sameeyaan ciidamadda Isra’iil marka xabsiyadda la keeno maxaabiista reer Falastiin,si gaar ah dhibaateyna loo gaysto dhallinyaradda lagu tuhmaayo iney ka tirsan yihiin Xarakadda Xamaas.
ISHA/AA.
MASAR IYO ISRA’IIL OO KA WADA HADLAY…
(SAWIR)-KA. ISGOYSKA RAFAX.
(GAZA)-Wararkii ugu dambeeyey ee laga helaayo dagaalka u dhexeeyo Xarakadda Xamaas iyo Isra’iil ayaa sheegaayo in Isra’iil ey soo jeedisay in maamulka Falastiin uu hogaamiyo Maxamuud Cabaas uu wakiil u diro isgoyska Rafax todobaadkii tegay si ey uga qeybqaataan hawlgelinta,in kasta oo aan si rasmi ah loo sheegin waxa ey qabanayaan,afar sarkaal oo Maraykan ah,Isra’iil iyo Falastiiniyiin ayaa sidaas u sheegay Wargayska AXIOS. Soo jeedinta Isra’iil ayaa ah midii ugu horeysay tan iyo markii uu dhacay weerarka ey Xarakadda Xamaas ugu magac dartay Duufaantii AL-Aqsa’a taariikhdu markeey ahayd 7/10/2023-kii, Isra’iil ayaa in badan waxa ey ka hadashay sida maaulka Cabaas uu ugu luh leeyahay dagaalka Marinja Gaza. Hindisahaan cusub ee Isra’iil ayaa yimid ka dib markii la xiray isgoyska Rafax ciidamadda difaac Isra’iil-na ey qabsadeen dhulka Falastiin ee soo xiga Isra’iil maalintii Isniinta ee la soo dhaafay. Agaasimaha sirdoonka Isra’iil Shin Bet Ronen Bar ayaa u sheegay dhigiisa reer Masar Cabaas Kaamil in Isra’iil dooneyso iney dib u furto Marinka Rafax balse in Xarakadda Xamaas ey ku soo laabato gacan ku haynta aagaas iney tahay midaan la aqbali karin,sida ila xogogaal ey u sheegeen Wargayska AXIOS.
ISHA/AXIOS.
DAGAALKA MARINKA GAZA OO MAANTA GALAY MAALINTIISII 218-AD.
(SAWIR)-KA.SHAX KOOBAYSA MARINKA GAZA WIXI KA DHACAY.
(ANKARA)-Dhimashada Falastiiniyiinta ee weerarada joogtada ah ee Isra’iil ku hayso Marinka Gaza ayaa kor u kacday tan iyo bishii Oktoobar ee la soo dhaafay waxa eyna gaartay ilaa tiro dhan 35,034-qofood,waxaane ku dhaawacmay dad gaaraayo ilaa 78,755-qofood sidaas waxaa sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza. Marka laga hadlaayo weerarada Isra’iil ka gaysato Marinka Gaza,afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay Marinka Gaza waxaa lagu dilay dad gaaraayo ilaa 63-qofood halka lagu dhaawcay ilaa 114-qofood oo kale,waxaane jiro dad fara badan oo weli ku hoos jira burburka dhismayaasha la weeraray,samafalayaashu ayaa awoodi waayey iney goobahaasi ka hawlgalaan wadooyinka oo aad xun iyo weerarada diyaaradaha Isra’iil oo beegsanaayo baabuurta gargaarka. Dalka Isra’iil ayaa xayiraad cuuryaamisay ku soo rogay Marinka Gaza taasoo keentay in dadka degan Marinka Gaza gaar ahaan kuwooda degan Waqooyiga Marinka Gaza ey qarka u saaran yihiin iney u dhintaan macluul.
ISHA/AA.
DOOXA: HANIYAH OO LA KULMAY IBRAHIM KALIN.
(SAWIR)-KA. MADAX SIRDOONKA TURKIGA IBRAHIM.
(DOHA)-Madaxa Hayadda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MIT) Ibrahim Kalin ayaa Axada maanta ah magaaladda Dooxa ee caasimadda u ah dalka Qadar kula kumay Ismaaciil Haniyah oo ah Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas iyo wafdigiisa,sida ey sheegeen ilo wareedyo dhanka amaanka ah. Ilo amni ayaa sheegay intii uu socday kulanka labada masuul ayuu Ismaaciil Haniyah muujiyey sida uu ugu qanacsan yahay dadaalka Turkiga ee hanaanka wada xaajoodka Isra’iil. Waxaa kaloo ey ka wada hadleen xaaladda wada xaajoodka,dadaaladda socdo ee xabad joojinta Marinka Gaza,masuuliyadda koowaad ee lagu gaaraayo xabad joojin iney la jiifto Isra’iil iyo arrinta ogolaanshaha gargaarka bani’adanimo oo dheeraad ah in la gaarsiiyo shacabka ku dhibaateysan Marinka Gaza.
ISHA/AA.
MASAR OO KU SOO BIIRTAY MAXKAMDAYNTA ISRA’IIL.
(SAWIR)-KA. MAXKAMADDA ICJ.
(QAHIRA)-Dalka Masar ayaa sheegay inuu biiri doono dacwada Xasuuqa ah oo ey Koonfur Afrika u gudbisay Maxkamadda Caalmaiga ah ee Cadaaladda(ICJ) ee ka dhanka ah Isra’iil taaso ku aadan weerarkii dhimashada badnaa ey Isra’iil ka gaysatay Marinka Gaza. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in talaabadani ey imaaneyso “iyadoo la eegaayo darnaanta sii kordhaysa iyo baaxadda weerarada Isra’iil ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee reer Falastiin ee ku sugan Marinka Gaza iyo beegsiga joogtada ah ee dadka rayidka ah iyo burburinta kaabayaasha dhaqaalaha”. “Falalkani waxa ey ka kooban yihiin Xadgudubyo bareer ah kuwaaso ka dhan ah sharciyadda caalamiga ah,sharciga bani’adanimadda iyo Axdiga afaraad ee Geneve ee ku taariikheysan 1949-kii kaaso ku saabsan ilaalinta dadka rayidka ah waqtiga dagaalka” ayaa lagu qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Masar. Dalka Masar ayaa ugu baaqay Isra’iil oo ah awooda haysata dhulka dagaalku ka socdo iney u hogaansanto waajibaadkeeda eyna fuliso tilaabooyinka ku meel gaarka ah ey codsatay Maxkamadda ICJ si loo xaqiijiyo bixinta gargaarka Bani’adanimo ee Marinka Gaza.
ISHA/AA.
ISRA’IIL OO WEERARATAY GURI KU YAALO DEER AL-BALAX.
(SAWIR)-KA.GOOBTA LA WEERARAY.
(GAZA)-Kooxaha difaaca madaniga ee Marinka Gaza ayaa ku dhawaaqay maanta oo Sabti ah in kooxuhu ey soo saareen sagaal qofood oo Meyd ah iyo dhawr qofood oo dhaawac ah oo uu ku jiro ilmo yar,taaso ka dhalatay weerar duqeyn ah ey ciidamadda Isra’iil ku qaadeen guri ku yaalo bartamaha degaankaas. “Kooxaha difaac Madaniga ah waxay awoodeen iney soo helaan Meydadka sagaal qofood waxayna soo badbaadiyeen ilmo yar iyo tira dad ah oo dhaawacan ka dib markii ey diyaaraduhu beegsadeen guriga qoyska AL-Louh ee ku yaalo Xerada Qaxootiga Deer AL-Balax”ayaa lagu yiri bayaanka. Dad Goobjoogayaal ah ayaa Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay in duqeynta Isra’iil ey sababtay burburka gurigaas,waxaane guriga soo gaaray burbur aad u xoogan iyo hanti fara badan oo baaba’aday.
ISHA/AA.
GAZA OO LAGA HELAY XABAALO WADAREEDYO CUSUB.
(SAWIR)-KA.BURBURKA SOO GAARAY DHISMAYAASHA GAZA.
(GAZA)-Waxaa maalinba maalinta ka dambaysa soo shaac baxaayo dembiyada ka dhashay qabsashada Marinka Gaza. Sabtida maanta ah(11/5/24)-ka,Wasaaradda Caafimaadka Marinka Gaza ayaa shaaca ka qaaday iney heshay 80-Meyd oo ku jira Xabaal Wadareed ku yaalo barxadda Xarunta caafimaadka ee Shifa’a iyo tobaneey Meydad ah oo ku hoos jira qeybaha dhismaha. Shir jara’id ey ka qeyb yihiin kooxaha difaac shacabka iyo Takhaatiirka baarta Meydadka waxa ey u dhinteen ee Marinka Gaza ayaa lagu soo bandhigay Meydadka la soo helay,Wasaaradu waxay tiri “Ilaa hadda waxaan helnay in ka badan 520-Meyd oo ku jiray todobo Xabaal Wadareed oo ku yaalo Isbitaaladda Marinka Gaza,waxaan burburka dhismayaasha ku hoos jira in ka badan 10-kun qofood oo aan weli laga soo saarin ilaa hadda. Wasaaradda ayaa hadalkeedii sii raacisay “Waxaan soo helanay Meydad go’o-go’ay ka dib markii la dul mariyey gaadiidka dagaalka ee Isra’iil,waxaane soo helnay madaxyo dad oo aan jirka intiisa kale eysan la socon kuwaaso lagu aasasay Xaablo wadareed ku yaalo Xarunta Isbitaalka AL-shifa’a. Baaritaan lagu sameeyey Meydadka la soo helay ayaa lagu ogaaday in Meydadku ey yihiin bukaankii jiifay Isbitaalka Shifa’a kuwaaso heli waayey daawadii ey u baahnayeen”. Intaas waxaa dheer Wasaaradu waxa ey ugu baaqday hayadaha caalamiga ah iney si deg deg ah u soo farageliyaan si loo ilaaliyo xarumaha caafimaadka ee Marinka Gaza lagana hortago xasuuq cusub iyo in si dhaqsi ah loo sii daayo shaqaalaha caafimaadka ee u xiran Isra’iil. Warbixinta maalinlaha ah ey soo saarto Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza laguna tirakoobo dhimahsada iyo dhaawaca soo gaara dadka shacabka ah ee reer Falastiin ayaa maanta oo Sabti ah waxaa lagu sheegay amaba shaaca looga qaaday in tirada dhimashada dagaalka Marinka Gaza ey ilaa hadda ku geeriyoodeen dad gaarayo ilaa 34.791-Qof,eyna ku dhaawacmeen 78,641-Qof tan iyo markii uu soo bilawday dagaalka Marinka Gaza kuna beegan 7/10/2023-kii. Warbixinta ayaa sharaxday in Isra’iil ey maanta kaligeed ey gaysatay afar Xasuuq oo ka dhan ah Qoysaska Marinka Gaza,waxaane ku dhintay 28-Qof,waxaane ku dhaawacmay 69-Qof oo la dhigay Isbitaaladda 24-kii saac ee la soo dhaafay.
ISHA/AP.
KOONFUR AFRIKA OO MAR KALE KU DHEGAN ISRA’IIL.
(SAWIR)-KA. WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA ISRA’IIL PANDOR.
(K/AFRIKA)-Dalka K/Afrika ayaa maanta oo Jimca ah waxa ey codsi deg deg ah u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICJ) si Isra’iil looga qaado talaabooyin dheeri ah iyadoo ey socdaan weeraro ey Isra’iil ku qaadeyso Gaza gaar ahaan magaaladda Rafax,magaaladaan ayaa hooy u ah in ka badan hal milyan oo reer Falastiin ah kana barakacay dagaalka Marinka Gaza. Dalka K/Afrika ayaa sheegay in tilaabooyinkaan ku meel gaarka ah ey horay u muujisay Maxkamaddu eysan awood u lahayn iney si buuxdo wax uga qabato xaaladahaan sbedelay iyo xaqiiqooyinkaan cusub ee lagu aasaasay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayey K/Afrika hadalkeeda ku tiri. Ciidamadda Isra’iil ayaa Talaadadii xoog ku galay oo qabsaday dhanka Falastiin ee marinka Rafax ee ey la wadaagtodalka Masar,iyagoo xiray albaabka kaliyah ee Falastiiniyiinta Gaza ka soo geli jireen caalamka. “K/Afrika waxay ka codsaneysaa Maxkamadu iney muujiso talaabooyin ku meel gaar ah oo dheeraad ah oo ey wax ka bedesho talaabooyinkii hore ee ku meel gaarka ahaa”ayey K/Afrika raacisay hadalkeedii.
ISHA/AA.
AMIIRKA DALKA KUWEYT OO KALA DIRAY BAARLAMAANKA.
(SAWIR)-KA. AMIIRKA DALKA KUWEYT MESHCAL.
(KUWAIT)-Amiirka dalka Kuweyt Sheekh Meshcal AL-Axmed AL-Jaabir AL-Sabaax ayaa maanta oo Jimca ah kala diray Baarlamaanka dalka Kuweyt, waxa uuna Amiirku laalay qodobo ka mid ah Dastuurka dalka Kuweyt. Khudbad uu Amiir Meshcal ka sii daayey Telefishan Qaranka Kuweyt ayuu ku amray in la joojiyo qaar ka mid ah qodobadda dastuuriga ah wax ka badan afar sano, Amiir Meshcal ayaa talaabadaan ku tilmaamay mid adag isla markaasne lagu badbaadinaayo dalka Kuweyt,laguna xaqiijinaayo danihiisa sare. Amiirka dalka Kuweyt, Amiir Meshcal ayaa intaa ku daray in dalka Kuweyt ey soo wajahday dhibaato iyo caqabado aan loo adkaysan karin,isagoo ka hadlay khilaafka u dhexeeyo Xukuumadda iyo Baarlamaanka ee sababay in xukuumadda ey xukunka ka degto dhawr jeer. Sannadihii la soo dhaafay waxaa inta badan xiisad ka dhex taagneed xiriirka Xukuumadda iyo Baarlamaanka Kuweyt,taaso keentay in dhawr jeer ey iscashiso Xukuumadda dalka Kuweyt amaba xilka laga qaado.
ISHA/AA.
GOLAHA AMNIGA ISRA’IIL OO ANSIXIYEY IN LA WEERARO RAFAX.
(SAWIR)-KA. MAGAALADDA RAFAX.
(WASHINGTON)-Iyadoo ey sii kordhayso walaaca Maraykanka ee ku saabsan xaaladda Bani’adanimo ee magaaladda Rafax ayuu Golaha Amniga Isra’iil wax uu xalay Ansixiyey Balaarinta Aaga hawlgalka ee ciidamadda difaac Isra’iil ee Koonfurta Magaaladda Gaza,sida laga soo xigtay seddex ilood oo xog-ogaal ah. Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa todobaadkan sheegay in haddii Isra’iil ey weerarto magaaladda Rafax halkaaso ey ku nool yihiin gabaadne u ah in ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah oo soo barakacay ayuu Maraykanku sheegay inuu joojin doono inuu Isra’iil siiyo Madaafiicda,Bambooyinka diyaaradaha dagalaaka iyo hubka kale ee wax lagu weeraro,laba ilo wareed ayaa sheegay in tani tahay balaarinta la qiyaasay oo aan ka gudbin khadka cas ee Biden. Isha seddexaad ayaa sheegtay in balaarinta Aaga hawlgalka dagaalka ee xalay la Ansixiyey ey ku jiraan ficilo uu Maraykanku uu u fasiran karo in Isra’iil ey ka gudubtay khadka Cas ee Biden. Isra’iil waxa ey ku andoceynaysaa in magaaladda Rafax ey tahay meeshii ugu dambaysay ey gacanta ku hayaan Xarakadda Xamaas.
ISHA/AXIOS.